Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Dowladda Suuriya oo hub cusub lasoo wareegeyso.
Jubaland oo mar kalle Ciidamo ay dagaal ku qabatay u dirtay Muqdisho.
Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Jubaland oo mar kalle Ciidamo ay dagaal ku qabatay u dirtay Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Sargaal ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug oo Dhuusamareeb lagu dilay.
Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Sargaal ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug oo Dhuusamareeb lagu dilay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Taariikhda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Taariikhda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Suuriya Dowladda cusub oo hubka la wareegeyso.
Isniin 23, DEC 2024 {HMC} Laba todobaad kaddib marki ay xakunka si lama filaan ah uga tuureen madaxweynihi hore ee Suuriya Bashar Al Asad, ayuu hogaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed Al Sharca Axaddii shalay shaaciyay, in dhammaan hubka gacanta ugu jira kooxaha kala duwan ay la wareegi doonto dowladda cusub.
Sharca oo ka dhinac hadlayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, kaddib kulan gaar ah oo yeesheen ayaa wacad ku maray in dowladda cusub ay sidoo kale dhameyn doonto faragelinnadi tabnaa ee ay dowladdi hore ku heyn jirtay dalalka deriska ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kooxaha hubeysan ay billaabi doono in ay hubka dhigaan isla markaana ku biiraan ciidanka millatariga.
Axmed Al Sharca ayaa sidoo kale sheegay in jabhadda Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo SDF ay ka mid yihiin xooggaga ay dowladda cusub ka dooneyso in ay hubka dhigaan.
Dalka Turkiga ayaa taageeray jabhadaha Suuriya ee xakunka ka riday Bashar Al Asad 8-dii bishaan December, ee sanadkaan 2024-ka, waxana jabhadahaasi ugu tun weyn Xayaat Taxriir Al Sham oo uu hogaaminayay Axmed Al Sharca oo ku magac dheer Abu Maxamed Al Julani.
XIGASHO VOA
Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo la kulamy Taliyaha Booliiska Ciidamada QM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Isniin 23, DEC 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Mohammad Jamil Yousef oo ah Taliyaha Booliiska Ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya UNTMIS .
Kullan gaar ah oo labada Taliye wada qaateen ayaa looga hadlay u diyaar garowga wakhtiga kala guurka iyo kaalinta kaga aadan Ciidanka Booliiska, xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Qaramada Midoobay,
Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi waxa uu sidoo kale Taliyaha UNTMIS la wadaagay wax kabadalka uu ku sameeyey mudada uu xafiiska joogay qorshaha istaraatiijadda Booliiska oo saldhig looga dhigay isla xisaabtan ,dhisidda kalsoonida shaqada Ciidanka, casriyeynta kaabayaasha amniga iyo farsamada ciidanka si kor loogu qaado xirfadooda iyo hufnaantooda.
Taliye Mohammad Jamil Yusuf ayaa soo dhaweeyey qorshaha cusub waxaana uu balanqaaday in dhankooda xoojinayaan taageerada ay Booliiska siiyaan, waxaana uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gudoonsiiyey bilad sharaf uu ku mutaystay hagaajinta iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda mudada kooban ee uu Taliyuhu xafiiska joogay.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {23.12.2024}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herrow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Strengthening Bilateral Ties: Somalia and Egypt Commit to Strategic Partnership.
Cairo, December 23, 2024 {HMC} Foreign Minister, His Excellency Ambassador Ahmed Moallim Fiqi , held high-level discussions with His Excellency Mr. Badr Abdel Aty, Minister of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, in Cairo. The meeting focused on enhancing bilateral relations and exploring avenues for mutual cooperation, with an emphasis on elevating ties to a strategic partnership.
Both sides also agreed to advance trade and economic collaboration through the Somali-Egyptian Forum, scheduled to take place in Cairo in January 2025.
During the discussions, Foreign Minister Ambassador Fiqi commended Egypt’s instrumental role in supporting Somalia’s state-building efforts and its unwavering commitment to safeguarding Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity. He reaffirmed Somalia’s dedication to all agreements concluded with Egypt, underscoring the importance of continued collaboration for regional stability and development.
In response, His Excellency Dr. Badr Abdel Aty reiterated Egypt’s steadfast support for Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity, in line with international law. He emphasized Egypt’s ongoing efforts to support Somalia’s government and institutions while fostering a stronger, enduring partnership between the two nations.

Dagaal u Dhaxeeyo Doowladda iyo Juballand oo Ka Dhacay Dooloow
Isniin 23, DEC 2024 {HMC} Dagaal u dhaxeeya ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo garabsanaya ciidamada Itoobiya ayaa ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu weli ka socda gudaha magaalada, saldhiga booliiska iyo garoonka.
Taliyaha ciidanka Nabad Sugida ee gobolka Gedo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladxaawo ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya ay ku jiraan dagaalka ka socda gobolka Gedo. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dhawaan gurmad u diri doonaan gobolka Doolow.
Dhinaca kale, Jubbaland war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in wafdi ka socda ay gaareen magaalada Doolow, isla markaasna ay ka hortageen ciidamada dowladda oo isku dayay in ay hor istaagaan.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Wuxuuna ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay wafuud kala duwan oo ka tirsan dowladda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku kala sugan yihiin degmooyinka gobolka Gedo.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 23-12-2024.
Isniin 23, Dec, 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.



