Home Blog Page 1465

Faahfahino Kasoo Baxayo Dagaal xooggan oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland ,ayaa saakay ka qarxay galbeedka gobolka Mudug , gaar ahaan deegaanno ay labada maleeshiyo horey ugu dagaallameen.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa saakay hore ka qarxay deegaan lagu magacaabo Jiicboor, waxaana wararka hadad soo baxaya sheegayaan in dagaalka uu kusii fiday deegaanno hor leh oo galbeedka gobolka Mudug ka tirsan.

Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa la isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana aagga dagaalka uu ka socdo gaaraya maleesgiyaad gurmad ah oo labada dhinac u kala gurmanaya.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ,ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug, waxaana dhaawacyada dadka dagaalka waxyeelada kasoo gaartay la geenayaa Gaalkacyo iyo Galdogob.

Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa marar badan aagaasi kusoo noq noqday, waxaana marar badan laga heshiiyay dagaalkan soo noq noqday ee u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ee wada dega aagga lagu dagaalamayo.

{DAAWO MUUQAAKA} Nabadoon Cabdullaahi.”DFS Waxaan uga Fadhinaa Cadaalada Askartii Lagu dilay Ceelbaraf.”

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Nabadoon Cabdullaahi.”DFS Waxaan uga Fadhinaa Cadaalada Askartii Lagu dilay Ceelbaraf.”

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAAKA} Odoyaasha dhaqanka Baladweyne oo War Saxaafeed kasoo Saaray dhacdadii Ceelbaraf.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC}Odoyaasha dhaqanka Baladweyne oo War Saxaafeed kasoo Saaray dhacdadii Ceelbaraf.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAAKA} Dowladii Badali laheyd Itoobiya Howlgalka Cusub ee Soomaaliya oo La Shaaciyay.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Dowladii Badali laheyd Itoobiya Howlgalka Cusub ee Soomaaliya oo La Shaaciyay.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAAKA} Waa maxay Shaqooyinka ugu horeeya ee gudigga doorashooyinka federaalka uu qabanayo?

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Waa maxay Shaqooyinka ugu horeeya ee gudigga doorashooyinka federaalka uu qabanayo?

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Doowladd Soomaali oo shaacisay Dalalka Kamid Noqonaya Howlgalka AUSSOM

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC}  La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee amniga qaranka , Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray dalalka ka mid noqonaya hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya lee dahay sharciyadda go’aan ka gaarista dalalka kamid noqonaya hawlgalka cusub ee Nabad-ilaalinta ee Soomaaliya ee AUSSOM kaasi oo bilaaban doona dhammaadka sannadkani.

“Dowladda Soomaaliya waxay leedahay sharciyada ay ku go’aamiso dalalka ka qaybgalaya howlgalka AUSSOM… Go’aanka ayaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa, isagoo la waafajinayo mudnaanta qarankeenna— ruuxda baaqa Ankara waa mid xooggan oo weli nool” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta.

{DAAWO MUUQAAKA} Ciidamada Furaha Kasoo baxay oo Lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Dhaa-ifo.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Ciidamada Furaha Kasoo baxay oo Lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Dhaa-ifo.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAAKA} Madaxweyne Ciro oo War Kasoo Saaray Kulamadii Lagu Xalinayay Dagaalka Dacawaleey.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC}Madaxweyne Ciro oo War Kasoo Saaray Kulamadii Lagu Xalinayay Dagaalka Dacawaleey.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAAKA} Maamulkii Degmada Ceelbaraf Oo Shaqo joojin lagu Sameeyey.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Maamulkii Degmada Ceelbaraf Oo Shaqo joojin lagu Sameeyey.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xubno ka tirsan Qoyska Reer Asad ee Suuriya oo gaaray Dubai

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Lubnaan ayaa sheegay in Rifaat Al-Assad, oo ah adeerka madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar Al-Assad, uu dhowaan Beirut ka dhoofay uuna tegay Dubai.

Mas’uuliyiinta waxay sidoo kale sheegeen in xubno badan oo qoyska Al-Assad ka tirsan ay Beirut uga guureen Dubai, halka qaar kalena ay weli ku sugan yihiin Lubnaan tan iyo markii xilka laga tuuray Bashar Al-Assad 8-dii Diseembar.

Mas’uuliyiinta Lubnaan waxay xaqiijiyeen in aysan jirin dalab rasmi ah oo ka yimid Interpol oo ku saabsan xiritaanka Rifaat Al-Assad, inkastoo uu wajahayo eedaymo culus oo la xiriira dambiyo dagaal iyo xasuuqii Hama ee 1982.

Rifaat Al-Assad wuxuu ku jiraa sagaashanaadkii noloshiisa, waxaana lagu eedeeyaa inuu amray dilka tobanaan kun oo qof intii uu hogaaminayey hawlgalladii Hama.