Home Blog Page 1381

Madaxweyne ay si weyn u diidan yihiin Maraykanka iyo Reer Galbeedka oo maanta markii sedexaad xilka loo dhaarinayo

Jimco 10, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo xafiiska joogay tan iyo 2013-kii ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah markii sedexaad loo dhaariyo xilka, inkastoo mucaaradad xoog leh ay kaga imaanayso gudaha iyo dibaddaba.

Hoggaamiyaha mucaaradka Maria Corina Machado oo dhuumasho ku jirtay ayaa dibadda is keentay iyadoo hoggaaminaysay isu soo baxyadii shalay ka dhacay caasimadda Caracas sida ay ku warantay wakaaladda warrarka ee AFP.

Hoggaamiyahan ayaa muddo kooban xirnayd kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada oo mugdi badan iyo wax isdaba marin hareysay.

Dawladda ayaa diiday eedeynta xariga.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay hoggaamiyayaasha mucaaradka halgamayaal xornimo doon.

Waxa uu yiri “waa in aan la dhibaatayn, waa in ay nabad ahaadaan oo ay noolaadaan” ayuu ku qortay barta bulshada ee loo yaqaano True.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Trump waxa uu cunaqabtayno ad adag ku soo rogay taliska madaxweyne Maduro oo uu sheegay in uu ka horyimid nidaamka dimoqaraadiyada.

Cunaqabataynada qaar ayaa waxa qaaday madaxweynihii isaga badalay ee Joe Biden, waxana laga yaabaa in Trump uu markale soo celiyo.

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10-01-2025}

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Beerayaal.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Beerayaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Muxuu ka yiri Guddoomiye Xirsi Wadahadalno Soomaaliya.?

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha xisbiga talada haayo ee Soomaaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa iska difaacay eedo loo soo jeediyay oo sheegayay in uu Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamud.

Xirsi ayaa sheegay in safar uu dhawaan ku tagay dalka Jabuuti aanu kula kulmin Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana hadii ay wada hadlayaan ay barnaamijka xisbigooda ku jirto oo ay toos u wadahadlayaan.

“Waxa aan arkayay qolo lahayd Xirsi ayaa Xasan Sheekh la shiray horta ismanaan arag Xasan Sheekh, iimana qorshaysnayn, imana baahnayn in aanu is aragno, hadii aanu u baahano barnaamijkayaga ayay ku qornayd in aanu wadahadal la galayno ee u dhuumanmayno” ayuu yidhi Xirsi.

Mudaharaado lagaga soo horjeedo safarka Xirsi ee Jabuuti ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Hargaysa, mudaharaadyaasha ayaa ku andacooday in guddoomiyuhu uu si qarsoodi ah ula kulmay Madaxweyne Xasan oo ay ku wada suganaayeen caasimada dalkaas.

Dhinaca kale, waxa ay kasoo horjeedsadeen in uu safar ku tago dalka Jabuuti oo xurgufi sannadkii u danbeeyay ka dhaxaysay Somaliland, dadwaynaha ayaa sheegay in Xirsi uu galay booskii wasiirka arrimaha dibadda taasina ay tahay qalad.

Xirsi oo kamid ahaa xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa kamid ahaa dadkii horseedka ka ahaa in uu wadahadal dhexmaro Somaliland iyo dowlada Soomaaliya markii ugu horaysay.

Lakiin kadib guuldarada kulamo badan oo muddo 10 sanno ka badan dhex maray labada dhinac, waxa jira dad badan oo wakhti lumis u arka in wadahadalada lasii wado.

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN” Nin Caan ah oo Lagu Dilay Baladweyne

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} FAAH FAAHIN” Nin Caan ah oo Lagu Dilay Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Galmudug iyo Puntland oo billaabay ineey kala qaadaan Malleeshiyaad kii dhawaan wada Dagaalamay.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Galmudug iyo Puntland oo billaabay ineey kala qaadaan Malleeshiyaad kii dhawaan wada Dagaalamay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN:- Weerar lagu qaaday Xabsiga Magaalada Gaalkacyo.

0

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} FAAH FAAHIN:- Weerar lagu qaaday Xabsiga Magaalada Gaalkacyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Jubbaland Cabinet accuses federal government of politicizing humanitarian aid and flights.

0

Friday Jan 10, 2025 {HMC} The Jubbaland State cabinet has accused Somalia’s federal government of diverting international humanitarian aid for vulnerable communities in Jubbaland to fund armed conflicts within the region.

In a Thursday meeting in Kismayo, the council alleged that aid funds and resources have been misappropriated to organize violent clashes in parts of Jubbaland.

The accusation comes despite the federal government recently dispatching 300 tons of food aid, part of a 700-ton shipment donated by the United Arab Emirates (UAE), to the Jubbaland.

The cabinet also condemned the Somali Civil Aviation Authority for allegedly politicizing air travel. According to Jubbaland officials, civilian flights from Jubbaland airports have been suspended under pressure from the federal government, which has reportedly influenced airlines not to operate in Jubbaland cities. The regional administration further accused the federal government of halting development projects in the state.

In November 2024, Jubbaland suspended cooperation with Mogadishu following a contentious dispute over local elections. The regional administration re-elected Ahmed Mohamed Islam Madobe as president for a third term during that period, deepening the divide between the two governments.

Jubbaland, one of Somalia’s five semi-autonomous states, shares borders with Kenya and Ethiopia. The ongoing tensions between the regional and federal administrations highlight broader challenges in Somalia’s federal structure, where competing political interests often undermine efforts to address humanitarian and development needs.

Maxaa Looga Hadlay Kulan Qaahir ee Soomaaliya iyo Masar

Jimco 10, Jan 2025 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar. Intii uu halkaas joogay, Wasiirku waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Mudane Abdul Majeed Saqr.

Xoojinta Iskaashiga Dhanka Ciidanka iyo Amniga
Labada masuul ayaa xoogga saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada ciidanka iyo ammaanka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay isdhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan horumarinta wada-shaqeynta labada dal ee dhanka amniga iyo tababarrada ciidamada.

Wasiir Cabdiqaadir iyo dhiggiisa Masar ayaa sidoo kale ka wada hadlay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM (African Union Somalia Transition Mission). Howlgalkan cusub ayaa ka bilaabmay Soomaaliya 1-dii bishan Janaayo, isagoo beddelay Howlgalka AMISOM. Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo dadaallada amniga iyo nabad-dhisidda ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada Wasiir ay ku nuuxnuuxsadeen in wada shaqeyntan ay muhiim tahay xilligan si loo gaaro himilooyinka amniga iyo horumarinta ciidamada labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Masar taageeradooda joogtada ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaya. Wasiir Abdul Majeed Saqr-na wuxuu ballan qaaday in Masar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarada iyo qalabaynta ciidanka.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu sii wado kulammo la xiriira booqashadiisa shaqo ee Qaahira, isagoo ka qeyb galaya shirar lagu gorfeeyo amniga gobolka iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Afrika.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.01.2025}

Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Moalim Muse

Farsamadii ::Muuse Ali Herrow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO