Home Blog Page 1473

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 26-12-2024.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Spain: 10,457 muhaajiriin ah oo dhintay ama la la’yahay sanadkan

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Madrid — Ugu yaraan 10,457 muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayay iyagoo isku dayaya in ay badda ku gaaraan Spain sanadkan 2024, sida uu Khamiista maanta ah sheegay urur aan dowli ahayn, taasi oo ah in ka badan 50 boqolkiiba tirada sanadkii hore iyo tan ugu badan tan iyo markii tirakoobka la billaabay 2007.

Kororka boqolkiiba 58-ka ah waxaa ku jira 1,538 carruur iyo 421 haween, ayey tiri kooxda u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Caminando Fronteras ama Walking Borders oo soo saartay warbixin daboolaysa muddada u dhaxaysa Janaayo 1 ilaa December 5, 2024.

Waxay ka dhigan tahay celcelis ahaan 30 dhimasho maalintii, taasi oo ka badan celceliskii sanadkii 2023 oo ahaa 18 qof maalinkii.

Kooxda waxay xogteeda ka ururisaa khadadka taleefoonnada ee loo diyaariyey muhaajiriinta saaran doomaha ay dhibaatadu haysato si ay ugu wacdaan gargaar, qoysaska muhaajiriinta la waayay iyo tirakoobka dowladda.

Waxay ku eedaysay sare u kaca dhimashada, adeegsiga doomaha jilicsan iyo marinada khatarta ah iyo sidoo kale agab la’aanta samata-bixiyayaasha.

“Tirooyinkani waxay caddayn u yihiin fashilka qotoda dheer ee nidaamka samata-bixinta iyo ilaalinta. In ka badan 10,400 oo qof oo dhintay ama la la’yahay hal sano gudaheed waa masiibo aan la aqbali karin,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri aasaasaha kooxda, Helena Maleno.

Dhibanayaasha ayaa ka soo kala jeeday 28 wadan oo u badan qaarada Afrika, laakiin sidoo kale kuwa ka yimid Ciraaq iyo Pakistan.

Inta badan dhimashada – oo ah 9,757 — ayaa ka dhacday dariiqa socdaalka Atlantic ee Afrika ilaa jasiiradaha Canary ee Spain, kaasi oo ay mareen tiradii ugu badneyd ee muhaajiriin ah sanadkii labaad oo xiriir ah.

Toddoba doonyood oo tahriibayaal ah ayaa ku degay jasiiradaha Maalintii Kirismiska ee Arbacadii, sida adeegga badbaadinta badda ee Spain ay ku sheegeen qoraal lasoo dhigay barta X.

Barta ugu dhow, Jasiiradaha Canaries waxay 100 kilometer u jiraan xeebta Waqooyiga Afrika. Waddada ugu gaaban waa inta u dhaxaysa magaalada xeebta ah ee Tarfaya ee koonfurta Morocco iyo jasiiradda Fuerteventura ee Canaries.

Hase yeeshee, doomaha qaar waxay ka baxaan xeebo Afrika oo ilaa 1,000 kiiloomitir u jira Canaries, sababtoo kuwa dadka tahriibaya oo ka dhuumanaya baraha control.

Dowladda gobolka Canaries ayaa sheegyay in ay buux dhaafiyeen muhaajiriin, waxaana bishii October kumannaan dad ah ay ka qeybgaleen isu soo baxyo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee jasiiradahaas oo ay ku dalbanayeen ficil lagu xakameynayo soo-galootiga tirada badan.

Hadal la baahiyey, maalin kahor Maalinta Kirismiska, Boqorka Spain Felipe ayaa ka digay “haddii aan si sax ah loo maareyn” socdaalka,” ay keeni karto xiisado baabi’iya wadajirka bulshada”.

“Sida aan awoodno inaan wax uga qabanno socdaalka – taas oo sidoo kale u baahan iskaashiga wanaagsan ee saaxiibadeena Yurub, iyo sidoo kale waddammada asal ahaan safarka uu ka yimaado – waxay mustaqbalka wax badan ka sheegi doontaa mabaadi’deena iyo tayada dimoqraadiyadeena” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa bishii August safar ku tagay dalalka Galbeedka Afrika si uu u xoojiyo dadaallada maxalliga ah ee lagu xakameynayo socdaalka sharci darrada ah ee ka imaanaya Mauritania, Senegal iyo Gambia, oo ah meelaha ugu badan ee ay ka dhoofaan doomaha muhaajiriinta ee ku wajahan jasiiradaha Canary.

Talyaaniga, Greece iyo Spain ayaa ah saddexda albaab ee ugu weyn Yurub ee imaatinka muhaajiriinta.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha gudaha, 60,216 muhaajiriin ah ayaa si sharci-darro ah usoo galay Spain intii u dhexeysay Janaayo 1 iyo December 15 – taasi oo ah koror 14.5 boqolkiiba ah ee isla muddadaas sanadkii la soo dhaafay.

Inta badan, oo ah in ka badan 70 boqolkiiba, waxay ka degeen Canaries.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee IMO, oo ah hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaasay in tan iyo 2014, ay in ka badan 16,400 oo tahriibayaal ah oo ka yimid Afrika ay dhinteen iyagoo isku dayaya inay gaaraan Yurub, tiradaas oo ay ku jiraan kuwa ku sii jeeday jasiiradaha Canary.

{DAAWO MUUQAALKA} Khilaaf iyo is-qab-qabsi dhanka maamulka ah oo ka taagnaa Baardheere oo xal laga gaarey.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Khilaaf iyo is-qab-qabsi dhanka maamulka ah oo ka taagnaa Baardheere oo xal laga gaarey.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Waligaa Ma aragtay Qof sidan Dab ugu Ciyaaraayo. ?

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Waligaa Ma aragtay Qof sidan Dab ugu Ciyaaraayo. ?

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Askar ka tirsan Ciidanka DFS oo Aano Qabiil Loogu dilay Deegaanka Ceelbaraf.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Askar ka tirsan Ciidanka DFS oo Aano Qabiil Loogu dilay Deegaanka Ceelbaraf.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.12.2024}

Khamiis 26, December 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

Maxeey Kawada Hadlen Afwerki iyo Xasan Sheekh?

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC}  Asmara — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay Muqdisho kadib markii uu wada-hadallo Asmara kula yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Labada madaxweyne ayaa xalay fiidkii Aqalka Madaxtooyada Eritrea ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.

“Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen in ayada oo ah dal weyn oo ku yaalla Geeska Afrika, in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Madaxweyne Isaias ayaa sharxay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda ee inta badan wada ajandayaasha hurinta iyo abuurista colaadaha iyo qalalaasaha gobolka. Marka tan la eego, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu iskiis u xalliyo caqabadaha u gaarka ah.”

Afwerki ayaa dhinaca kale ku celiyey in heshiiska saddex geesoodka ah ee ay Eritrea, Soomaaliya iyo Masar ku gaareen Asmara uusan lahayn ujeedo aan ka aheyn xoojinta xiriirada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya; damaanad qaadka amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo horumarinta danaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Dhinaca kale, bayaanka ayaa lagu xusay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Eritrea uga mahad-celiyey ka qayb qaadashada dadaallada socda ee lagu xoojinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha madaxbannaan ee xiriirka la leh, kuwaas oo muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale Geeska Afrika.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara ayaa timid laba toddobaad un kadib markii ay Ankara heshiis ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo soo afjaraya khilaaf muddo sanad ah u dhaxeeyey labada dhinac, oo ka dhashay heshiiska dhanka badda ah ee Addis-Ababa ay la gaartay Somaliland.

Soomaaliya ayaa sidoo kale maalmo kahor wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi u dirtay Qaahira.

Tallaabooyinkan ayaa loo arkay kuwa ay Soomaaliya ugu xaqiijineyso Masar iyo Eritrea in heshiiska Itoobiya aanu wax saameyn ah ku yeela doonin iskaashiga Muqdisho kala dhaxeeya Qaahira iyo Asmara.

Masar iyo Eritrea ayaa garab istaag xooggan u muujiyey Soomaaliya markii ay Itoobiya heshiiska laga gashay Somaliland bishii Janaayo ee sanadkan.

Kooxda AS oo qirtay dilka Sarkaal sare oo dhawaan lagu dilay Kunyo-Barrow

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Kooxda AS ayaa qirtay dilka Sarkaal sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maxamed Mire Jaamac ayaa ahaa Wakiilka Kooxda ee Gobolada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”

Waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Kooxda, sidoo kale mar soo noqday Hoggaamiyaha Kooxdii Jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay AS.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay iska kaashadeen saaxibada caalamiga lagu dilay Horjoogahaas, waxaana uu noqonayaa Horjoogihii ugu sareeyay ee kooxda ee howlgal lagu dilo muddo labo sano.

Sanadkii 2022 howlgal duqeyn ah ayaa lagu dilay Cabdullaahi Yare oo madaxiisa mallaayiin dollar la dul dhigay

Soomaali Hantitooda Lagu boobay dalka Mozambique.

0

Khamiis 26, Dec,2024 {HMC} Dalka Mozambique waxaa ku nool ajaanib badan oo Soomaali ay ka mid tahay kuwaas oo halkaa ku haysta ganacsiyo kala duwan.

Sida wararku sheegayaan dadka xaruumahooda loo dhacay oo hantidoodii la qaatay intii ay rabshaduhu socdeen waxaa ka mid ah ganacsto Soomaali ah oo ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas sida Maputo oo ah caasimadda iyo magaalada kale ee Nampula.

Sidoo kale waxaa lagu dhaawacay nin Soomaali ah oo dalka Malawi loo qaaday dhaawiciisa sida xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ay BBC-da u sheegeen.

Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac waxaa uu ka mid yahay ganacsatada ku nool magaalada Nampula, waxaana uu ka mid noqday ganacsato baqaarro ay lahaayeen la jabsaday oo laga qaatay wixii yaallay.

“Alaab tiro badan oo Kunteenar ilaa kunteenar iyo bar alaabtood ayay naga qaateen,” ayuu yiri Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac.

“Baqaar kale oo igu dhaganna waxay ka qaateen alaab kale, alaab aan hadda xisaabinay maaha waa alaab aad u badan oo bagaash ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamuud.

Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in Soomaali badan dhac loo gaystay kuwaas oo ganacsiyo ku leh suuqyo kala duwan.

“Soomaali aad u tira badan dukaamadooda ayaa la boobay oo suuqyo badan oo kala duwan ku yaalla,” ayuu yiri Maxamuud.

Sakariye Maxamed Maxamuud oo isna ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda dalka Mozambique ee Maputo ayaa sheegay in kaalimo shidaal oo ganacsato Soomaali ah ay leeyihiin la dhacay.

“Shirkad aan u shaqeynayay oo shidaal ayaa dukaankeeda la galay oo alaab laga daldashay, dhibaatadu qudheenna waa na soo gaartay”, ayuu yiri Sakariye.

Guud ahaan ajaanibta ku nool dalkaasi oo Soomaalidu ay ka mid tahay ayaa muujinaya cabsi ku saabsan in dhibaato badan loo gaysto haddii rabshaduhu ay sii socdaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Waa sidee xaalada degaanka Dacawaley kadib dagaalkii shalay ka dhacay.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Waa sidee xaalada degaanka Dacawaley kadib dagaalkii shalay ka dhacay.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA