Home Blog Page 146

Fadhigii BFS oo Buuq ku soo xirmay iyo Mucaaradka oo ka hortagay qorshaha Dastuurka.

0

Arbaco 28 Juun 2026 {HMC} Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhammaaday buuq iyo is-mariwaa, kadib markii xildhibaanada mucaaradka ay ka hor yimaadeen qorshaha wax ka beddelka Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ku guuldareystay inuu si rasmi ah u furo kulanka, kaddib markii xildhibaano diidan ajandaha fadhiga ay kiciyeen sawaxan xooggan, taasoo keentay in guddoonka uu si degdeg ah uga baxo xarunta Baarlamaanka, kulankiina uu sidaas ku xirmo.

Intii uu socday buuqa xildhibaano ka tirsan labada dhinac ayaa gacmaha isula tageen, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid aan la xakameyn karin, waxaana goobta dagaal gacan ka hadal ah ku dhexmaray wasiirka amniga Fartaag iyo Xildhibaan Xasan Firinbi.

Xildhibaanada mucaaradka ah ee diidan wax ka beddelka Dastuurka iyo qorshaha muddo-kordhinta ee lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u muujiyay diidmo, iyagoo jeex-jeexay warqadihii ajandaha kulanka maanta.

Mudanayaashan ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka inay doonayaan inay meel mariyaan isbeddello Dastuuri ah oo aan haysan taageerada shacabka iyo Baarlamaanka.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qorshihii maanta la doonayay in lagu meel mariyo wax ka beddelka Dastuurka, kaas oo ay ku tilmaameen mid lagu xoojinayo muddo-kororsi iyo awood-uruursi.

Waxaa la filayaa in xildhibaanada mucaaradka ay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay u faahfaahiyaan mowqifkooda iyo sababaha ay u diidan yihiin ajandaha dowladda.

 

Wafdi heer sare oo ka socda Turkiga oo Muqdisho gaaray.

0

Arbaco 28 Juun 2026 {HMC} Wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Turkiga, uuna hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha,Durmuş Ünüvar, ayaa gaaray Dekedda Muqdisho si ay u bilaabaan weji cusub oo iskaashi laba-dhinac ah oo diiradda saaraya kaabeyaasha muhiimka ah ee badda.

Booqashadan ayaa ujeeddadeedu tahay dardargelinta mashaariicda horumarinta wadajirka ah iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee dhaqaale ee u dhexeeya labada dal.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Soomaaliya Sonna Wafdiga Turkiga ayaa si habraac diblomaasiyadeed oo buuxa loogu U soo dhaweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Federaalka, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, iyo Agaasimaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Safiir Maxamed Cali Nuur “Americo.”

Guddiga soo dhaweynta ayaa sidoo kale ka mid ahaa agaasimayaal ku-xigeenno ka tirsan maamulka dekedda iyo mas’uuliyiin sare oo amniga ah.

{DAAWO MUQAALKA} Midowga Yurub iyo Soomaliya oo iska kaashana Amniga iyo Difaaca

0

Arbaco 28 Juun 2026 {HMC} Midowga Yurub iyo Soomaliya oo iska kaashana Amniga iyo Difaaca

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Ilhaan Cumar oo ka hadashay weerarka loo geystay.

0

Arbaco 28 Juun 2026 {HMC} Ilhaan Cumar ayaa ka hadashay weerar xalay loogu geystay meel ay khudbad ka jeedineysay.

“Intii lagu jiray hoolka magaalada, nin kicin wada ayaa isku dayay inuu weerar ku qaado haweeneyda Congress-ka isagoo ku buufiyay wax aan la garaneynin oo cirbad ku jira, Nabadgelyada iyo Booliska Minneapolis ayaa si deg deg ah u soo qabtay shakhsiga, hadda waa la xiray, haweeneyda Congress-ka way fiican tahay. Waxay sii wadatay khudbaddeeda sababtoo ah uma oggola kuwa cagajuglaynta wada inay guuleystaan.”” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta baraha bulshada ee Ilhaan.

Booliiska Maraykanka oo xiray Nin weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar.

0

Arbaco 28 Juun 2026 {HMC} Booliiska Dalka Maraykanka gaar ahaan kan Minneapolis ayaa xiray Nin weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka qaybgalaysay kulan dadweyne oo looga doodayay culayska ka dhashay howlgallada & rabshadaha is dhinac socda ee Gobolka Minnesota.

Ninkaan la qabtay ayaa soo aaday dhinaca Xildhibaan Ilhaan Cumar isaga oo buufiyay walxo la sheegay in ay lahaayeen ur aad u darran balse weli la ogaan, waxaa kahor tagay qaar kamid ah ilaalada goobta joogtay oo gacanta ku dhigay Ninkaas.

Markii la xakameeyay Ninka ayay Ilhaan Cumar soo aadday dhankiisa iyana waxaa laga hor istaagay in ay wax ku dhufato maadaama lagu wareejiyay Ciidamada Booliiska oo baaraya waxa uu buufiyay, cidda soo dirtay, ujeedkiisa & su’aalo kale oo jawaabtooda la sugayo.

Intaas kaddib, Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Xiriirka Bulshada waxa ay ku xaqiijiyay in ay caafimaad qabto isla markaana aanay qalqalin gelin doonnin falkaas sida ay hadalka u dhigtay.

“Waan fiicanahay, Waxa aan ahay qof badbaaday, Kicintaan yar ima cabsigelin doonto mana iga horjoogsan doonto gudashada shaqadayda, Uma oggolaado cagajugleeyeyaasha in ay guuleystaan” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraalkaan soo dhigtay Barteeda X

Ilhaan Cumar ayaa horay u sheegtay in ay culays saarayaan xubno uu ugu derajo sarreeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kuwaas oo doonaya in ay aamusiyaan balse waxa ay ku goodisay in arrimaha ay la kulmayso ay yihiin kuwa dhiirragelinaya.

Xoghayaha Amniga Mareykanka oo wajahaysa xil ka qaadis la xiriirta arrinta Minneapolis

0

Arbaco 28 Juun 2026 {HMC} Dhanka kale, Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa wajahaysa cadaadis iyo baaritaan sii kordhaya kaddib dilalkii ka dhacay Minneapolis.

Hoggaamiyeyaasha Aqalka Wakiillada ee Dimuqraadiga ayaa ku hanjabay inay xilka ka qaadi doonaan haddii Madaxweyne Trump uusan shaqada ka eryin.

Senatarka Jamhuuriga ah Thom Tillis ayaa sheegay in Noem ay sumcad xumo u keentay madaxweynaha, isla markaana ay tahay in laga qaado shaqada. Horey, Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo Marwo Noem, isagoo intaa ku daray inay si aad u wanaagsan u gudatay waajibaadkeeda.

Sacuudiga oo sheegtay in aysan ogolaan doonin in Dalkiisa laga weeraro Iran.

0

Arbaco 28 Juun 2026 {HMC} Amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa sheegay in Boqortooyada aysan ogolaan doonin in hawadeeda ama dhulkeeda loo isticmaalo weerar militari oo ka dhan ah Iiraan.

Hadalkan ayaa yimid intii lagu jiray wicitaan taleefan oo dhexmaray amiirka dhaxal sugaha, oo sidoo kale ah ra’iisul wasaare, iyo Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA) Talaadadii.

Bin Salman ayaa xaqiijiyay “mowqifka Boqortooyada ee ku aaddan ixtiraamka madaxbannaanida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan,” isagoo carabka ku adkeeyay in Sacuudi Carabiya “aysan u oggolaan doonin isticmaalka hawadeeda ama dhulkeeda falal militari oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ama weerar kasta oo dhinac kasta uu qaado, iyadoon loo eegin meesha ay u socdaan.”

Waxa kale oo uu ku celiyay taageerada Sacuudi Carabiya ee “dadaallo kasta oo loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida gobolka.”

ISHA:AA

Saudi Arabia says won’t allow airspace, territory to be used for military actions against Iran.

0

Wed 28 Jun 2026 {HMC} Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman has said the Kingdom will not allow its airspace or territory to be used for any military actions against Iran.

The remarks came during a phone call between the crown prince, who also serves as prime minister, and Iranian President Masoud Pezeshkian, the Saudi Press Agency (SPA) reported on Tuesday.

Bin Salman affirmed “the Kingdom’s position on respecting the sovereignty of the Islamic Republic of Iran,” stressing that Saudi Arabia “will not allow the use of its airspace or territory in any military actions against the Islamic Republic of Iran or any attacks by any party, regardless of their destination.”

He also reiterated Saudi Arabia’s support for “any efforts aimed at resolving disputes through dialogue in a manner that enhances security and stability in the region.”

SOURCE:AA

Kulan dhaxmaray Xildhibaanada Awdal iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Fashil ku dhamaaday

0

Arbaco 28 Jun 2026 {HMC} Xildhibaannada ka soo jeeda Beesha Gadabuursi ee ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland iyo wasiirka Arrimaha gudaha Sandheere ayaa yeeshay kulan fashilmay isku Afgaram waayeen xaaladda ka jirta gobolada Awdal iyo Salal.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lagaga wada hadlayay xaaladda guud ee Gobolada Salal iyo Awdal gaar ahaan cabashooyinka la xidhiidha ciidamada Somaliland ee la sheegay in si joogto ah loogu daabulayo gobolka, taas oo xildhibaannadu ku tilmaameen mid walaac iyo culays ku ah shacabka deegaanka.

Xildhibaannadu waxay wasiirka u gudbiyeen dareenka, xaalada Amaan ka jirta galbeedka iyo cabashada shacabka reer Awdal, iyagoo si cad u sheegay in haddii aan wax muuqda laga qaban dhibaatada iyo cadaadiska ay sheegeen in lagu hayo bulshada beelaha Gadabuursi

Xogaha ayaa intaas ku biiranaya in kulanku ku dhamaaday is-afgarasho la ‘aan islamarkaana aanu jirin go’aan Cad ah oo lagu qanciyay xildhibaannada, taasoo keentay inay si caro leh uga baxaan xafiiska wasiir cabdalle Sandheere

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Awdal iyo Salal kuwaas oo u baahan xal degdeg ah iyo wada-hadal miro dhal ah.

Dad Farabadan oo ku xoomeen hoteelkii uu deganaa Taliyihii ICE ee xilka laga qaaday.

0

Arbaco 28 Jun 2026 {HMC}  Booliiska ayaa sheegay in dhowr qof oo shacab ah la xiray intii lagu jiray mudaharaad ka dhacay bannaanka hoteel lagu tuhunsanaa in uu ku sugnaa Taliyaha Ilaalada Xudduudaha Gregory Bovino xalay, ka dib markii dadku ku qeyliyeen oo waxyeello u geysteen hanti dadweyne kun tuureen walxo askarta. Booliisku waxay sheegeen dadka aan amarada kala dirista u hoggaansamin ama falal dambiyeed sameeyay in la xiray.

Mudaharaadka ayaa ka dambeeyay dilkii naxdinta lahaa ee Alex Pretti, oo ahaa kalkaaliye caafimaad, oo lagu toogtay Minneapolis intii uu socday hawlgal ay fuliyeen wakiillo federaal ah kuwaas oo qayb ka ahaa kordhinta howlgallada ICE ee Minneapolis.

Booliiska gobolka Minnesota iyo dadweynaha ayaa ka careysan sida kiisaska dilalka ah ee ay geysteen ciidamada federaalka ay u dhaceen, gaar ahaan iyadoo muuqaal laga soo qaaday uu muujinayo in Pretti uusan hanjabaad u gaysan markii rasaas lala dhacay.

Wararka ugu dambeeya waxay sheegayaan in Gregory Bovino uu ka baxayo Minneapolis maanta, iyadoo arrinta dilka Pretti ay keentay cadaadis siyaasadeed iyo dibadbaxyo sii xoogaysanaya.

Madaxweyne Trump ayaa u magacabay Tom Homan inuu ka talo geliyo howlgalka dhulka ka socda.

Mudaharaadayaasha ayaa ku baaqaya in la baabi’iyo hay’adda ICE iyagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ICE.