Home Blog Page 1425

Fayras cusub oo lagu magacaabo oo ka dillaacay dalka Shiinaha.

0

Axad 5, Jan 2025 {HMC} Waxa dalka Shiinaha kasoo shaacbaxay fayras cusub oo durba saameeyay kumanaan qof, fayraskan oo ka dilaacay waqooyiga dalka ayaa sababay in isbitaaladu ay buux dhaafaan.

Fayraskan cusub oo loo aqoonsaday Human Metapneumovirus (HMPV), ayaa leh astaamaha hargabka caadiga ah, lakiin wuu ka khatarsan yahay oo waxa uu markiiba weerarayaa neefmareenka, isaga oo sababaya oofwareen.

Ilaa iyo hadda waxa uu aad khatar ugu yahay carruurta ka yar 14 sano.

Calaamadaha fayraskan waxa ka mid ah qufac, qandho, sanka oo xidhma qofka uu haleelo iyo daal badan. Kadib marka uu qofka asiibo, muddada ay calaamadihiisu qofka kaga soo shaacbaxaan waa saddex cisho.

Si ka duwan Covid-19, ma jiro tallaal ama dawo gaar ah oo loogu talagalay HMPV.

Inkasta oo uu caalamku walaac ka muujinayo fayraskan, dowlada Shiinaha ayaa ku tilmaantay xanuun aan dhibaato badan lahayn oo cimilada jiilaalka la socda.

“Waa caabuq ku dhaca neefmareenka, oo kor u kaca xiliga jiilaalka,” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Mao Ning, ayaa sidaas tidhi Jimcihii. “Xanuunkani wuxuu u muuqdaa mid ka khatar yar isla markaana si aan xawli ahayn ku fidaya marka la barbar dhigo sannadkii hore.”

Shiinaha ayaa lagu xasuusta xanuunada Covid-19 iyo Hargabkii Shimbiriha ee SARS. Covid-19 ayaa markii ugu horaysay ka dilaacay gobolka Wuhan ee Shiinaha bishii December ee sannadkii 2019, isaga oo adduunka ku dilay 7 milyan oo qof.

Sidoo kale, caabuqa SARS ayaa ka dilaacay gobolka Guangdong ee Shiinaha bishii Nofeembar 2002, isaga oo dad badan ku dilay adduunka.

Six SNA soldiers killed in El-Baraf district buried in Beledweyne town.

Sunday 5,Jan. 2025 {HMC} Six federal government soldiers killed by clan militia fighters in the Middle Shabelle region were laid to rest on Sunday in Beledweyne, the capital of the Hiran region.

The funeral followed a burial agreement reached by Hawadle and Abgal traditional elders despite lingering tensions over justice for the slain soldiers.

The soldiers, identified as Abdikafi Ali Cabdulle, Bile Xasan Cabdulle Sabriye, Abdi Abdullahi Adan, Farhaan Xasan Ali Cadow, Abshir Hussein Jimcaale, and Muhiyidiin Cabdulle Wehliye, were killed in El-Baraf district while on leave, travelling to visit their families in Hiiraan region.

The burial was attended by prominent officials, including the Director of the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Sanbalolshe, army chief General Odowaa Yusuf Raagge, and traditional elders and family members.

The Somali military court has issued arrest warrants for 14 suspects connected to the killings, while Prime Minister Hamse Abdi Barre has ruled out resolving the case through clan negotiations. “Accountability and justice are paramount,” the prime minister emphasized in recent remarks.

Initially, elders in Beledweyne had resisted burying the soldiers until the perpetrators were apprehended. However, the agreement to proceed with the funerals is seen as a significant step toward de-escalating the situation while maintaining public pressure for justice to be served.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka dib u xoreynta deegaanka Gobalka Hiiraan oo ka warbixiyay howlgal ka dhan ah AS.

Axad 25, Jan 2025 {HMC} Ciidanka dib u xoreynta deegaanka Gobalka Hiiraan oo ka warbixiyay howlgal ka dhan ah AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kala socotaa Foolkaanada iyo dhul gariirka ka dhacay Itoobiya?.

Axad 25, Jan 2025 {HMC}  Maxaa kala socotaa Foolkaanada iyo dhul gariirka ka dhacay Itoobiya?.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

Axad 25, Jan 2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOSKA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN 

{DAAWO MUQAALKA} Bashiir Goobe oo darajada S/gaas u xiray Taliye Shub

Axad 25, Jan 2025 {HMC}   Bashiir Goobe oo darajada S/gaas u xiray Taliye Shub

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {05-01-2025}

Axad 5, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow  iyo Sahra Gabre

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Magaalada Tel Aviv oo Weerar culus oo Gantaalo ah lagu qaaday

Axad 5, Janaury 2025 {HMC} Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa saakay oo Axad ah weerar culus oo gantaalo ah waxa ay ku weerareen qeybo kamid ah magaalada Tel Aviv ee caasimada maamulka Israa’iil, waxaana duqeyntan sababtay kala carar.

Gantaalada kooxda Xuutiyiinta saakay ku weerareen caasimadda Israa’iil ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaana mar qura is qabsaday dhawaaqa ka diga gantaalada, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Tel Aviv.

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa marar badan weeraro gantaalo qaarkood khasaaro geesteen ku qaaday gudaha Israa’iil, waxa ayna weeraradan Xuutiyiinta sheegeen in ay yihiin kuwa ay ku garab istaagayaan kooxda Xamaas.

Dhinaca kale warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay saddex weerar oo duqeymo cirka ah ka geysteen bariga magaalada Saada ee waqooyi-galbeed ee Yemen, mana sheegin khasaaraha weeraradaasi ka dhashay.

{DAAWO SAWIRADA} Ciidankii lagu Dilay Ceel Baraf oo Maanta lagu Aasay Baladweeyne

Axad 5, Janaury 2025 {HMC} Waxaa saakay qabuuraha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu aasay , askartii katirsaneyd ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwaa oo qaab foolxun oo aano qabiil ah loogu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Meydadka askarta ayaa waxaa salaada janaasada lagula dukaday magaalada Baladweyne, waxaana salaada janaasada qeyb ka ahaa wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya, xildhibaanno, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo odayaal dhaqmeed kala duwan.

Salaada janaasada markii lagu dukaday meydadka askarta katirsanaa ciidanka xoogag dalka ayaa lagu aasay qabuuro kuyaalla magaalada Baladweyne, waxaana aaska ka qeyb galay dadweyne kala duwan iyo ciidamo saaxiib la ahaa askarta la laayay.

Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ayaa shalay aqbalay in la aaso meydaka askrta la dilay lagana heshiiyo dhibkii dhacay, waxaana xal u raadinta xiisada ka dhalatay dilka askartan dedaal badan ku nixiyay wasiirro, xildhibaanno, taliyaha ciidanka NISA iyo odayaal dhaqmeedyo kala duwan.

Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda beesha Abgaal , ayaa deegaanka Ceelbaraf ku dilay lix asari oo katirsanaa ciidanka xoogag dalka, kuwaa oo qabiil ahaan kasoo jeeday beesha Xawaadle, waxaana askartaasi loo dilay aano qabiil.

{DAAWO MUQAALKA} “Askartii Qaranka ee la xasuuqay waa aasnay ee dib haloogu noqda furumaha” Odayaal…

Axad 25, Jan 2025 {HMC}   “Askartii Qaranka ee la xasuuqay waa aasnay ee dib haloogu noqda furumaha” Odayaal…

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA