Home Blog Page 1476

{DAAWO MUQAALKA} Cabsi soo wajahday Soomaalida ku nool Mozambique iyo rabshadaha ka socda.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Cabsi soo wajahday Soomaalida ku nool Mozambique iyo rabshadaha ka socda.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Laga Yaqaanaa Ceelka Degmada Maxaas oo dhan Biyaha Siiyo.?

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Maxaa Laga Yaqaanaa Ceelka Degmada Maxaas oo dhan Biyaha Siiyo.?

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Kalluumeysatada muddo bil ah lagu la’yahay xeebaha Magaalada Muqdisho

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC}  Ku dhawaad 10 qof oo ka mid ah kalluumeysatada ka jallaabta xeebaha magaalada Muqdisho ayaa muddo bil ah lagu la’yahay Badweynta Hindiya, iyadoo la maleynayo in ilaa afar doonyood oo ay la socdeen ay saameeyeen dabeylo xoog leh ama ay cillad ku timid matoorrada doomahaasi.

Kamal Maki Weys, oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid weli aan si buuxda loo caddeyn, laakiin wararka la helay ay muujinayaan in kalluumeysatada ay ku jiraan xaalad halis ah, kadib markii ay ku kaceen safarro kalluumeysi oo xilligaas waxaa ka jiray dabeylo xoog leh oo ka socday Badweynta Hindiya.

Weys wuxuu sheegay in doomaha ay wateen kalluumeysatadu ay ku cilladaysnaayeen matoorrada, taasoo keentay in aanay si fudud ugu laaban karayn xeebaha Muqdisho. Inta badan kalluumeysatada ayaa la sheegay inay ka yimaadeen deegaano kala duwan oo ku yaal xeebaha Muqdisho, waxaana laga walwalsan yahay in xaaladdan ay halis galinayso nolasha iyo badbaadada kalluumeysatada.

Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ayaa sidoo kale sheegay in dadaallo loogu jiro sidii loo heli lahaa kalluumeysatada la l’a yahay, iyadoo la sameynayo xiriir joogto ah oo lala yeelanayo mas’uuliyiinta maamulka iyo ciidamada badda, si loo hubiyo badbaadadooda.

Sidoo kale, Kamal Maki Weys ayaa tilmaamay in dabeylaha iyo xaaladaha cimilada ee ka jira Badweynta Hindiya ay noqdeen kuwo sii kordhaya, taasoo dhib weyn ku haya kalluumeysatada Soomaaliyeed ee ku tiirsan badweynta.

Kalluumeysatada ayaa si weyn ugu tiirsan badda si ay u helaan noloshooda, waxaana jira halisyo joogto ah oo ay wajahaan marka ay baxaan, gaar ahaan xilliyada cimilada adag. Dhibaatooyinka noocan oo kale ah ayaa marar badan ku dhaca kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale gobolka Badweynta Hindiya uu leeyahay xaalado badeed oo khatar ah.

Maamulada DDS iyo Soomaaliland oo Isku Edeedeyay Dagaalka Dacawalay

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC}  War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si faahfaahsan looga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Dacawalay, oo u dhexeeya degmooyinka Xarshin iyo Yoocaale.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in ciidanka Liyuu Booliis ay ka hortageen maleeshiyaad doonayay inay khalkhal iyo nabad-galyo darro ka abuuraan deegaanka, taasoo loo arko in ay tahay mid ka dhan ah amniga iyo xasiloonida bulshada deegaanka.

Qoraalka ayaa sheegay in Dawladda Deegaanka Soomaalida ay tixgelisay codsi ka yimid waxgaradka iyo odayaasha dhaqameedka deegaanka, kuwaasoo dalbaday in dib loogu soo celiyo sharciga iyo nabadda.

Waxaa sidoo kale la sheegay in cuqaasha deegaanka ay fursad u siiyeen in si nabadgalyo ah xadka looga saaro maleeshiyaadka, isla markaana sharciga dib loogu soo dabaalo. Si kastaba, waxaa la tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay ka dhaga adaygeen soo jeedinta waxgaradka iyo odayaasha, kadibna ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimaha ciidanka Liyuu Booliis ee ku yaalla agagaarka tuulada Dacawalay, taasoo ciidanka ammaanka deegaanka ay ka hortageen.

Dhinaca kale, war-saxaafadeedka waxaa eedeyn culus loogu jeediyay Somaliland. Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa ku tilmaantay in Wasaaradda Amniga ee Somaliland ay si “guracan” uga faallooto arrimaha gudaha ee ka dhacaya Deegaanka Soomaalida, taasoo ka dhigan in Somaliland ay faragelin ku sameyneyso arrimaha gudaha ee Itoobiya, taasoo ka baxsan daris-wanaaga iyo nidaamka dawliga ah ee caalamiga ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Somaliland ay soo saartay war-saxaafadeed eedeyn ah, taasoo ay ku sheegtay in ciidanka Liyuu Booliis ay xasuuq iyo afduub ka geysteen deegaanka Dacawalay, taasi oo weli abuureysa khilaaf xooggan oo ka dhashay is-afgaranwaaga labada dhinac ee ku saabsan dhacdooyinkan.

Koox Assad daacad u ah oo Syria dad ku laayey

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Maamulka cusub ee mucaaradka ee Suuriya ayaa sheegay in 14 ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha la dilay, halka 10 kalena lagu dhaawacay “weerar gaadmo ah” oo ay fuliyeen xoogag daacad u ah madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar al-Assad, galbeedka dalkaas.

Waxay sheegeen in dagaalku uu ka dhacay meel u dhow dekedda badda Mediterranean-ka ee Tartous, Talaadadii.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammada amniga lagu weeraray si gaadmo ah markii ay isku dayeen inay qabtaan sarkaal hore oo lala xidhiidhinayo doorarkiisa xabsiga caanka ah ee Saydnaya, oo ku dhow caasimadda Dimishiq.

Wax ka yar laba toddobaad ka hor, madaxtinimadii Assad ayaa u gacan gashay xoogag mucaarad ah oo uu hoggaamiyo garabka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS).

Ururka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ee fadhigiisu yahay UK (SOHR) ayaa sheegay in saddex ka mid ah dagaalyahanada mucaaradka ay sidoo kale ku dhinteen iska horimaadyada.

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka cusub ee Suuriya oo digniin u diray Iran

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Maamulka cusub ee Suuriya oo digniin u diray Iran

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.12.2024}

Khamiis , 26, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Maamulka cusub ee Suuriya oo digniin u diray Iran

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya ayaa uga digay Iran in ay “fawdada ku faafiso” Suuriya. Asaad Xassan al-Shibani ayaa sheegay in Tehran ay tahay in ay ixtiraamto rabitaanka shacabka Suuriya ee ah in ay iska fogeeyeen nidaamka Asad ayna xaqiijiso madax banaanida iyo amaanka dalka.

Isniintii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in aysan xiriir toos ah la samayn madaxda cusub ee Suuriya, waxayna ugu baaqday in aysan u ogolaan Suuriya, waa sida ay hadalka u dhigtay, “gabaadka argagixisada”.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.12.2024}

Arbaco 25, December 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 25-12-2024.

0

Arbaco 25, Dec 2024 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25-12-2024.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.