Home Blog Page 1571

{DAAWO SAWIRADA} Xildhibaan Xasan Firimbi oo Dacwad laga Gudbinaayo Kadib Markii uu Feeray Askari ka tirsan Booliska.

0

Arbaco, 27 Nov-2024 {HMC}  Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falka xadgudubka ah ee ay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.

Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiye ah oo metelaya shacabku ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda.

Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiino ku booqday dhaawacyadaa askartaasi oo lala tacaalayo xaaladda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah.

Boliiska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee sugaya nabadda iyo amniga, waana saaxiibka muwaadinka, mar walbana diyaar u ah inuu u adeego bulshada si hufan oo sharaf leh.

{}

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Amartay In Lasoo Xiro Axmed Madoobe

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Amartay In Lasoo Xiro Axmed Madoobe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Boqortooyada Sacuudiga oo Gargaar gaarsiisay Danyar Muqdisho ku nool.

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Boqortooyada Sacuudiga oo Gargaar gaarsiisay Danyar Muqdisho ku nool.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Waxaan maanta saaxiibadeena Talyaaniga ka guddoonay dhaxal aan iska dayacnay

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Waxaan maanta saaxiibadeena Talyaaniga ka guddoonay dhaxal aan iska dayacnay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo ka tirsan ee Jubbaland oo Muqdisho La keenay

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Ciidamo ka tirsan ee Jubbaland oo Muqdisho La keenay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis cusub.

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Baydhabo iyo tabababr 2 maalin ah oo ku saabsan tebinta wararka isbedelka cimilada

0

Arbaco, 27 Nov-2024 {HMC}  Tababarka waxa ka faa’iideysanaya Wariyeyaal iyo ururada u ololeeya deegaanka waxaana lagu baranayaa sidii Wariyeyaashu u tebin lahaayeen wararka isbedelka cimilada, deegaanka iyo masiibooinka dabiiciga ah.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda koonfur galbeed Diini Abdinur Maxamed oo furay tababarka ayaa ka qeyb galeyaasha warbixin kooban ka siiyay shirkii dhawaan ka dhacay dalka Azerbaijan ee looga hadlayay arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxa uuna xusay in dowladaha iyo ururada caalamiga ah ay u taagan yihiin sidii ay door uga qaadan lahaayeen dadaalka bulshada looga wacyigelinaayo sidii looga hortagi lahaa arrimaha deegaanka dhibaatada ku ah isaga oo u mahadceliyay FESOJ oo fulineysa tababarka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cumar Mustafe Nuur ayaa tilmaamay in Saxafiyiinta Koonfur Galbeed ay baahi weyn u qabaan tababarada noocaan oo kale ah ee diiradda saaraya ka warbixinta deegaanka iyo isbedelka cimilada.

Abshir Cali Xasan Agaasimaha Caafimaadka Degmada Baydhabo ayaa isna bogaadiyay in Saxafiyiinta lagu tababaro ka warbixinta deegaanka. Dhankiisa Faarax Cumar Nuur Xoghayaha guud ee FESOJ ayaa xoojiyay in FESOJ ay sii wadi doonto tababarada noocaan ah horana loogu soo qabtay deegaano kala duwan.

Tababarkan oo uu maalgaliyay midowga Yurub waxaa fulineysa FESOJ oo kaashaneysa Free Press Unlimited iyo VIKES

{DAAWO MUQAALKA} “Maxamed Saajiin “15 sano ayaan ka mid ahaa ciidamada Jubaland darajo ma helin xuquuqna ma lihi”

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} “Maxamed Saajiin “15 sano ayaan ka mid ahaa ciidamada Jubaland darajo ma helin xuquuqna ma lihi”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo warsaxaafadeed soo Saaray

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo warsaxaafadeed soo Saaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadeynta Askari Sokorta ku Kacday oo Weeraray Isgooys Mashquul badan oo Muqdisho ku yaala.

0

Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Maxkamadeynta Askari Sokorta ku Kacday oo Weeraray Isgooys Mashquul badan oo Muqdisho ku yaala.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA