Home Blog Page 1537

Migrants who survived Madagascar boat tragedy arrive back in Somalia.

0

Sunday 8,Dec, 2024 {HMC} Nearly 50 survivors of a migrant boat tragedy last month that left 25 people dead in the Indian Ocean off Madagascar arrived back in Somalia on Saturday and were received by government officials.

The survivors aged 17 to 50 wore outfits made of fabric with the Somali national flag colors as they disembarked from a plane in the capital, Mogadishu, visibly relieved to return to safety.

Many young Somalis embark every year on dangerous journeys in search of better opportunities abroad. The U.N. agency has previously raised concerns over the rise in irregular migration from Horn of Africa countries as people flee from conflict and drought.

The survivors told The Associated Press that they were stranded in the ocean for 13 days after their boat’s engines failed.

Ahmed Hussein, who was traveling with his now-deceased cousin, said they were heading to Europe hoping for a better life. Two vessels carrying the migrants departed Somalia early last month.

“We were split into two small boats. The engine broke down, and we drifted at sea for 13 days with no functioning engine. We had no food or water, and the (few) dates we had ran out during those 13 days. We survived by catching some fish,” he said.

Officials in Madagascar and Somalia had earlier said the boats capsized but offered no further explanation. The authorities had also put the number of survivors at 48 but only 47 arrived in Somalia and the whereabouts of one survivor remained unclear as officials who received the 47 did not comment.

The boats left from a beach near the Somali capital, Mogadishu, on Nov. 2 with 73 people on board and were believed to be headed to the French region of Mayotte, according to Jean-Edmond Randrianantenaina, the head of Madagascar’s Maritime Ports Agency. Mayotte, an archipelago, is around 1,600 kilometers (990 miles) from Mogadishu.

Abdirashid Ibrahim, another survivor, recalled how some survivors had swollen ankles and couldn’t walk after being rescued. “On the boat, we had nowhere to sleep, no food, and we were crammed together. Some people died from shock, and others succumbed to starvation,” he told the AP.

Abdulkadir Burgal, the director of the Africa Department at the Ministry of Foreign Affairs, who was at the airport to receive the survivors, told journalists that some of the people who helped the migrants embark on the dangerous journey had been arrested while others died in the incident.

“Eight people involved in the trafficking of Somali migrants have been arrested,” he said.

Maryan Yasin, the president’s special envoy for migration, said the survivors were happy to be home.

“They assured me they will never take the same risk again. The Somali government is committed to finding a resolution, and this resolution will be a collective effort,” she said.
 

DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08-12-2024}

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Howlgalo Culus ka Fuliyey Shabeelada Hoose

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Howlgalo Culus ka Fuliyey Shabeelada Hoose

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qurba joogta Jubbaland oo war kasoo saaray xiisada u dhaxeysa Jubbaland iyo DF.

0

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Qurba joogta Jubbaland oo war kasoo saaray xiisada u dhaxeysa Jubbaland iyo DF.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

50 sano ay dalka Suuriya xakumayeen qoyska Asad oo maanta soo afjarantay.

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Kooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda.

Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda.

War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”.

Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan.

Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan.

Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada.

Ra’isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo.

Tani ayaa ka dhigan in uu maanta halkaasi ku soo dhamaaday 54 sano oo ay Suuriya soo xakumayeen qoyska reer Asad.

Dowladda Soomaaliya oo dalacsiisay saraakiisha ciidamadii ka soo goostay Jubbaland.

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho darajooyin ciidan ugu xirtay saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, kuwaas oo go’aansaday inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho lagu keenay diyaarado, kadib markii ay tageen deegaanka Raaskambooni oo dowladda u cadeeyeen mowqifkooda.

Saraakiisha Ciidamadaas ayaa maanta dalacay darajooyin kala duwan, halka askartii loo sameeyey diiwaan-gelin, mushaar iyo xuquuq kasta oo ay dowladda ka helaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha maanta lagu hor dalacsiiyey ciidankii ay hoggaaminayeen ee Axmed Madoobe ay kala soo goosteen ayaa ugu horeyn u mahad celiyey madaxda dowladda federaalka oo ay sheegeen inay gudeen abaalkooda.

Sidoo kale saraakiisha ayaa farriin u dirtay ciidamada weli uu xukumo Axmed Madoobe, waxayna ka digeen in dagaal la geliyo saaxiibadii ay kaga soo tageen Kismaayo iyo deegaano kale oo Axmed Madoobe uu ka taliyo.

“Saaxiibadeen waxaan leenahay waxay dowladdu na siisay lambarkii xoogga dalka, waxay na siisay darajooyin, qof kasta oo naga mid ah wixii uu mudnaa ayuu helay, waxaan idinleeyahay saaxiibayaal imaada oo ku soo biira xoogga dalka Soomaaliyeed, dowladdu waa guda balaaran tahay, cid idinka xigta ma jirto,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiishii la dalacsiiyey maanta.

Sarkaal kale ayaa yiri, “Dhalinyarada joogta Jubbaland waxaan codsanayaa in si xun aan adeegsan, in dowladooda aan lagu dirin ciidankii aan ka soo tagnay, waxaan leeyahay walaalayaal baraaruga.”

Korneyl Maslax oo ah sarkaal militeri oo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha la dalacsiiyey iyo askartii ka timid Jubbaland u sheegay in aysan laheyn cadow aan aheyn Khawaarijta, isagoo uga mahadceliyey inay garteen in aysan la dagaalamin dowladooda.

Faallaagada Suuriya oo ku soo dhawaaday Dimishiq

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Kaddib marki ay soo qabsadeen magaalooyin muhiim ah oo ay horay u joogeen ciidamada milataga dowladda, ayay fallaagada ku kacsan dowladda Suuriya aad ugu soo dhawaadeen Sabtidi nawaaxiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Fallaagada ayaa saacadihi ugu danbeeyay qabsaday magaalada muhiimka ah ee Xomus, taasoo suuragelisay in jiidda hore ee aagag dhowr ah oo guud ahaan waddanka ah ay burburaan.

Ku soo dhawaashaha magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ayaa ka dhigan in xakunka 24-ka sano ee Bashaar Al Asad ee Suuriya uu halis weyn ku jiro.

Xomus ayaa aheyd magaalo istaraatiiji u ah difaaca caasimadda. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Rueters u sheegay in maleeshiyaadka mucaaridka ay magaalada kasoo galeen dhinacyada waqooyi iyo bari, kaddibna si fudud ku jiireen difaacyada ciidanka. Wuxuu kaloo sheegay in ay la wareegeen xarumaha milatariga ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in hadda ay 20 km u jiraan magaalada Dimishiq.
Waa marki ugu horreysay oo ay fallaagada soo gaarto nawaaxiga Suuriya tan iyo dagaalki sannadki 2018-ki.

Tobnaan Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza

Axad 8, Dec 2024 {HMC} Duqeymo ay Isra’il Sabtidi ka geysatay Marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka Gaza.

Duqeymahaan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Dowladda Qatar ka dhawaajisay in ay dib u billaabeyso dadaalladeedii dhex dhexaadinta wadahadallada xabad joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’il.

Milatariga Isra’il wax jawab ah kama aysan bixin duqeymaha Sabtidi shalay ay ku qaadday magaalooyinka Gaza iyo Rafax.

Laalin Isra’il waxay Jimcihi sheegtay in duqeymo dhowr ah ay ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa bartamaha Gaza, iyo Xerada Nuseyraar. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaase sheegay in ilaa 20 qof oo la dilay ay lix ka mid ah ahaayeen carruur halka shan kalana ay dumar ahaayeen.

Tan iyo sannadki hore, dagaalka Gaza waxaa lagu dilay ku dhawaad 46 kun oo Falastiiniyiin ah.

Haweenka Afghanistaan oo Loo diiday in ay bartaan umulisonimada.

Sabti 7, Dec 2024 {HMC}  Haweenka dalka Afghanistan ee qaadanaya tababarrada la xiriira umulinta iyo kalkaalisonnimada ayaa BBC-da u sheegay in lagu amray in aysan ku soo laaban fasalladooda.

Arrinta ayaa soo afjareysa jidkii ugu dambeeyay ee ay ku heli lahaayeen tacliin sare oo dheeri ah.

Saddexdii bishan Disembar ayey Taliban ka mamnuuceen ardayda gabadha ee Afghanistan in ay tababar caafimaad ka qaataan hay’adaha caafimaadka.

Shan hay’adood oo kala duwan oo ku yaal dalka Afghanistan ayaa sidoo kale BBC-da u xaqiijiyay in amarka uu ka soo abxay Taliban kaas oo loogu sheegay in ay xiraan ilaa iyo amar dambe.

Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa lagu arkayay haween jooga dhowr kuleejo oo ka cabanaya mamnuuciddan iyo qaar ooynaya markii ay maqleen warka sheegaya in la xiray waxbarashadii ay doonayeen in ay heer gaaraan.

BBC-da weli ma xaqiijin amarka sida rasmiga uga soo baxay wasaaradda caafimaadka Taliban.

Si kasta ha ahaatee, arrintan lagu xiray goobaha ay haweenka wax ku baraneyeen ayaa lala xiriirinayaa siyaasadda guud ee kooxda ee ku aaddan tacliinta haweenka.

Bishii August ee sanadkii 2021-kii ayaa gabdhaha dhowr iyo toban jirrada ah loo diiday in ay dugsiyada sare iyo jaamacadaha dhigtaan.

Taliban si joogto ah ayey u ballanqaadeen in gabdhaha ay dib ugu soo celinayaan iskuullada marka arrimo badan oo jira wax laga qabto sida in manhajka uu yahay mid ku saleysan diinta Islaamka. Balse taasi weli ma dhicin.

Meelaha kaliya ee u furan haweenka doonaya in ay sii wataan tacliinta sare waxay aheeyeen kuleejooyinka halkaas oo lagu barto aqoonta umulisanimada iyo kalaalisanimada.

Umulisanimada iyo kalkaalisanimada waa xirfadaha kaliya ee haweenka sii wadan karaan maadama Taliban ay xayiraad adag saartay haweenka. Tacliinta haweenka ee caafimaadka waa mid muhiim ah sababtoo ah ragga caafimaadka ka shaqeeya looma ogola in ay daaweeyaan haweenka hadii uusan goobjoog aheyn qof haweeneyda muxrim u ah.

Saddex bilood ka hor BBC-da waxay fursad u heshay ay ku tagto goobaha lagu tababaro gabdhaha umulisada ee Taliban maamusho halkaas oo gabdho badan oo 20 jiro ah ay ku bartaan sida haweenka loo umuliyo. Aad ayey gabdhahaas ugu faraxsanaayeen in ay helaan fursad ay wax ku bartaan.

“Qoyskeyga aad ayey ugu qanacsan yihiin,” ayey tiri Safia oo sidoo kale noo sheegtay in ay carruurteeda guriga kaga timid si ay halkaan u timaado, ayna ogyihiin in ay dalka u adeegeyso.

Laakiin iyadoo tani ay jirto ayey hadana haweenka ka baqayaan hadii tani ugu dambeyn la joojinayo.

Maxaa ku dhacaya haweenkaas iyo kuwa kale oo lagu qiyaasay 17,000 oo ku jira tababarada? Ma cadda waxa dhacaya.

Si rasmi ah looguma dhawaaqin joojinta tacliinta gabdhaha balse labo ilo wareed oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa si hoose ugu xaqiijiyay BBC laaanta Afghanistan.

Muuqaallo BBC loo soo diray kuna saabsan kuleejooyinka ardayda wax lagu baro ayaa laga maqlayay arday ooynaya.

“In aan halkan taagnaado oo aan ooyo waxaba iima tareyso,” ayey gabar arday ah ku tiri koox kale oo haween ah.

“Madaxda Taliban ee fuliya xeerarka ayaa halkan ka dhow mana doonayo in ay wax xun idinku dhacaan”.

Muuqaallo kale oo BBC-da lala wadaagay ayaa muujinaya haween si hoose u cabanaya iyagoo ka baxaya kuleejooyinka.

Arday joogta magaalada Kabul ayaa sheegtay in lagu amray “in ay sugaan ilaa inta laga ogeysiinayo”.

Inkastoo ay tahay dhammaadka simisterka hadana imtixaanada lama qaadin, noolama ogolaan in aan galno,” ayey BBC u sheegtay

Ardayd kale ayaa sheegtay in la siiyay waqti yar oo ay ku soo urursadaan boorsooyinkooda kagana baxaan fasalada.

“Waxay noo sheegeen in aan tagno daaradda sababtoo ah Taliban waqati kasta ayey imaan karaan, waxna way sameyn karaan. Qof kasta wuu baqayay,” ayey tiri iyadoo intaas ku dartay. “In badan oo naga mid ah rajo yar ayey qabeen kaddib markii ay muddo dheer shaqo la’aan ahaayeen, guryahana ay ku go’doonsanaayeen”.

Sanadkii la soo dhaafay Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Afghanistan ay u baahan tahay 18,000 oo umulisooyin oo dheeri ah si ay u daboolaan baahida dalka ka jirta.

Afghanistan hore ayey u aheyd dalka ugu xun adduunka ee carruurta umul raacaan sida WHO ay sheegtay. Warbixin la soo saaray sanadkii hore ayaa lagu xusay in boqolkii kun ay ka dhintaan 620 haween ah marka ay umulayaan.

XIGASHO BBC

Maxay tahay sababta ka danbaysa dagaalka Dalka Suuriya.?

0

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Kacdoon nabadeed oo dimoqraadiyad doon ah oo lagaga soo horjeeday Madaxweyne Asad sannadkii 2011 ayaa isu beddelay dagaal sokeeye oo baaxad weyn, kaas oo burburiyey waddanka, isla markaana soo jiidatay quwadaha gobolka iyo kuwa adduunka.

In ka badan nus malyuun qof ayaa la dilay 12 milyan ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda, qiyaastii shan milyan oo ka mid ah waa qaxooti ama magan galyo doon dibadda ah.

Ka hor weerarka fallaagada, dagaalku waxa uu u ekaa in si hufan loo soo afjaray ka dib markii ay dawladda Bashaar Al-Asad dib ula wareegtay gacan ku haynta magaalooyinka iyaga oo gacan ka helaya Ruushka, Iiraan iyo kooxaha ay Iiraan taageerto.

Si kastaba ha ahaatee, qeybo badan oo ka mid ah dalka ayaa weli ka maqan gacanta dowladda.

Waxaa ka mid ah meelaha waqooyi iyo bari ee ay maamulaan isbaheysiga Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ee kooxaha hubeysan ee uu taageero Mareykanka.

Saldhigga ugu dambeeya ee fallaagada ayaa ah gobollada waqooyi galbeed ee Xalab iyo Idlib, oo xuduud la leh Turkiga, waxaana ku nool in ka badan afar milyan oo qof oo qaar badan oo ka mid ah ay barakaceen.

Waqooyi galbeed waxaa gacanta ku haya kooxda Islaamiyiinta ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), laakiin kooxaha fallaagada ah ee Turkigu taageero ee loo yaqaan Ciidanka Qaranka Suuriya (SNA) ayaa sidoo kale gacanta ku haya dhulkaas iyaga oo taageero ka helaya ciidamada Turkiga.

Kooxda Xayat Taxriir al-Sham (HTS), waxaa lagu asaasay magac ka duwan kan oo ahaa Jabhat al-Nusra sanadkii 2011-kii, iyagoo xiriir toosa la leh Al-Qaacida.

Hoggaamiyaha kooxda isku magacaawday Dawladda Islaamiga ah (IS), Abu Bakr al-Baghdadi, ayaa sidoo kale ka qayb qaatay aasaaskooda.

Kooxda waxaa loo arkaa mid ka mid ah kooxaha ugu firfircoon uguna halista badan ee ka dhanka ah Madaxweyne Bashar al-Assad.

Laakiin fikirkooda jihaadiga ayaa ahaa xoogga ugu weyn ee dhaqaajiyay, halkii ay ka ahaan lahaayeen dhaqdhaqaaq kacaanka – waxaana loo arkayay xiligaas in uu khilaafsan yahay isbahaysiga ugu wayn ee falaagada ah ee hoos taga calanka Suuriyada Xorta ah.

Laakiin Sanadkii 2016-kii, hoggamiyaha kooxda Abu Maxamed al-Jawlani, ayaa meel fagaare ah ugu goostay ururka Al-Qaacida,isagoo isaga baxay Jabhadda Al-Nusra, wuxuuna asaasay urur cusub oo magaciisa la yiraahdo Xayaat Taxriir al-Sham. Dhowr urur oo la mida ayaa la midoobay sanado ka dib.

HTS waxa ay awoodeeda ku xoojisay gobolada Idlib iyo Xalab iyaga oo burburiyay kooxaha ka soo horjeeda, oo ay ku jiraan al-Qaacida iyo unugyada kooxda Dawladda Islaamka (IS), waxayna dhisteen waxa loogu yeero Dowladda Badbaadinta Suuriya si ay u maamusho dhulkaas.

Hadafka ugu dambeeya ee HTS waa in la rido Asad oo la dhiso nooc ka mid ah maamulka Islaamka.

Laakin waxa ay muujisay calaamad yar oo ah in ay isku dayayso in ay dib u soo celiso colaada si weyn oo ay u cusboonaysiiso caqabadeeda ku wajahan xukunka Assad ilaa hadda.

Hogaamiyaha kooxda, Abu Mohammed al-Jawlaani ayaa wareysi uu siiyay CNN ku xaqiijiyay in fallaagada ay doonayaan inay afgambiyaan nidaamka Asad.

XIGASHO BBC