Home Blog Page 1467

Xuutiyiinta Yemen oo weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa Jimcihii shalay sheegay inay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Israa’iil, ka dib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in gantaal dhexda laga qabtay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay sheegteen ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ay Khamiistii duqeymo ka gaysatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaalla goobaha ay mucaaradka ku sugan yihiin ee Yemen.

Bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale diyaarado aan duuliye lahayn ay u direen magaalada Tel Aviv iyo markab ku sugan Badda Carabta.

Waxay sheegeen in “gardarrada Israa’iil ay sii kordhin doonto un go’aanka iyo adkeysiga shacabka Yaman ay ku sii wadayaan taageerada ay siinayaan shacabka Falastiin.”

Milateriga Israa’iil ayaa shalay subax sheegay in “hal gantaal oo laga soo tuuray Yemen la qabtay ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.”

Weli kama aysan hadlin weerarada kale ee ay sheegteen Xuutiyiinta.

Khamiistii, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa weeraray garoonka diyaaradaha ee Sanca halkaas oo madaxa hay’adda caafimaadka adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu sheegay inuu sugayey duulimaad.

Afar qof ayaa ku dhintay weerarka garoonka, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 20 qof oo safar ahaa iyo shaqaale, sida uu maanta sheegay sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta.

Madaxa WHO ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda uu raaci lahaa uu ka mid yahay dadka dhaawacmay.

Duqeymaha ka dhanka ah waxa ay militariga Israa’iil ugu yeereen “bartilmaameedyo militari” waxaa ku dhintay guud ahaan lix qof, sida ay sheegtay warbaahinta Xuuthiyiinta, waxaana ay ku soo beegmeen maalin kaddib markii fallaagada ay sheegteen weeraro gantaallo iyo kuwa drone in ay ka fuliyeen Israa’iil.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca ayaa dib u howlgalay abaare 10:00 subaxnimo ee Jimcihii, sida uu shir jaraa’id ku sheegay ku-xigeenka wasiirka gaadiidka ee Xuutiyiinta Yahya al-Sayani.

{DAAWO MUUQAAKA} Macalin qabo baahiyaha Gaarka oo Hogaamiyo koox ka dhisan Baladweyne.

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Macalin qabo baahiyaha Gaarka oo Hogaamiyo koox ka dhisan Baladweyne.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Golaha Ammaanka Oo Ansixisay Ciidamo Cusub Oo La Geeyo Soomaaliya

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qorshe lagu abuurayo ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo la filayo in ay hawlgallada ka dhan ah kooxda Al-Shabaab bilaabaan bisha January.

Ciidamada Ethiopia Ayaan ka mid noqon doonin ciidamada nabad ilaalinta ee cusub.

Ciidamadan ayaa lagu beddelayaa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo waajibaadkiisu ku egyahay 31-ka Diseembar.

Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Britain, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka Mareykanku ka aamusay sababo la xiriira walaacyo ku saabsan maalgelinta.

Ciidamada cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.

Taageero Xoogan oo Loo Muujiyay Soomaaliya

Ku xigeenka Safiirka Boqortooyada Britain ee Qaramada Midoobay, James Kariuki, ayaa sheegay in qaraarkan uu si adag u muujinayo taageerada Golaha Ammaanka ee Soomaaliya.
“Waxay AUSSOM awood u siinaysaa inay taageerto Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ku xoogga saarto dadaallada xasilinta, oo fududeyso gaarsiinta gargaar bani’aadminimo,” ayuu yiri Kariuki.

Ka Qaybgalka Dalalka Gobolka

Wakiillada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu martiqaaday shirkan Golaha Ammaanka, inkastoo aan loo oggolaan inay codeeyaan.
“Waxaan ku adkeyneynaa in awood qaybinta ciidamadan cusub lagu saleeyo heshiisyo laba geesood ah,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka Soomaaliya Mohamed Rabi A. Yusuf, isagoo intaas ku daray in 11,000 oo askari hore loo ballan qaaday.

Dalka Masar Oo Ka Mid Noqonaya Ciidamada Cusub
Isniintii, wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qayb ka noqon doono ciidamadan cusub.

Xiisadaha Gobolka Geeska Afrika

Gobolka Geeska Afrika waxaa ka jiray xiisado siyaasadeed oo sii xoogeysanayay, gaar ahaan kadib markii Itoobiya ay heshiis dhinaca badda ah la saxiixatay Somaliland bishii January ee sannadkan 2024ka taas oo kor u qaaday xiriirka Muqdisho iyo Qaahira.

Turkiga ayaa 11kii bishan dhex-dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo ciidamada Itoobiya aysan qayb ka noqon doonin hawlgalkan cusub.

Xog ka soo baxday ilo milateri oo Burundiyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Burundi aysan qayb ka noqon doonin ciidamadan cusub.

Walaaca Maalgelinta

Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale oggolaanaya suurtogalnimada in 75% kharashka hawlgalkan cusub ay maalgeliso Qaramada Midoobay, iyadoo la adeegsanayo nidaam la sameeyay sanadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, ayaa sheegtay in aysan wali muuqan shuruudo lagu dhaqaaqi karo oo lagu dhaqangalinayo nidaamkaas, taasoo sababtay in Mareykanku uu ka aamuso codbixinta.

29 qof ayaa weli la la’ahay kaddib markii lagu afduubtay Kenya.

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Guddiga qaranka xuquuqda aadanaha Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo (KNCHR) ayaa walaac ka muujiyay tirada sii kordheysa ee dadka laga afduubanayo dalka iyado sida la sheegay 26 qof la la’yahay ilaa iyo markii ay dhaceen dibadbaxyadii dowladda looga horjeeday bishii Juun.

Qoraal shalay ka soo baxay KNCHR ayaa lagu sheegay in ay ogaadeen in afduubyada ay si hoose u sameeyeen shaqsiyaad hubeysan oo aan la aqoon.

Waxay intaas ku dareen in sidoo kale ogaadeen in dadka la afduubtay ay ahaayeen kuwa si weyn uga horjeeday dowladda.

KNCHR waxay kaloo sheegtay in ay jiraan saddaxdii bilood ee la soo dhaafay 13 kiis oo afduub ah ama la la’yahay. Tirada guud waxay taas ka dhigeysaa 82 qof ilaa iyo bishii Juun ee sanadkan.

Dhinaca kale komiishanka boolisku waxay sheegeen in ciidamada boolisku ay feejignaadaan si ay u gutaan waajibka ka saaran ilaalinta rayidka, waxayna intaas ku dareen waa in dad loo soo qabto afduubyadaas sida aan qarsoodiga aheyn loo fuliyay.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.12.2024}

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAAKA} Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay Askartii lagu laayay Gobolka Sh/Dhexe..

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay Askartii lagu laayay Gobolka Sh/Dhexe..

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Odayaasha Dhaqanka Jalalaqsi “Waa in 24 Saacadood Jawaab laga Bixiyaa Askartii lagu laayey Sh/Dhexe”

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Odayaasha Dhaqanka Jalalaqsi “Waa in 24 Saacadood Jawaab laga Bixiyaa Askartii lagu laayey Sh/Dhexe”

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 27-12-2024.

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

69 qof ayaa ku geeriyooday xeebaha Moroco Kadib Markii Dagay markab siday muhaajiriin.

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay oo 25 ka mid ah u dhasheen Mali kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Morocco sidaasina waxaa xaqiijiyay dowladda Mali.

Doonta waxaa sarnaa rakaab gaaraya 80 qof, waxaana ka badbaaday 11 qof sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowlada Mali. 9 ka mid ah dadka la soo badbaadiyay waxay u dhasheen Mali.

Doonta ayaa badda ku degtay toddobaadkii la soo dhaafay balse dowladda Mali waxay xaqiijisay shilkan shalay oo khamiis aheyd. Koox gurmadka degdega ah ayaa loo diray si ay xaalada ula socdaan.

Shaqo la’aanta iyo saameynta isbeddelka cimilada ay ku keentay beeraha ayaa ku qasbay dadka in ay nolol fiican ka raadsadaan Yurub.

Jidka muhaajiriinta oo ka soo bilowda xeebaha Mauritania oo la sii maro Morocco sidaasna lagu gaaro Spain ayaa loo arkaa in uu yahay jidka ugu khatarsan adduunka.

Waxaa si weyn u kordhay tirada dadka maraya jidka Atlantica si ay Yurub u gaaraan. Toddobaadkan ayey hay’ad gargaar sheegtay in tiro ka badan 10 kun ay sanadkan dhinteen iyagoo isku dayaya in doon ku gaaraan Spain.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 27/12/2024

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAA WEYNAA