Home Blog Page 1466

DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda gobolka Mudug

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Faah-faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socdo aagga deegaanka Jiicboor, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu kusii fidayo goobo horleh, isla-markaana ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisi ka dhashay dhul oo u dhexeeyo labada beeleed ku wada dagaalamaya halkaais.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeshay dadka deegaanka.

{DAAWO MUUQAAKA} Itoobiya oo War Kasoo Saaray Go’aanka DFS ugu reebtay Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Itoobiya oo War Kasoo Saaray Go’aanka DFS ugu reebtay Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAAKA} Amaanka SSC Khaatumo oo Wax weyn iska badalay Kadib Ciidamo Xasilin ah oo Loo Sameeyey.

0

Isniin 28, Dec 2024 {HMC} Amaanka SSC Khaatumo oo Wax weyn iska badalay Kadib Ciidamo Xasilin ah oo Loo Sameeyey.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28.12.2024}

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAAKA} Wararkii ugu dambeeyay Howlgalo Dad lagu xirxiray oo laga sameeyay Ceelbaraf

0

Isniin 28, Dec 2024 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay Howlgalo Dad lagu xirxiray oo laga sameeyay Ceelbaraf

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Cumar Cabdirashiid oosi adag ugu hadlay xaalada uu dalka ku jiro.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo laba jeer dalka ka soo noqdey ra’iisal wasaare, ayaa muddo dheer kaidb ka hadley arrimaha siyaasadda ee dalka kadib markii uu ka aamusnaa 6-dii bilood ee u danbeysey oo ay dalka ka dhaceen isbeddelo waaweyn.

Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ku tilmaamey isbeddaladii waaweynaa ee dhacaayey sanadkan 2024, sida dastuurka oo la beddelo, dhisidda guddiyo u baahnaa wadatashi, dagaalo lagu qaado dowlad goboleedyada, doorashooyinkii dowlad goboleedyada oo la qaban waayo marka laga reebo Puntland, doorashooyin la boobo, qaar kamid ah madaxdii dowlad goboleedyada oo maxkamad u jarto waaran in la soo xiro, ciidamadii xooga dalka oo Kenya u talaabey kadib markii arrimo siyaasadeed lagu dagaalamay, in ay ahaayeen khadad cas oo la jiiray.

“Waxaa laga talaabsadey khadad badan oo lama taabtaan ah sanadkan 2024, kuwaas oo abuuray xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo dalka oo dhan ah. Marna kama adkaan karno fakhriga mana wajihi karno khataraha dibadda ka yimaada haddii aan la helin isku duubni gudaha. Allaah bulshadeena ha ku hanuuniyo xasiloonida & isku duubnida siyaasadeed 2025 & wixii ka dambeeya.”

Qoraalkan oo u muuqda mid uu dib ugu furaayo doodihisi siyaasadeed ayuu ku soo aadiyey dhamaadka sanadkan 2024.

Cumar Cabdirashiid ayaa si joogto ah uga hadli jirey isbeddalada siyaasadeed iyo khataraha dalku wajahayo, waxaana uu bixin jirey talooyin, waxaana hadda muuqata in uu mar kale dib ugu soo laabtey fagaarayaasha siyaasaddsa.

{DAAWO MUUQAAKA} Xubno ka tirsan Qoyska Reer Asad ee Suuriya oo gaaray Dubai

0

Isniin 28, Dec 2024 {HMC} Xubno ka tirsan Qoyska Reer Asad ee Suuriya oo gaaray Dubai

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidanka Uganda oo la qorsheynayo in lagu wareejiyo Saldhigyada ay joogaan kuwa Itoobiya

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in howlgalka cusub ee AUSSOM la dejiyay qorshaha cusub ee la xiriira in saldhigyada ay joogaan Ciidamada Itoobiya lagu baddeli doonno kuwa ka socda Dalka Uganda gaar ahaan Gobollada Gedo, Baay & Bakool.

Uganda ayaa door firfircoon ku yeelatay howlgalkaan oo waxa ay fursad u heleysaa in ay kusoo biiriso askar cusub oo gaaraya 7,000 sida ku xusan saami qaybsiga ciidamadaan lagu sameeyay Dalalka howlgalka AUSSOM qaybta ka noqonaya.

Itoobiya ayaa fadhiga Golaha Ammaanka waxa ay ka dhex sheegtay in Amniga Soomaaliya ay qasayso Masar oo xiisad adag oo dhinaca Biyaha Nile kala dhaxeyso, Qaahira oo qayb ka noqoneysa howlgalka AUSSOM ayay Addis Ababa uga sii afaafatay Golahaan hortiisa.

Uganda ayaa loo arkaa in ay buuxin karto booska Ciidamada Itoobiyaanka ah ay ka joogaan Gobollada Dalka sidaas awgeed waxaa loogu caleemo saarayaa sidii ay u tagi lahayd deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Askartii ugu horreysay ee howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya loosoo diray waxaa ku deeqday Dowladda Uganda sanadkii 2007dii xiligaas oo ciidanka Itoobiya ay gudaha usoo galeen Dalka iyaga oo ku dooday in ay garabsiinayeen Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd.

Itoobiya oo war kasoo saartay howlgalka AUSSOM ee laga reebay.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay qorshaheeda la xiriira howlgalka cusub Soomaaliya ee AUSSOM ee laga reebay isla markaana muddo kooban kaddib baddelaya kan ATMIS ee qaybta ka tahay.

Itoobiya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay qorshaha lagu hormarinayo amniga Dalka oo ay qirtay in sanadihii lasoo dhaafay isbaddel weyn kusoo kordhay, waxaana ay tilmaamtay in doorkeeda ay ka qaadan doonno dhinac istaagga horumarkaas.

“Itoobiya oo ay wehliyaan Dalalka safka hore waxa ay hormuud ka ahayd taageerrada amniga Soomaaliya, si loo dhiso hay’adaha dowladeed si ay u qaataan mas’uuliyadda, waxa aan bixinay naf hurnimadii ugu qaalisaneyd iyada oo aan taageerro ka heleyno Bulshada Caalamka” ayuu yiri wakiilka u hadlay Dowladda Itoobiya.

Wakiilkaan u hadlay Itoobiya ayaa ku faanay in Dalkiisa oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ay naftooda u hureen Soomaaliya si ay nabad iyo xasilooni dib ugu hesho sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu rajeeyay in lasii wado howlgallada socda.

“Wiilashada Itoobiya oo ay garab socdaan saaxiibadood Qaaradda waxa ay si dhab ah uga qayb qaateen xasilinta Soomaaliya, Sanadihii lasoo dhaafay waxa aan aragnay horumar dhiirragelin ka muuqato” ayuu Hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxa aan rajeyneynaa in lasii wado horumarkaas iyada oo si wadajir ah loo wada gaarayo loogana wada shaqeynayo, waxa aan aaminsanahay in si daacadnimo ku dheehan tahay in lagu gaari karo hadafka ah la dagaalanka Argagixisada, Itoobiya waxa ay diyaar u tahay doorkeeda uga aaddan howlalka xiga ATMIS” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wakiilkaan u hadlay Itoobiya.

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay muddo dheer, Addis Ababa ayaa billowgii sanadkaan 2024 shaacisay heshiis xadgudub ku ah Madaxbannaanida iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

11kii Bishaan waxaa fool ka fool Magaalada Ankara ee Turkiga ugu kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isla gartay heshiis hordhac ah oo lasii ambaqaadayo sanadka cusub 2025.

{DAAWO MUUQAAKA} Dagaal Culus Oo Ka Socda Gobolka mudug

0

Isniin 28, Dec 2024 {HMC} Dagaal Culus Oo Ka Socda Gobolka mudug

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA