Home Blog Page 1481

Dagaalkii ka dhacay Xarfo oo lagu heshiiyay xabbadjoojin iyo ciidankii oo…

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Maamulka Puntland ayaa sheegay in Xabbad-joojin buuxda laga gaaray Dagaal beeleedkii maalmo ka hor ka dhacay degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Go’aankaasi ayaa lagu dhawaaqay kaddib shir wada-tashi ah oo dhexmaray mas’uuliyiinta maanulka iyo guddigii loo xilsaaray dhex-dhexaadinta darafyada, oo ay weheliyaan odayaasha labadii beelood ee dagaallamay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in degmada Xarfo laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay” in labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024.”

Dowladda ayaa sheegtay in sidoo kale la go’aamiyay in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay mas’uul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman, waxaana ugu danbayn labada dhinac la faray in ay u hoggaansamaan go’aannada soo baxay.

Dagaalyahannadii xukunka ka tuuray Bashaar Al-assad oo lakala diray

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Maamulka cusub ee la wareegay xukunka dalka Suuriya , ayaa ka shaqeenaya wanaajinta sumcadooda, waxa ayna hadda bilaabeen sidii meesha looga saari lahaa maleeshiyaadkii xukunka ka riday Bishaar Al- assad.

Taliyaha guud ee maamulka Suuriya, Axmed Al Sharac ayaa shalay ku dhawaaqay in la kala diray dagaalyahannadii ka qeybqaatay kacdoonkii xukunka looga tuuray Bashaar Al-assad, kaddib kulan uu la qaatay hoggaamiyayaasha kooxihii ka qeybqaatay howlgalkii militari ee lagu soo afjaray maamulka kontonka sanno xukumayay Suuriya ee reer Assad.

Al Sharac, wuxuu sheegay in ciidankii qeybta ka ahaa howlgalka iyo hoggaamiyayaashooda lagu biirin doono ciidanka militariga Suuriya, oo la hoos geeyay wasaaradda difaaca Suuriya.

Waxa uu uga mahadceliyay Al Sharac kooxihii kacdoonka ka qeyb qaatay naf hurnimadii ay sameeyeen, waxa uuna xusay in la joogo xilligii la qarameyn lahaa maleeshiyaadka una noqon lahaayeen ciidan nidaamsan.

{DAAWO MUQAALKA} Wax Soo Saarkii Beeraha Baladweyne oo Saameyn ay ku Yeesheyn Fatahaada Wabiga shabeelle.

0

25, Dec 2024 {HMC} Wax Soo Saarkii Beeraha Baladweyne oo Saameyn ay ku Yeesheyn Fatahaada Wabiga shabeelle.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Howlgalo Dad Burcad hubeeysan lagu soo qabtay oo laga Sameeyey Baladweyne

0

25, Dec 2024 {HMC} Howlgalo Dad Burcad hubeeysan lagu soo qabtay oo laga Sameeyey Baladweyne

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Magaalada Muqdisho “Waan Boogaadineeynaa Dadaalka Ciidamada Amaanka”

0

25, Dec 2024 {HMC} Shacabka Magaalada Muqdisho “Waan Boogaadineeynaa Dadaalka Ciidamada Amaanka”

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.12.2024}

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Boosteeyo “Wasiirada iyo Xildhibaanada Deegaan kasoo jeeda wiligood waxbo nooma qabanin”

0

25, Dec 2024 {HMC} Boosteeyo “Wasiirada iyo Xildhibaanada Deegaan kasoo jeeda wiligood waxbo nooma qabanin”

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:- Dagaal culus oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

0

25, Dec 2024 {HMC} FAAH FAAHIN:- Dagaal culus oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Natanyahu oo rajo ka muujiiyay sii daynta la-haystayaasha

0

25, Dec 2024 {HMC} Natanyahu oo rajo ka muujiiyay sii daynta la-haystayaasha

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay Qaxooti badan.

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Waxaa Garoonka Muqdisho laga soo dejiyey 109 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaasoo maanta dalkooda dib loogu soo celiyay, ka dib waqti dheer oo ay dalka Yemen Qaxootiga ku ahaayeen.

Dadkan oo isugu jiray Caruur, Dumar, Waayeel iyo dhallinyaro ayaa soo celintooda waxaa iska kaashaday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, UNHCR iyo IOM Xafiisyadooda Soomaaliya.

Muwaadiniinta dalkooda ku soo laabtay ayaa sheegay inay la kulmeen daruufo badan oo aad u xooggan oo ay wajaheen intii ay joogeen xeryaha Qaxootiga Yemen.

Muwaadiniinta ayaa u mahadceliyay Dowladda Soomaaliyeed oo dedaal ku bixisay sidii dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa sheegtay inay dedaal badan ku bixinayaan samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, waxay gudoomiye Safiya xustay inay NCRI si dhaw ula socon doonta nolasha dadka dalka dib loogu soo celiyay.