Home Blog Page 1549

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Ciro oo qaabilay Danjiraha dalka Mareykanka.

Talaado 03, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro ) ayaa maanta qaabilay Danjiraha dalka Mareykanka Amb. Richard H.

Riley iyo Taliyaha Ciidamada AFRICOM Major General Brian Cashman.

Ugu horeyn Danjiraha Mareykanka ayaa madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyey dhanbaal hanbalyo oo uu ka sido dalkiisa .

Intaas kadib Labada dhinac ayaa ka wada si faahfasan uga wada hadleen xidhiidhka qotoda dheer ka dhexeeya Somaliland & Mareykanka iyo sidii xidhiidhkaas loo sii adkeyn lahaa
Madaxweynaha la doortey ee Somaliland waxaa uu dawlada Mareykanka u cadeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu xidhiidhkaas u sii xoojin lahaa.

Danjiraha Mareykanka waxaa kulanka ku wehelinaayey saraakiil sarsare oo ka mid ah ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika.

FAAH FAAHIN Guddoomiye ku-xigeenka degmada Daaru Salaam oo la dhaawacay,

0

Talaado 03, Dec 2024 {HMC} Koox hubeysan ayaa weerar xooggan ku qaaday xarun jir dhis oo ku taala Degmada Heliwaa, waxaana weerarkaas lagu dhaawacay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee Degmada Daaru Salaam Guure Maxamed Xirsi oo howl Jimicsi fiisiyo tarbiya loogu sameenayay, waxaana kooxda sidoo kale ay ku dileen qofkii Milkiilaha ahaa Goobtaasi.

Dhacdadan ayaa gilgishay bulshada dhexdeeda, iyadoo ay walaac ka muujiyeen falalka amni darro ee gobolka Banaadir dhowanahaan ka dhacayay.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa beegsaday Guddoomiye ku xigeenka, waxaana soo gaaray dhaawac culus. Isla weerarkaas, waxa ay si xun u toogteen milkiile jir-dhis, iyaga oo madaxa ka toogtay.

Wali ma cadda sababaha ka dambeeya weerarka, balse weerarada noocaani oo kale ah waxaa magaalada ka geeysta Kooxda Al-shabaab.

Weerarka kadib, kooxihii hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday, iyagoo qaatay gaari Toyota Prado ah oo uu lahaa Guddoomiye ku xigeenka la dhaawacay iyo Qoryo laba gaaraya oo ay ka carareen ilaaladii Gudoomiyaha oo goobta ka baxsaday markii ay rasaasta ay ka bilaabatay gudaha xarunta Jirdhis.

Maamulka Degmada ayaa durba bilaabay howlgal amni sugid ah oo lagu baadi goobayo kuwa falkaasi degmada ka fuliyay.

28 Qof ayaa ku dhimatay Kadib Markii ay ciid ku soo duntay.

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Meydadka labo wiil oo saddex jir ah ayaa ka mid ahaa kuwa laga soo helay dhoobada bariga Uganda, waxayna taas ka dhigtay tirada dadka ku dhintay toddobaadkii la soo dhaafay 28 qof sida ay boolisku sheegeen.

Ciidda soo duntay waxay ku dul habsatay dhowr tuulo iyadoo tobaneeyo qof weli la la’ayahay. In ka badan 100 qof ayaa laga baqayaa in ay ku jiraan dhinacyada buurta Elgon oo ku taal xadka Uganda iyo Kenya oo ku dhawaad 300 oo kilomitir kaga beegan bariga caasimadda Kampala.

Ilaa iyo bishii Oktoobar waxaa halkaas ka da’ay roobab aan caadi aheyn oo keenay daadad iyo in ciidda buuraha ay soo dumaan qeybo ka mid ah Uganda.

Ururka Laanqeyrta Cas ee Uganda ayaa sababta dhibaatadan ku sheegay in ay ka timid isbeddelka cimilada iyo saameynteeda.

Goobta ay wax ka dhaceen waxa ay ku dhowdahay halkii ay ka dhacday musiibadii tan la midka aheyd ee sababtay dhimaashada ilaa iyo 80 qof sanadkii 2010-kii

Dadaalo ay dowladda hore u qaaday oo looga dhaadhicinayay dadweynaha in ay ka guuraan meelaha musiibooyinka ka dhici kaaan oo ay aadaan meelaha ammaanka ayaan guuleysan. Inta badan dadka halkaas ku nool waa sabool aan awoodin in ay guuraan

XIGASHO BBC

Maqaayad taageerta Falastiin ayaa bilowday cabitaanka Gaza-cola

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Osama Ghasho ayaa ka bilaabay cabitaan Gaza-Cola xaafadda Holborn ee magaalada London. Ilaa iyo bishii Nofember ee 2023-kii ayuuna iibinayay cabitaankan.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dhowr sababood uu u sameynayo sidan balse tan ugu weyn ayuu ku sheegay in ay tahay in la diido shirkadaha ka caawiya Israel in ciidamadooda awood yeeshaan.

Taageerayaasha Falastiin iyo kuwa dhaliila Israel ayaa bilooyin isku dayayay in ay qaadacaan cabitaanka shirkadda Coca-Cola.

Warshadda “Tabor” oo hoostimaada shirkadda Coca-Cola ayaa ku beerta canabkeeda dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo qeybo ka mid ah buuraleyda Golan Heights ee Suuriya.

Shirkadda ayaa sidoo kale cabitaano ku sameysay dhulka la dajiyay Yahuudda Atrot ee waqooyiga Jerusalém.

Gaza-Cola bogeeda waxaa ku qoran in dhammaan faa’idada ka soo baxda iibka cabitaanadan loogu deeqi doono gargaarka bani’aadannimo ee Gaza.

Weerarada joogtada Israel ku hayso Gaza iyo dibadbaxyada looga horjeedo Isreal ee ka dhaca magaalooyin badan oo Yurub ku yaal waxay ololaha qaadacaadda cabitaankaas la xiriiriyeen Israel.

XIGASHO BBC

Heshiis xabad joojoojin oo la kala dhex dhigay beelo ku dagaalamay xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa aqbalay heshiiska xabad joojinta ah ee lakala dhex dhigay labada ciidan ee isku horfadhiyay maalmahii lasoo dhaafay deegaano u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Ceel baraf.

Muuse Salaad Wehliye Guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka labada beelood ee aqbalay xabad joojinta si loo sii anbo qaado dadaalada dhab u hishiisinta beelaha walaalaha ee dirirtoodu soo laablaabtay.

Gabagabada gudoomiyaha gobalka hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa faray ciidamada Qalabka sida adkeeynta dhaqan galinta hishiiska nabadeed si loo helo xal nabadeed oo kama dambeeys ah.

Tiradda dadka la nool HIV/AIDS ee ku nolaal Somaliland oo dhaaftey 3,200 qof

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} – Wasaaradda caamaadka ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay warbixin ka soo baxday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo lagu sheegay in labaatankii sano ee u dambeeyay ay sare u kaceen kiisaska AIDS-ka.

Saraakiisha caamaadka ayaa ku tilmaamay xogta mid aan sax ahayn, oo aan la ogalayn, oo ay suuragal tahay in ay waxyeelo soo gaarto, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday in heerka HIV-ga ee Somaliland uu weli hooseeyo oo uu si joogto ah hoos ugu sii dhacayo.

 

Warbixinta lagu muransan yahay ayaa lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2024, in guud ahaan Somaliland laga helay cudurka HIV/AIDS 3,206 qof.

Sidda ku xusan xogta, 2,481 bukaan ayaa la siiyay daawaynta ka hortagga retroviral, halka 725 aanay daawayn u raadsan sababo shakhsi ah awgood.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sanadkii 2024-kii oo kaliya, 714 qof laga baaray cudurka, iyadoo 103 xaaladood la xaqiijiyay, oo ay ku jiraan 64 dumar ah iyo 39 rag ah.

Somaliland waxa ay bilawday in ay bixiso daawaynta ka hortagga cudurka HIV 2005-tii, waxaanay si joogto ah ubalaarisay wax ka qabashada cudurka HIV-ga.

Ilaa 2021, 1,868 qof ayaa la noolaa HIV-ga guud ahaan degaanada hoos-yimaada maamulkan, iyadoo 193 xaaladood oo cusub la soo sheegay sanadkaas.

Waxqabadyada caamaadka dadweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa baaris bilaash ah, barnaamijyo daawaynta, iyo ololeyaal waxbarasho si loo yareeyo dhaleeceynta iyo horumarinta ka hortagga cudurkan oo aad ugu batay dhulka Soomaalida ay dagan tahay.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 03 12 2024.

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC}  Akhristayaasha iyo daawadayaasha waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HALKAN DAWO WARARKII UGU DAMBEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir dhuumaal Muxuu ka yiri Khilaafka DFS iyo Jubbaland.?

0

talaado 03 Dec 2024 {HMC} Wasiirka Amniga ee Jubbaland oo maanta gaaray degmada Balad-xaawo ee Gobolka gedo ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka midtahay khilaafka xoogan ee u dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo warar ku saabsanaa in asiga ay ciidamo ay ku hareereeyeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qaar kamid ah naafada Soomaliyeed oo fariin u diray madaxweyne Xasan Shiikh.

0

talaado 03 Dec 2024 {HMC} Qaar kamid ah naafada Soomaliyeed oo fariin u diray madaxweyne Xasan Shiikh.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil uu Axmed Madoobe u diray dagaal oo isku dhiibay Ciidamada DFS.

0

talaado 03 Dec 2024 {HMC} Saraakiil uu Axmed Madoobe u diray dagaal oo isku dhiibay Ciidamada DFS..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA