Home Blog Page 1535

Maxaa Kasoo Kordhay Xaalada Bishar Al-Asad?

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC}  Labo ilo wareed oo Suuriyaan ah ayaa u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee Reuters inay jirto suurtagalnimo aad u sareysa oo la xiriirta in Madaxweyne Bashar al-Assad uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay agagaarka magaalada Homs xalay.

Wararka ayaa tilmaamaya in diyaarad uu saarnaa laga yaabo inay ku dhacday rasaas lagu riday xilli ay ka duulaysay magaalada Dimishiq.

Shabakada dabagalka duulimaadyada ee Flights Radar ayaa sheegtay in dayuurad xalay ka duushay Dimishiq taasoo loo malaynayo inuu la socday bashar Al asad ay u jiheysatay gobolka xeebta balse ay si lama filaan ah ugu jiheysatay dhinac kale.

Shabakada ayaa sheegtay in dayuuradaas markii ay ka weecatay jihadii ay ku socotay la waayey signalkeeda, waxayna arintan sii xoojisay shakiga laga qabo in Asad uu ku dhintay shil dayuradeed.

Sababta keentay dhaq-dhaqaaqa degdegga ah iyo maqnaanshaha diyaaradda lama xaqiijin karo ilaa iyo hadda, waxaana arrintan lagu tilmaamay mid weli qarsoodi ah. Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Suuriya ama ilaha kale oo xaqiijinaya warkan, balse warbaahinta caalamiga ah ayaa ku mashquulsan baaritaanka dhacdadan.

Dhinaca kale Sida ay ku warrantay saaka shabakadda Axios — Bashaar Al-assad ayaa ku sugan saldhigga ciidanka Ruushka ee Hamimim oo ku yaalla koonfur-bari Suuriya, isagoo isku diyaarinaya sidii uu u gaari lahaa Moscow, halkaa oo toddobaad ka hor uu geeyay qoyskiisa.

Illaa hadda ma jiraan warar xaqiijinaya nolosha iyo Geerida Madaxweyne Asad oo ka cararay Dimishiq ka dib markii ay ku soo dhowaadeen xoogaga mucaaradka ee xukunka ka tuuray.

Puntland oo Dadaal ugu Jirta in Xoog Ku Soo Furto Markab kalluumaysi oo laga leeyahay Shiinaha,

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC}  Puntland ayaa dadaal ugu jirta in si xoog ah lagu soo furto markab kalluumaysi oo laga leeyahay Shiinaha, kaasoo maalmo ka hor ay qafaasheen kooxo burcad badeed ah iyo ilaalada markabka.

Markabkan, oo ruqsad kalluumaysi ka haystay maamulka Puntland, ayaa kalluumaysi ka waday xeebaha degaannada Puntland ka hor inta aysan kooxaha burcad badeeddu weerarin

Sarkaal sare oo katirsan laamaha amniga Puntland ayaa u sheegay HOL in maamulka Puntland uu kasoo horjeeddo in madax furasho la siiyo burcad badeedda haysata markabka.

Waxa uu tilmaamay in haddii lagu guulaysan waayo in burcad badeeddu si nabad ah uga degaan markabka, ciidamada Puntland loo fasaxayo inay weeraraan kooxaha burcad badeedda.

Shirkadda leh markabka ayaa sidoo kale lagu wargaliyay in aysan wax wada xaajood ah la sameyn burcad badeedda. Ilaa iyo hadda, lama oga in arrintan ay la xiriirto markii ay burcad badeeddu diideen inay qaataan lacag dhan hal milyan oo dollar ah oo madax furasho ah.

Ganacsato reer Puntland oo la sheegay inay lug ku leeyihiin howlaha Kalluumaysi markabkan ayaa dhankooda wada dadaalo lagusii deynayo markabka oo haatan lagu haysto xeebaha degmada Eyl.

Doowladda Soomaalia oo sheegtay in ay Hawada ka saartay Koontooyin Baraha Bulshada ku lahayd ‘AS’

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC}  Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macallim ayaa sheegay in iyada oo Wasaaraddiisa kaashaneysa tan Warfaafinta Hawada laga saaray Koontooyin Baraha Bulshada ‘AS’ ku lahaayeen.

Maxamed ayaa tilmaamay in Xukuumadda Federaalka ay ‘AS’ la gashay dagaal dhowr dhinac, Barahaan Bulshada ayuu sheegay in ay u adeegsanayeen kusoo bandhigista waxyaabo uu ku sifeeyay in ay yihiin ‘Marin Habaabin’

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolajiyadda Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in ay dabagal ku hayaan koontooyin kale oo dhowaan la xiri doonno, habka la jaanqaadka casriga ayuu tilmaamay in Dalka uu qayb ka yahay si uu ula baratamo dunida kale ee horumarka ka sameysay.

”Innaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxa aan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeena, Waxyaabo badan oo aan habbooneyn in aan Dadka loo gudbin ayaan hor istaagnaa” Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolajiyadda XFS Maxamed Aadan Macallim.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ uu yahay mid isugu jira Dagaal Militari oo toos ah, mid dhanka Dhaqaalaha iyo Fikirka, waxaa socda kulamo looga hadlayo waxyaabaha ka dhaqangalay arrimahaas sida hadalka loo dhigay.

Maxaay Yihiin Amarada iyo Digniinada culus oo aay soo saartay Somaliland?

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC}  Waxaa saaka ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shirka Amniga Qaranka, kaasoo uu shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayna ka soo qayb-galeen Taliyayaasha guud ee Ciidamada qalabka sida.

Shirkan muhiimka ah ayaa lagu Lafa-guray amniga guud, u diyaar garowga Xilwareejinta labada Madaxweyne ee xilka isku wareejinaya 12 bishan iyo go’aamo adag oo laga soo saaray cid kasta oo nabadgelyada iyo wada jirka bulshada khatar ku ah.

Waxaana shirka ka soo baxay Qodobadan hoos ku qoran:

1- Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya Arrimaha Nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya Nabadgalyada guud ee Somaliland.

2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaasoo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda.

3- Waa in Saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba Somaliland.

4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa Hotelada inay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, Hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah Tallaabo ayaa laga qaadayaa.

5- Waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka, gaar ahaana amniga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

6- Shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Somaliland.

Xildhibaan Gacan uqaaday Askari Boolis Ahaa oo Ganaax Culus la Saaray

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulamada baarlamanka ka joojiyey muddo labo bilood ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Qoraalka lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Firimbi oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka

Sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AXMED MADOOBE

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.08.2024}

Axad 08, DEC 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre & Sahra Gabre 

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Syrian army command tells officers that Assad’s rule has ended, officer says

0

Sunday December 8, 2024 {HMC} Syria’s army command notified officers on Sunday that President Bashar al-Assad’s 24-year authoritarian rule has ended, a Syrian officer who was informed of the move told Reuters, following a rapid rebel offensive that took the world by surprise.

Syrian rebels, who said Damascus was “now free of Assad”, are expected to broadcast their first statement to the Syrian people on state television, two rebel sources said.

Assad, who had crushed all forms of dissent, flew out of Damascus for an unknown destination earlier on Sunday, two senior army officers told Reuters, as rebels said they had entered the capital with no sign of army deployments.

 

Thousands in cars and on foot congregated at a main square in Damascus waving and chanting “Freedom” from a half century of Assad family rule, witnesses said.

The dramatic collapse marks a seismic moment for the Middle East, ending the family’s iron-fisted rule over Syria and dealing a massive blow to Russia and Iran, which have lost a key ally at the heart of the region.

“We celebrate with the Syrian people the news of freeing our prisoners and releasing their chains and announcing the end of the era of injustice in Sednaya prison,” the rebels said, referring to a large military prison on the outskirts of Damascus where the Syrian government detained thousands.

A Syrian Air plane took off from Damascus airport around the time the capital was reported to have been taken by rebels, according to data from the Flightradar website.

The aircraft initially flew towards Syria’s coastal region, a stronghold of Assad’s Alawite sect, but then made an abrupt U-turn and flew in the opposite direction for a few minutes before disappearing off the map.

Reuters could not immediately ascertain who was on board.

The head of Syria’s main opposition group abroad, Hadi al-Bahra Syrian, declared Damascus was now “without Bashar al-Assad”.

As Syrians expressed joy, Prime Minister Mohammad Ghazi al-Jalali said he was ready to support the continuity of governance and prepared to cooperate with any leadership chosen by the Syrian people.

U.S. President Joe Biden and his team were monitoring the “extraordinary events in Syria” and were in touch with regional partners, the White House said.

The frontlines of Syria’s complex civil war were dormant for years. Then Islamists once affiliated with Al Qaeda suddenly burst into action, posing the biggest challenge to Assad, who had survived years of gruelling war and international isolation with the help of Russia, Iran and Lebanon’s Hezbollah.

But Assad’s allies were focussed on and weakened by other crises, leaving Assad at the mercy of his opponents with an army that was not prepared to defend him.

Syrian rebel leader Ahmed al-Sharaa said on Sunday that it was prohibited to go near public institutions that he said will remain under the supervision of the “former prime minister” until they were officially handed over.

Israel, which has severely weakened the Iran-backed groups Hezbollah in Lebanon and Hamas in Gaza, will likely celebrate the fall of Assad, another of Iran’s key regional allies. But the prospects of an Islamist group ruling Syria will likely raise concerns.

Just hours before reaching Damascus, rebels announced they had gained full control of the key city of Homs after only a day of fighting, leaving Assad’s 24-year rule dangling by a thread.

Thousands of Homs residents poured onto the streets after the army withdrew from the central city, dancing and chanting “Assad is gone, Homs is free” and “Long live Syria and down with Bashar al-Assad”.

Rebels fired into the air in celebration, and youths tore down posters of the Syrian president, whose territorial control has collapsed in a dizzying week-long retreat by the military.

The fall of Homs gave the insurgents control over Syria’s strategic heartland and a key highway crossroads, severing Damascus from the coastal region that is the stronghold of Assad’s Alawite sect and where his Russian allies have a naval base and air base.

Homs’ capture is also a powerful symbol of the rebel movement’s dramatic comeback in the 13-year-old conflict. Swathes of Homs were destroyed by gruelling siege warfare between the rebels and the army years ago. The fighting ground down the insurgents, who were forced out.

Hayat Tahrir al-Sham commander Abu Mohammed al-Golani, the main rebel leader, called the capture of Homs a historic moment and urged fighters not to harm “those who drop their arms”.

Rebels freed thousands of detainees from the city prison. Security forces left in haste after burning their documents.

Syrian rebel commander Hassan Abdul Ghani said in a statement early Sunday that operations were ongoing to “completely liberate” the countryside around Damascus and rebel forces were looking toward the capital.

In one suburb, a statue of Assad’s father, the late President Hafez al-Assad, was toppled and torn apart.
Outside the city, rebels swept across the entire southwest over 24 hours and established control.

EXISTENTIAL THREAT TO ASSAD RULE

The pace of events has stunned Arab capitals and raised fears of a new wave of regional instability.

Qatar, Saudi Arabia, Jordan, Egypt, Iraq, Iran, Turkey and Russia issued a joint statement saying the crisis was a dangerous development and calling for a political solution.

Syria’s civil war, which erupted in 2011 as an uprising against Assad’s rule, dragged in big outside powers, created space for jihadist militants to plot attacks around the world and sent millions of refugees into neighbouring states.

Hayat Tahrir al-Sham, the strongest rebel group, is the former al Qaeda affiliate in Syria regarded by the U.S. and others as a terrorist organisation, and many Syrians remain fearful it will impose draconian Islamist rule.

Golani has tried to reassure minorities that he will not interfere with them and the international community that he opposes Islamist attacks abroad. In Aleppo, which the rebels captured a week ago, there have not been reports of reprisals.

When asked on Saturday whether he believed Golani, Russian Foreign Minister Sergei Lavrov replied, “The proof of the pudding is in the eating”.

ALLIES’ ROLE IN SUPPORTING ASSAD

Assad’s long rule relied on allies to subdue the rebels. Russian warplanes conducted bombing while Iran sent allied forces including Hezbollah and Iraqi militia to reinforce the Syrian military and storm insurgent strongholds.

But Russia has been focused on the war in Ukraine since 2022 and Hezbollah has suffered big losses in its own gruelling war with Israel, significantly limiting its ability or that of Iran to bolster Assad.

U.S. President-elect Donald Trump has said the U.S. should not be involved in the conflict and should “let it play out”.

Reporting by Suleiman al-Khalidi in Damascus, Timour Azhari in Beirut, Jaidaa Taha in Cairo, Phil Stewart and Idrees Ali in Washington; Writing by Angus McDowall, Matt Spetalnick and Michael Perry and Michael Georgy; Editing by Cynthia Osterman and William Mallard

 

{DAAWO MUQAALKA} Doon waday xamuul laga dejin tabay delada Hobyo oo xaabta ku so ocaarisay.

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Doon waday xamuul laga dejin tabay delada Hobyo oo xaabta ku so ocaarisay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay tallaabaa ay qaadeeyso Puntland si ay usoo Furato Markab laga lee yahay shiinaha.?

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay tallaabaa ay qaadeeyso Puntland si ay usoo Furato Markab laga lee yahay shiinaha.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa looga hadlay shirka dagmooyinka Hirshabbeele.?

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC}  Maxaa looga hadlay shirka dagmooyinka Hirshabbeele.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA