Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Koox daacad u ah Madaxweynihii hore ee Suuriya oo dad ku laayey dalkaas.
{DAAWO MUUQAALKA} Duqa Muqdisho oo Guddiga Doorashooyinka kala hadlay doorasho ka qabsoonta G/ Banaadir.
Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Duqa Muqdisho oo Guddiga Doorashooyinka kala hadlay doorasho ka qabsoonta G/ Banaadir.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ibraashin Cabdi Dhaay”Waxaan isku Raacnay in Gobolka Hiiraan oo dhan Isbaarada Laga qaado?”
Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Ibraashin Cabdi Dhaay”Waxaan isku Raacnay in Gobolka Hiiraan oo dhan Isbaarada Laga qaado?”
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka
Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afwerki oo wada-hadallo ku yeeshay Asmara.
Khamiis 26, Dec,2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay Muqdisho kadib markii uu wada-hadallo Asmara kula yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.
Labada madaxweyne ayaa xalay fiidkii Aqalka Madaxtooyada Eritrea ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.
“Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen in ayada oo ah dal weyn oo ku yaalla Geeska Afrika, in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Madaxweyne Isaias ayaa sharxay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda ee inta badan wada ajandayaasha hurinta iyo abuurista colaadaha iyo qalalaasaha gobolka. Marka tan la eego, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu iskiis u xalliyo caqabadaha u gaarka ah.”
Afwerki ayaa dhinaca kale ku celiyey in heshiiska saddex geesoodka ah ee ay Eritrea, Soomaaliya iyo Masar ku gaareen Asmara uusan lahayn ujeedo aan ka aheyn xoojinta xiriirada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya; damaanad qaadka amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo horumarinta danaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Dhinaca kale, bayaanka ayaa lagu xusay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Eritrea uga mahad-celiyey ka qayb qaadashada dadaallada socda ee lagu xoojinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha madaxbannaan ee xiriirka la leh, kuwaas oo muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale Geeska Afrika.
Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara ayaa timid laba toddobaad un kadib markii ay Ankara heshiis ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo soo afjaraya khilaaf muddo sanad ah u dhaxeeyey labada dhinac, oo ka dhashay heshiiska dhanka badda ah ee Addis-Ababa ay la gaartay Somaliland.
Soomaaliya ayaa sidoo kale maalmo kahor wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi u dirtay Qaahira.
Tallaabooyinkan ayaa loo arkay kuwa ay Soomaaliya ugu xaqiijineyso Masar iyo Eritrea in heshiiska Itoobiya aanu wax saameyn ah ku yeela doonin iskaashiga Muqdisho kala dhaxeeya Qaahira iyo Asmara.
Masar iyo Eritrea ayaa garab istaag xooggan u muujiyey Soomaaliya markii ay Itoobiya heshiiska laga gashay Somaliland bishii Janaayo ee sanadkan.
Dozens survive Kazakhstan passenger plane crash
Thursday 26, Dec,2024 {HMC} Dozens of people have survived a crash involving a plane carrying 67 people in Kazakhstan, local officials say.
Kazakh authorities said 38 people were killed in the crash.
The plane was en route to Grozny in Russia but it was diverted due to fog, the airline told the BBC. The Kremlin said on Thursday that it would not “put forward hypotheses” about the cause of the crash until the investigation was finished.
Azerbaijan Airlines flight J2-8243 caught fire as it attempted to make an emergency landing near the Kazakh city of Aktau.
Footage shows the aircraft heading towards the ground at high speed with its landing gear down, before bursting into flames as it lands.
The airline said the plane “made an emergency landing” about 3km (1.9 miles) from Aktau.
It took off from the Azerbaijani capital Baku at 03:55 GMT on Wednesday, and crashed around 06:28, data from flight-tracking website Flightradar24 showed.
Unconfirmed reports from Russian media said the aircraft might have collided with a flock of birds before crashing.
Azerbaijan’s prosecutor general said “all possible scenarios” were being examined and President Ilham Aliyev said it was too early to say anything definitive.
Air defence experts have suggested that the pattern of damage inside and outside the plane indicates Russian air defence active in Grozny may have caused the crash.
“It looks very much like the detonation of an air defence missile to the rear and to the left of the aircraft, if you look at the pattern of shrapnel that we see,” Justin Crump of risk advisory company Sibylline told BBC Radio 4.
Azerbaijan Airlines said flights between Baku and the Russian cities of Grozny and Makhachkala would be cancelled pending an investigation into the incident.
The plane’s flight data recorder has been recovered, officials say.
Those on board were mostly Azerbaijani nationals, but there were also some passengers from Russia, Kazakhstan, and Kyrgyzstan.
A woman who was travelling to spend the holidays with her children in Chechnya, of which Grozny is the capital, died in the crash. One mother, travelling with medical tests for her sick child, is still missing.
A young woman shared her heartache with the BBC’s Azerbaijani service as she tried to find out what happened to her father, who was on the flight.
She explained that her father had been travelling with his son, who survived the crash. The son managed to contact his sister, but there was still no news of their father.
Unverified video footage showed survivors crawling out of the wreckage, some with visible injuries.
Both Azerbaijan and Kazakhstan have launched investigations into the incident. Embraer told the BBC it was “ready to assist all relevant authorities”.
The BBC has contacted Azerbaijan Airlines for comment.
Embraer, a Brazilian manufacturer, is a smaller rival to Boeing and Airbus, and has a strong safety record.
SOURCE BBC
Doodo u dhaxeeyo kaalinta haweenka iyo dhalinyarada ee amniga oo lagu qabtay Moqokori
26,Dec 2024 {HMC} Doodo u dhaxeeyo kaalinta haweenka iyo dhalinyarada ee amniga oo lagu qabtay Moqokori 26-December 2024 – Wasaaradda Amniga Hirshabelle oo maalmahan kulanno dadweyne ku qabaneysay degmada Moqokori ayaa so qaban qaabisay dood-dadweyne oo ujeedkeedu ahaa in lagu taxliiliyo kaalinta ay bulshada ku yeelan karto sugidda amniga iyo kahortagga xagjirnimada kaddib muddo kabadan 12 sano oo ay kooxaha Nabad-diidka ah ka talinaayen deegannadani Doodda waxaa marka hore lagu soo bandhigay xaaladaha amni ee hadda ka jira deegaanka, iyo sida ay bulshada u qayb qaadan karto sidii loo sii xoojin lahaa amniga iyo xasiloonida, waxana lagu faah-faahiyay kaalinta ay qeyb walba ku leeyahiin amniga & la shaqeynta booliiska
• Dhexdhexaadinta iyo Xallinta Khilaafaadka: Haweenka waxay badanaa yihiin dhexdhexaadeyaasha bulshada. Waxa ay ka qeyb qaataan xallinta khilaafaadka iyadoo ay isku xiraan dhinacyada isku haya, gaar ahaan marka ay khilaafku yahay mid hooseeya ama degaameed. Haweenka waxay yihiin kuwo awood u leh inay xal u helaan arrimaha khilaafaadka iyadoo aan loo baahnayn in la qaato tallaabooyin xoog leh.
• Korinta Wacyigelinta Bulshada: Haweenka waxay inta badan door muhiim ah ka ciyaaraan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan qoyska iyo bulshada guud ahaan. Waxay ka caawiyaan booliiska iyo hay’adaha amniga inay si wanaagsan u fahmaan dhibaatooyinka gaarka ah ee bulshada, gaar ahaan arrimaha amniga ee la xiriira dumarka, carruurta, iyo dadka danyarta ah.
• Ka Hortagga Xagjirnimada: Haweenka waxay door weyn ka ciyaaraan ka hortagga xagjirnimada iyo burburinta kooxaha xagjirka ah. Iyaga oo kaashanaya hay’adaha amniga, waxay ka qeyb qaataan barnaamijyada wacyigelinta iyo xalinta dhibaatooyinka sababaya in dadka qaar ay ku biiraan kooxaha xagjirka.
• Xoojinta Iskaashiga Booliiska iyo Bulshada: Haweenka waxay noqon karaan buundo u dhaxaysa bulshada iyo booliiska. Iyaga oo si wanaagsan u fahmaya dhibaatooyinka gaarka ah ee ka jira bulshada, waxay awood u leeyihiin inay gacan ka geystaan dhisidda xiriir adag oo dhex mara booliiska iyo bulshada.
• Dhiirrigelinta Iskaashiga Amniga: si lamid ah qeybaha Buslhada Dhalinyarada waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kor u qaadista isku xirnaanta bulshada iyo booliiska. Waxay ka caawiyaan booliiska in ay si toos ah ula xiriiraan bulshada, gaar ahaan dhallinyarada kale. Dhalinyarada waxay si fudud u fahmaan dhibaatada amniga, waxayna gacan ka geysan karaan sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhexmara booliiska iyo bulshada.
• Ka Qayb Qaadashada Kormeerka Amniga: Dhalinyarada ayaa si toos ah uga qeyb qaadan kara howlaha kormeerka amniga ee xaafadaha iyo degaannada. Waxay iskaashi la yeelan karaan booliiska si ay uga hortagaan dambiyada iyo arrimaha amni darro ee ka jira deegaanadooda. Ka qayb qaadashada dhalinyarada ee amniga waxay kor u qaadeysaa dareenka bulshada ee ku aaddan mas’uuliyadda amniga iyo nabadgelyada.
• Ka Hortagga Xagjirnimada iyo Dagaalka: Dhalinyarada ayaa sidoo kale ah kuwo muhiim u ah ka hortagga xagjirnimada iyo in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah. Iyaga oo ka qeyb qaadanaya barnaamijyada wacyigelinta iyo xalinta khilaafaadka, dhalinyarada waxay ka caawin karaan bulshada inay fahmaan halista ka imaan karta xagjirnimada.
Kulannada dadweynaha iyo doodaha la xiriiro ee ay Wasaaradda Amniga ee HirShabelle ku qabatay degmada Moqokori ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu doonayo in bulshada loo dhiirrigeliyo inay qaataan kaalinta ay ka ciyaari karaan sugidda amniga iyo ka hortagga xagjirnimada. Waxaa la rajeynayaa in kulamadan ay horseedaan dadaallo xooggan oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka, iyadoo la dhiirrigelinayo wada-shaqeyn dhexmarta hay’adaha amniga iyo bulshada Si loo gaaro horumar waara, waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyigeliyo arrimaha amniga iyo doorka ay ka qaadan karaan sidii loo dhisi lahaa bulsho nabdoon oo ka hortagta xagjirnimada.
{DAAWO MUUQAALKA} Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland “Fedaraalkii umada ay ku heshiisay waxaa bur buriye Xasan Sheekh”
Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland “Fedaraalkii umada ay ku heshiisay waxaa bur buriye Xasan Sheekh”
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Liyuu Poolis oo War Kasoo Saaray Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Dawacaleey.
Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Ciidamada Liyuu Poolis oo War Kasoo Saaray Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Dawacaleey.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada degaanka oo gacanta ku dhigay xubna ka tirsan AS
Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Ciidamada degaanka oo gacanta ku dhigay xubna ka tirsan AS
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA



