Home Blog Page 1520

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY 

Doowladda oo Axmed Madoowe ku eedeeysay heshiis yaab leh oo uu la gaaray AS

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ayaa war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo uu soo diray madaxweyne Axmed Madoobe ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda, kadibna uu sidaas ku qarxay dagaalka oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta”.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku eedeysay Axmed Madoobe inay xiriir la sameeyay Al-Shabaab, kadibna ay sidaas kusoo dhex-mareen ciidamada weerarka qaaday.

“Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo warka lagu yiri in arrintan ay ka dhalan doonto ciqaab adag oo sharci ah, isla-markaana Axmed Madoobe lagula xisaabtami doono tallaabada uu qaaday.

“Ficilada Qaran-dumiska ah waxa uu ku mutaysan doonaa ciqaab sharci oo adag” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhankeeda Jubbaland ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaaciysay inay la wareegtay deegaanka Raaskambooni, sidoo kalena ay qabatay 42 askari oo ka tirsan ciidamada ay dowladda Soomaaaliya gaysay halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Fighting breaks out between Somalia’s Jubbaland region and federal government.

0

Wednesday 11, Dec 2024 {HMC}  Fighting erupted on Wednesday between Somalia’s semi-autonomous Jubbaland region and federal government forces after Jubbaland held an election against the advice of authorities in Mogadishu, officials said.

The clashes will raise concerns that internal rivalries are diverting attention from the fight against the al Qaeda-linked al Shabaab group just as the mandate of an African Union peacekeeping force expires.

“This morning, federal forces from Mogadishu in Ras Kamboni, using drones, attacked Jubbaland forces,” Adan Ahmed Haji, assistant security minister of Jubbaland, told a press conference in the regional capital Kismayu.

Somalia’s Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur said the Jubbaland forces initiated the clashes.

“Early this morning (Wednesday), Jubbaland forces attacked the Somali federal military troops that were deployed in Lower Jubba to take bases withdrawn from by ATMIS,” he said in a statement.

In late November, Jubbaland – which borders Kenya and Ethiopia and is one of Somalia’s five semi-autonomous states – re-elected regional president Ahmed Mohamed Islam Madobe to a third term.

The national government in Mogadishu, led by President Hassan Sheikh Mohamud, opposed the election, saying it was held without federal involvement.

As the election dispute escalated, the federal government issued an arrest warrant for Madobe, while Jubbaland issued a reciprocal one for President Mohamud.

Major Aden Nur, a federal army officer in Mogadishu, said Wednesday’s fighting was in an area 20 km from Ras Kamboni, a town where federal troops have increased their numbers since the election.

“So far federal forces captured four technical (gun-mounted pickup) vehicles from Jubbaland forces. Fighting is going on far from Ras Kamboni. There are casualties on both sides but no exact figure,” Nur told Reuters.

In the wider fight against al Shabaab, the mandate of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) expires in less than three weeks and no agreement has been reached on which countries will contribute to the follow-on peacekeeping mission or how it will be financed.

Jubbaland is seen as the breadbasket of Somalia and Kismayu is an important port. Its shoreline delineates a contested maritime zone, with potential oil and gas deposits.

In 2021, Kenya rejected a U.N. court ruling that decided mostly in favor of Somalia in the row but said it would pursue a diplomatic solution.

SOURCE VOA

Mucaaradka oo war kasoo saaray dagaalka ka qarxay Raaskanbooni

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya geysay gobolka Jubbada Hoose iyo ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland, ayaa saakay ka dhacay duleedka deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka ka dhax bilowday ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintan ayey ku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in ciidankii Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay la dagaallamaan argagaxisada in dhaxdooda is dilaan, waxa ayna ku baaqeen in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo la isuguna yimaado miiska wadahadalka.

Maxaa Ka Jiro in Diyaarado nuuca Drons ah Ka Qeeyb Galeen Dagaalka Jubbaland?

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Dowlad goboleedka Jubbaland , ayaa ku eedeeysay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Raaskanbooni in saakay weerar kusoo qaadeen ciidamo katirsan daraawishta Jubbaland oo fariisimo ku lahaa deegaanno dhaca duleedka Raaskanbooni.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Jubaland Mudane Aaden Axmed Xaaji, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo adeegsanaya diyaarado Drone ah in saakay weerar kusoo qaadeen ciidanka Jubbaland ee ku sugan duleedka Raaskanbooni.

Waxa uu sheegay Wasiirka in weerarka dowladda soo qaaday kaddib uu halkaasi ka qarxay dagaal xooggan oo labada dhinac dhax maray, waxa uuna sheegay in dagaalka dhinacooda guulo ka gaareen ayna ku jabiyeen ciidankii weerarka kusoo qaaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale nasiibdarro ku tilmaamay in hubkii dowladda loogu deeqay markii xayiraada hubka laga qaaday in maanta lagu soo weerarao deegaannada Jubbaland, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidankii aagga kuwada jiray maanta la iska horkeenay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay baarayaan soona bandhigayaan diyaaradaha Dronka ee maanta lagu soo weearray cidda iska leh, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda ay si khaldan u adeegsaneyso diyaarado iyo hub dowladda loogu deeqay.

Doowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Dagaalka Raaskabnooni

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa looga hadlay dagaal saakay duleedka deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose ku dhax maray ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Gaashaandhigga warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay uu bilowday kaddib markii ciidamo katirsan maamulka Jubbaland weerar kusoo qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidanka xogga dalka iyo kuwa Haramcad.

Warka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga si gaar ah ula socoto qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Al Shabaab, taas oo la sheegay in ay keentay in ay Al Shabaab oggolaadaan in ciidanka Axmed Madoobe dhax maraan , si ay weerar ugu qaadaan Raaskanbooni.\

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaalkii ka dhacay Raaskambooni

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaalkii ka dhacay Raaskambooni

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Fariinta Gaarka ah ee Ciidamada u diray Taliyaha Cusub Danab Jubbalad.?

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay Fariinta Gaarka ah ee Ciidamada u diray Taliyaha Cusub Danab Jubbalad.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu ka yiri xilwareejinta uu sameeyay taliye Carab dheeg.

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Gudoomiyaha Badbaado Bulsho “Waa in si deg-deg ah loo soo xiro Axmed Madoobe”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Badbaado Bulsho “Waa in si deg-deg ah loo soo xiro Axmed Madoobe”

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Gudoomiyaha Badbaado Bulsho “Waa in si deg-deg ah loo soo xiro Axmed Madoobe”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA