Home Blog Page 1442

10 qof oo dhintay markii Gaari lagu jiirsiiyey Dad ku sugnaa magaalada New Orleans.

0

Arbaco 1, Jan 2025 {HMC} Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad ku sugnaa goob caan ah oo dadka dalxiisayaasha ah ay ku badan yihiin, taas oo ku taalla magaalada New Orleans, gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida uu sheegay maamulka magaalada.

Barnaamijka U-diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ayaa sheegay in maamulka degmada 8-aad uu ka shaqeynayo caawinta dad badan oo dhaawacmay ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa inta u dhaxaysa labada waddo ee Canal iyo Bourbon.

Toban qof ayaa dhintay 30 kalena way dhaawacmeen, ayaa lagu yiri warbixinta maamulka.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaanan sheegin waqtiga uu shilku dhacay, hase yeeshee, goobta ayaa waxaa ka buuxay dad meel kale ka yimid oo u dabbaal degayey sanadka cusub. Qeybtan magaalada ayaa loo yaqaanaa xaafadda Faransiiska.

Warbaahintga CBS ee Maraykanka ayaa soo xigatay qof goobjoog ahaa oo sheegay in baabuur truck ah oo xawaare sare ku socday uu dadka jiiray, ka dibna darawiilkii inta uu baabuurkii ka soo booday uu dadkii xabbad ku furay.

Qofkii goobjoogga ahaa ayaa intaas ku daray in booliiskuna uu rasaas ugu jawaabay.

Qofka lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey falkan ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen booliska, sida ay sheegeen saraakiisha sharci-fulinta.

Hay’adda FBI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka u baareyso “ficil argagixisanimo, ayada oo kaashaneysa hay’adaha kale.”

Alethea Duncan oo ah kaaliyaha wakiilka FBI-da ee xafiiska New Orleans ayaa sheegtay inay sidoo kale baarayaan ugu yaraan hal aalad oo la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa oo goobta laga helay.

XIGASHO VOA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland oo Si adag uga hadlay Khilaafka Kala dhaxeeya DFS

0

Arbaco 1, Jan 2025 {HMC} Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland oo Si adag uga hadlay Khilaafka Kala dhaxeeya DFS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 01-1-2025.

0

Arbaco 1, Jan 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Galmudug oo Dhiseeysa Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib Uheshiisiinta.

0

Arbaco 1, Jan 2025 {HMC} Galmudug oo Dhiseeysa Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib Uheshiisiinta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Dowladda u hakisay Baasaboorka Soomaaliya.?

0

Arbaco 1, Jan 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Dowladda u hakisay Baasaboorka Soomaaliya.? 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka soo Kordhay Kulamadii ka socdo Baladweyne.?

0

Arbaco 1, Jan 2025 {HMC} Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka warbixiyey kulamo ka socdo magaalada Beledweyne duubabka dhaqanka Mudulood iyo Odayaasha Xawaadle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Guri ku yaalo Mareykanka oo Laga Helay 150 bambo.

0

Arbaco 01, Jan 2025 {HMC} Guri ku yaalo Mareykanka oo Laga Helay 150 bambo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxay tahay Sababta Dowladda u hakisay Baasaboorka Soomaaliya.?

0

Arbaco1 Jan 2025 {HMC} Qoraal kasoo baxay Xafiiska Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ku dhawaaqday in muddo seddex bilood ah, oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyey hawlaha wax-ka-beddelka xogta baasaboorka, gaar ahaan kuwa la xiriira burinta ama beddelidda macluumaadka ku jira baasaboorka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Go’aankan, oo ay hay’addu sheegtay inuu yahay mid ku saleysan horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliga, ayaa loogu talagalay in dib-u-eegis lagu sameeyo habraacyada iyo farsamooyinka la xiriira wax-ka-beddelka xogta baasaboorka.

Shacabka waxaa lagu wargeliyay in Hakintaan Ku-meel gaar ah aysan saameyn doonin wax-kabedelka xarfaha la waafajinayo documentiyada rasmiga ah.

Hay’adda ayaa tilmaantay in arrintan ay tahay tallaabo loo qaaday ilaalinta iyo kor-u-qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ee caalamka.

 

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sambalolshe ”Xawaadle Dad walaga Dili Jiray lkn sidas qaab darada ah wali qof loogama Dilin”

Arbaco1 Jan 2025 {HMC} Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in cadaalad u helida askartii dhawaan lagu dilay Ceel Baraf ay tahay mid u taala dowladda Fedaraalka.

Taliye Sanbaloolshe oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka waday kulamo looga arinsanaayay xal u helista xiisada ka dhalatay askartii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee Khamiistii lasoo dhaafay lagu laayay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa imaanaya, iyadoo Baledweyne ay maalintii labaad ku sugan yihiin odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Mudulood oo uu hoggaaminaayo Imaamka Beesha Mudulood Imaam Daahir Imaam Cumar, kuwaas oo u tagay Baledweyne xal u helista Xiisada ka dhalatay Askartii Ceel baraf lagu laalay Khamiistiis lasoo dhaafay.

Somali security forces fend off Islamic State attack in Puntland.

0

Wednesday 1 Jan 2025 {HMC} Authorities in the Somali autonomous region of Puntland said eight foreign militants were killed following an attack by Islamic fighters on security forces early Tuesday.

Residents said the attack started with a suicide bombing that targeted an area in Dharjale village in the far eastern highlands of Puntland, where security forces and officials were camped.

In an audio statement posted on the Telegram channel of the region’s security forces, spokesperson for Puntland security operations Brigadier General Mohamud Mohamed Ahmed confirmed the attack.

“Puntland anti-terrorism forces in the Dharjale, Bari region were attacked by the bloodsucking Daesh terrorist group,” he said.

“The security forces have been following their movements, and they were ready. The bodies of eight foreigners and their weapons have been displayed.”

Ahmed said Puntland security forces sustained “limited casualties.”

Residents reported additional casualties among civilians in the village from the shrapnel of the explosion. Photos purported to be of dead militants show severed heads, and burned and mutilated flesh, indicating the use of a massive explosive device.

Puntland this month announced that preparations for an offensive against extremist groups in the region have been completed.

The region’s leader, Said Abdullahi Deni, urged the public to support the operation, without disclosing when it may start. Witnesses and residents said that Puntland forces moved to the east of Puntland after the preparations concluded.

Al-Shabab and Islamic State, or IS, have been operating in Puntland. The operation appears to be focusing on IS. Deni offered amnesty to militants who renounce violence and their membership in the terror groups.

U.S. military officials and Somali security experts reported that IS in Somalia increased its membership numbers this year.

IS numbers previously were reported to be between 100 and 400 fighters, but Somali security and intelligence experts estimate their current numbers to be 500 to 600 militants, a figure yet to be confirmed by local authorities.

A majority of the newcomers are said to be from the Middle East and eastern and northern Africa.

IS in Somalia was formed in October 2015 by a group of former al-Shabab fighters led by the cleric Sheikh Abdulkadir Mumin, who reportedly pledged allegiance to the late IS leader Abu Bakr al-Baghdadi. Mumin appears to have survived a U.S. airstrike on May 31.


By Harun Maruf