Home Blog Page 1545

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guulaysatay kursiga IGAD ee loo tartamay.?

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Agaasimaha waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Sacdiya Maxamed Nuur, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka IGAD ee loosoo gaabiyo (IWPSF) ka dib shir ka dhacay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Doorashada ayaa dhacday maalinnimadii arbacada ee ay bishu ku beegneyd 4-ta Diseembar.

Sacdiya Maxamed oo tartan kula jirtay haweeney kasoo jeedda Koonfurta Suudaan laguna magacaabo Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay kursigan ka dib is casilaad ay sameysay gabadha reer South Suudaan.

Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn noqotay kuxigeenka ururka ka dib is casilaaddeedii.

Sacdiya Maxamed Nuur oo BBC-da la hadashay ayaa sharraxday sida ay ugu suura gashay hanashada kursigan iyo waxa ay ku muteystay iyada oo tilmaantay dadaalkii ay usoo galeen ka Soomaali ahaan.

“Waxa ay mar waliba u muuqatay fursad ku habboon Soomaaliya iyo in aan mudan-nahay, sidoo kale is casiladdii Amer Manyok Deng waxay na siisay fursad, maadaama guddigu ay ku qanceen qudbad aan jeediyay iyo ajendayaashii aan soo bandhigay kuwaas oo la’iigu gartay in qofka kursiga u qalma aan ahay”, ayey tiri Sacdiya.

“Waxa aan ka faalloonay muhiimadda nabadda ay noo leedahay iyo is dhexgalka bulshada ee haweenkeenna geeska Afrika, sidoo kale waxa aan u ololeynay in Soomaaliya ay tahay dalka markan ku habboon kursigan taas oo ina caawisay”, ayey sii raacisay.

Xoghayaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka IGAD ee loosoo gaabiyo (IWPSF) ayaa sidoo kale loo doortay Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.

Wasaaradda Qoyska ayaa ammaantay dadaalka wada shaqayneed ee kooxda hoggaanka cusub ee la doortay, oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Amer Manyok Deng iyo Xoghaye Hon. Dora Byamukama.

“Tababarku wuxuu ku soo idlaaday farxad, iyadoo lagu dhawaaqay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka socota Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka, Amer Manyok Deng oo ka socota Koonfurta Suudaan, iyo Xoghaye Dora Byamukama oo u dhalatay Uganda, waxayna ballan qaadeen inay si wadajir ah u wada shaqayn doonaan, si loo hormariyo ajendaha IWPSF,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta IGAD ee X.

Qorshaha Sacdiya ee ururkan
Sacdiya Maxamed Nuur waxa ay sheegtay in ay ka howl geli doonto sidii ay u horumarin lahayd dumarka gobolka, barnaamijyada nabadda iyo xasilinta, iyo sidoo kale is dhexgalka bulshada.

“Kursigan ka sokow in Soomaaliya ay ka tahay guddoomiye waa mid loogu adeegi doono dhammaan dumarka gobolka si ay usii hormariyaan dhaq-dhaqaaqooda ku aaddan nabadda, si gaar ahna dumarka Soomaaliyeed waa mid aan rajeynayo in ay kula yimaadaan is beddel hoggaamineed oo hagaagsan”, ayey tiri Sacdiya.

Waxa ay sii raacisay in ay diyaar u tahay wada shaqeyn guud oo ay la yeelato qaybaha kala duwan ee haweenka IGAD iyo dardar gelinta qorshe howleed cusub oo ay sheegtay in ay ajendayaasheeda ka mid ahaayeen, waxaana ay xustay in ay qayb weyn ka qaadan doonta horumarinta iyo is dhex galka bulshada.

Kooxdan cusub ee ururka hoggaamin doonta ayaa xilka haynana muddo saddex sano ah iyada oo kadib kursiga markale uu aadi doono doorasho ciddii kusoo baxda ay hoggaanka la wareegi doonto.

Ururka waxaa la asaasay 2013-kii kadib shirweynihii haweenka iyo nabadda IGAD ee 2011. Golaha madasha waxaa ka mid ah wakiilada fulinta, sharci dejinta iyo bulshada rayidka ah, iyadoo IGAD ay tahay xoghayn.

XIGASHO BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05.12.2024}

Khamiis 05 Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Muuse Ali Herow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Hey’adda Amnesty oo Israel ku eedeysay in ay xasuuq ka geystay Gaza.

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Warbixin ay Khamiista maanta soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa ku eedeysay Isra’il in ay xasuuq u geysatay dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza.

Kooxdan xuquuqda aadanaha ee xaruntoodu tahay London, ayaa sheegay in gabagaba warbixintoodu ay ku saleeyeen, kaddib bilooyin ay falan-qeynayeen dhacdooyinka Gaza iyo hadallada saraakiisha dowladda Isra’il.

Warbixinta ayaa ku eedeysay Isra’il in ay si ula kac ah u burburineyso Falastiiniyiinta iyada oo adeegsaneyso weeraro lagu hoobtay, burin ay u geysaneyso kaabayaasha muhiimka ah ee Gaza, iyo in ay si ula kac ah u hor istaageyso in Gaza la geeyo cunto, dawo iyo agabyada kale ee aasaasiga ah.

Amnesty waxay sheegtay in xadka sharciga ah ee lagu qeexo danbiyada xasuuqa la gaaray muddada inta uu socday dagaalka wali ka taagan Gaza.

Israa’iil ayaa si joogto ah u diiday eedaymo kasta oo xasuuq ah, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il todobadi bishi Ocober ee sannadki 2023-ki.

Wali wax jawaab deg deg ah kama aysan bixin saraakiisha Isra’il, warbixinta saakay kasoo baxday Amnesty.

Israa;iil ayaa Gaza ku qaadday dagaal cirka, dhulka iyo badda ah, kaddib weerarki Xamaas ee bilowgi October ee sannadki hore. Weerarkaas ayay Isra’il sheegtay in ay Xamaas ku dishay ilaa 1,200 oo qof, isla markaana afduubtay 250 Isra’iliyiin ah.

Hase yeeshee, duqeymaha cirka ah ee ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 45,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

XIGASHO VOA

Dowladda Qatar oo dib u billowday dhex-dhexaadinta Xamas iyo Israel

0

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Qatar ayaa dib u billowday doorkeeda dhex-dhexaadinta ee dadaalka lagu doonayo in xabad-joojin lagu dhex dhigo Israel iyo Xamaas ka dib markii muddo kooban ay hakisay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee AFP Khamiista maanta ah.

Ilo-wareedka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Qatar, oo bishii hore hakisay dhex-dhexaadintii xabad joojinta Gaza, ay hadda “ku soo laabatay dhex-dhexaadinta”, isaga aan wax faahfaahin ah ka bixin shirarkii ugu dambeeyay ee ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Qatar ayaa hakisay dhex-dhexaadinta horraantii November, ayada oo sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta dadaallada.

Waxay xilligaas sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Israel.

Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa socday tan iyo markii kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ay qaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Israel 7-dii Oktoobar, 2023-kii.

Weerarka lagu qaaday koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada 1,208 qof oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirokoobka rasmiga ah ee Israel.

Ololaha aargoosiga ah ee Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay 44,580 qof, kuwaas oo u badan dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka Gaza ee Xamaas ay maamusho oo Qaramada Midoobay u aragto in la isku halayn karo.

XIGASHO VOA

Itoobiya oo War Deg deg ah ka so saartay dadaallada dhex-dhexaadinta ee Kenya iyo Uganda

0

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay qorshaha Kenya iyo Uganda ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadinayaan khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Kenya Wiliam Ruto ayaa arrintan dhowaan ka sheegay shir madaxeedka dalalka EAC ee ka socday Magalada Arusha ee Dalka tansaaniya.

Hase yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Somaliland.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 12 5 2024.

0

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Jubbaland oo Afgambi ka bad baaday iyo Axmed Madoobe oo Bilaabay.

0

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Taliska Ciidanka Booliska Jubaland ayaa fashiliyay afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubaland oo laga soo abaabulay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hogaaminayay Gudoomiyahii hore ee deegaanka Raaskambooni oo hada ku sugan Magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xaruntii seddexaad DR Xabeeb oo la hirgaliyay.

0

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Xaruntii seddexaad DR Xabeeb oo la hirgaliyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo si rasmi ah ula wareegay Maamulka Badda iyo guud ahaan Dakadaha Dalka.

0

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC}  Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta  si rasmi ah ula wareegay Amaanka Biyaha bada iyo guud ahaan Dekedaha dalkka ku yaalo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamadii Jubbalabd ee ku sugan hoosingoow oo ku dhawaaqay in ay ku biireen DFS

0

Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Ciidamadii maamulka jubaland iyo shacabka Hoosingow ayaa maanta ku dhawaaqay in ay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA