Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo Balan-qaad weyn usameeysay Dhalinyarada Ciyaartooyda Garbahaarey.
{DAAWO MUQAALKA} Fanaanka Caanka ah ee Qamar Suuggaani oo Markale Hargeysa Lagu Jir Dilay
Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Fanaanka Caanka ah ee Qamar Suuggaani oo Markale Hargeysa Lagu Jir Dilay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Masar iyo Uganda oo kawada hadlay Howgalka cusub ee Soomaaliya.
Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Masar iyo Uganda oo kawada hadlay Howgalka cusub ee Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka wada Hadleeyn Ciidamada Puntland Shacabka Gobolka Bari.?
Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Maxay ka wada Hadleeyn Ciidamada Puntland Shacabka Gobolka Bari.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Haweenka Beesha Xawaadle ee Banaadir oo manta Baladweyne soo Gaartay
Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Gudoomiyaha Haweenka Beesha Xawaadle ee Banaadir oo manta Baladweyne soo Gaartay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Qaramada Midoobay oo sheegtay inay kor u kaceen beegsiga shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Soomaaliya
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weerarrada lala beegsanayo shaqaalaha gargaarka ah ee sahayda bani’aadamnimo keena Soomaaliya.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in wadar ahaan 62 dhacdo oo beegsi ah ay ka dhaceen dalka oo dhan intii u dhaxeysay bilihii Oktoobar iyo Disembar 2024, taasoo ka tarjumaysa koroka 8.8 boqolkiiba marka loo eego rubucii saddexaad ee sannadkii tagay ee 2024.
“Rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha, hantida, iyo xarumaha bini’aadantinimada ayaa ahaa kuwo si joogto ah u sarreeya, taasoo muujineysa khataraha joogtada ah ee shaqaalaha gargaarka iyo agabka,” ayay OCHA ku tiri warbixinteeda bini’aadantinimo ee la sii daayay.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada howlgallada ciidamada iyo colaadaha socda ee carqaladaynayaan hawlaha bani’aadanimo ee Soomaaliya.
Sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee gargaarka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan rayidka iyo shaqaalaha ka howlgala deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ee dalka.
Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo loo diiday in garoonka Muqdisho ka dhoofo
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa saakay ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa nabbadsugida waxa ay u diideen in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli uu kusii jeeday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qoraal uu Cabfifitaax Xasan Afrax soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in saraakiil katirsan ciidanka NISA ku wargaliyeen in uusan u dhoofi karin magaalada Baladweyne lagana reebay safarkii uu halkaasi ku tagi lahaa.
Waxa uu sheegay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan in dowladda Soomaaliya kula kacday xadgudub iyo colaadin, waxa uuna falkan lagula kacay ku wargaliyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, waxa uuna ku tilmaamay falka lagula kacay wax ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dalka.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaana caddeeyay in falka lagula kacay wax kasta oo xumaan ah oo ka dhashay ay masuuliyeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay in falka lagula kacay uu yahay wax aad looga xumaado.
Dowladda Soomaaliya ,ayaan ka hadlin eedeyntan ka timid guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, waxaana falkan uu imaanayaa xilli gobolka Hiiraan ay joogaan taliyaha ciidanka NISA iyo masuuliyiin kale, kuwaa oo xal u raadinaya askartii lagu laayay deegaanka Ceelbaraf.
Haweeneyda ugu da’da weyn adduunka oo geeriyootay
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Haweeney u dhalatay dalka Japan, oo diwaanka Guinness World Records uu u aqoonsaday haweeneyda ugu da’da weyn adduunka, ayaa geeriyootay iyadoo 116 jir ah.
Tomiko Itooka ayaa ku geeriyootay guri dadka da’da ah lagu xannaaneeyo oo ku yaalla magaalada Ashiya.
Waxay noqotay qofka ugu da’da weyn adduunka kadib markii Maria Branyas Morera oo Spain u dhalatay ay geeriyootay bishii August 2024 iyadoo jirtay 117.
Ms Itooka ayaa dhalatay May 1908 – lix sano kahor Dagaalkii Koowaad ee Adduunka iyo isla sanadkii gaariga nooca Ford Model T lagu daah-furay Mareykanka.
Bishii September 2024 ayaa la xaqiijiyay inay tahay qofka ugu da’da weyn adduunka.
Fanaanka Qamar Suuggaani oo Magaalada Hargeysa Lagu Jir Dilay.
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Fanaanka Qamar Suuggaani ayaa xalay lagu garaacay xaafadda Jigjigayar ee magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in dhallinyaro koox ahi ay dhibaateeyeen.
Qamar Suuggaani, oo waraysi gaar ah siiyay Bakayle Media, ayaa tilmaamay in koox dhallinyaro ahi kusoo yaaceen oo ay garaaceen xilli uu kasoo baxay xaflad aroos oo uu ka tumayay.
“Aniga oo kasoo baxay aroos ka dhacayay Crown Hotel, waxay indhahaygu mar qudha qabteen dad badan oo igu soo yaacaya. Intii taagtayda ah waan is difaacay, laakiin maadaama oo ay dadku badnaayeen, waan iska caabin kari waayay,” ayuu yidhi Qamar Suuggaani.
Waxa uu sheegay in niman dhallinyaro ahi ay garaaceen, isla markaana ay weydiinayeen sababta uu u yimid xaafadda Jigjigayar. Waxa uu sidoo kale xusay in dhallinyarada dhibka u gaysatay si fiican loo garanayo, maadaama meesha uu dagaalku ka dhacay ay kaamarado ku xidhnayeen.
Mar wax laga waydiiyay in uu laamaha ammaanka u dacwooday kadib dhacdadan, waxa uu ku jawaabay: “Laamaha ammaanka ayay ka tirsanaayeen dhallinyarta i soo weerartay, sida aan warka ku maqlayay. Waa sirdoonkii leexsanaa iyo waxbaan maqlayay.”
Fannaanka ayaa sannadihii u dambeeyay la kulmayay dhacdooyin sidan oo kale ah. Hore ayaa loogu garaacay Hargeysa, waxa lagu garaacay Jabuuti, Diridhaba, iyo magaalooyin kale. Waxa dad badan ay is weydiinayaan sababta magaalada uu tago ba loogu weeraro oo loogu jir dilo.
Bulshada, oo hore uga war haysay weeraradii hore ee fannaanka lagu qaaday, ayaa xalay ka war heshay muuqaal muujinaya isaga oo la garaacayo.
Masar iyo Uganda oo kawada hadlay Howgalka cusub ee Soomaaliya.
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ka wada hadlay Jimcihii dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo xabbad-joojin laga sameeyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.
Madaxtooyada Masar ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Al-Sisi uu khadka taleefoonka kula hadlay Museveni, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay uga goantahay in Soomaaliya ku garab istaagaan madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen, sida lagu sheegay bayaanka, “lama huraannimada isuduwidda doorka muhiimka ah ee hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya si uu u taageero dowladda Soomaaliya.”
Bishii August ee la soo dhaafay, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qalab iyo ciidan Masar ay soo gaareen caasimadda Muqdisho, si ay ugu diyaar garoobaan ka qeybgalka Masar ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo la qorsheeyay in sanadkaan uu bilowdo maadama mesha ay ka baxday howlgalkii (ATMIS).
Dabayaaqadii bishii Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in shixnad gargaar ah oo katimid Masar ay soo gaareen Muqdisho, taasoo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya, laguna dhisayo awoodooda.



