Home Blog Page 1482

Dayax gacmeed la filayo in markii ugu horreysay uu u dhawaado qoraxda

0

Arbaco, 25, Dec 2024 {HMC} Duulimaadka hawada sare ee NASA ayaa isku dayaya inay sameeyaan taariikh cusub iyaga oo markii ugu horraysay diraya dayax gacmeed la filayo inuu u dhawaado qorraxda.

Parker Solar Probe, ayaa dhexmaraya jawiga sare ee xidigaha isaga oo u adkaysankara kulaylka iyo shucaaca.

Saynisyahannada waxa ay sheegeen in kulaylka daran ee uu sii dhexmarayo dayax gacmeedka uu sababyo in ay lunto isgaarsiinta, balse ay sugayaan calaamad muujinaysay halka uu ku suganyahay marka ay taariikhdu tahay 27-bishaan sii dhamaanaysa ee December.

Hadafka dayax gacmeedka loogu dirayo masaafada aadka ugu dhaw qorraxda ayay saynisyahannadu ku sheegeen inay tahay in la helo waxyaabo ka caawinaya inay fahmaan sida ay qorraxdu u shaqeyso.

Dr Nicola Fox, oo ah madaxa sayniska ee NASA, ayaa BBC-da u sheegay in “Muddo qarniyo ah, dadku wax ka baranayeen qorraxda, balse aan la dareemayn jawiga illaa la booqdo”

Baaritaanka qorraxda ee Parker, waxaa la bilaabay sanadkii 2018, xilligaas oo lagu sii jeeday in la gaaro meel aad ugu dhaw bartamaha qorraxda.

Dhowr jeer oo hore ayaa la isku dayay baaritaano kan lamid ah iyadoona loo dhawaaday illaa 21 jeer, balse kan ayaa lagu tilmaamay inuu noqonayo mid jabinaya rikoor cusub.

Madaxweynaha Jubaland oo magacaabay ku-xigeenadiisa.

0

24, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magacaabay ku xigeenadiisa. Waxaa madaxweyne ku xigeenka koowaad loo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, halka madaxweyne ku xigeenka labaad loo magacaabay Cabduqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere.

Magacaabista ku xigeenada ayaa ah mid ka turjumeyso isku dayga madaxweyne Axmed Madoobe ee ku aaddan sidii uu u xoojin lahaa hogaankiisa Jubbaland.

Go’aanka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa sidoo kale si weyn looga hadalhayaa gudaha Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya, iyadoo ay dadweynaha qaar ka muujinayaan rajada ah in magacaabista ay keeni doonto isbedelada lagu xoojinayo maamulka oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Dowladda federalka Soomaaliya.

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa iska badalay Dhaqaalaha Soomaaliya.?

0

24, Dec 2024 {HMC} Maxaa iska badalay Dhaqaalaha Soomaaliya.?

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Russian cargo ship ‘on Syria mission’ sinks in Mediterranean

0

A Russian cargo ship that Ukraine claims was sent to Syria to collect weapons has sunk in the Mediterranean Sea, according to officials in Moscow.
Two crew members are missing after an engine room explosion sank the Ursa Major between Spain and Algeria, the foreign ministry said. Fourteen other crew were rescued and taken to Spain.
Ukraine’s military intelligence claimed yesterday that the ship, previously called Sparta III, had been sent to Syria to remove weapons and military equipment after the fall of Bashar al Assad.
In a post on Telegram, the agency said the ship broke down near Portugal but the crew were able to “fix the problem and continue through the Strait of Gibraltar”.
It shared a picture of Sparta III, though referred to the ship in the statement as Sparta. There is another Russian ship in the Mediterranean called Sparta, so it is not fully clear which vessel the agency was referring to.

Ship tracking data from the London Stock Exchange Group (LSEG) shows the Ursa Major departed from the Russian port of St Petersburg on 11 December. It was last seen sending a signal at 10.04pm GMT on Monday between Algeria and Spain.
The operator and owner of the ship is a company called SK-Yug, part of shipping and logistics company Oboronlogistics, according to LSEG data.
Assad fled to Moscow from Syria earlier this month after rebels captured the capital of Damascus in a lightning offensive that brought his family’s five-decade rule to an end.
The Kremlin has long been an ally of Assad, who gave Vladimir Putin a Mediterranean seaport and a nearby air base in Syria in return for military support during the country’s civil war, which began in 2011.
Four years later, Russia intervened directly in the civil war and launched its first airstrikes in the country after Islamic State fighters seized the historic city of Palmyra. This proved to be a turning point in the conflict.
A year later, Syrian troops, backed by Russia and Iran, recaptured Aleppo – a significant blow to the rebels.

Source: Sky News

 

 

Markab Ruushka ugu talagalay in u ku qaato hubka Suuriya oo ku degay Badda Mediterranean-ka

0

24, Dec 2024 {HMC} Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo ay Ukraine sheegtay in loo diray Suuriya si uu hub uga soo ururiyo ayaa ku degtay badda Mediterranean-ka, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan magaalada Moscow.

Laba ka mid ah shaqaalihii markabka ayaa la la’yahay ka dib markii uu qarax ka dhacay qolka matoorka ee Ursa Major oo u dhexeeya Spain iyo Algeria, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda. 14 qof oo kale ayaa la badbaadiyay oo loo qaaday Spain.

Sirdoonka Milateriga Ukraine ayaa shalay sheegay in markabkan oo horey loogu yeeri jiray Sparta III loo diray dalka Suuriya si uu u soo saaro hub iyo qalab milateri kadib markii la riday Bashaar Al Assad.

Qoraal ay soo dhigtay Telegram, ayay hay’addu ku sheegtay in markabku uu ku jabay meel u dhow Portugal, balse shaqaaluhu ay awoodeen inay “xakameeyaan dhibaatada oo ay sii maraan marin-biyoodka Gibraltar”.

Waxay la wadaagtay sawirka Sparta III, in kasta oo markabka lagu sheegay bayaanka sida Sparta. Waxaa badda Mediterranean-ka ku sugan markab kale oo laga leeyahay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Sparta, sidaas darteed si buuxda ma cadda markabka ay hay’addu ula jeeday.

Xogta la socodka maraakiibta ee Kooxda Sarrifka saamiyada London (LSEG) ayaa muujinaysa in Ursa Major uu ka dhoofay dekedda Ruushka ee St Petersburg 11kii Diseembar. Waxaa markii ugu dambeysay la arkay iyada oo direysa 10.04pm GMT Isniintii inta u dhexeysa Algeria iyo Spain.

Ruushka oo taageerayey nidaamkii laga tuuray talada Suuriya ee Bashar Al-Asad ayaa gudaha wadankaas waxaa wali ka yaalo hub farro badan oo u uku taageeray maamulka, iyadoo dhinaca kale aay jiraan warar sheegayo in wadahalo aay dhex-mareen Ruushka iyo Dowlada cusub ee Suuriya, xili Ruushka qudhiisa uu ka dhawaajiey in uu la shaqeeynayo maamulka cusub.

XIGASHO: Sky News

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.12.2024}

Talaado 24, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan Waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Jubbaland oo Si adag uga Jawaabtay Xayiraada Duulimaadyada ee La saaray.

0

24, Dec 2024 {HMC} Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga jawaabtay xayiraada duulimaadyada ee La saaray garoomada deegaanada maamulkaas.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Kooxaha Fallaagada Suuriya oo aqbalay inay hoos yimaadaan Wasaaradda Difaaca

0

Hogaamiyaha kooxda talada la wareegtay ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa heshiis la gaaray kooxaha fallaagada si ay isugu yimaadaan hal ciidan oo hoos yimaada Wasaaradda Difaaca, sida uu sheegay maamulka cusub ee Suuriya.

Shir u dhexeeyay al-Sharaa iyo madaxda kooxaha “wuxuu ku dhamaaday is afgarad ku saabsan in la kala diro dhammaan kooxaha iyo isku dhafka iyaga oo ay ilaalinayso wasaaradda gaashaandhigga”, ayaa lagu yiri hadal uu soo saaray maamulka cusub Talaadadii.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Kurdiyiinta ee ay hogaamiyaan Kurdiyiinta iyo kooxda SDF ee uu Maraykanku taageero ee waqooyiga bari ee Suuriya ayaan qayb ka ahayn heshiiska hadda la shaaciyay.

Ra’iisul wasaare Maxamed Al-Bashiir ayaa todobaadkii hore sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono wasaaradda iyadoo la adeegsan doono jabhadihii hore iyo saraakiishii ka goosatay ciidamada Bashaar Al-asad.

“Tan iyo markii la riday maamulka Assad, tani waa laga yaabaa inay tahay horumarka ugu muhiimsan ee ka dhacay Suuriya,” ayuu yiri Resul Serdar oo ka tirsan Al Jazeera, oo ka soo waramaya Dimishiq. Waxa uu sharraxay in isla markii uu dhacay burburka nidaamka Al-Asad, ay dagaalyahanno mucaarad ah oo ka kala yimid daafaha dalka ay ku qulquleen Dimishiq, iyadoo qaarkood ay sheeganayaan dhulal kala duwan oo caasimadda ah.

“Cabsida ugu weyn waxay ahayd sida ay kooxahan ula dagaalamayeen nidaamka 13-kii sano ee dagaalka sokeeye – kooxaha aad u hubeysan – sida ay isugu biiraan oo ay u midoobaan,” ayuu yiri Serdar.

“Kadib wadahadal iyo kulamo dhowr fadhi ah hadda Ahmed al-Sharaa, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee Suuriya, sidoo kale ah hogaamiyaha HTS – oo ah awoodda ugu weyn ee militariga iyo siyaasadda Suuriya – wuxuu sheegay in dhammaan kooxaha hubaysan ay go’aansadeen. in la hoos keeno Wasaaradda Gaashaandhigga; Taasi oo ah horumar la yaab leh.

Xigasho: Al-Jazeera

Maxeey iska kaashanayaan Sirdoonada Soomaaliya iyo Itoobiya ?

Talaado 24, Dec 2024 {HMC} Talisyada Sirdoon ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa waxa ay kawada hadleen qodobadii kasoo baxay Shirkii magaalada Ankara ka dhacay oo ay labada Dowladood ay heshiisyo dhowr qodob ah kusaxiixeen waxayna isla garteen inay xoojiyaan sidii looga hortagi lahaa saameynta ay ku yeelan karaan dadka caqabada ku ah dhaqangelinta heshiiskii Ankara.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Nabadsugida Itoobiya Danjire Redwaan Xuseen iyo Madaxda Istiraatiijiyada ee Hay’adda ay arimahaasin kala hadleen Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Labada Hay’adood ee sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay madaxdoodi sheegeen inay ku heshiiyeen inay buuxiyaan kaalintooda kaga aadan sidii ay uga difaaci lahaayeen cid waliba oo caqabad ku ah dhaqangelinta heshiiska Ankara, gaar ahaan dhanka xog is dhaafsiga.

Hogaanada sirdoonada Soomaliya iyo Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay weli tahay khatarta wali ka jirta Bariga Afrika,. Waxa ay ku heshiiyeen in ay la dagaalamaan argagixisada iyaga oo wax ka baranaya dhaqamadooda iyo xoojinta sidii ay Dowladda Soomaaliya gacanta ugu sii hayn lahayd goobaha cusub ee laga xoreeyay argagixisada.

Dowladda Itoobiya waxa ay qeyb ka tahay Howlgalka Nabad ilaalinta ee ATMIS, waxaana soo baxaya warar kale oo tibaaxaya in Ciidamadoodi ay ka qeyb qaateen dagaal ka dhacay Degmada Doolow, Itoobiya waxa ay shaaca ka qaaday inay baaritaan sameeyn doonaan.

Syria says ex-rebel groups agree to integrate under Defence Ministry

0

Syria’s de facto leader Ahmed al-Sharaa has reached an agreement with rebel factions to come together as one force under the Defence Ministry, according to the new Syrian general administration.

A meeting between al-Sharaa and the heads of the groups “ended in an agreement on the dissolution of all the groups and their integration under the supervision of the ministry of defence”, said a statement by the new administration on Tuesday.

However, the Kurdish-led and United States-backed Syrian Democratic Forces (SDF) group in northeastern Syria is not part of the deal just announced.

Prime Minister Mohammed al-Bashir had said last week that the ministry would be restructured using former rebel factions and officers who defected from Bashar al-Assad’s army.

“Since the fall of the Assad regime, this is perhaps the most important development that has happened in Syria,” said Al Jazeera’s Resul Serdar, reporting from Damascus. He explained that immediately after the fall of al-Assad’s regime, opposition fighters from across the country streamed into Damascus, with some of them claiming different territories of the capital.

“The main fear was how these groups that had been fighting against the regime during the course of 13 years of the civil war – groups that are heavily armed – how they are going to merge and unite,” Serdar said.

“After talks and talks, several sessions and meetings … now Ahmed al-Sharaa, the de facto leader of Syria who is also the leader of HTS – the most dominant military and political power in Syria – is saying that all the armed groups have decided to merge under the Ministry of Defence; that is quite a remarkable development.