Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Haweenka Soomaaliyed oo Door Muhiim ah Laga Siiyay Doorashada qof iyo Codka ah.
{DAAWO MUQAALKA} Dayax gacmeed isku dayaya inuu markii ugu horraysay si aad ah ugu dhawaado qorraxda
Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Dayax gacmeed isku dayaya inuu markii ugu horraysay si aad ah ugu dhawaado qorraxda
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Raisul wasaare Cali Maxamed Geedi oo Furay Buuga Tacsida sheekh Muuse Cade
Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Raisul wasaare Cali Maxamed Geedi oo Furay Buuga Tacsida sheekh Muuse Cade
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Jawaahir ”Doorasho Qof iyo Cod ah weey ka dhici kartaa Muqdisho”
Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Gudoomiye Jawaahir ”Doorasho Qof iyo Cod ah weey ka dhici kartaa Muqdisho”
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 25-12-2024
Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 25-12-2024
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland War Kasoo Saartay Dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee DDS ka dhacay.
Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Soomaaliland War Kasoo Saartay Dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee DDS ka dhacay.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cirro oo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliland.
Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Madaxweyne Cirro oo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliland.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Booliska Gobalka Baay ayaa u mahaceliyey Mas’uulyiintii iyo Dadkii doorka qaatay Xasilinta
25, Dec 2024 {HMC} Taliyaha Booliska Gobalka Baay ayaa u mahaceliyey Mas’uulyiintii iyo Dadkii doorka qaatay Xasilinta
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waaweyn 25-12-2024.
Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN
Doowladda Erirea oo Sheegtay in aay Jareeyso Xariirka Soomalia Hadii….
Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Dowladda Erirea oo kamid ah xulufada dowladda Soomaaliya sameesatay , kaddib khilaafkii dowladda Itoobiya, ayaa hadda shaki badan ka qabta heshiiskii dhawaan magaalada Ankara ku dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.
Dibloomaasi Cabdiqaadir Idiris, oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya, ayaa walaac xooggan ka muujiyay heshiiska Ankara ku gaareen Xasan Sheekh iyo Abiy, waxa uuna heshiiskaasi ku tilmaamay mid madmadow badan iyo shaki uu ku jiro la iskuna haleyn karin.
Waxa uu xusay Mr Idirs , haddii ay xaqiiqo noqoto in Soomaaliya siiso dowladda Itoobiya marin biyood ay qaadi doonaan tallaabooyin adag, waxa uuna caddeeyay in ay gabi ahaan xiriirka u jari doonaan dowladda Soomaaliya oo uga baxday heshiisyo iyo ballamo hore oo ahaa in ay Itoobiya ka difaacaan.
“Heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa gardarada Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiqaadir Idiris.
Diblumaasigan lataliya dowladda Eritrea , ayaa sheegay in lama filaan ku noqotay heshiiska ay galeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya xilligan oggolaato in bad marin biyood ah u saxiixdo Itoobiya.
Ugu Dambeyn Cabdiqaadir Idiris ayaa sheegay hadii ay xaqiiqo noqoto heshiiska Soomaaliya Itoobiya ku siineyso marin biyood ay halis ku jirto amniga Geeska Afrika, waxa uuna madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka fiirsadaan arrimahan taagan.



