Home Blog Page 1480

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaaladii Maanta ka dhacay Dowlad Deegaanka

0

25, Dec 2024 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaaladii Maanta ka dhacay Dowlad Deegaanka

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil Ciidan oo gaaray Degmada Mahadaay.

0

25, Dec 2024 {HMC} Saraakiil Ciidan oo gaaray Degmada Mahadaay.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo Shir Gudoomiyay Shir looga Hadlaayay Hormarka Xamar

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan Dhismaha waddooyinka, Xal u helida maareynta biyaha roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.

Doolli Fara Badan oo Lagu Arkay Garoon Ku yaalo Qaarada Yurub

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Taageerayaasha Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa bannaanka soo dhigay ceebaha kusoo baxay Garoonka Kooxdaas ee Old Trafford kaddib markii ay cabasho ka gudbiyeen Doolli ama jiir lagu arkay qaybo kala duwan.

Qaar kamid ah Taageerayaasha Kooxda Manchester United ayaa sheegay in muddo ay u adkeysanayeen doolligaan balse ugu dambeyn ay go’aansadeen in ay la wadaagaan Maamulka sare iyo Hay’adaha shaqadoodu tahay.

Arrintaan ayaa dhalisay fadeexo xoojisay ashtako uu horay ku dhex sheegay Wareysi uu bixiyay Cristiano Ronaldo oo mar wax laga weydiiyay isbaddelkii uu ku arkay dib ugu laabashadiisa iyo joogitaankii hore ee Kooxdiisa ku xusay in dhanka Nadaafadda aad u liidato.

Dhowaan Macallinka cusub ee kooxda Manchester United waa Ruben Amorim ayaa la arkay isaga oo Warbaahinta la hadlaya in sanqafka kore ay kasoo hoortay xareedda Roobka ka da’ay magaaladaan Roobku ku badan yahay.

Kooxda Manchester United ayaa la dhibaateysan kasoo kabashada dhibaatooyinka dhanka guulaha ah iyo in ay soo gasho afarta koox ugu sarreysa Horyaalka, waxaa taageerayaasha ugu sii darsamay Sanqafka oo aan roobka ka celineen iyo Doolliga badan ee nadaafad darrada ka dhashay.

Kidib Burburkii Doowladii Soomaalia Banaadir oo Yeelaneeyso Gole Deegaan

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Gobolka Banaadir oo in badan miiska lasoo dhigayay metalaadda rasmiga ah uu ku leeyahay Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn waxaa lagu wadaa in loo dhiso Gole Deegaan oo doorta Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in sanadka soo socda ee maalmaha kooban ka dhima taha curashadiisa waa 2025 in la dooran doonno Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo Guddoonkooda dooranaya.

Arrintaan ayuu ku sheegay in ay qayb ka tahay hoos u daadejinta Maamulka iyada oo saddex heer ay noqon doonto Doorashada Dalka sida Golaha Deegaanka, Dowlad-Goboleedyada iyo tan Dowladda Dhexe ee Federaalka.

Cabdikariin ayaa xusay in qorshahoodu uu yahay in laga gudbo Maayar lasoo magacaabo balse loo gudbi doonno in Golaha Deegaanka la doorto isla markaana ay sii doortaan Guddoon Shacabka la xisaabtami karto sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashadeennu waa saddex heer, waxa aan kasoo billaabeynaa Golaha Deegaanka, Marka xigta waa Dowlad-Goboleedyada halka tan saddexaad tahay Doorashada Federaalka, waxa aan wadnaa shaqadeenna oo ah 100% hirgelinta Doorashada, 2025 waxa aan wadnaa in aanay mar dambe digreeto lagu soo magacaabin Maayar dambe oo la doorto Golaha Deegaanka” Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay hirgelineyso Doorasho Qof iyo Cod ah si looga gudbo nidaamka Doorashooyinka Dadban ee lagu soo dhisay Dowladihii Dalka soo maray tan iyo sanadkii 2000.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada liyuu oo lagu eedeyey ineey Dad ku laayeey Dowlad Deegaanka.

0

25, Dec 2024 {HMC} Ciidamada liyuu oo lagu eedeyey ineey Dad ku laayeey Dowlad Deegaanka.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad ka taqaan gabadhan wiilasha ku tababarta kubadda cagta

0

25, Dec 2024 {HMC} Maxaad ka taqaan gabadhan wiilasha ku tababarta kubadda cagta

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay dadka Baladweyne ka dhaheyn Doorasho Qof iyo codka ah?

0

25, Dec 2024 {HMC} Maxay dadka Baladweyne ka dhaheyn Doorasho Qof iyo codka ah?

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Eritrea oo ku hanjabtay ineey Xiriirka u jari Doonto Soomaliya hadii Itoobiya Bad lasiiyo.

0

25, Dec 2024 {HMC} Dowladda Eritrea oo ku hanjabtay ineey Xiriirka u jari Doonto Soomaliya hadii Itoobiya Bad lasiiyo.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dagaal culus oo ka socda xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska.

Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo indhowanahaan ku dagaalamayay halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan.

Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda.

Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka lagu dagaalamayo, si ay ula wareegaan deegaanka, balse waxaa diidan maleeshiyaad deegaanka.

Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horay uga soo saareen baaqyo nabadeed.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo isla todobaadka lagu dilay 5 askari oo kamid ahaa ciidanka dowlad deegaanka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi.

Waxaa kale oo jira dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.