Sabti 4′ Jan 2025 {HMC} Askari sii daayay maxaabiis uu ilaalinayay si ay ugu dabaal dagaan sanadka Cusub.
Jubbaland oo qaaday tallaabo culus, oo ugu sii daraysa xaalada deeganada Maamulkaasi.
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa mar kale qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda xooggan ee haatan kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya oo ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka dalka.
Jubbaland ayaa mar kale ku dhowaaqday dagaal horleh oo ay la galeyso dowladda dhexe, sida uu ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maxamuud Sayid Aadan.
Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga oo 7 xubnood ah, kana kooban heer gobol iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo loo xilsaaray inay isku daba ridaan ciidamada Jubbaland ee gobolka jooga, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.
Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in ciidamadaasi ay difaacaan Jubbaland, sidoo kalena ay la dagaalamaaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
“Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo difaaca Dowladda Jubaland.” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay guddiga.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan dowladda dhexe ay dhankeeda dhaq-dhaqaaq culus ka wado gobolka Gedo, oo ay ku daabushay ciidamo dheeraad ah.
Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Doolow, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaasi.
Maxaa ka soo baxay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya?
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Muqdisho shalay ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM.
Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caaisha Maxamed iyo wafdi ay hor-kacayso oo shalay Muqdisho tagtay ayaa la kulamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.
Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday maalintii Arbacada.
Itoobiya ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa.
Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa codsaday inaan la sheegay ayaa VOA u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu danbeyn aqbali doonto in ciidanka Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyay la xaliyay laguna xaliyay sida uu hadalka u dhigay ‘dulqaadka” ay sameysay Soomaaliya.
Waanwaan lagu xalinayo xiisad beeleedka ka taagan Gobolka Mudug oo ka billaabatay Gaalkacyo
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa ka billawday kulamo looga hadlayo xal u helista dagaal beeleedka ka dhacay colaadda ka taagan Galbeedka Gobolkaas, waxaa halkaas gaaray wafdi ka socda Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Waxaa la sugayaa xubnaha ka imaanaya Dowlad-Goboleedka Puntland oo berri oo sabti ah ku wajahan Magaaladaas si kulamada loo kala qaado labo dhinac oo ah qaybta dhaqanka iyo tan labada Dowlad-Goboleed.
Wafdiga maanta Gaalkacyo gaaray ee ka socda Dowlad-Goboleedka Galmudug oo isugu jiray Wasiirro & Xildhibaanno waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, Warbaahinta ayuu u faah-faahiyay safarkooda Xarunta Gobolka Mudug.
Gaboobe ayaa tilmaamay in madasha wadahadalka lasoo dhigi doonno waxyaabihii horay ay ugu ballameen labada dhinac si loo ogaado cidda burisay qodobadii lagu heshiiyo si loogu qaado ciqaabta ku xusan heshiiskii kol hore dhacay.
Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in marka wadahadalka uu qabsoomo kaddib in ay tagaan Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug, sida qorshaha uu yahay waxaa ku biiraya xubno ka socda Dowladda Federaalka.
Trump oo maxkamad lasoo taagayo 10ka bishaan
Sabti 4, Jan 2025 {HMC} Garsoore ayaa amray in Donald Trump lagu xukumo 10-ka Janaayo kiiska bixinta lacagta xog qarinta ee New York wax ka yar laba toddobaad ka hor inta aan loo dhaarin xilka madaxweynaha.
Xaakimka New York Juan Merchan ayaa ka dhawaajiyay inuusan Trump ku xukumi doonin xabsi ama ganaax, balse taa beddelkeeda uu siin doono “ka bixitaan shuruud la’aan ah”, wuxuuna amarkiisa ku qoray in madaxweynaha la doortay uu shaqsi ahaan ama si toos ah uga soo muuqan karo dhageysiga.
Trump ayaa isku dayay inuu u adeegsado guushiisa doorashada madaxtinimo si kiiska isaga ka dhanka ah meesha looga saaro.
Kooxdiisu waxay dhaleeceeyeen go’aanka garsooraha ee ah in la sii wado xukunka waxayna yiraahdeen “sharci-darrada” kiiskan waa in “si degdeg ah” loo joojiyo.
Trump ayaa bishii May lagu helay 34-dambi oo la xiriira been abuurka diiwaannada ganacsi ee la xiriira lacag dhan $130,000 oo uu siiyay Stormy Daniels.
Eedeymaha la xiriira isku dayga lagu doonayo in lagu qariyo lacagihii uu u soo celin lahaa qareenkiisii hore, Michael Cohen, kaas oo maalmihii u dambeeyay ee ololaha doorashadii 2016 siiyay haweeneydan sababo la xiriira in ay ka aamusto kulan galmo ah oo lagu eedeeyay Trump.
Madaxweynaha la doortay ayaa dafiray wax kasta oo khalad ah oo lagu eedeeyay, waxaana uu sheegay in uusan wax dambi ah gelin, isaga oo ku dooday in arrintan ay tahay isku day uu ku doonayay in lagu waxyeeleeyo ololihiisa doorashada 2024-ka sida uu sheegay.
Jimcihii, afhayeenka Trump ayaa dhaleeceeyay amarka xukunka ee uu riday garsoore Merchan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay ” ugaarsiga sixirka”.
“Madaxweyne Trump waa in loo oggolaadaa inuu sii wado geeddi-socodka ku-meel-gaarka ah ee madaxtinimo iyo inuu fuliyo waajibaadka muhiimka ah ee madaxtinnimada, iyada oo aan la carqaladeynin,” ayuu yiri Steven Cheung.
“Waa in aan la xukumin, madaxweyne Trump-na waxa uu sii wadi doonaa dagaalka ka dhanka ah been-abuurkan ilaa ay ka wada dhamaadaan.”
Mooshinkii u dambeeyay ee uu ka keenay kiiska, Trump waxa uu ku dooday in dacwaddu ay isaga ku xiran tahay inta uu madaxweynaha yahay, ayna caqabad ku noqon doonto awooddiisa dowladnimo.
Garsoore Merchan ayaa sheegay in lagula taliyey dhowr tillaabo oo uu ku shaqeyn karo kuwaas oo yareyn kara walaaca Trump ee ku saabsan in lagu mashquuliyo kiis dambiyeed inta uu u shaqeynayo.
Aragtiyadiisa waxaa ka mid ahaa dib u dhigista xukunka ilaa Trump uu ka gaarayo 78 jir, oo uu ka tago Aqalka Cad 2029, ama dammaanad qaadida xukun aan ku lug lahayn xabsi.
Trump ayaa markii hore, ku guul daraystay, ku dooday in kiiska isaga ka dhanka ah uu ka hor yimid go’aan ay maxkamadda sare ku xukuntay xasaanadda madaxweynaha.
Bishii Luulyo, maxkamadda sare ee dalka ayaa xukuntay in madaxweynayaashu ay leeyihiin xasaanad ballaaran oo ka dhan ah dacwad-ku qaadidda inta ay xilka hayaan.
Si kastaba ha ahaatee, bishii hore Garsoore Merchan ayaa go’aamiyay in xukunka lacagta ah ee Trump uu ahaa mid sax ah.
Trump ayaa hadda lagu wadaa in uu noqdo dambiilihii ugu horreeyay ee la xukumo oo ka shaqeeya Aqalka Cad.
Waxa laga yaabaa inuu isku dayo inuu racfaan ka qaato xukunka.
Halka been-abuurka diiwaanka ganacsiga lagu muteysan karo ilaa afar sano oo xarig ah gudaha Mareykanka.
Xataa ka hor guushiisa doorashada, khubarada dhanka sharciga waxay saadaaliyeen inaysan macquul aheyn in Trump uu wajaho xabsi marka loo eego da’diisa iyo heerka sharcigiisa.
Trump ayaa sidoo kale lagu soo oogay saddex kiis oo kale oo danbi ah oo heer gobol iyo federaal ah: mid ku lug leh dukumiintiyo sir ah iyo labo la xiriira dadaalkiisa la sheegay inuu ku doonayo inuu ku baabi’iyo khasaarihiisa doorashada 2020.
Madaxweynaha la doortay ayaa markii hore loo qorsheeyay in la xukumo 26 November, laakiin Justice Merchan ayaa dib u riixay taariikhda ka dib markii Trump uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.
{DAAWO MUUQAALKA} Waligaa maka cunteysay Maqaayad Gabdho kaliye ka shaqeyaan
Sabti 4′ Jan 2025 {HMC} Waligaa maka cunteysay Maqaayad Gabdho kaliye ka shaqeyaan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sheekada toddoba jirka maalmo iskala noolaa libaaxyada iyo xayawaannada kale.
Sabti 4′ Jan 2025 {HMC} Sheekada toddoba jirka maalmo iskala noolaa libaaxyada iyo xayawaannada kale.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.03.2025}
Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO
French and German foreign ministers visit Syria.
Friday 3, Jan 2025 {HMC} The French and German foreign ministers have met Syria’s new de facto rulers in Damascus, marking the first trip by top European officials to the country since the fall of former president Bashar al-Assad last month.
Germany’s Annalena Baerbock and France’s Jean-Noel Barrot held talks with Syria’s de-facto leader Ahmed al-Sharaa, also referred to as Abu Mohammed al-Julani, in the Syrian capital on Friday.
Their visit comes as Western governments open channels with al-Sharaa’s Hayat Tahrir al-Sham (HTS) – a group with past links to al-Qaeda that led the rebellion against al-Assad – debating whether to remove its terrorist designation.
Barrot landed first in the Syrian capital on Friday morning, having posted on social media platform X that France and Germany stood with the Syrian people “in all their diversity”, voicing support for a “peaceful and demanding transition in the service of the Syrians and for regional stability”.
“A political solution must be reached with France’s allies, the Kurds, so that they are fully integrated into this political process that is beginning today,” Barrot said after meeting civil society representatives in Damascus.
In a news briefing after meeting the new Syrian administration, Baerbock said: “In our talks today we made clear Europe will support [Syria] but Europe will not be a financier of Islamist structures.”
“Ethnic and religious groups involving men as well as women … must be involved in the constitutional process and in a future Syrian government,” she added.
The ministers also visited Sednaya Prison, the site of extrajudicial executions, torture and forced disappearances during the al-Assad family’s decades-long rule.
“What the Assad regime has meant we saw today in Sednayah … This gave only a faint idea of the unimaginable physical and mental torment that took place there,” Baerboek said, adding that an “accountability mechanism could help the people of Syria to slowly heal the deep wounds”.
Before her visit to Syria, Baerbock had specifically asked the new government to avoid “acts of vengeance against groups within the population”, to avoid a long delay before elections, and to avert attempts to introduce religious content into the judicial and education systems.
The new Syrian authorities have already announced curriculum changes, including scrapping poetry relating to women and love and references to “Gods” in ancient history courses.
On governance, al-Sharaa recently stated that it could take about three years to present a new draft constitution, and another year until elections.
Baerbock said Germany wanted to overcome “scepticism” about HTS and help Syria return to being “a functioning state with full control over its territory”.
Reporting from Damascus, Al Jazeera’s Hashem Ahelbarra said that the German and French foreign ministers came with a “long list of demands” for the new administration.
“They say that HTS has to renounce acts of vengeance against its opponents and embrace a moderate path. It has to allow an inclusive government where minorities will be represented and it also has to present the Syrian people and international community with a clear path to a transition that should start in March.”
“They also made it clear they would not tolerate the presence of radical groups here. They said that there’s a huge concern about ISIL taking advantage of the volatile situation in Syria to pose a serious threat to the entire region,” he said.
Source: Al Jazeera and news agencies
Askari ka tirsanaa Ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof .
Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof kadib markii uu baabuur jiirsiiyey dad isugu soo baxay dabaal degga sanadka cusub ee magaalada New Orleans, ayaa baayaco u ballan-qaaday kooxda Daacish, wuxuuna duubay muuqaallo uu ku cambaareynayo musika, daroogada iyo khamriga.
Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa 42 jir u dhashay gobolka Texas, marna qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan la geeyey, ayaa kaligiis ka dambeeyay weerarka, FBI-da ayaa sidaas sheegtay Khamiistii, iyadoo dib uga laabatay qiimeyn hore oo ay ku sheegtay in laga yaabo in ay dad kale kula jireen.
Waxa uu ku dhintay is-rasaasayn uu la galay booliska kadib weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay tobanaan qof, islamarkaana FBI-da ay ku tilmaamtay fal argagixiso.
“Waxa uu ahaa fal la sii qorsheeyay oo xun,” ayuu ku xigeenka agaasimaha FBI-da Christopher Raia ku sheegay shir jaraa’id Khamiistii, isagoo dib u xaqiijiyay go’aanka hay’adda ee ah in Jabbar ay dhiirigelisay kooxda Daacish.
Raia waxa uu sheegay in baarayaashu ay eegayaan “dariiqa xag-jirnimada” ee Jabbar, ayada oo aan weli la hubin sida uu isaga beddelay ruug-caddaa millatari, wakiil iibiya hantida maguurtada ah iyo shaqaale ka tirsanaa shirkadda weyn ee cashuuraha iyo la-talinta ee Deloitte, una noqday qof “100% ay dhiirigelisay Daacish.”
Calanka Daacish ayaa ka babanayay qalab saarnaa dhabarka dambe ee gaarigii uu soo kireystay ee loo adeegsaday weerarka.
In kasta oo si weyn loogu wiiqay olole millatari oo joogto ah oo ay wadaan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo, haddana Daacish waxa ay sii wadaan in ay internet-ka ka qortaan dad taageera, sida ay leeyihiin khubarada.
Jabbar walaalkiis ayaa isna raadinaya jawaabo, isagoo sheegay in Shamsud-Diin Jabbar uu la tacaalayay sidii uu uga gudbi lahaa furriinka xaaskiisa ee dhowaan balse aysan ka muuqan wax caro ah toddobaadyo ka hor weerarka.
“Wuxuu ahaa mid caqli badan, qosol badan, soo jiidasho leh, dadka jecel, naxariis badan, is-hoosaasiiya oo xitaa aan dhibaateyn tixsi,” ayuu Abdur Rahim Jabbar u sheegay Reuters isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Beaumont, Texas.
“Taasi waa sababta ay u tahay mid aad u argagax badan, heerkan xaasidnimadu ma ahan isaga oo kale. Waxaan isku dayeynaa inaan fahamno waxa isbeddelay sidoo kale.”
Waxa uu sheegay in aabbahood markii uu warkaas maqlay uu qalbi jabay.” (Aabaheen) wuxuu billaabay oohin, wuxuu lahaa ‘maya, maya, ma aha wiilkayga curadka ah,” ayuu yiyi Abdur Jabbar.
XIGASHO VOA



