Home Blog Page 1534

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Fariinta Taliyaha Danab ee Jabaland uu u diray Madaxda DF.

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay Fariinta Taliyaha Danab ee Jabaland uu u diray Madaxda DF.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Tahriibeyaal Soomaaliyeed oo laga soo daayay magafe.

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Soomaaliya – Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan, Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood) ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.

Sii deynta dhallinyaradaan waxaa suurto galiyay Hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiiskeeda ka hawlgala Portsudan.

Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

{DAAWO MUQAALKA} Colaadda ka taagan Itoobiya oo ka sii dareysa

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC}Colaadda ka taagan Itoobiya oo ka sii dareysa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo si adag Uga Hadashay Duulaanka Itoobiya.

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} DFS oo si adag Uga Hadashay Duulaanka Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Itoobiya Afar jeer oo lagu eedeeyay in ay hub soo gelisay Soomaaliya.

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Markii 4-aad ee sanadkan, Soomaaliya waxa ay ku eedeysay Itoobiya in ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya si ay u taageerto maamul goboleedyada.

Bishii Luulyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ammaanku ay gacanta ku dhigeen labo baabuur oo hub ah oo laga keenay xadka Itoobiya oo ay lahaayeen ganacsato hub ah.

Isla muddadaas, Soomaaliya waxay ku eedaysay Itoobiya inay hub geysay Baydhabo.
Bishii Sebtembar, Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya ay hub u soo dirtay Puntland.

Itoobiya ayaa 26-kii July beenisay eedeymaha ah in ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya

Itoobiya ayaa 26-kii July beenisay eedeymaha ah in ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya. Itoobiya wali kama aysan jawaabin eedeymaha Sept iyo kan cusub.

Doowladda Soomaalia oo Si adag Uga Hadashay Faragilinta itoobiya

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC}  Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan.

Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle.

Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika.

Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.

Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka.

DFS oo si adag Uga Hadashay Duulaanka Itoobiya.

Dhammaad

{DAAWO MUQAALKA} Boqolaal ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Beledxaawo.

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Boqolaal ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Beledxaawo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbin doonaa Wararka ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Khudbada uu jeediyey Raisul wasaaraha Siiriya.?

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay Khudbada uu jeediyey Raisul wasaaraha Siiriya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA