Home Blog Page 1434

Diblomaasiyiin caalami ah oo ku qulqulaya Dalka Suuriya.

0

Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka ayaa booqday Magaalada Dimishiq, iyagoo kamid ah diblomaasiyiinta reer Galbeed ee ugu dambeeyay ee la kulma kooxaha Islaamiyiinta ah ee afgambiyay Bashar al-Assad bishii hore.

Labada Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen  xabsiga caanka ah ee Dalka Saydnaya kaas oo ay ka dhaceen tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha mudadii uu xilka hayay Bishaar Al asad.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Fransiisa Jean-Noel Barrot ayaa warbaahintauga warramay rejooyinooda ku aaddan xaalka Syria, isaga oo sheegay in filashadu hagaagsan tahay oo illaa hadda si wanaagsan wax u socdaan.

Sidoo kale, wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya in xaddidaad cusub lagu soo rogay muwaadiniinta Lubnaan ee dalkaas soo galaya kadib markii dagaallo ka dhaceen xadka Lubnaan.

Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo Suuriyaan ah ay rasaas ku fureen ciidamadooda kadib markii ay isku dayeen inay joojiyaan baabuur si sharci-darro ah uga tallaabay xadka.

Tartan adag oo ka taagan hoggaaminta Aqalka Wakiillada Maraykanka.

0

Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Maanta oo ah maalinta ugu horreysa ee Kongareeska 119-aad ee Mareykanka, indhaha oo dhan waxay ku jeedaan codbixinta lagu dooranayo Afhayeenka Aqalka Wakiillada.

Mike Johnson ayaa wajahaya tartan adag iyo khilaaf gudaha Xisbiga Jamhuuriga ah haddii uu doonayo inuu sii hayo hoggaanka.

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay, ayaa taageero u muujiyay sharci-dajiyaha Louisiana, laakiin weli ma cadda in Johnson uu haysto codad ku filan oo uu ku sii ahaado Afhayeen.

Haddii dhammaan xubnaha ay joogaan oo aysan cidina ka maqnaan codbixinta, Johnson wuxuu wejayahayaa xaalad adag haddii hal cod oo keliya oo uu lumiyo xagga Jamhuuriga.

Thomas Massie oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa horay u sheegay inuusan u codayn doonin Johnson, taasoo macnaheedu yahay in hal Jamhuuri oo kale oo diida uu keeni karo fawdo ka dhacda Aqalka Wakiillada.

Askari sii daayay maxaabiis uu ilaalinayay si ay ugu dabaal dagaan sanadka Cusub.

0

Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Sarkaal ka tirsan booliiska dalka Zambia oo sakhraansanaa ayaa xabsiga ka sii daayay 13 tuhmane si ay u tagaan oo ay ugu dabaaldegaan sanadka cusub, sida ay saraakiishu sheegeen.

Baare Titus Phiri, oo ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa la xiray ka dib markii uu eedaysanayaasha ka sii daayay saldhiga Leonard Cheelo ee caasimadda Lusaka, ka hor inta uusan naftiisa u baxsan.

Markii dambe in la soo xiro waqti ma qaadan sabab la xiriira inuu cabsanaa.

13-ka maxbuus ee la sii daayay ayaa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin weerarro, dhac iyo tuuganimo.

Dhammaantood hadda waa ay baxsadeen, waxaana la bilaabay baadi goob lagu doonayo in lagu soo xiro oo dib loogu celiyo xabsigii sida nasiibka ah ay kaga baxeen.

Afhayeenka booliiska Rae Hamoonga ayaa sheegay in Mr Phiri, “isaga oo ku sugan xaalad maankiisu doorsanyahay, uu xoog uga qaatay furihii jeelka mid ka mid ah booliska xabsiga oo lagu magacaabo ” Serah Banda habeenkii sanadka cusub.

“Intaa dabadeed, kormeeraha dambi-baarista Phiri ayaa furay qolalkii ragga iyo dumarku ku xirnaayeen wuxuuna faray tuhmanayaashii inay baxaan, isagoo u sheegay inay xor u yihiin inay u dabala degaan sannadka cusub,” ayuu yiri.

“15 ayay ahaayeen eedaysanayaasha xabsiga ku jiray, 13 ka mid ah waa ay baxsadeen, markii uu falka dhacay ka dib askarigii ayaa goobta ka baxsaday”.

Mr Phiri ayaan weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.

Isaga oo ka falcelinaya dhacdadan, afhayeenkii hore ee madaxtooyada ahna qareen Dickson Jere ayaa Facebook ku soo qoray: “Waan ku qoslaa mar kasta oo aan sawiro dhacdadan – majaajillada ah! Laakiin waxaan xusuustay dhacdo la mid ah oo dhacday sanadkii 1997-dii.”

Habeenkii sannadka cusub ee 1997-dii, garsooraha maxkamadda sare ee lagu muransanaa Kabazo Chanda ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo 53 tuhmane, kuwaas oo qaarkood boolisku u arkayay inay khatar yihiin.

Mr Chanda waxa uu aad uga carooday xiligaa in tuhmanayaasha la xiray muddo dheer oo ahayd 1992-dii, balse aan weli la horgeyn maxkamad muddo ku siman shan sanadood.

“Caddaaladu dib ayay u dhacday, ma cadaalad baa la diidaa,” ayuu yiri.

Arrintaan waxaa si maad ah uga falceliyay inta badabdadka reer Zambia oo la yaab ay ku noqotay tallaabada askarigaan uu qaaday iyo eedaysanayaasha ay u suurta gashay in ay jeelka ka baxsadaan.

Inta badan waxaa la maqlaa ama la arkaa marar dhif ah oo ay u suurta gasho maxaabiista in ay jeelka ka baxsadaan sida dhawaan ka dhacday dalka Mozambique kadib markii In ka badan 1,500 oo maxbuus ay jabsadeen xabsigii ay ku jireen, iyagoo ka faa’ideysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee weli socda ee ka dhashay natiijada doorashadii lagu murmay sida ay booliisku sheegeen.

Sidoo kale dalka Suuriya markii dhawaan ay la wareegeen kooxaha Islaamiyiinta ah ee xukunka ka tuuray Asad madaxweynihii muddada talinayay, waxaa maxaabiistii u suurta gashay in la sii daayo, qaarkood lama filaan ayay ku ahayd oo way aamini waayeen in ay xor yihiin kadib markii loo sheegay in xabsiga ka baxaan.

Laakin dad badan ayaa aaminsan in maxaabiista ku baxda sida lama filaanka ah sida hadda kuwaan ninka cabsan uu sii daayay in dib loo qaban karo maadaama xog badan laga hayo qaarkood.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 03-01-2025.

0

Jimco 3, Jan 2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Maxaa ka Taqaanaa Ajaanib Af-Soomaaliga bareeysa dad Soomaaliyeed.?

Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Jaamacadda Gothenburg, ee dalka Sweden ayaa waxaa ay baaritaan qoto dheer ku sameysaa afka-Soomaaliga, waxaana ay ka sameeyaan qoraal cilmi ah.

Jaamacadda ayaa macalimiin u dhashay dalkaas waxay baraan arday Soomaali ka mid tahay luuqadda Soomaaliga.

Jaamacadda ayaa haysa qoraal Soomaali ah oo la qoray muddo aad u fog, waxaana Soomaaligu ka mid yahay luuqadaha Afrika ee Jaamacaddu ku sameyso baaritaannada cilmiyeeysan ee ujeedkoodu yahay in loo yeesho faham mug leh oo dib ugu laabanaya bilowgii afka.

Faysal Maxamed Muxumed oo ah Arday dhigta Jaamacadda Gothenburg ee dalka Sweden ahna bare Luuqadda Soomaaliga ah, ayaa sheegay in af-Soomaaliga loo baaro habka uu u dhisanyahay iyadoo loo maray nidaam lagu eegyo qoraalkiisa iyo sida erayadu ay isku raacayaan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay Faysal, kalmadda waa “Lala socday”. Waxaa uu yiri: Labo la’ baa ku jirta naxwo ahaan markii la fiiriyo. La’da mid waa magac u yaal oo waa qofkii wax la socday, midna waa horyaalle, waxay dhisaysaa oraahda,”.

Ujeedka arrintaan Jaamacaddu ka leedahay ayaa Faysal ku sheegay in howshaan ay tahay mid aan hadda bilaaban oo muddo soo soctay, isla markaana afaf badan oo Afrika ah lagu sameeyo si wax looga ogaado taariikhdooda dhabta ah ee dhinacyada qoraalka, dhaqanka iyo dhismahaba.

Waxaan shaki ku jirin in tani ay kugu noqonayso layaab, balse ma ahan in Macallimiintu ay qofka Soomaaliga ah barayaan afka ku hadalkiisa, waxay barayaan oo fahamsiinayaan cilmiyan sida uu u dhisanyahay is-raaca erayada iyo marxaladihii uu soo maray Afka Soomaaligu, oo ay ku sameeyeen baaritaanno lagu aruurinayo arrimahaas oo dhan.

“Way yar adagtahay in qofku uu fahmo in la dhaho qof ajanabi ah ayaa qof Soomaali ah baraya luuqaddii Soomaaliga, laakiin qofkaan wuxuu ku barayaa qaab-naxweedkii iyo qaabka uu afku u dhisanyahay,” ayuu yiri aqoonyahay Faysal Maxamed Muxumed.

BBC-da ayaa Faysal waydiisay ma qof ajanabi ah ayaa Soomaalida baraya luuqadoodii, waxaana uu ku jawaabay, “haa Macallinka ajanabiga ah ee Swedish-ka ah ayaa baraya,”.

Faysal isaga ayaa ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ajaanibtu Af-Soomaaliga u baraan qaabka cilmiyeysan ee dhuux-taabadka ah. Waxaana u intaa raaciyay in Macallimiintaasi ay xitaa saxeen qoraallo ka soo baxay xaruumo dowladeed oo ay ka saxeen erayo waxna lagu daray waxna laga tagay.

“Waxaana jirta qoraallo badan oo macallin Swedish ah uu saxay oo ka soo baxay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka tirsan maamul goboleedyada oo qaladaad badan ku jiro warqadihiina waan hayaa,” ayuu yiri Faysal.

BBC-da ayaa Faysal mar kale waydiisay sida arrintaas ay suurta gal ku tahay, wuxuuna ku jawaabay: In aan afka ku hadlo kama dhigna in aan afka aqaanno, afka in qaab cilmiyeysan oo seynis ah loo baaro iyo in aan afka ku hadlo labo ayay kala yihiin,”.

“Dadka Soomaalida ah badankood afka way ku hadlaan, laakiin kan kale waa mid Iskuul gooni ah loo aado oo la barto,” ayuu raaciyay.

Waxaa intaa dheer in Jaamacaddu hayso qoraal Af-Soomaali ah oo muddo fog ka hor la qoray kaas oo tilmaamaya in afka Soomaaligu uu fac weynyahay, waxaana qoraalladaas oo ay sidoo kale hayaan qaar ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed qayb ka qaatay qoraalkooda sida xoguhu tilmaamayaan dad ajaanib ah.

Kobac la’aanta luuqadaha

Khuburada afafka ayaa qaba in afaf badan oo ay ku hadlaan dalal dunida ka tirsan ay u hormari la’yihiin. Waxaa qaarkood ay ku sheegeen “in maskixiyan loo qaraareeyay dhadhanka iyo muhiimadda ay leeyihiin in cilmiyan loo barto loona horumariyo afafka.

Arrintaas dadka qaar ayaa u tiirinaya gumeystayaashii si gaar ah dalalka Afrika oo intooda badan luuqado kale ku lamaaniyay afafkooda.

“Caqabadda kobac la’aanta waa mid haysata dalalkii la gumeystay oo dhan, gaarahaan Afrika, waxaana weeye caqabadda ugu weyn in loo qaabeeyay, si afkiisa loogu tiirsanaado,” ayuu yiri Faysal.

XIGASHO BBC

Kulannada wacyigelin iyo isku xerka Booliiska iyo Bulshada oo laga daahfuray Degmooyinka Mahas ,moqokori iyo Adan yabaal ee HirShabelle

0

03-Janaayo 2025 {HMC} – Wasaaradda Amniga gudaha Hirshabelle ayaa manta dib u furtay Kulanno Bulsho oo ah wejiga 2aad kuwaasi oo Ujeedkoodu yahay in lagu xoojiyo awoodda hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka ee bulshada si ay dib ugu dhisaan bulshadooda dagaalka kadib.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray nabad dhisidda iyo kor u qaadidda wada shaqaynta booliiska iyo bulshada.

Aqoon-is weydaarsigani ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Mukhtaar Cabdulle,Agaasimaha aaya marka hore ka mahadceliyay sida bulshada ay heegan ugu tahay la shaqeynta hey’adaha Amniga “Waxaan halkan maanta idinkula joogaa anigoo ah wakiilka Wasaaradda Amniga, balse sidoo kale ah muwaadin fahansan mugdiga colaadda iyo dhibaatooyinki laga dhaxlay , Dhulkani – waa dhulkiinna – waxa uu soo maray waqtiyo adag.

Qaar idinka mid ah guryihiinna ayaad waayseen, qaarna nolol maalmeedkiinna, qaarna qaraabo iyo asxaab.

Laakiin maanta halkan ayaad joogtaan. Annaguna halkan waan joognaa. Taasi waxay markhaati u tahay adkeysiga naftiinna iyo midnimada bulshada kaddib xoreyntii halkaan loga saaray kooxaha Nabad-diidka ah ee AS””

Agaasimaha Guud wuxuu sheegay in xoreynta aysan ku ‘ ekeyn dhul la qabsado kaliya, balse ay tahay soo celinta kalsoonida, dib u dhiska xiriirrada, iyo kor u qaadidda rajooyinka. Wuxuuna xusay in hawshaasi ka bilaabanayso iskaashi u dhexeeya dadka deegaanka iyo kuwa ilaaliya amnigooda.

Sidoo kale, saraakiisha booliiska degmooyinka ayaa la hadlay bulshadii ka qaybgashay. G/le Kaafi, oo ka mid ahaa saraakiishii kulanka ka qaybgalay, wuxuu yiri:

“Dhamaan saraakiisha halkan fadhida: ma tihidin kaliya booliis amar fulin ah – waxaad tihiin dhisayaal buundooyin. Waxaad tihiin nabad-doonayaal, adeegayaal bulshada, iyo dhageystayaal. Dareeska aad xirataan waa astaan u ah adeeg iyo isla xisaabtan, ma ahan amar keliya.”

“Idinka oo ah xubnaha bulshada – codkiinnu wuu muhiim yahay. Hadla. Ka qeyb qaata. Inaga dalbada tayada ugu sarreysa. Nala wadaaga waxa amni idiin ah la micno yahay. Waayo, ammaanka dhabta ahi laguma soo rogo – si wadajir ah ayaa loo abuuraa.”

Taliyaha Booliiska wuxuu isaguna xusay muhiimadda ay leedahay isku xirka bulshada iyo kalsoonida laga dhex abuuro dadka deegaanka iyo ciidamada ammaanka, isagoo yiri:

Kulannadan ayaa si rasmi ah loogu qaban doonaa magaaloyinka Moqokori iyo Aden yabaal iyada oo degmo kasta ka qeyb geli doonaan 75 xubnood oo ka kala socdo bulshada ,hey’adaha amniga iyo maamulka degmooyinka .

Puntland oo Itoobiya ka Codsatay in ay ka Caawiso daaweynta askartii Ku dhaawacmay weerarkii tuulada Dharjaale.

0

Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay codsi uga yimid maamulka Puntland, iyada oo u fidisay gargaar caafimaad askartii dhawaan ku dhaawacmay weerar ay kooxda Daacish ka geysatay tuulada Dharjaale ee gobolka Barri.

Askarta dhaawacan oo xaaladooda caafimaad ay aad u cusleyd ayaa loo qaaday Wadanka Itoobiya, maaddaama lagu guul-darraystay in wax looga qabto xaaladooda isbitaallada Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya taageerada degdegga ah ee ay bixisay, iyagoo sheegay in tani ay tahay tallaabo muujinaysa iskaashiga iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa labada dhinac.

Weerarka ka dhacay Deegaanka Dharjaale ee Gobolka Bari ayaa ahaa mid ay ka dhasheen qasaaro iskugu Jiro dhimasho iyo dhaawacba sida ay warbaahinta u sheegeen maamulka Puntland,waxaana sidoo kale maamulka Puntland ay sheegeen in ay sii xoojin doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Ku dhawaad 20 qof oo u badan askarta ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday weerarkan. Sidoo kale tiro ka badan 30 ayaa ku dhaawacmay weerarkaan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Daacish ay ka geysato gudaha Deegaanada Puntland.

Madaxda Maamulka Puntland ayaa ka dalbatay Beesha caalamka in laga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argigixisada Daacish, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso argigixiso caalami ah oo kusoo duushay degaanadeeda.

Ra’iisal Wasaare Abye Axmed oo gaarey magaalada Godey ee Dowlad Degaanka Soomaalida

0

Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Wafdiga Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed ayaa waxaa Godey kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo masuuliyiin kamid ah xukuumaddiisa.

Ujeedka Safarka Ra’iisal Wasaare Abye Axmed ee Godey ayaa lagu sheegay uu usoo indha-indheeyo mashaariicaha kala duwan ee ka socda gobolka Shabeelle qaarkoodna la dhammaystiray, sida mashruuca waraabka galbeedka Godey oo dib u habayn iyo dayatrir ay ku samaysay Dowladda Fadaralka Itoobiya.

Haddaba Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed ayaa xadhiga kajaray mashruuca waraabka galbeedka Godey ee degmada Beercaano oo ay ku baxday lacag ku dhow 3 Bilyan oo Birrta Itoobiya ah, waana dhul beereed dhan ilaa 10 kun oo Hiktar, hadda waxaa calaf kala duwan lagu beerey dhul gaaraya ilaa 3 kun oo Hiktar, waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhulkaas laga beeray waxaa kamid ah Masagada, Qamadida, Galleyda, iyo Khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Ma jirto Faah faahino kale oo laga helay socdaalka Abiyi Axmed ee Dowlad Degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Godey oo galinkii hore ee maanta uu joogay, iyadoo wararka kale een helayno ay sheegayaan in galinka dambe ee maanta la filayo inuu Abiyi Axmed yimaaddo magaalada Jigjiga.

Ethiopia defence minister visits Somalia, in sign of detente.

0

Friday 3, Jan 2025 {HMC} Ethiopia’s defence minister travelled to Somalia on Thursday, a senior official in Mogadishu said, the first bilateral visit since relations nosedived a year ago over an Ethiopian plan to build a naval base in a breakaway Somali region.

Somalia’s state minister for foreign affairs, Ali Omar, confirmed Aisha Mohammed Mussa’s visit in a message to Reuters but did not say what she was there to discuss.

In a post on the X platform on Friday, Ethiopia’s foreign affairs ministry said the two countries had “agreed to collaborate on the #AUSSOM (African Union peacekeeping) mission and strengthen bilateral relations.”
Ethiopia has up to 10,000 troops in Somalia to fight Islamist militants from al Shabaab, but Mogadishu has threatened to expel them if Addis Ababa did not renounce an agreement it reached a year ago with the breakaway Somaliland region.

The preliminary deal called for Somaliland to lease a stretch of coastline for an Ethiopian naval base and commercial port in exchange for possible recognition of Somaliland’s independence.

Somaliland has had effective autonomy since 1991 but its independence has not been recognised by any other country. Mogadishu considers it an integral part of its territory and called its deal with Ethiopia an act of aggression.

After months of escalating rhetoric and inconclusive international mediation efforts, Somalia and Ethiopia agreed on Dec. 11, after talks in Turkey, to work together to resolve the dispute and begin technical negotiations by the end of February.

The Ethiopian troops in Somalia are there as part of an African Union peacekeeping mission and on a bilateral basis. Regional powers fear their withdrawal would severely weaken the fight against al Shabaab, an al Qaeda affiliate that has been waging an insurgency since 2007.

The dispute has also raised concerns about wider instability in the Horn of Africa, with Somalia responding to the Somaliland deal by drawing closer to Ethiopia’s traditional rivals Egypt and Eritrea.

Reporting by Aaron Ross; Editing by Hugh Lawson and Kim Coghill

SOURCE

FBI-da Maraykanka oo Xog Cusub ka Bixisay Weerarkii New Orleans

Jimco 3, Jan 2025 {HMC} New Orleans — Askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof kadib markii uu baabuur jiirsiiyey dad isugu soo baxay dabaal degga sanadka cusub ee magaalada New Orleans, ayaa baayaco u ballan-qaaday kooxda Daacish, wuxuuna duubay muuqaallo uu ku cambaareynayo musika, daroogada iyo khamriga.

Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa 42 jir u dhashay gobolka Texas, marna qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan la geeyey, ayaa kaligiis ka dambeeyay weerarka, FBI-da ayaa sidaas sheegtay Khamiistii, iyadoo dib uga laabatay qiimeyn hore oo ay ku sheegtay in laga yaabo in ay dad kale kula jireen.

Waxa uu ku dhintay is-rasaasayn uu la galay booliska kadib weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay tobanaan qof, islamarkaana FBI-da ay ku tilmaamtay fal argagixiso.

“Waxa uu ahaa fal la sii qorsheeyay oo xun,” ayuu ku xigeenka agaasimaha FBI-da Christopher Raia ku sheegay shir jaraa’id Khamiistii, isagoo dib u xaqiijiyay go’aanka hay’adda ee ah in Jabbar ay dhiirigelisay kooxda Daacish.

Raia waxa uu sheegay in baarayaashu ay eegayaan “dariiqa xag-jirnimada” ee Jabbar, ayada oo aan weli la hubin sida uu isaga beddelay ruug-caddaa millatari, wakiil iibiya hantida maguurtada ah iyo shaqaale ka tirsanaa shirkadda weyn ee cashuuraha iyo la-talinta ee Deloitte, una noqday qof “100% ay dhiirigelisay Daacish.”

Calanka Daacish ayaa ka babanayay qalab saarnaa dhabarka dambe ee gaarigii uu soo kireystay ee loo adeegsaday weerarka.

In kasta oo si weyn loogu wiiqay olole millatari oo joogto ah oo ay wadaan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo, haddana Daacish waxa ay sii wadaan in ay internet-ka ka qortaan dad taageera, sida ay leeyihiin khubarada.

Jabbar walaalkiis ayaa isna raadinaya jawaabo, isagoo sheegay in Shamsud-Diin Jabbar uu la tacaalayay sidii uu uga gudbi lahaa furriinka xaaskiisa ee dhowaan balse aysan ka muuqan wax caro ah toddobaadyo ka hor weerarka.

“Wuxuu ahaa mid caqli badan, qosol badan, soo jiidasho leh, dadka jecel, naxariis badan, is-hoosaasiiya oo xitaa aan dhibaateyn tixsi,” ayuu Abdur Rahim Jabbar u sheegay Reuters isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Beaumont, Texas.

“Taasi waa sababta ay u tahay mid aad u argagax badan, heerkan xaasidnimadu ma ahan isaga oo kale. Waxaan isku dayeynaa inaan fahamno waxa isbeddelay sidoo kale.”

Waxa uu sheegay in aabbahood markii uu warkaas maqlay uu qalbi jabay.” (Aabaheen) wuxuu billaabay oohin, wuxuu lahaa ‘maya, maya, ma aha wiilkayga curadka ah,” ayuu yiyi Abdur Jabbar.