Axad 8, Dec 2024 {HMC} Guulaha laga gaaray dagaalka AS, warbaahintu waxa ay ka qaadatay door muhiim ah ”W-Cabdulqaadir
Madaxweyne Trump oo ka hadlay isbedelka weyn ee ka dhacay Siiriya.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington aysan ku lug yeelan dib u soo celinta dagaalka sokeeye ee Suuriya, sida uu ku qoray bartiisa bulshada ee Truth.
Trump ayaa sheegay in mucaaradku ay awoodeen in ay gaaraan guulihii ugu dambeeyay sameeyaan maadaama Ruushka uu ka baxay garabkiisa dagaalka Ukraine awgii uuna joojiyay taageerida Suuriya, oo ah waddan ay ilaalinayeen sannado badan.
Dhinaca kale, Shabakadda Bloomberg, ayaa soo bandhigtay iskudayga u dambeeyay ee uu sameeyay Bashar Al-assad si uu u helo awood ka hortagi karta mucaaradka, wuxuuna Imaaraadka Carabta ka codsaday inay dhisaan xiriir uu la yeelanayo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, isagoo u gudbiyay farriin uu kaga codsanayo in laga caawiyo joojinta mucaaradka ka hor inta aysan gelin Dimishiq — beddelkeeda wuxuu Assad ballanqaaday inuu jarayo dhammaan xiriirka Iran iyo ururka Xisbullah, isagoo iskaashi la yeelanaya reer galbeedka.
Intaa kuma joogsan, wuxuu Assad u diray dalka Hungary wadaad masiixi ah si uu uga dhaadhiciyo Ra’iisul wasaaraha Hungray, Viktor Orbán oo ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Trump inuu la hadlo Trump oo uu u sheego haddii mucaaradku qabsado Suuriya in nolosha Masiixiyiinta laga tirada badan yahay ay khatar geli doonto
Hase ahaatee Trump ayaan dheg jalaq i siin arrintaas wuxuuna a baahiyay qoraal uu ku ammaanay howlgalka mucaaradka oo uu sheegay inuu yahay mid cajiib ah oo si wanaagsan loo agaasimay, wuxuu ku maadeystay Ruushka oo uu ku tilmaamay mid aan awood u lahayn inuu celiyo mucaaradka, wuxuuna qoraalka ku soo gabagabeeyay “ Assad saaxibkeen ma aha, dagaalkunna ma aha dagaalkeenna.”
{DAAWO MUQAALKA} Waxaan xooga saareynaa mideynta farriimaha Dowladda”Wasiir Al-Cadaala
Axad 8, Dec 2024 {HMC} Waxaan xooga saareynaa mideynta farriimaha Dowladda”Wasiir Al-Cadaala
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Sidee Doorasho Qof iyo Cod Dalka Uga Dhici Kartaa?
Axad 8, Dec 2024 {HMC} Sidee Doorasho Qof iyo Cod Dalka Uga Dhici Kartaa?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay dhibaatada ay ka cabanayaan Shacabku nool Balli-cad.?
Axad 8, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay dhibaatada ay ka cabanayaan Shacabku nool Balli-cad.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ciidamo cusub oo Kumaandoos ah oo loo tababaray Soomaaliya.
Axad 8, Dec 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay ciidamo cusub oo kumaandoos ah, kuwaas oo tababar heerkiisu sarreeyo kusoo qaatay dalka Turkiga.
Ciidamadan oo ka kooban illaa 4 urur oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa tababarkooda soo dhammeystay, iyaga oo haatan si toos ah u howlgeli doono.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Turkiga, waxayna wasaaraddu sheegtay in ciidamadan ay ka qayb-qaadan doonaan mas’uuliyadda la wareegida amniga guud ee dalka.
Turkiga ayaa kamid ah saaxibada dhow ee Soomaaliya, wuxuuna taageero milatari oo wayn uu siiyaa dowladda federaalka, isagoo ka qayb qaatay dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-
Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.
Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.
Somali MP apologizes for assaulting parliament guard during electoral debate.
Sunday 8,Dec,2024 {HMC} Somali MP Hassan Abdi’ Yare’ has issued a public apology for assaulting a security officer inside the House of the People.
In a formal statement, Yare acknowledged his actions and apologized to both the security officer and the Somali public. “I take full responsibility for my conduct. I deeply regret what happened and offer my sincerest apologies,” he said during a reconciliation meeting to address the incident.
The altercation unfolded during a heated session on Wednesday as lawmakers clashed over the composition and role of the National Electoral Commission, an issue that has deepened political divisions. According to Somali Police officials, the officer was mediating tensions near the speaker’s podium when a lawmaker struck him on the nose. The officer, identified as a parliamentary guard, was treated at Medina Hospital, where Police Commissioner Asad Osman Abdullahi visited him.
The incident was reviewed by the House Committee on Rules, Ethics, Immunity, and Welfare, which aimed to address the breach of parliamentary etiquette. Speaker Sheikh Adan Mohamed Nur (Madobe), who facilitated the reconciliation, praised the resolution. “This should remind us of the high standards required of those in public office,” Madobe said in a statement.
Held at Speaker Madobe’s residence, the reconciliation meeting brought together Chief Whip Mohamed Abdullahi Hassan (Nuh), Rules Committee Chairperson Mohamed Ajiib, and several Upper House senators. Their collaboration highlights the legislative body’s commitment to accountability and ethical governance.
ITOOBIYA oo soo faragalisay xiisada udhaxaysa Dowllada dhaxe iyo Jubbaland.
Axad 8, Dec 2024 {HMC} Maamul goboleedka Jubbaland ayaa si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya oo xilligan khilaaf culus oo ka dhashay heshiiskii badda uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo dhaliyay xiisad diblumaasiyadeed oo wayn.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sar sare oo ka socota Itoobiya ay Sabtidii shalay diyaarad milatari ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, halkaas oo ay wada-hadallo gaar ah kula leeyihiin madaxweyne Axmed Madoobe.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in saraakiisha Itoobiyaanka ah uu qorshahooda uu yahay in madaxweynaha dib loo doortay ay kala hadlaan xiisadda soo korortay, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya dowlada dhexe.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa casuuntay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo isna gaaray caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana diray Axmed Madoobe si uu wada-hadalo ula soo yeesho hoggaanka sare ee waddankaasi.
Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa nooca taageerada ay xilligan Itoobiya siineyso dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay wajaheyso dagaal uga imaanayo dhinaca dowladda oo ka hortimid dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.
Itoobiya ayaa u muuqato inay ka dhex faa’iideysaneyso khilaafka labada dhinac, waxaana horay ciidamo badan ay usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo kuwaas oo saldhigtay degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beledxaawo ee gobolkaasi.
Dowladda Federaalka oo ka war heshay qorshahan culus aya dhankeeda, si weyn u cambaareysay dhaq-dhaqaaqa Itoobiya, waxayna ku eedeysay inay ciidamo kusoo daabuleyso gudaha dalka, ayna iska horkeeneyso qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.
Si kastaba, xiisadda ayaa u muuqata inay weji cusub yeelaneyso oo arrintu ay dagaal ku socoto, maadaama weli dowladda dhexe ay ciidamo ku daabuleyso deegaannada Jubbaland
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha wadanka Siiriya oo Dalka ka Cararay iyo Mucaaradka oo la wareegay.
Axad 8, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha wadanka Siiriya oo Dalka ka Cararay iyo Mucaaradka oo la wareegay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Deeq Geel ah oo Lagu Wareejiyay Ciidamada Difaaca Jubbaland.
Axad 8, Dec 2024 {HMC} Deeq Geel ah oo Lagu Wareejiyay Ciidamada Difaaca Jubbaland.



