Home Blog Page 1582

Wararka ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 25 11 2024

0

Isniin Nov 25, 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

Muxuu Saciid Dani Ka Yiri Doorashada uu Kusoo Baxay Axmed Madoobe?

0

Isniin 25 November-2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta Kismaayo lagu doortay.

“Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Siciid Deni ayaa ugu baaqay madaxda maamulka iyo shacabka Jubbaland in ay ilaaliyaan kana shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida Jubbaland, waxa uu sidoo kale ku baaqay in kala aragti duwanaashaha jira lagu dhameeyo wadahadal.

Jubbaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Jubaland iyo Shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Doorshada uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa taageeray qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Kheeyre oo Taageeray Doorashada Axmed Madoowe Kusoo Baxay

0

Isniin 25 November-2024 {HMC} Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo maanta ku guuleestay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Xasan Kheyre ayaana Madaxweynaha la doortay ugu baaqay in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka kooxda Al Shabaab, iyo sidoo kale xasilloonida amniga deegaannada maamulka Jubbaland.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaana nasiibdarro weyn ku tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya ciidankii qaranka ku daadgureenayaan deegaannada Jubbaland , si ay halkaasi colaad uga abuuraan, waxa uuna ugu baaqay madaxda dowladda in ay joojiyaan hurinta colaada ay wadaan.

”Waxaa nasiibdarro ah in Madaxda Dowladda Federaalku oo uu riixayo damac gurracan ay ciidankii qaranka ku sii daadgureynayaan Jubbaland, si ay colaad uga huriyaan deegaanka. Waxaana ugu baaqayaa in ay degdeg u joojiyaan hurinta colaaddan oo fursad siinayso khawaarijta, halis gelinaysa xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka, sidoo kalena wiiqaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Kheyre.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in doorashada saakay ka dhacday magaalada Kismaayo ay jid iyo jiho u yeelayso doorashooyinka dowladda Federaalka iyo dolwad-goboleedyada oo hubanti la’aan ku jiray.

Ugu Dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Koonfur-Galbeed, iyo Hirshabeelle, in ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka dowlad goboleedyada , si uu farayo dastuurka maamuladaasi u degsan.

Shiiq Shariif oo Hambalyo Hawada u Mariyay Axmad Madoowe

0

Isniin 25 November-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uuna taageeray soona dhaweeyay doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo.

”Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota. Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe in ay meesha ka saartay muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee madaxda dowladda Federaalku ku cadaadinayeen dowlad goboleedyadda dalka.

Sheekh Shariif ayaana uga digay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ciidamada Qaranka u adeegsato danno siyaasadeed, waxa uuna soo jeediyay in laga fogaado xasarad abuurka iyo qalqalgalinta amniga deegaannada Jubaland.

Ugu Dambeyn Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) in uu kaalin mug leh ka qaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee xilligan cakiran.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.25.2024}

Isniin 25 November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf Cadoow

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Xidig”Jubbaland Aqoonsi Dowlada dhaxe ah uma baahno hadii aqoonsi Shacab hesho.

0

Isniin Nov 25, 2024 {HMC} Xildhibaan Xidig”Jubbaland Aqoonsi Dowlada dhaxe ah uma baahno hadii aqoonsi Shacab hesho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} “Ilyaas Badal Kaboose” waxa uu wado, kuma raacsanin nagumana matalo, raalina kama nihin.

0

Isniin Nov 25, 2024 {HMC} “Ilyaas Badal Kaboose” waxa uu wado, kuma raacsanin nagumana matalo, raalina kama nihin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Yaa kusoo Bixi Doona Doorashada madaxtinimada Jubaand.?

0

Isniin Nov 25, 2024 {HMC} Yaa kusoo Bixi Doona Doorashada madaxtinimada Jubaand.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dagaal culus oo AS iyo ciidamada Doowladda Ku Dhaxmaray Sh/Hoose

0

Isniin 25,Nov 2024 {HMC}  Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shababa oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib arkii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 14 Oktoobar ay ku leeyihiin deegaannada Janaale iyo Buufow Bacaad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, walow aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnihii duulaanka soo qaaday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in khasaare culus dagaalkan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, welina ay sii wadaan howlgallo baacsi ah.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo weli baaritaano kasii wada halkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla Shabeelaha Hoose.

 

Doowladda Soomaaliya oo Ciidamo ka Dajisay Deegaan u Dhow Magaalada Kismaayo

0

Isniin 25,Nov 2024 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo milatari oo ka dhan ah maamulka Jubbaland, waxayna ciidamo dheeraad ka dajisay gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay, Warbaahinta illaa laba diyaaradood oo sida ciidam fara badan iyo hubkooda ayaa maanta laga dajiyay deegaanka Raaskambooni oo u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi ku daray in diyaaradaha ay saaka ku dageen garoon uu horay qaadka uga dagi jiray oo ku yaalla halkaasi, waxayna isla markiiba bilaabeen dhaq-dhaqaaq culus.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inay qorsheyneyso in diyaarado kale oo ciidamo sida ay u dirto dhinaca Jubbaland, waxaana ujeedka uu yahay inay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa maamulka Axmed Madoobe oo ay hadda is hayaan dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta Kismaayo ay ka dhacday doorashada Jubbaland, waxaana markii saddexaaad dib loogu doortay Axmed Madoobe, kaas oo ay doorashadiisu diidan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland.

Natiijada soo baxday ee doorashada ayaa lasii ogaaa, waxaana Axmed Madoobe la tartamay laba musharrax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod.

Si kastaba, dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin natiijada doorashada Jubbaland, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.