Home Blog Page 1468

69 qof ayaa ku geeriyooday xeebaha Moroco Kadib Markii Dagay markab siday muhaajiriin.

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay oo 25 ka mid ah u dhasheen Mali kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Morocco sidaasina waxaa xaqiijiyay dowladda Mali.

Doonta waxaa sarnaa rakaab gaaraya 80 qof, waxaana ka badbaaday 11 qof sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowlada Mali. 9 ka mid ah dadka la soo badbaadiyay waxay u dhasheen Mali.

Doonta ayaa badda ku degtay toddobaadkii la soo dhaafay balse dowladda Mali waxay xaqiijisay shilkan shalay oo khamiis aheyd. Koox gurmadka degdega ah ayaa loo diray si ay xaalada ula socdaan.

Shaqo la’aanta iyo saameynta isbeddelka cimilada ay ku keentay beeraha ayaa ku qasbay dadka in ay nolol fiican ka raadsadaan Yurub.

Jidka muhaajiriinta oo ka soo bilowda xeebaha Mauritania oo la sii maro Morocco sidaasna lagu gaaro Spain ayaa loo arkaa in uu yahay jidka ugu khatarsan adduunka.

Waxaa si weyn u kordhay tirada dadka maraya jidka Atlantica si ay Yurub u gaaraan. Toddobaadkan ayey hay’ad gargaar sheegtay in tiro ka badan 10 kun ay sanadkan dhinteen iyagoo isku dayaya in doon ku gaaraan Spain.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 27/12/2024

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAA WEYNAA

Qaramada Midoobay oo ka shiraya Howgalka cusub ee Soomaaliya.

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda amni ee Soomaaliya iyagoo dhanka kalena ka doodi doona Howlgalka Cusub AUSSOM kaasi oo dalka ka bilaaban doona sanadka Cusub 2025.

Golaha ayaa cod aqlabiyad leh u qaadi doona sida lagu dhisayo Howlgalka Cusub iyo sida uu u ekaanayo maadaama xilli kala guur ah la marayo waqtigaan dhanka kalena Mandate-ka ATMIS uu ku egyahay 31 December ee Sanadkaan.

Qabyo qoraalka lagu wado inay u codeeyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hogaaminaya gacantana ku haya Dowladda Ingiriiska iyadoo warbixin hordhac ah oo xilligaan la helayo ay sheegayaan in 12,626 askar ah oo ay ku jiraan 1040 booliis ah la keenayo gudaha Dalka 1 Janaayo ee sanadka Cusub.

AUSSOM oo ah Howlgalka Cusub ayaa sida wararka lagu helayo waxa uu ciidankiisa kusoo daabuli doona Soomaaliya ilaa 30 ka Juun ee sanadka 2025.

Sidoo kale kulanka maanta waxaa ka qeybgalaya Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo illaa iyo iminka la xaqiijiyay in Howlgalka Cusub ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Brundi iyo Masar.

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya Golaha ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya dib loogu darayo Howlgalkaan Maadaama Ankara lagu dhameeyay xiisadii kala dhaxeysay Soomaaliya.

Sarkaal horey uga tirsanaa Ciidanka Somaliya oo tarxiilay Mareykanka, Kadib Markii la Ogaaday in Uu tacadiyo ka gaystay Somaliland.

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC}Dowladda  Mareykanka waaxdeeda Socdaalka ayaa soo masaafuriyay sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaasi oo ay sheegeen in uu geystay jirdil, argagixin iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Sarkaalkan oo 71-jir ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaanno “Tukeh” ayaa saraakiisha socdaalka ka soo saareen dalka Mareykanka Dec 20-keedii, waxa uu ahaa Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Guutada Shanaad ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya xiligii Madaxweyne Siyaad Barre 1987 ilaa 1989kii.

Isaga oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa la sheegay in Cali Tukeh uu ku kacay dhaqdhaqaaq argagixin ee ka dhanka ahaa xuquuqda dadka rayidka, Waxaa la rumeysan yahay inuu geystay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin dil sharci darro ah, jirdil iyo xarig sharci darro ah sida ay dacwad ogaayasha Mareykanka usoo jeediyeen.

Sida lagu sheegay War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka 23-kii December Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay sannadahaas ku kaceen xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka, oo ay ka mid yihiin dil toogasho ah oo lagu fuliyay dad lagu tuhmay in ay ka soo horjeedaan siyaasadda iyo burburinta kaydka biyaha si loo beegsado dadka rayidka ah.

Bishii Febraayo ee Sanadkan 2024, Garsooraha Waaxda Caddaaladda ee socdaalka wuxuu soo saaray go’aan ka kooban 65 bog oo go’aaminaya in Cali shakhsi ahaan uu galay jir dil intii uu hoggaanka u hayay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Sida go’aanka lagu sheegay, Cali waxa uu ku amray askarta isaga ka amar qaata inay xiraan, jir dilaan oo ay gacan ka geystaan ​​dilalka sharci darrada ah, ugu dambeyn Garsooraha ayaa amray in loo soo tarxiilo Soomaaliya.

Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaanno “Tukeh” ahna sargaalka ay Mareykanka dalkooda ka soo masaafuriyeen ayaa maalin ka hor sidiiran loogu soo dhoweeyay magaaada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Hiiraan State oo Dagaal kula wareegay Koontaroolo ay lee yihiin Hirshabelle.

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Ciidamada Hiiraan State oo Dagaal kula wareegay Koontaroolo ay lee yihiin Hirshabelle.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Dekeda Muqdisho oo Gubay Raashiin Dhacay.

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Booliska Dekeda Muqdisho oo Gubay Raashiin Dhacay.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Waxgaradka Baladweyne Oo DFS ugu baaqay in Jawaab Deg deg ah ka bixiso Askartii Ceelbaraf Lagu dilay

0

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Waxgaradka Baladweyne Oo DFS ugu baaqay in Jawaab Deg deg ah ka bixiso Askartii Ceelbaraf Lagu dilay

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

AS says one of its commanders killed in drone strike.

0

Friday 27, Dec 2024 {HMC} Militant group al-Shabab said one of its top commanders, Mohamed Mire, was killed in a drone strike near Kunyo Barrow in Somalia’s Lower Shabelle Region.

Al-Shabab did not say when the strike took place but blamed the United States for the killing.

The United States military command in Africa, AFRICOM, late on Thursday confirmed conducting a Dec. 24 airstrike against al-Shabab, killing two militants some 10 kilometers southwest of Kunyo Barrow. The AFRICOM statement did not name the targeted militants but said no civilians were harmed.

“The command will continue to assess the results of the operation and provide additional information as appropriate. Specific details about the units involved and assets used will not be released to ensure operational security,” said AFRICOM, which confirmed the strike was carried out in coordination with the Somali government.

Somalia’s Ministry of Information issued a statement calling the operation “well-planned” and conducted in coordination with international partners with whom it and long been hunting Mire.

Earlier, Lower Shabelle Region Governor Mohamed Ibrahim Barre told VOA’s Horn of Africa Service that the operation occurred two days ago.

Barre said Mire was traveling from the town of Jilib to Kunyo Barrow when he was targeted outside of the town.

Mire was head of al-Shabab’s regions department, the militant group’s equivalent of an interior ministry. He also held multiple other positions within the group.

In July, Somalia’s anti-money laundering committee issued a sanctions list targeting Mire and seven other al-Shabab commanders.

U.S. officials designated Mire a global terrorist in October 2022, describing him as a senior al-Shabab leader responsible for the group’s strategic decision-making and head of the group’s interior wing, overseeing many of the group’s activities in Somalia.

“Somalia remains central to the security environment in East Africa. U.S. Africa Command’s forces will continue training, advising and equipping partner forces to degrade al-Shabaab,” AFRICOM said.

 


By Harun Maruf

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12-27-2024}

Jimco 27, DEC 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Yaasiin Daacad

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Israel ayaa sheegtay in ay ka hortagtay weerar lagu qaaday garoonka Ben Gurion

Jimco , 27, Dec 2024 {HMC}  Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyay maanta oo Jimco ah in ay gantaalada ridada dheer ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee bartamaha Israel maalin kaddib markii la duqeeyay garoonka diyaaradaha Sanca.

Afhayeen militeri oo u hadlay kooxda Ansar Allah, Yaxya Saree ayaa sheegay in gantaalka uu gaarsiiyay dhaawac iyo in la joojiyo howlaha garoonka.

Saree wuxuu sheegay in ay qaadeen weerar kale oo lagu beegsaday wax uu ku tilmaamay goobo muhiim ah oo Israel ka tirsan.

Kooxda waxay sidoo kale bartilmaameed ka dhigteen Markab marayay bariga jasiirada Socotra iyagoo ku weerary drones. Sida laga soo xigtay Saree, “shirkadda iska leh markabka ayaa jabisay go’aanka lagu mamnuucayay in lagu galo dakadaha Israel”.

Xala waqti dambe ayey ciidamada Israel sheegeen in ay ka hortageen gantaan kaga yimid Yemen ka hor inta uusan soo gelin hawadooda.

Militeriga Israel ayaa hore u weeraray garoonka diyaaradaha Sanca iyo sidoo kale xarun militeri oo ku taal dekadda Xudeyda.