Home Blog Page 1412

Shiinaha oo faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay dhul gariirka Tibet

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Gobolka Tibet ee dalka Shiinaya, waxaa wali socda howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo kumannaan qof oo wali ku go’doonsan deegaannada uu sida daran u saameeyay dhul garariir xoog leh oo halkaasi ka dhacay Talaadadi.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 6.8 cabirka awoodda dhul gariirrada ayaa ka dhacay gobolka Tibet ee dalka Shiinaha oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyi kaga beegan buurta Everest oo ah buurta ugu dheer aduunka. Gariirka wuxuu sidoo kale ruxay dhismayaal ku yaal Nepal, Bhutan iyo Hindiya oo deriska la ah.

Saraakiisha Shiinaha waxay sheegeen in Talaadadi ilaa iyo saakay oo Arbaca ah lasoo badbaadiyay in ka badan 400 oo qof, halka ilaa 30,000 oo kale dib u dajin loo sameeyay.

Ugu yaraan 126 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul gariirka halka dhaawacyadu ay marayaan 188 guud ahaan gobolka Tibet. Dhanka dalka Nepal wali lama soo sheegin wax dhimasho ah.

Sahan hordhac ah ayaa muujiyay in 3,609 guri ay ku burbureen magaalada Shigatse ee Tibet, oo ay ku nool yihiin 800,000 oo qof.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07.01.2025}

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maamulada isdiidan ayaa isbaarada dhashay iyagana dhinac ayaan isugu shubeynaa”Odayaasha Hiiraan”

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Maamulada isdiidan ayaa isbaarada dhashay iyagana dhinac ayaan isugu shubeynaa”Odayaasha Hiiraan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Halkee Laga Keenay Maandooriyaha Farabadan ee Lagu Gubay Manta Laascaanood?

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Halkee Laga Keenay Maandooriyaha Farabadan ee Lagu Gubay Manta Laascaanood?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sanbaloolshe “Baladweyne Nabad ka dhiga ama Anaga nagu soo wareejiya.”

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Taliye Sanbaloolshe “Baladweyne Nabad ka dhiga ama Anaga nagu soo wareejiya.”

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 07-01-2025.

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan Idinkugu soo Gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Danjiraha cusub ee dhawaan DFS u magacaawday dalka Hindiya oo gudbiyay Nuqul kamida Warqadaha Aqoonsiga

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya u soo magacawday dalka Hindiya , mudane Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa maanta ugudbiyay Nuqul kamida Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo, Agaasimaha Hab maamuuska Qaranka ee dalka India, Mudane Mr. Anshuman Gaur.

Mr. Gaur, ayaa ugu horeyn magaca dowladda Hindiya ku soo dhaweeyay danjiraha cusub.
Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa isna dhiniciisa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo kulanka gudbinta Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo.

Labada masuul ayaa inta uu kulan koodu socday is dhaafsaday xogaha labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya oo ay ka dhaxeeyaan taariikh diblomaasiyadeed oo qoto dheer iyo xidhiidh kale oo bulsho.

Labada masuul ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo sii xoojinta iyo sara uqaadida xiriirka labada dal.

{DAAWO MUQAALKA} Culimada Ahlu-sunna oo baaq kasoo saaray xaalada dalka

Talaado 7, Jan 2025 {HMC}  Culimada Ahlu-sunna oo baaq kasoo saaray xaalada dalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Mid kamid ah Madaxweynayaashii Hiiraan State oo La Heshiiyay Dowladda Soomaaliya.

0

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA  oo uu wehlinaayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa ku guuleystay dhex dhexaadin miro dhal ah oo lagu soo afjaray mad madow siyaasadeed oo mudooyinkii la soo dhaafay u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo horay u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Hiiraan Sate.

Mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasigaan oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan State ayaa salka ku haayay xiriiro qarsoodi ah uu siyaasigaan la sameeyay dowladda Itoobiya oo uu si cad ugu muujiyay garab istaag, iyadoona dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay siyaasigaan inuu ka shaqeynaayay waxyaabo lidi ku ah qaranimada dalka.

Taliyaha NISA ayaa sheegay in maanta ay dhameeyeen isaga iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye wixii mad madow ahaa ee dowladda iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa ka dhaxeeyay.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa dhankiisa sheegay iney si weyn u dhibeysay in deegaanadooda ay ka maqnaadaan siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in lasoo gabagabeeyay waxyaabahii keenay mad madowga siyaasadeed.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi Ganeey oo Ahaa Mid kamid ah Madaxweyneyaashii Sheegtay Hiiraan State ee Maanta La Heshiiyay Dowladda Soomaaliya  ayaa dhankiisa sheegay inuu si hufan uga garaabayo qaladkii horay dhacay, isagoona balan qaaday inuu taageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

{DAAWO MUQAALKA} puntland oo War Cusub kasoo Saartay Howlgalada ka socda Gobolka Bari.

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} puntland oo War Cusub kasoo Saartay Howlgalada ka socda Gobolka Bari.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.