Home Blog Page 1427

Beledweyne oo maanta Aas-Qaran loogu sameeyno 6-Askari oo lagu dilay degmada Ceel-baraf

Axad 5, Jan 2025 {HMC} 10 maalin kadib waxaa lagu wadaa maanta in Magaalada Baladwayne lagu aaso dhalinyradii ka tirsanaa ciidanka xooga dalka ee sida bahalnimada ah loo dilay deegaanka ceelbaraf.

Saraakiil Ugaasyo Imaamyo Odayaal Siyaasiyiin iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa soo gaaray goobta Saaladda Janaasada lagula dukan rabo Meydadka Askartii CXD ka tirsaneed ee lagu dilay degmada Ceel-baraf oo goordhow lagu wado in Aas-Qaran loogu sameeyo magaalada Beledweyne.

Maanta ayaa lagu wadaa in baladwayne lagu aaso askartii dhawaan algu dilay deegaanka ceelbaraf ee gobolka shabellada dhaxe.

Dhawaan waxaa magaalada baladwayne soo gaaray taliyaha ciidanka xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raagge oo ka qaybgalay aaska maanta loo sameeynaayo dhalinyaradaasi.
Horay waxaan Baladwayne ujoogay Taliyaha nabad sugidda qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo dadaalo uu sameeyay suurta gashay in xiisadan la dajiyo.

Dowllada soomaaliya ayaa sheegtay in falkaasi dadkii ka dambeeyay cadaalada la horkeeni doono Dhacdadaane ay dhaawacday guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo qaaday Tallaabadii ugu horreysay kadib kursiga Golaha Ammaanka.

Axad 5, Jan 2025 {HMC} Soomaaliya oo dhowaan xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka QM, ayaa fadhiggii ugu horreeyey ee ay ka qeyb-gasho ugu baaqday Israa’iil inay joojiso dagaalka Gaza, ayna ixtiraamto shuruucda bani’aadannimada iyadoo u oggolaanaysa in gargaarka la gaarsiiyo malaayiin rayid ah oo dhibaataysan ka hor cimilada qabowga.

Baaqan ayaa waxaa jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan “Baali”, isagoo warbixintii ugu horeysay siiyay Golaha Ammaanka.

Abuukar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Golaha Ammaanka yeeshay oo looga hadlayay Gaza iyo Bariga Dhexe, iyadoo xubnaha Goluhu ay warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka Gaza ka heleen Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk.

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu ka walaacsan yahay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, oo ay dhibaato ka soo gaartay dagaallada iyo macluusha ay Israa’iil ku hayso.

Waxa uu ku booriyay maamulka Israel in ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan isbitaallada ayna sameeyaan dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo in gargaarka nafta lagu badbaadiyo uu gaaro dadka rayidka ah ee gaajaysan ee ku nool dhulka la haysto ee Falastiin.

“Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee Gaza iyo dhibaatada sii socota ee dadka reer Falastiin, taas oo ay ugu wacan tahay colaadda daba dheeraatay ee hadda socota in ka badan 14 bilood,” ayuu Abuukar Baalle ku yiri warbixintiisa.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Falastiin uu ahaa mid naxdin leh oo 94 boqolkiiba xarumaha caafimaadka ee Gaza ay waxyeello u geysatay ama burburisay Israa’iil, kaliya 17 isbitaal ayaa ka soo haray 36 isbitaal oo shaqeynaya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta aysan haysan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida cunno, biyo, hoy iyo dawo, taasi oo ay sabab u tahay go’doominta gargaarka ee Israel ay ku hayso Gaza.

Waxay sheegtay in mid ka mid ah isbitaallada ugu cusub uguna weyn ee la beegsaday uu yahay Kamal Atwan Hospital, oo agaasimihiisa, Dr. Hossam Abu Safiya, ay xireen ciidamada Difaaca Israel.

Soomaaliya ayaa ka digtay in weerarrada joogtada ah ee isbitaallada lagu qaado ay ka dhigan yihiin isir sifeyn lagu sameeyo Falastiiniyiinta.

“Weerarada si ula kac ah loo geystay Cisbitaalka Kamaal Atwan iyo xarumo kale oo caafimaad iyo shaqaale ayaa ah nooc ka mid ah isir sifeyn iyo ciqaab wadareed oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Gaza,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo sheegtay in dhibaatada Israel iyo Falastiin aan lagu xalin karin qaab ciidan oo kaliya, balse ay ku dhamaan karto oo kaliya in la helo dowlad Falastiiniyiin ah oo ay caasimad u tahay magaalada Qudus, sida ku cad go’aanadii hore ee Golaha Ammaanka.

wasiirkii hore arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay Howlgalkan AUSSOM.

Axad 5, Jan 2025 {HMC} Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee la magac baxay AUSSOM ayaa Arbacadii si rasmi ah u howlgalay, waana kan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, inkastoo aan la hubin liiska ugu dambeeya ee dalalka ay ciidamada ka joogayaan Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo BBC-da la hadlay ayaa ka fallooday waxa howlgalkan AUSSOM uu kaga duwanaan karo kuwii hore iyo waxqabadkoodii.

“Wax badan oo farqi ah uma dhexeeyaan is beddelka, balse anigu waxa aan qabaa in wax badan ay na tareen ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka marka ay noqoto dagaalka lagula jiro al-Shabaab ilaa wagii ay yimaadeen, muddada dheer ee ay joogeen mas’uuliyaddeeda waxaa iska leh gaabiska dowlad-dhiska Soomaaliya balse iyagu howlihii loo diray wey qabteen,” ayuu yiri Cawad.

Dhinaca kale Cabdiweli Gurey oo isna ah siyaasi ka fallooda arrimaha Soomaaliya horayna ugusoo tartamay hoggaanka Puntland ayaa isagu qaba aragti taasi ka duwan waxaana uu ka hadlay wixii laga filayay taxanihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta.

“Waxa aad mooddaa arrintan taxanaha ah oo soo bilaabatay 2007-dii, in dareenkii dadku rabay ay ka arkaan ama dowladnimada Soomaaliya lasoo celsho, waxa aad mooddaa in arrkinkaas lagu fashilmay oo aysan suura gelin,” ayuu yiri Cabdiweli.

“Waddamada ka qayb galayay nabad ilaalinta waxa aad mooddaa in ay lahaayeen danahooda gaarka ah, waxyaabihii lalahaa ha qabteen waxa aad mooddaa in aysan wax badan ka qaban sida in la isku dayo in Soomaaliya ay yeelato ciidan isku filan, kuwa hadda cusubna waa la arki doonaa waxa ay falaan,” ayuu sii raaciyay siyaasi Cabdiweli Gurey.

Cawad oo mar kale arrintaasi ka hadlay ayaa yiri, “Ma aha in la isku khaldo mas’uuliyaadka Soomaalida iyo tan caalamiga ah, dabcan dal waliba ciidankiisa isaga ayaa dhista, amni xumaduna waxa ay ka mid tahay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ina haysta.”

Howlgalka ciidamada nabad-ilaalinta ayaa ah mid aan gaarsiineyn guud ahaan dalka, waxaa sidoo kale is weydiin mudan sababta adduunku uusan ugu firfircooneyn maal-gelinta ciidamo Soomaaliyeed.

Blinken oo booqashadiisi u danbeysay ku tagaya Yurub iyo Asiya

Axad 5, Jan 2025 {HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah ay u billaabmeysaa, booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan muddo xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo.

Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arribadda uu madaxda dalalkaasi kula kulmi doono magaalooyinka Seoul, Tokyo iyo Paris laga billaabo maanta oo Axad ah.

Kuuriyada Koofureed ayaa waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol. Halka Japan uu Bilinken safarkiisa diiradda ku saari doono sii xoojinta xiriirka Washington iyo Tokyo.

Blinken ayaa socdaalkiisa ugu danbeeya ku soo xiri doona Paris, halkaas oo la filayo in uu madaxda Faransiiska kala hadlo horumarradi ugu danbeeyay ee xasaradaha Bariga Dhexe, iyo amniga Yurub gaar ahaan xaaladda Ukraine.

Duqeymo dad lagu dilay oo ka dhacay Gaza

Axad 5, Jan 2025 {HMC} Saraakiisha isbitaallada Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay Sabtidi shalay ciidamada Isra’il ku garaaceen Marinka Gaza, lagu dilay ugu yaraan 15 qof oo Falastiiniyiin ah.

Duqeymaha oo ahaa saddex weerar oo kale duwan ayaa lagu bartilmaameedsaday Koofurta iyo Bartamaha Gaza. Mid ka mid ah waxaa lagu burbiryay baabuur, galka duqeynta labaad lagu dhuftay guri ay dad rayid ah daganyihiin oo ku yaalla magaalada Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Naasir.

Shan qof ayaa iyaguna lagu dilay duqeyn ay ciidanka Isra’il ku garaaceen dhismaha Saraaya ee magaalada Gaza, sida ay sheegeen ila caafimaadka Gaza.
Ma jirto wax war ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay millatariga Israil.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada ay ciidamada Isra’il ku dileen guud ahaan Marinka Gaza 24-ki saac ee la soo dhaafay ay gaartay 59 qof, halka dhaawacu uu marayo 270.

Dagaalka Gaza, gaar ahaan duqeymaha maalinlaha ah ee ciidamada Isra’il ee Gaza ayaa socda muddo 15 bilood ah. Waxana ay billowdeen todobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il.

Isra’il waxay sheegtay in weerarkaasi looga dilay in ka badan 1,200 oo qof lana afduubay boqollaal kale. Hase yeeshee, saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay ku dhawaad 50 kun oo Falastiiniyiin ah.

{DAAWO MUQAALKA} Kooxda M23 oo isku sii ballaarisay Congo qabsatayna magaalo muhiim ah

Axad 25, Jan 2025 {HMC} Kooxda M23 oo isku sii ballaarisay Congo qabsatayna magaalo muhiim ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamado cusub oo kusoo wajahan Soomaaliya.

Axad 25, Jan 2025 {HMC} Ciidamado cusub oo kusoo wajahan Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf iyo Imaam Daahir oo laga wacay Deegaano ay Colaado ka taagan yihiin.

Axad 25, Jan 2025 {HMC} Ugaas Yuusuf iyo Imaam Daahir oo laga wacay Deegaano ay Colaado ka taagan yihiin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Qiimaha Sanadkan Lagu Xajindoono oo La shaaciyay.

Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo ka duuleysa halbeegga ah Xaj qiimihiisu jaban yahay, adeegiisuna wacan yahay in ay Wasaaraddu u xilsaartey guddi khubarro ah inay daraasaad iyo qiimeyn kusoo sameeyeen sicirka adeegyada kala duwan ee xajka ee ay sanadkan ku xajjin doonaan Xujeyda Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

Mareykanka oo Sanadkan Soomaaliya Ku Taageeridoono $28 Milyan oo Dollar.

0

Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay 28 milyan oo doolar oo dheeri ah oo lagu taageerayo barnaamijyada adkeysiga degdega ah iyo kuwa muddada dheer ee Soomaaliya.

Rechard H.Riley Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay hindisahan mar uu shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in ujeedka arintaani ay tahay si kor loogu qaado sugnaanta cuntada iyo xasilloonida dhaqaalaha.

Maalgelintaan ay bixineyso Dowladda Mareykanka ayaa waxay taageeri doontaa laba mashruuc oo waaweyn oo shan sano socon doona.

Midka kowaad wuxuu diiradda saarayaa hab-nololeed waara, iyadoo la siinayo tababaro iyo agabka beeraha, maareynta xoolaha, iyo horumarinta ganacsiga yaryar si ay uga faa’iideystaan ​​in ka badan 80,000 qoys, ama ku dhawaad ​​500,000 shakhsi.

Halka Mashruuca labaad waxa uu kor u qaadayaa xoojinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo helitaanka maalgelinta yar yar, ka caawinta bulshooyinka si loo yareeyo jahawareerka dhinaca dhaqaalaha ka haysta.

Danjire Riley ayaa iftiimiyay baahida muhiimka ah ee loo qabo dadaallada dib u dhiska ee dalka ay aafeeyeen abaaro, colaado, iyo cunto yari.

Mashruucyadaan, oo ay kormeerto hayada USAID, ayaa waxaa la marsiin doonaa dowladaha hoose, NGO-yada, iyo ururada bulshada si wax looga qabto baahiyaha gobolka loona hubiyo fulin wax ku ool ah.

Hindisahani waxa uu ka tarjumayaa isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan kobcinta xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya.