Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh ”Faaido malaha Ciidamada in lakala qeeybiyo”
{DAAWO MUQAALKA} Raisul wasaare Xamse ‘Falkii ka dhacay ceel baraf waxaa uu ahaa bahalnimo”
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Raisul wasaare Xamse ‘Falkii ka dhacay ceel baraf waxaa uu ahaa bahalnimo”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Daahir shire ”Hamiga laga qabo wasaarada batroolka waan ka dhabeyn doonaa”
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Wasiir Daahir shire ”Hamiga laga qabo wasaarada batroolka waan ka dhabeyn doonaa”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Meel kasto oo Soomaalida Degto Dhiig ayaa ku Daadanaayo” Sheekh Mustafa Xaajis Ismaaciil haaruun”
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Meel kasto oo Soomaalida Degto Dhiig ayaa ku Daadanaayo” Sheekh Mustafa Xaajis Ismaaciil haaruun”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} “Dadka shaki ayaa galay markabka wuu nagu daahay ayay lee yihiin amuu shidaalka naga guranayaa”
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} “Dadka shaki ayaa galay markabka wuu nagu daahay ayay lee yihiin amuu shidaalka naga guranayaa”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Imaaraatka Carabta oo Soo Dhaweeyay Dadaalada uu Turkiga Ka Wado Suudaan
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweeyay dhexdhexaadinta Turkiga ee loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso oo ay iska kaashadaan Turkiga si loo dhammeeyo khilaafka Suudaan, iyadoo xustay in dhexdhexaadintu ay tagaeerayso” amniga iyo xasiloonida gobolka.”
Dowladda Imaaraadka ayaa adkeeysay baahida loo qabo in la joojiyo dagaalka, in gargaar bani’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka u baahan, iyo geeddi-socod siyaasadeed oo keeni doona dhismaha dowlad madani ah.
Turkigu ayaa horey u dhexdhexaadiyay Suudaan iyo Imaaradaka, taasoo lagu soo afjaray xiisad ka dhex taagneed labada dal, kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu telefoon kula hadlay guddoomiyaha Golaha Sare ee Suudaan, Cabdilfataax al-Burhan.
Dhinaca kale, dowladda Suudaan ee uu hogaamiyo Cabdilfataax al-Burhan ayaa si cad u diidday wararka sheegaya in dalka uu wajahayo “macluul,”isagoo sheegay in xaaladda aanay ahayn mid ay abaaruhu saameeyeen sida lagu sheegay wararka.
Saciid Deni oo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya Baaq u Diray
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka hadlay munaasabad uu ku dhagax dhigayay isbitaal weyn oo laga dhisayo magaalada Garawe ee caasimadad Puntland, ayaa baaq muhiim ah u diray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.
Sicid Deni , ayaa sheegay in dowladda Federaalka madaxdeeda laga rabo in ay noqdaan waayeel siyaasadeed, waxa uuna si gaar ah ugu baaqay in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee taagan aysan ku xallin xabbad, balse looga baahan yahay wadahadal iyo is-qancin.
Madaxweyne Deni , ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya kula talinayo in dadka Soomaaliyeed isku soo jiido una fidiso gogol nabadeed, badalkii ay kala fogeyn laheyd, waa uuna xusay in xilligan dadka Soomaaliyeed u baahan nabbad , caafimaad iyo waxbarasho, balse aysan rabin dagaal.
” Hantida ku baxda hubka dagaalada loo adeegsanayo xilligan, runtii waxa ay noqotay seylad dalkeena loo soo waarido hubka si ay isagu gumaadaan dadkeena, arrintaasi waxaan baaq uga dirayaa odayaasha, siyaasiyiinta iyo cid walbo oo masuul ah in marxaladaa dib u fiiriso , siyaasadda waddadeeda la mariyo ” ayuu yir Madaxweyne Deni.
Hadalka Siciid Deni , ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya duullaan fashilmay ku qaaday maamulka Jubbaland uu khilaaf kala dhaxeeyo, waxa uu sidoo kale hadalkan imaanayaa xilli dagaal beeleedyo dhiig badan ku daatay ka dhacay qeybo kamid ah dalka.
Doowladda Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday in uu Dalku Galay Xaalad Abaar Ah
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.
Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen.
Hay’adda SoDMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayaa Saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo wali u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha Dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha, in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto, halka uu u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.
Muxuu Yahay falka Xadgudub ku ah Dalka Libiya ee uu Shiinaha ku kacay ?
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Shiinaha ayaa la sheegay inuu heshiis qarsoodi ah la galay Jen. Khalifa Haftar, inta uu socday dagaalkii sokeeye ee Liibiya, iyadoo heshiiska uu dhigayay in Shiinaha uu geeyo Liibiya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee awoodda u leh inay gantaallo culus qaadaan , markaa oo habka lacag bixinta ay ahayd in Jen. Khalifa Haftar uu fududeeyo sida uu Shiinaha u heli lahaa khayraadka Liibiya oo shidaalka cayrin ugu horreeyo ,heshiiska wuxuu dhigayay 1 bilyan oo dollar inay ku baxayso hubka uu u baahanyahay Jen. Khalifa Haftar.
Wada-xaajoodka wuxuu soo bilowday 2018-kii, wuxuuna isku dayay Shiinaha inuu hubka ku gaarsiiyo Liibiya , iyadoo laga dhigayo gargaar caafimaad oo la xiriira COVID-19 , isla waqtigaa Shiinaha wuxuu ka fogaanayay cunaqabateynta hubka.
Shiinaha ayaa la oggaaday in uu qorshahan u adeegsaday shirkad fadhigeedu yahay Ingiriiska iyo wakiillo kala jooga Masar iyo Tunisia ,halka baaritaanka la sameeyay ee hadda lagu daahqaaday dalka Canada lagu oggaaday inay sidoo kale heshiiskan qeyb ka ahaayeen saddex sarkaal oo ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay ee duuliska (ICAO) oo fadhigeedu yahay magaalada Montreal ee dalka Canada , oo shaqadoodu ahayd inay daabulaan hubka .
Sida uu sheegay wargeyska The Telegraph oo soo xigtay xogta baaritaanka lagu sameeyay saddex qof oo heshiiskan qeyb ka ahaa oo Canada lagu qabtay. Qeyb ka mid ah diyaaradaha waxaa lagu qabtay Talyaaniga mana guuleysan heshiiskan oo Shiinaha uu ka rajeynayay inuu dhalin doono si dhaqso ah Jen. Haftar inuu ku guuleysto dagaalka sokeeye, taas oo u oggolaanaysa Shiinaha inuu saameyn markaa ku yeesho Liibiya , si uu uga faa’iideysto khayraadka dalkan ku yaalla waqooyiga Afrika.
Hadda Shiinaha wuxuu xiriir la leeyahay dawladda la aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli, natiijadu haddii la xaqiijiyo xiriirka Jen. Haftar iyo Shiinaha , markaa wuxuu Shiinaha kala kulmayaa xukuumadda Tripoli waji gabax.
Axmed al-Sharaa oo Shaaciyay Xilliga ay Doorasho ka dhici karto Suuriya
Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Talada dalka Suuriya oo sanado badan xukunka hal qoys gacanta ugu jiray , ayaa dhawaan waxaa ka dhacay isbadal weyn oo aan horey loo saadaalin, waxaana xukunka dalkaasi si fudud kula wareegay xoogag islaamiyihiin ah oo dagaal adag la galay nidaamkii Bishaar Al-assad.
Maamulka cusub ee la wareegay talada dalka Suuriya, ayaa dhisay dowlad KMG ah oo dalkaasi sii maamusha inta laga gaarayo doorasho guud, waxa ayna maamulkan hadda ka shaqeenayaan diyaarinta dastuur cusub uu yeesho dalkaasi.
Hoggaamiyaha guud ee maamulka cusub ee dalka Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa sheegay in ay ka shaqeenayaan qabashada doorasho dalkaasi ka dhacda, waxa uuna xusay in qiyaastii doorasho guud in la qabto ay qaadan karto muddo afar sano ah.
Waxa kale uu sheegay hoggaamiyaha Suuriya in la bilaabayo diyaarinta dastuur cusub uu dalkaasi yeesho, waxa uuna xusay in diyaarinta dastuurka Suuriya uu qaadan karo muddo saddex sano ah, ayna ka shaqeenayaan in shacaka Suuriya sidoo ay codkooda ugu dooran lahaayeen hoggaankooda.
Maamulka cusub ee talada dalka Suuriya la wareegay, ayaa ka shaqeenaya wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya dalalka dariska, waxa ay sidoo kale maamulka cusub ka shaqeenayaan sidii dib loogu soo celin lahaa sumcadii iyo nabadii lagu yaqaanay dalka Suuriya.



