Home Blog Page 1430

Fanaanka Qamar Suuggaani oo Magaalada Hargeysa Lagu Jir Dilay.

0

Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Fanaanka Qamar Suuggaani ayaa xalay lagu garaacay xaafadda Jigjigayar ee magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in dhallinyaro koox ahi ay dhibaateeyeen.

Qamar Suuggaani, oo waraysi gaar ah siiyay Bakayle Media, ayaa tilmaamay in koox dhallinyaro ahi kusoo yaaceen oo ay garaaceen xilli uu kasoo baxay xaflad aroos oo uu ka tumayay.

“Aniga oo kasoo baxay aroos ka dhacayay Crown Hotel, waxay indhahaygu mar qudha qabteen dad badan oo igu soo yaacaya. Intii taagtayda ah waan is difaacay, laakiin maadaama oo ay dadku badnaayeen, waan iska caabin kari waayay,” ayuu yidhi Qamar Suuggaani.

Waxa uu sheegay in niman dhallinyaro ahi ay garaaceen, isla markaana ay weydiinayeen sababta uu u yimid xaafadda Jigjigayar. Waxa uu sidoo kale xusay in dhallinyarada dhibka u gaysatay si fiican loo garanayo, maadaama meesha uu dagaalku ka dhacay ay kaamarado ku xidhnayeen.

Mar wax laga waydiiyay in uu laamaha ammaanka u dacwooday kadib dhacdadan, waxa uu ku jawaabay: “Laamaha ammaanka ayay ka tirsanaayeen dhallinyarta i soo weerartay, sida aan warka ku maqlayay. Waa sirdoonkii leexsanaa iyo waxbaan maqlayay.”

Fannaanka ayaa sannadihii u dambeeyay la kulmayay dhacdooyin sidan oo kale ah. Hore ayaa loogu garaacay Hargeysa, waxa lagu garaacay Jabuuti, Diridhaba, iyo magaalooyin kale. Waxa dad badan ay is weydiinayaan sababta magaalada uu tago ba loogu weeraro oo loogu jir dilo.

Bulshada, oo hore uga war haysay weeraradii hore ee fannaanka lagu qaaday, ayaa xalay ka war heshay muuqaal muujinaya isaga oo la garaacayo.

Masar iyo Uganda oo kawada hadlay Howgalka cusub ee Soomaaliya.

0

Sabti 4, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ka wada hadlay Jimcihii dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo xabbad-joojin laga sameeyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Madaxtooyada Masar ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Al-Sisi uu khadka taleefoonka kula hadlay Museveni, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay uga goantahay in Soomaaliya ku garab istaagaan madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen, sida lagu sheegay bayaanka, “lama huraannimada isuduwidda doorka muhiimka ah ee hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya si uu u taageero dowladda Soomaaliya.”

Bishii August ee la soo dhaafay, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qalab iyo ciidan Masar ay soo gaareen caasimadda Muqdisho, si ay ugu diyaar garoobaan ka qeybgalka Masar ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo la qorsheeyay in sanadkaan uu bilowdo maadama mesha ay ka baxday howlgalkii (ATMIS).

Dabayaaqadii bishii Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in shixnad gargaar ah oo katimid Masar ay soo gaareen Muqdisho, taasoo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya, laguna dhisayo awoodooda.

{DAAWO MUQAALKA} Trump oo lagu wado in la xukumo xilli xilka Madaxweynaha loo dhaarin rabo

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Trump oo lagu wado in la xukumo xilli xilka Madaxweynaha loo dhaarin rabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ganacsi ku Hanti Beeshay Dab ka Kacay Suuqa Gaalkacyo iyo Masuuliyiin ka hadlay

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Ganacsi ku Hanti Beeshay Dab ka Kacay Suuqa Gaalkacyo iyo Masuuliyiin ka hadlay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo deeq raashin ah gaarsiisay maamulka SSC-KHAATUMO.

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo deeq raashin ah gaarsiisay maamulka SSC-KHAATUMO.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HOOSKA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN 

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-01-2025}

Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Ahmed Hussin iyo Sahra Gabre

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Nolol ama geeri ha lagu keeno dadkii Askarta ku laayay Ceelbaraf”Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.”

0

Sabti 4′ Jan 2025 {HMC} Nolol ama geeri ha lagu keeno dadkii Askarta ku laayay Ceelbaraf”Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxuu yahay Xukunka qofkii dhaqaalo ku taageero Dagaal Beelledyada.?

0

Sabti 4′ Jan 2025 {HMC} Maxuu yahay Xukunka qofkii dhaqaalo ku taageero Dagaal Beelledyada.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Puntland oo Maalintii labaad wado Howlgalo qorsheeysan oo gobolka Bari.

0

Sabti 4′ Jan 2025 {HMC} Ciidamada Puntland oo Maalintii labaad wado Howlgalo qorsheeysan oo gobolka Bari.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA