Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Jubbaland ay ka socoto gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Doorashadan oo uu muran xoogan ka taagan yahay ayaa waxaa lagu soo dooran doonaa madaxweynaha cusub ee hoggaamin doono Jubbaland oo haatan khilaaf culus uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Illaa 4 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ayaa ku tartami doono, kuwaas oo kala ah; 1-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 2- Faysal Maxamed Mataan, 3- Abubakar Cabdi Xasan iyo 4- Dr Cabdi Xasan Xajiin.
Afarta musharrax ayaa shalay hortegay golaha wakiilada saddexaad ee Jubbaland, waxayna usoo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeedkooda, laakiin natiijada doorashada ayaa ah mid lasii ogyahay inuu kusoo baxayo Axmed Madoobe, maadaama uu isagu gacantiisa ku maamulanayo doorashada.
Sidoo kale arrinta kale ee meesha ku jirto ayaa ah in musharixiinta is-diiwaangeliyay ay yihiin kuwa malxiisayaal ah uun, waxaana doorashadan bannaanka ka jooga xubnaha musharixiinta mucaaradka oo iyagana Kismaayo ka wada dhaq-dhaqaaq kale oo siyaasadeed.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dibadda ka joogta doorashada Jubbaland, taas oo iyana saameyn ku leh doorashadaas, waxayna horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulka ka yimaada halkaas, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.
Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka magaalada lasoo dhoobay ciidamo dheeraad ah oo sugayo amniga inta ay socota doorashada.
Jubbaland ayaa mar kasta oo la gaaro doorashadeeda gashay xaaladdan oo kale, waxaana sababta ay tahay in Axmed Madoobe uu isku sii dhajinayo kursiga & inuu sii joogo xafiiska.
Isniin Nov 25, 2024 {HMC} Madaxweyne Cusub oo Sheegay in Lagu doortay Magaalada Kismaayo.
Isniin Nov 25, 2024 {HMC} Dalalka reer galbeedka ayaa ka walaacsan in Ruushka uu ka geysto weerarro dhinaca internetka
Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu dib usoo celiyo wadashaqayntii ay Jubbaland la lehayd dowladda federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyey ayaa khubadiisa musharraxnimo ee doorashada lagu muransan yahay ee la filayo in ay maanta ka dhacdo Kismaayo
“Waxaa jir qodobo aan isku haynay, laakiin waxaan diyaar u nahay hadii aad i doorataan mudane gudoomiye iyo xildhibaano, inaan isku dayayo bal inaan dowladda federaalka ka wadashaqayno oo dib ugu soo noqono miis wadahadal,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Xiriirka Axmed Madoobe iyo DF ayaa meel xun maraya ka dib markii uu diiday inuu joojiyo doorashada dadban ee uu ku qabanayo magaalada Kismaayo iyadoo DF ay dooneyso iney doorasho qof iyo cod ah ku qabato dalka.
Doorashada lagu muransan yahay ee la filayo in ay maanta ka dhacdo Kismaayo waxaa ku tartamaya Afar musharax oo kala ah Feysal Maxamed Mataan, Dr. Cabdi Xassan Xajiin, Axmed Maxamed Islaam, Abubakar Cabdi Xassan.
Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday meel u dhow Nosy Iranja ee dalka Madagascar; isaga oo sheegay in laba doon ay ku qalibmeen badda, kuwaas oo ay saarnaayeen Soomaali badan.
Wasiirka ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka geeriyooday, isaga oo caafimaadna u rajeeyay dhammaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa waxyeellada ka soo gaartay shilkan.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u iftiimiyay qatarta tahriibka, isagoo ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan halista galaangalka badda iyo dhibaatooyinka ku xeeran tahriibka si ay uga badbaadiyaan naftooda qatarta iyo dhibaatooyinka la xiriira safarrada sharci-darrada ah.
“Dowladda Madagascar waxay nagu soo wargelisay in doomahaas qallibmay tan ay 38 qofood ay saarnaayeen 15, kamid ah ay dhimatay, tan ay 32, qof saarnaayeen in ay 9 kamid ah ay dhintee, safiirka noo jooga addis abba iyo xubno kale ayaaan fileynaa in ay berri halkaas tagaan si ay usoo ogaadaan xaaladda halkaas ka jirta”. Ayuu yiri, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladdu si dhow ula shaqeynayso hay’adaha ku habboon ee caalamiga ah, si loo hubiyo badbaadinta iyo soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee badbaaday.
Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa Axaddii shalay in ka badan 250 gantaal ku ridday Isra’il, kuwaas oo qaarkood burburiyay guryo ku yaalla agagaarka magaalada Tel Aviv, sida ay uu xaqiijiyay millatariga Isra’il.
Duqeymaha Xisbullah ayaa yimid maalin kaddib marki ay Isra’il mid ka mid ah duqeymihi ugu cuslaa ku garaacday bartmaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan Sabtidi.
Xisbullah oo wacad ku martay in weerarki Beyruut ay uga aarguda doonto gantaallo ay ku beegsaneyso Tel Aviv, ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo millatari oo ay ku yaalla Tel Aviv iyo nawaaxigeeda.
Booliska Isra’il ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen gantaallada Xisbullah ay ku duqeysay deegaanka Petah Tikvah ee dhaca duleedka bari ee Tel Aviv.
Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ugu yaraan 250 madfac ay Xisbullah ku soo tuurtay shalay Isra’il, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah hawada lagu burburiyay, hase yeeshee inta la qaban waayay ayaa geystay khasaaro isugu jira burbur hanti iyo dhaawac. Ilaa afar qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dhaawacay.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in duqeynti cusleyd ee Sabtidi ay ciidanka Isra’il ku burburiyeen dhisme ka koobnaa sideed dabaq oo ku yaallay bartamaha Beyrut ay tirada dhimashada hadda gaarytay 29 qof.
Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Kaalin Joorjeesku oo ah nin ay siyaasaddiisu jirto midigta fog aadna u naqdiya gaashaanbuurta NATO isla markaana janjeera dhanka Ruushka ayaa si lama filaan ah kaalinta koowaad ugu soo baxay wareega koowaad ee doorashada madaxtinimada dalka Romania ee dhacday Axaddii shalay.
In ka badan 93 boqolkiiba codadka ilaa iyo hadda la tiryay ee doorashada ayuu Georgescu oo 62 jir ah ka helay 22%, halka ra’isulwasaare Marjel Jiyalaaku uu keenay 21%.
Labadan murashax ayay u badantahay in ay ku tartami doonaan wareegga labaad ee kala baxa ah ee doorashada madaxtinimada oo dhici doonta 8-da bisha soo socoda ee December.
Ra’yi ururinti la sameeyay ka hor doorashada ayaa qaarkood qiyaasay in Georgescu uu doorashada ka heli doono codad dhan 5%, hase yeeshee natiijada uu keenay ayaa la yaab ku noqotay Romania iyo Yurub.
Joorjeesku ayaa codbixiyaasha u ballan qaaday in uu kharash gareyn doono lacago badan, iyo in uu dhimi doono canshuurta.
Horay ayuu u cambaareeyay gantaallada difaaca NATO eek u rakiban degmada Deveselu ee dalka Romania, taas oo u uku tilmaamay “Ceeb diblamaasiyadeed.”
Axad 24,Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Axad 24,Nov 2024 {HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo hoggaaminayay wafdi ka socda garsoorka Soomaaliya, ayaa ka qaybgalay shir muhiim ah oo ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo cusboonaysiin lahaa xiriirka ka dhexeeya garsoorka Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu heshiiyay in shirarka dambe lagu kala saxiixo heshiisyo iskaashi, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac ee garsoorka.
Wafdiga ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Maxkamadda Sare ee Dacwadaha Maamulka (Administrative Supreme Court), halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha maxkamaddaas.
Waxa ay wafdiga ay kulan rasmi ah la yeesheen Madaxweynaha Maxkamadda Sare ee Talyaaniga, iyagoo isla soo qaaday muhiimadda iskaashiga labada hay’adood ee garsoorka.
Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdigu waxay soo gaareen Jaamacadda Roma, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Qeybta Sharciga ee jaamacadda iyo khubaro cilmi-baarisyo ku sameeyay Soomaaliya.
Khubaradan ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta garsoorka Soomaaliya iyo sidii cilmi-baarista looga faa’iideysan lahaa si loo hagaajiyo nidaamka sharciga ee dalka.
Booqashadan iyo shirarku waxay astaan u yihiin dedaalka lagu xoojinayo xiriirka dhinacyada sharci iyo garsoor ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.