Home Blog Page 1514

Waa maxay sababta ay Israa’iil u weerarayso Suuriya?

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} –  Israa’iil ayaa boqollaal duqeymo ah ku qaadday saldhigyada ciidamada Suuriya, waxayna sidoo kale ciidamadeeda u daad gureysay aagga difaaca ee buuraha Golan, taasoo kordhisay tirada dhulka Suuriya ee ay maamusho Israa’iil.

Israa’iil ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qaadayso si ay u sugto ammaanka muwaadiniinteeda, balse qaar kale ayaa sheegaya in ay fursaddan uga faa’ideysaneyso sidii ay u wiiqi lahayd cadawgeeda mudada dheer soo jiray.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen in ka badan 310 weerar oo ay fuliyeen ciidamada difaaca Israa’iil tan iyo markii la riday taliska Asad maalintii Axadda.

Duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarumaha militariga Suuriya laga soo bilaabo Xalab oo waqooyiga ilaa Dimishiq oo koonfurta, sida bakhaarrada hubka, bakhaarrada rasaasta, garoomada diyaaradaha, saldhigyada ciidamada badda iyo xarumaha cilmi baarista.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Jubaland iyo Dowladda Itoobiya.?

0

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} Maxay ka wada hadleen Jubaland iyo Dowladda Itoobiya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUAALKA} Soomaali Muhaajiriin ah oo Dib loogu soo Celiyey Dalka.

0

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} Soomaali Muhaajiriin ah oo Dib loogu soo Celiyey Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUAALKA} Jubaland oo war kasoo saartay Dagaalkii ka dhacay Raaskaambooni.

0

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} Jubaland oo war kasoo saartay Dagaalkii ka dhacay Raaskaambooni.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Blinken oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Somalia iyo Itoobiya

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} – Mareykanka ayaa Khamiistii soo dhaweeyay heshiiska uu Turkiga dhexdhexaadinayo ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee lagu soo afjarayo muranka dhuleed iyo midka badda.

“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa heshiiskii 11-kii Disembar ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo madax-bannaanida, midnimada, dhul kasta iyo horumarinta iskaashiga danaha wadaagga ah,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken. oo intaas ku daray “Waxaan u mahadcelineynaa hoggaanka Turkiga fududeynta heshiiskan.”

Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu rajaynayo “wada xaajoodyo farsamo” si loogu ogolaado Itoobiya inay ku naalooto marin la isku halayn karo, ammaan ah oo waara oo badda ah iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in wadahadalka noocan ahi uu muhiim u yahay faa’iidada dhaqaale ee labada dhinac.

“Wadahadalka socda iyo wada-shaqeyntu waxay lama huraan u tahay mustaqbal xasilloon oo barwaaqo ah oo ay yeeshaan Itoobiya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo ku dhiiri-geliyay labada waddan inay xoojiyaan iskaashigooda ku aaddan danaha amniga ee labada dhinac, gaar ahaan la-dagaalanka al-Shabaab.

Blinken waxa uu ku celiyay sida ay uga go’an tahay Mareykanka in ay sii wadayaan iskaashiga dhow ee ay la leeyihiin Itoobiya iyo Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa soo billowday markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasoo ku saabsan adeegsiga xeebaha badda cas. heshiiskasoo ay diiday dowlada Somalia Turkiga ayaa tan iyo xilligaas ka shaqeeyay in la qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Bariga Afrika.

Heshiiska ayaa Arbacadii lagu gaaray wadahadallo ka dhacay magaalada Ankara, kaasoo uu martigeliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Waxaan qaadnay tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku saleysan nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu yiri Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo Shir isugu Yeeray Taliyaasha Ciidamada Booliska

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano) ayaa caawa guddoomiyey shir ka dhacay xarunta Taliska Boliiska, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga caasimadda iyo u diyaar garowga sanad-guuradii 81-aad ee aasaaska Boliiska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska waxaa ku wehliyey Shirkaan ku xigeenkiisa S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayadoo diiradda lagu saaray qiimeynta howl-gallada amniga ee ka socda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka.

Arrimaha la iska warsaday waxaa qeyb ka ahaa dagaalkii Raaskambooni iyo saameynta uu ku yeeshay booliska, maadaama cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee booliska Haramcad ay jiraan Raaskambooni.

Taliyaha ugu sareeya Haramcad Cabdixamiid Fanax ayaa hoggaaminaya booliska jira Raaskambooni, kaas oo saacadihii lasoo dhaafay la hadal hayey inay nolosha ku qabteen ciidamada Jubbaland, balse ka soo hadlay xuduuda.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska, Taliye Fanax ayaa shirkaan uga qeyb galay qadka taleefanka, isagoo taliyaha iyo saraakiisha kale ee booliska warbixin ka siiyey xaaladda ay ku sugan yihiin ciidankii Haramcad ee qeybta ka ahaa howlgalka Raaskambooni.

Sidoo kale, waxaa warbixin laga dhageystey guddiga uu Taliyuhu u xil-saaray qaban-qaabada munaasabadda, kuwaas kulanka kusoo bandhigay qorshayaasha xuska sanadkan oo lagu wado inuu ka duwanaado sanadihii hore.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.12.2024}

Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mustaf Ali Addow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Jubbaland iyo AS wadashaqeyn Miyaa ka dhaxeeyso.?

0

Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Jubbaland iyo AS wadashaqeyn Miyaa ka dhaxeeyso.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dadka soomaaliyeed waa in ay u istaagaan qaranka somaaliyeed Abdiraxmaan abdi shakuur

0

Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Dadka soomaaliyeed waa in ay u istaagaan qaranka somaaliyeed Abdiraxmaan abdi shakuur

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Aas Aasayaashii Ururka Haweenka oo War ka so saaray Dooda ka taagan guriga Hooyooyinka.

0

Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Aas Aasayaashii Ururka Haweenka oo War ka so saaray Dooda ka taagan guriga Hooyooyinka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA