Home Blog Page 1477

Somaliland oo ciidanka Liyuu Booliis ku eedeysay in ay shacab dil iyo afduub ugu geysteen.

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC}  Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dacawalay ee Maamulka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen ciidamada Liyuu Booliis iyo dad rayid ah.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Askar ka tirsan ciidamada Liyuu Booliis ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Dacawaaley, xilli ay socdeen kulamo lagu xallinayo colaado ka taagna halkaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana wararka ka sheegayaan in ciidamada Liyuu Booliis ay isaga baxeen. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

Balse, War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Somaliland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Liyuu Booliis ‘ay xasuuqeen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Dacawalay’.

“Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Somaliland.

Weli Maamulka Dowlad deegaanka kama hadlin eedaha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Booliis ee la xiriira dilka dadka shacabka ah.

{DAAWO MUQAALKA} Haweenka Soomaaliyed oo Door Muhiim ah Laga Siiyay Doorashada qof iyo Codka ah.

0

Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Haweenka Soomaaliyed oo Door Muhiim ah Laga Siiyay Doorashada qof iyo Codka ah.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dayax gacmeed isku dayaya inuu markii ugu horraysay si aad ah ugu dhawaado qorraxda

0

Arbaco 25, Dec 2024 {HMC} Dayax gacmeed isku dayaya inuu markii ugu horraysay si aad ah ugu dhawaado qorraxda

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Raisul wasaare Cali Maxamed Geedi oo Furay Buuga Tacsida sheekh Muuse Cade

0

25, Dec 2024 {HMC} Raisul wasaare Cali Maxamed Geedi oo Furay Buuga Tacsida sheekh Muuse Cade

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Jawaahir ”Doorasho Qof iyo Cod ah weey ka dhici kartaa Muqdisho”

0

25, Dec 2024 {HMC} Gudoomiye Jawaahir ”Doorasho Qof iyo Cod ah weey ka dhici kartaa Muqdisho”

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland War Kasoo Saartay Dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee DDS ka dhacay.

0

25, Dec 2024 {HMC} Soomaaliland War Kasoo Saartay Dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee DDS ka dhacay.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cirro oo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliland.

0

25, Dec 2024 {HMC} Madaxweyne Cirro oo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliland.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

President Hassan Sheikh Mohamud Arrives in Asmara for Bilateral Talks

0

Wednesday 25,Dec,2024 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, arrived in Asmara this afternoon for a working visit aimed at strengthening bilateral relations and discussing regional and international matters of shared interest.

Upon his arrival at Asmara International Airport, President Mohamud and his delegation were warmly received by Eritrean President Isaias Afwerki. The two leaders are expected to engage in high-level discussions to further enhance cooperation between Somalia and Eritrea, focusing on areas of mutual importance to both nations.

This visit underscores the growing partnership between the two countries as they seek to bolster ties and collaborate on pressing issues within the region and beyond.

Xasan Shiikh oo gaarey Asmara Caasimadda dalka Eretariya

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Asmara, halkaasi oo uu safar shaqo ku joogo.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

 

Wasiirka Warfaafinta dalka Eretriya, Yemane G. Meskel ayaa xaqiijiyay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira gobolka Geeska Afrika iyo kuwa Caalamka.

 

Waa safarkii 8-aad ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku tago dalka Eretariya, waxaana uu ku soo aadaya xilli heshiis ay gaareen dalalka Soomaaliya iyo Eretariya.

 

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Booliska Soomaaliya oo soo dhaweeyay Saraakiil Master Degree ah

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Saraakiil kasoo qalin jabiyey waxbarashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan, waxaana ay xaqiijiyeen xafiis ahaan in si wanagsan uga faa’iideysteen fursadda waxbarasho ee dalka dibadiisa ugu maqnaayeen mudada dheer.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhameysatay Waxbarashada Hambalyo iyo Bogaadin la wadaagay , waxaana uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorshaha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.