Home Blog Page 1441

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Hay’adda NISA oo kulama la leh Odayaasha dhaqanka ee ku jira xalka dhacdadii Ceel-baraf.

0

Khamiis 2, Jan 2025 {HMC} Taliyaha Hay’adda NISA oo kulama la leh Odayaasha dhaqanka ee ku jira xalka dhacdadii Ceel-baraf.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Taliye Odowaa oo dhiirigalin ugu tagay ciidanka gor-gor ee ku sugan Xarardheere.

Khamiis 02, Jan 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta goob fagaare ah oo duleedka magaalada ah kula hadlay ciidamada xoogga dalka ee in ka badan labo sano Khawaarijta ka hortaagnaa, kana xoreeyey degmadaas.

Taliyaha ayaa ciidankii uu maanta la kulmay wuxuu balan kula galay in ay cadowga u dhigataan cashiradii u uku yaqaanay, isagoo cod dheer ku yiri, “Gorgor diyaar ma u tihiin inaad balan ila gashaan? Cashiradii la idinku yaqiinay cadowga ma u dhigeysaan?” iyo su’aalo kale.

Ciidanka ayaa Taliyaha ka balan qaaday fulinta axdigii uu la galay, waxaana go’aan lagu gaaray in loo diyaar garoobo howlgallo cusub oo ka bilaaban doona dalka bilaha soo socda.

Taliyaha xoogga ayaa safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, hadda wuxuu ku sugan yahay Xarardheere, isagoo safarkaan ku maray degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Odowaa ayaa lagu wadaa in berri uu tago degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka xoogga dalka ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin, kuna baacsadaan Al-Shabaab.

Taliyaha xoogga ayaa sidoo kale maanta iyo shalay Xarardheere ku booqday ciidamada macawiisleyda deegaanka, iyagoo balan ku kala qaaday qaabka uu u bilaabanayo howlgalka cusub iyo doorkooda.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee xoogga dalka ayaa taliyaha ku soo dhaweeyey Xarardheere, halkaas oo berri uu uga sii gudbi doono Wisil, sida aan xogta ku heysno safarka Odowaa u uku marayo Galmudug ayaa ku eg degmada Wisil, waxaana suurtagal ah inuu ku xijiyo HirShabeelle.

Jeneraal Odowaa oo mar kale dhowaan loo soo magacaabay xilkaan, waayo aragnimo horana heystay, maadaama uu ahaa burburkii kadib taliyihii xoogga ee ugu waqtiga dheeraa intii uu xilkaas hayey ayaa hadda dib u abaabulaya dagaalkii Khawaarijta looga sifeynayey dalka, isagoo ku dhinac wada dib u habeynta ciidanka iyo cadaadinta saraakiisha hoggaamisa oo lagu dhaliilo inay is dhigteen.

Madaxtooyada Somalia oo xilal cusub Magacowday +Magacyada

Khamiis 02, Jan 2025 {HMC} Agaasimayaal cusub ayaa loo magacaabay qaar ka mid ah waaxyaha Villa Somalia halka agaasimayaasha horey u joogay qaarkoodna la isku bedelay.

Waxaa xilalka loo kala bedelay agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada C/raxmaan Xudeyfi oo muddo gaaban xilkaas hayey iyo agaasimaha waaxda xiriirka Dadweynaha Maxamed Dugoow.

Mowliid Max’ed Xassan ayaa loo Magacaabay agaasimaha Waaxda la socodka iyo qiimeynta Villa Somalia.

Sidoo kale, Samatar Shariif Axmed ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda Iibka ee Madaxtooyada, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan waxaa Madaxtooyadu iibiso.

Ladan Cabdikhayr Cilmi ayaa iyana loo magacaabay agaasimaha waaxda Maamulka & Maaliyada ee Villa Somalia

Agaasimaha waaxda waaxda adeegga guud ee Villa Somalia ayaa waxaa isna loo magacaabay Xuseen Yuusuf Ladane.

Lama oga illaa hadda sababaha ay talaabadan u qaaday Villa Somalia iyo ujeedada laga leeyahay, mana jirto wax faahaahin ah oo ka soo baxday Madaxtooyada dalka.

Soomaaliya si rasmi ah 54 sano ka dib Xubin ka noqoneysa shirarka Golaha Amniga ee QM

Khamiis 02, Jan 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo fadhiisan doonta kursiga aan joogtada aheynd muddada u dhaxeysa 2025 ilaa 2026.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay in kursigaan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaasna ay uga shaqeyn doonaan danaha caalamka.

“Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” ayuu yiri Danjire Baalle.

Muddo 54 sano kadib, ayay Soomaaliya ka mid noqoneysa golaha, waxaana dalka u noqoneysa fursad iyo is kaalmeysi.

Golaha Ammaanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah shanta xubnood ee joogtada ah ee Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, UK iyo Mareykanka – iyo 10 xubnood oo aan joogto ahayn oo loo doortay xilli wareeg ah.

Si lamid ah Soomaaliya waxaa sannadkan Golaha Ammaanka shirarkiisa ku biiray Dowladaha Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama 2025-2026.

FBI oo shaacisay xogta ninkii dadka badan ku laayay magaalada New Orleans

Khamiis 02, Jan 2025 {HMC} Laanta Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa sheegtay, in weerarki habeenki sannadka cusub uu muwaadin Mareykan ah ku dilay ilaa 15 qof uu yahay weerar argagixiso.

Nin hubeesnaa ayaa baabuur laba shirreey ah jiir siiyay dad u dabaal-dagayay curashada sannadka cusub ee 2025-ka, saacadihi danbe ee Arbacadi shalay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa 35 qof oo kale lagu dhaawacay weerarka. Ninka oo ay toogasho ku dileen ciidamada ammaaka ayay FBI-du ku sheegtay in uu ahaa, Shamsud-Din Jabbar oo ahaa 42 jir kasoo jeeday gobolka Texas.

FBI-da waxay sheegtay in ay rumeysan yihiin in ninkani uusan galigiis falka geysan, kaddib marki baabuurka uu dadka ku laayay laga helay calanka kooxda Daacish.

Ninka falka looga shakisan yahay ayaa horay uga soo mid noqday millatariga Mareykanka, balse marki danbe ka baxay sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliska magaalada New Orleans ayaa sheegay, in marki uu weerarka dhacayay ay amniga goobta sugayeen in ka badan 300 oo ka mid ah ciidamada booliska magaalada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay, in dhacdadaasi uu ka warqabo, isla markaana uu tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha.

FAAH FAAHIN Dheeraad ah oo ka soo baxeyso Weerar loo adeegsaday Gaari

0

Arbaco 1, Jan 2025 {HMC} 15 qof ayaa ku dhintay 30 kalena waa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Gaari oo la jiirsiiyay dad u dabaaldegay sanadka cusub ee 2025, oo isugu soo baxay magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la gartay ninkii falkan geystay, kaasoo magaciisa lagu sheegay Shamsudiin Jabbaar. Waa oo 42 jir, ku dhashay Gobolka Texas ee dalka Maraykanka, wuxuuna ku hubeysanaa Qori, isagoo waday baabuur ah nooca la kireysto.

Wuxuu gaariga la dhex galay dad isu soo baxay oo ku sugnaa wadadda Bourbon ee magaalada New Orleans, halkaasi oo uu ku dilay ugu yaraan 15 qof, kuna dhaawacay 30 kale. Waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliiska, kadib markii uu kasoo baxay gaariga oo uu rasaas bilaabay, isagoo dhaawacay laba askari.

Ninkan Shamsudiin Jabbaar ayey FBI-du sheegtay inuu hore uga tirsanaa milateriga Mareykanka waxaa gaarigii uu weerarka ku geystay laga dhex helay calanka kooxda Daacish.

South Sudan Resumes Oil Mining Amid Conflicts for Economic Boost.

0

Wenesday 1, Jan 2025 {HMC}  After years of political turmoil, the Republic of South Sudan is set to start mining crude oil, a move that would significantly improve its economic fortunes and help streamline the unemployment rate which has proliferated in recent years.

The oil mining stopped due to domestic wrangles and fighting with the neighbouring Sudan, which is equally in conflict. The exportation of oil from the country is expected to begin early this year, AFP reports.

The landlocked and impoverished country’s vital oil had been shipped to global markets from Port Sudan on the Red Sea, with Khartoum taking a cut as a transit fee. South Sudan officially became an independent country in 2011 after wrangling with the north.

The transportation of oil stopped after the main pipeline to the Port of Sudan was significantly damaged after clashes between the Rapid Support Forces and the Sudan Armed Forces, which has had negative ramifications for the South.

“The Ministry of Petroleum is hereby declaring the 30th December 2024 as the official kick-off date for the resumption of production operations in blocks three and seven,” the director general for Petroleum Authority, Kon John Akot, said in a letter dated December 19.

The letter to the president of Dar Petroleum Operating County (DPOC) — among the firms in a consortium running South Sudan’s oilfield — requested the firm “promptly share DPOC’s Production Resumption Plans”.

Although AFP could not ascertain if oil mining had started, the letter dated 23rd December 2024 addressed to other consortium members indicated that several issues had not been effectively solved.

“Once these issues have been satisfactorily resolved, a final decision regarding the resumption Kick-Off Date can be determined and approved,” it said.

After getting independence from Sudan in 2011, South Sudan took over three-quarters of its oil reserves and can produce more than 150,000 barrels of crude oil per day. However, ethnic violence and political instability have significantly affected the country’s desire for economic growth.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {1.1.2025}

Arbaco 1, Janaury 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

FBI-da oo 150 bam ka heshay guri ku yaalla Virginia

Arbaco 01, January 2025 {HMC} Norfolk — FBI-da ayaa in ka badan 150 bam oo guri ku sameys ah ka heshay beer ku taal Virginia, taasi oo loo malaynayo inay tahay qabashadii ugu waynayd taariikhda oo ay hay’addu sameyso, sida ku cad dukumentiyo maxkamadeed oo la diiwaan-geliyey toddobaadkan.

Wakiilada ayaa helay walxaha qarxa xilli ay baarayeen guriga qoyska Brad Spafford oo 36 jir ah ee duleedka magaalada Norfolk, ka dib markii deriska ay ku wargaliyeen in uu kaydinayey qoryo iyo rasaas.

Dukumenti maxkamadeed oo la gudbiyay Isniintii ayaa lagu sheegay in Spafford, oo ka shaqeeya dukaan mashiinada, uu u adeegsaday sawirrada madaxweyne Joe Biden tababar bartilmaameed toogasho, uuna taageero u muujiyay dilalka siyaasadeed.

Qaar ka mid ah walxaha qarxa oo lagu qiimeeyay in ay yihiin bambooyinka tuubooyinka ayaa laga helay boorsada dhabarka oo taallay qolka jiifka ee guriga, kaas oo Spafford uu la wadaago xaaskiisa iyo laba caruur ah oo yaryar, ayaa lagu sheegay dukumentiga.

Waxay intaa ku dartay in firiijka Spafford ay ku jirtay maadada HMTD – ee loo adeegsado qaraxyada, laguna qoray “Ha taaban.”

Gurigiisa ayaa sidoo kale laga helay buug xusuus qor ah oo ay ku qoran yihiin sida loo sameeyo waxyaabaha qarxa oo ay ku jiraan bam-gacmeedyo, sida ku cad dokumentiga.

Qof deris ah ayaa FBI-da u sheegay in Spafford uu u sheegay inuu qorsheynayey in gurigiisa uu isbeddel ku sameeyo, uuna saqafka kore ka sameeyo meel la suro qoryaha qaada 50-ka rasaas.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Spafford, oo lagu soo oogay in uu si sharci darro ah u haystay hub, ay u badan tahay in uu wajihi doono eedeymo dheeraad ah oo la xiriira walxaha qarxa, kuwaas oo midkiiba uu ku muteysan karo ugu badnaan toban sano oo xarig ah.

Qareenada Spafford ayaa qoraal ay maxkmadda u gudbiyeen ku difaacay in uu yahay “nin qoys oo dadaal badan oo aan laheyn wax diiwaan dambi ah,” iyagoo ku doodaya in xabsiga laga sii daayo.

FBI-da Maraykanka oo ka hadlay weerarka ay dadka ku dhinteen

Arbaco 01, January 2025 {HMC}  New Orleans — Althea Duncan oo ah wakiil gaar ah ayaa la wareegtay kiiska iyadoo wakiil ka ah FBI-da.

waxa ay ka hadashay dhacdada weerarka ay ku dhinteen 10-ka qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro dadka waxa ayna tiri: “Tani maaha dhacdo argagixiso” balse hadalka wakiilka ayaa ka hor imanayya maayarka oo hore u sheegay in ay tahay dhacdo argagaxiso.

Waxaa goobta lagu arkay “qalab qarxa oo la soo farsameeyey, waxayna ku hawlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen inay yihiin aaladaha “macnaha ah”.

Waxay ku nuuxnuuxsatay in dadweynuhu ay ka fogaadaan aagga, “ilaa laga ogaanayyo waxa socda”.