Home Blog Page 1428

{DAAWO MUQAALKA} Qiimaha Sanadkan Lagu Xajindoono oo La shaaciyay.

Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo ka duuleysa halbeegga ah Xaj qiimihiisu jaban yahay, adeegiisuna wacan yahay in ay Wasaaraddu u xilsaartey guddi khubarro ah inay daraasaad iyo qiimeyn kusoo sameeyeen sicirka adeegyada kala duwan ee xajka ee ay sanadkan ku xajjin doonaan Xujeyda Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

Mareykanka oo Sanadkan Soomaaliya Ku Taageeridoono $28 Milyan oo Dollar.

0

Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay 28 milyan oo doolar oo dheeri ah oo lagu taageerayo barnaamijyada adkeysiga degdega ah iyo kuwa muddada dheer ee Soomaaliya.

Rechard H.Riley Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay hindisahan mar uu shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in ujeedka arintaani ay tahay si kor loogu qaado sugnaanta cuntada iyo xasilloonida dhaqaalaha.

Maalgelintaan ay bixineyso Dowladda Mareykanka ayaa waxay taageeri doontaa laba mashruuc oo waaweyn oo shan sano socon doona.

Midka kowaad wuxuu diiradda saarayaa hab-nololeed waara, iyadoo la siinayo tababaro iyo agabka beeraha, maareynta xoolaha, iyo horumarinta ganacsiga yaryar si ay uga faa’iideystaan ​​in ka badan 80,000 qoys, ama ku dhawaad ​​500,000 shakhsi.

Halka Mashruuca labaad waxa uu kor u qaadayaa xoojinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo helitaanka maalgelinta yar yar, ka caawinta bulshooyinka si loo yareeyo jahawareerka dhinaca dhaqaalaha ka haysta.

Danjire Riley ayaa iftiimiyay baahida muhiimka ah ee loo qabo dadaallada dib u dhiska ee dalka ay aafeeyeen abaaro, colaado, iyo cunto yari.

Mashruucyadaan, oo ay kormeerto hayada USAID, ayaa waxaa la marsiin doonaa dowladaha hoose, NGO-yada, iyo ururada bulshada si wax looga qabto baahiyaha gobolka loona hubiyo fulin wax ku ool ah.

Hindisahani waxa uu ka tarjumayaa isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan kobcinta xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.01.2025}

Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herrow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} 25 gaari oo sida shixnad gargaar raashin ah oo ku wajahan Galgaduud.

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} 25 gaari oo sida shixnad gargaar raashin ah oo ku wajahan Galgaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhibaatada ka jirto Baladweyne Xildhibaan Raaxeeya ayaa qeeyb ka ah.”Xildhibaan Ciileey.”

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Dhibaatada ka jirto Baladweyne Xildhibaan Raaxeeya ayaa qeeyb ka ah.”Xildhibaan Ciileey.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Beegsiga shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Kor dhacy.

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Beegsiga shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Kor dhacy.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo Guul ka Gaaray Dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan.

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo Guul ka Gaaray Dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 04-01-2025

0

Sabti 4′ Jan 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay 04-01-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xildhibaan Macalimuu “Hirshabelle waxaa la haray Hogaan xumo eber ka hooseeysa”

0

Sabti 4, Jan 2025 {HMC}  Inta badan Xildhibaanadda deegaan doorashadoodu tahay maamulka Hirshabeelle ee sida weyn u dhaliilaya Madaxda maamulkaas Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Maxamed Ibraahin Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanadda laga soo doorto Deegaanada Hirshabeelle ayaa si weyn ugu eedeeyay maamulka Hirshabeelle waxqabad la’aan iyo dib u dhac dhan kasto ah.

Xildhibaan Maxamed Ibraahin Macalimuu war qoraal ah uu soo saaray ayuu ku dhaliilay Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe hoggaan xumo iyo inuu la haray Maamulka Hirshabelle.

”Hirshabelle waxaa la haray Hogaan xumo eber ka hooseeysa, Horukac la’aan heer kasta, Iyo dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn” ayaa ku yiri qoraalka Xildhibaan Macalimuu.

Warkaan uu soo saaray Xildhibaan Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale loogu eedeeyay madaxweynaha Hirshabeelle inuu ku fashilmay hoggaaminta dadkii doortay, waxaana sidoo kale maamulkan ku tilmaamaan siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ku ah inuu yahay maamulada dalka ka jira midka ugu hooseeya.

Maalin ka hor ayeey Aheyd Markii Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale uu ku Edeeyay Maamulka Hirshabelle in ay iska hor keenaan Beelaha Daga Deegaanada uu maamulkaas ka arimiyo.

Maamulka Hirshabelle ayaa ah maamul aad loogu muransan yahay waxaana si weyn uga soo horjeeda dadka reer Hiiraan oo tabasha xoogan ka qaba hanaanka awood qeybsiga maamulkaas tan iyo markii la dhisay sanadkii 2016-kii.

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo Balan-qaad weyn usameeysay Dhalinyarada Ciyaartooyda Garbahaarey.

0

Sabti 04, Jan 2025 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo Balan-qaad weyn usameeysay Dhalinyarada Ciyaartooyda Garbahaarey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA