Home Blog Page 1548

{DAAWO MUQAALKA} Jubbaland oo Shaacisay Duulaan ka dhan ah Dowlada Soomaaliya.

0

Arbaco 04 Dec 2024 {HMC} Jubbaland oo Shaacisay Duulaan ka dhan ah Dowlada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wadaniyada aan sheeganeyno waa iney dhab naga ahaataa” hoggaanka wacyigelinta.

0

Arbaco 04 Dec 2024 {HMC} Wadaniyada aan sheeganeyno waa iney dhab naga ahaataa” hoggaanka wacyigelinta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-12-2024}

Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu Deegaankan Muhiim ugu yahay isku Xerka Degmooyinka Gobolka Hiiraan.?

0

Arbaco 04 Dec 2024 {HMC} Muxuu Deegaankan Muhiim ugu yahay isku Xerka Degmooyinka Gobolka Hiiraan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo laga Diwaan Galiyey Tiradii ugu Badneyd ee Dadka la Nool Cudurka HIV/AIDS.

0

Arbaco 04 Dec 2024 {HMC} Somaliland oo laga Diwaan Galiyey Tiradii ugu Badneyd ee Dadka la Nool Cudurka HIV/AIDS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

</div

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo kale oo saakay ka tagay jubaland kuna biiray Xooga dalka.

0

Arbaco 04 Dec 2024 {HMC} Ciidamo kale oo saakay ka tagay jubaland kuna biiray Xooga dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland oo Taageeray Isfahanka Somaliland iyo Itoobiya

Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay hoggaaminta Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo dhaweeyay isfahanka Somaliland iyo Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay Africa Confidential, Cirro waxa uu si buuxda u taageeray isfahanka Somaliland iyo Itoobiya, oo dhigaya in Itoobiya ay hesho marin badeed, Somaliland-na ay aqoonsi ka hesho Itoobiya.

“Madaxweynaha la doortay Cirro, waxa uu caddeeyay in uu si buuxda u taageersanyahay isfahanka Addis Ababa, kaasi oo dhigaya in Itoobiya ay hesho marin badeed, Somaliland-na aqoonsi” ayaa lagu yidhi warbixinta Africa Confidential.

Madaxwaynaha la doortay ayaa hore u sheegay in aanu wali heshiiska arag, lakiin marka uu arko uu go’aansan doono waxa uu ka yeelayo, Cirro ayaa dhawaan kulan la yeeshay Madaxweyne Biixi, iyada oo laga yaabo in labada madaxweyne ay wax iska waydiiyeen isfahankan aan wali fulin.

Isfahanka Somaliland iyo Itoobiya oo la saxeexay 1 January, 2024, ayaa 11 billood kadib aan wali loo badalin heshiis rasmi ah, dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa isfahanka si gaar ah uga xumaaday, iyada oo Soomaaliya ay sheegtay in uu xad gudub ku yahay madaxbannaanideeda, Jabuutina ay arrimo dhaqaale awgeed uga hor timid.

R/W Xamza oo shaaciyey qorshaha ciidamada ay dowladda gaysay Jubaland.

Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamxa Cabdi Barre ayaa sheegay in sababta Dowladda Federaalka ah ay ciidamada u gaysay deegaanada ka tirsan kuwa Jubaland ay tahay in ciidmada ATMIS ay kala wareegaan amniga sidoo kalana codsi uu uga yimid dadka deegaanka oo u baahday in gacan laga siiyo dhanka amaanka.

Ra’iisul wasaaraha aya sheegay in tira ka badan 25 goobood oo ay ATMIS ka baxday oo tiradoodu gaarayaan 7 kun oo askari ay horey ula wareegeen ciidamada dowladda.

“Dowladdu waxay ciidamo kooban oo loogu talagalay inay la wareegaan deegaanadii ay ATMIS ka baxeen oo ay amnigooda u sugaan ayaan halkaasi ugu dirnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa sidoo kale sheegay in “ciidamadaas Kismaayo looga arkay sidii ciidamo dal shisheeye ku soo duulay” isagaoo ku ammaanay ciidamada Jubaland in ay iska diideen in ay la dagaallamaan kuwa dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalku uu yahay dal qura, ciidamada xooggana aanay jirin meel ka mamnuuc ah, iyagana uu waajib ka saaran yahay difaaca dalka.

“Waxaa waajib ka saaranyahay in ay xuduudaha sugaan dastuuriyanna dastuurka ayaa faraya,“ ayuu yiri Xamza, isagoo intaas ku daray in Qarannimada Soomaaliya ay saldhig u tahay ciidankooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidmadii la tababary oo ku faanayey in uu dalkiisa iyo dadkiisa uu difaacayo in dad mas’uuliyiin sheeganaya ay dadka ugu baaqaan in lala dagaallamo kuna tilmaamaan in uu caddow yahay, in uu soo galooti yahay iyo in uusan dalka lahayn.

Xamza Ra’iisulwasaaraha ayaa ku baaqay in dalkan uu baahanyahy dowladnimo ku dhisan nabad iyo walaaltinimo.

Ninka uu xoghayaha difaaca u magacaabay Trump oo qaaday tallaabo culus.

Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Pete Hegseth oo lagu wado inuu noqdo Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ee xukuumada Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhawaaqay “Dila muslimiinta oo dhan,”

Hegseth ayaa hadalkan sheegay isagoo aad u khamreysan xili uu ka qeyb galay xaflad loo qabtay koox ka tirsan askartii hore oo dhacday sanadkii 2015. Ninkan ayaa sidoo kale hore loogu eedeyey falal ah galmo iyo anshax xumo shaqsiyadeed oo dhacay sanadkii 2017, sida laga soo xigtay jariirada New Yorker.

Sida warbixinta lagu sheegay, Pete Hegseth waxa uu safar shaqo ugu maqnaa gobolka Ohio May 29, 2015, xiligaasi oo uu la shaqeenayey kooxda la baxday Concerned Veterans for America markii la sheegay in uu ku sakhraamay baarka hoteelka oo uu dhowr jeer ku qeyliyay, “Dila dhammaan Muslimiinta!”.

“Kama hadli doonno sheegashooyinka guracan ee lagu qoray wargeyska New Yorker ee laga soo xigtay saaxiibkiis hore,” ayuu yiri qareenkiisa Tim Parlatore isaga oo ka jawaabaya eedeymahan.

Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah kooxda ugu wayn ee u dooda Muslimiinta Maraykanka, ayaan eedaymaha ka dhanka ah Hegseth ku sheegay kuwo culus, iyagoo ugu baaqay Kongress-ka inuusan ansixin magacaabistiisa.

Agaasimaha fulinta ee CAIR, Nihad Cawad, ayaa yiri: “Marka loo eego aragtidiisa hadda iyo ficilladiisii hore, waxaa cad in Mr. Hegseth uusan gabi ahaanba ku habboonayn inuu u sharaxan yahay xoghayaha difaaca…..Qof kasta oo — xitaa xaalad sakhraansan — ku baaqa in la xasuuqo dhammaan muslimiinta, wuxuu naftiisa u diiday inuu qabto jago muhiim ah oo lama huraan ah inuu la macaamilo wakiillada dalalka Muslimiinta u badan.”

Marka laga soo tago hadallada Islaam nacaybka ee Hegseth, New Yorker ayaa si faahfaahsan u sheegay in Hegseth sidoo kale lagu eedeeyay anshax-xumo shaqsiyadeed, oo ay ku jirto inuu si qarsoodi ah dhaqaale u siiyay haweeney ku eedeysay inuu kufsaday 2017-kii.

Iyadoo ay jiraan muujintaasi, Trump waxa uu weli ku taagan yahay dookhiisa Xoghayaha Difaaca.

“Madaxweyne Trump waxa uu magacaabayaa musharixiin tayo sare leh oo aad ugu qalma in ay ka mid noqdaan maamulkiisa,” ayuu agaasimaha isgaarsiinta ee Trump Steven Cheung ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo xusay inaan wax danbi ah lagu soo oogin Pete Hegseth oo horey usoo noqday askari iyo waliba wariyaha telefishinka xagjirka ah ee Fox News.

Senator-ka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Ciidamada Qalabka sida ee Aqalka Senate-ka, ayaa ku tilmaamay warbixintan mid naxdin leh oo aan u qalmin, isagoo sheegay in guddigu uu si taxadar leh u eegi doono magacaabista ninkan.

Faah-faahin kasoo baxday 135 qof oo isbuursi ugu dhintay Guinea

Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Urur maxalli ah oo ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay, in ilaa 135 qof ay ku dhinteen kaddib marki ay dumeen darbiyada garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dhinaca koofurbari ee dalka Guinea Axadii.

Tirada hadda la helay ayaa laba jeer ka badan tan ay dowladda shaacisay Isniintii oo aheyd dhimashada ilaa 56 qof.

Go’aan garsoore oo muran dhaliyay ayaa sababay rabshado garoonka ka dhex billowday. waxaa xigay booliska oo furay sunta dadka ka ilmeysiisa, taasoo keentay in isbuursi uu ka dhaco garoonka kubadda cagta ee magaalada Nzerekore.

Kooxda wadajirka ah ee xuquuqda aadanaha ee gobolka Nzerekore, ayaa Talaadadi sheegay in warbixinta ay soo saareen ay ku saleeyeen, xogo ay kasoo ururuiyeen isbitaallada, goob-joogayaal, masaajidada iyo kaniisadaha, qoysaska dhibanayaasha iyo warbaahinta macalliga ah.

Dadka dhintay ayaa intooda badani ay da’dooda ka yareyd 18 sano. 50 kale ayaa la la’yahay sida warbixinta lagu sheegay.

Dowladda milatari ee xakunta Guinea ayaa Isniinti sheegtay in ay billaabeyso baaritaan arrintan lagu sameynayo.