Home Blog Page 1584

Government warns traders bringing low-standard seeds into the country.

0

Sunday Nov 24, 2024 {HMC} The Minister of Agriculture and Irrigation of the Federal Government of Somalia, H.E Mohamed A. Hayir (Maareeye) who spoke at the farmers association meeting sent a stern warning to the traders who import low-standard seeds, noting that the government will take legal action against them.

This comes as the Ministry recently launched the first-ever agricultural lab in Mogadishu to advance soil testing, pest control, irrigation quality, food safety, and more—paving the way for Somali produce in global markets.

{DAAWO SAWIRADA} Shirka Caafimaadka casriga ah ee Soomaaliya oo Muqdisho Laga furay.

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Labaad Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Abdi Ali Dhaay ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Shirka Caafimaadka ee Tiknoolajiyada Casriga ah ee Soomaaliya.

Shirkani ayaa diiradda saaraya horumarinta iyo isku xirka adeegyada caafimaadka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah, si loo helo nidaam caafimaad oo ka jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Furitaanka shirkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay isbeddelka dhanka tiknoolajiyada iyo caafimaadka, iyadoo laga duulayo sidii loo hagaajin lahaa adeegyada caafimaad ee dalka iyo kor u qaadista tayada daryeelka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Abdisalam Abdi Ali Dhaay oo ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay in horumarinta tiknoolajiyada iyo adeegyada caafimaad ay muhiim u tahay mustaqbalka caafimaadka bulshada, loona baahan yahay wada shaqeyn dheeraad ah oo ka dhaxaysa dowladda, hay’adaha caafimaadka iyo shirkadaha Tiknoolooyiada gaarka loo leeyahay iyo shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa isticmaalka teknoolojiyada casriga ah si loo xoojiyo nidaamyada caafimaad ee Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Xasan Firimbi “Jubbaland aqoonsi ugama baahna DFS.”

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Xildhibaan Xasan Firimbi oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan Jubbaland uga baahneeyn wax aqoonsi ah Dowladda Soomaaliya.

Hadalkan Ayuu ka jeediyay Xildhibaanka hoolka uu khudbada ka jeedinaayay Axmed Madoobe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Maxeey Ka wada hadleen Madaxweyne Ciro iyo Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka.?

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka qaranka ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tegay Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf ayaa waxay labada dhinac iska xog waraysteen shaqadii cusleyd ee doorashooyinkii Madaxtinimo ee dhawaan dalka ka qabsoomay oo u dhacay si daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranku waxay Madaxweynaha la doortay eebbe uga baryeen inuu ku asturo isaga iyo ku xigeenkiisa Mas’uuliyada culus ee ummadu codkooda ku siisay.

Madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Komiishanka Doorashooyinka ku aamanay inay dalka ka hir geliyeen doorashooyin sumcada Somaliland kor u qaaday.

Madaxweynaha la doortay waxaa kale oo kulankaas ku wehelinayey labada Sarkaal ee Xisbiga Waddani u qaabilsan la shaqaynta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo kala ah Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen iyo Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan.

Sudan in danger of becoming a failed state, aid chief warns

0

Sunday Nov 24, 2024 {HMC} War-stricken Sudan is in danger of becoming another failed state because civil society is disintegrating amid a proliferation of armed groups, the head of a leading international aid agency has told the BBC.

As well as the two main warring parties in Sudan – the army and the paramilitary Rapid Support Forces – there are many smaller “ethnic armies” looting and going “berserk” on civilians, Jan Egeland, head of the Norwegian Refugee Council (NRC), said.

“The parties are tearing down their own houses, they are massacring their own people,” he said.

For nineteen months, there has been a brutal power struggle between the army and the RSF, that has forced over 10 million people to flee their homes and pushed the country to the brink of starvation.

“All that I saw confirms that this is indeed the biggest humanitarian emergency on our watch, the biggest hunger crisis, the biggest displacement crisis,” Mr Egeland said, following a trip to Sudan.

In September, the World Health Organization (WHO) said starvation in Sudan “is almost everywhere”.

Soup kitchens have been forced to close due to being underfunded. Egeland said the lack of humanitarian response meant remaining sources of aid are simply “delaying deaths instead of preventing them.”

“Most of Sudan is starving, it’s starving,” he said, adding that starvation has been used as a method of warfare.

Some food security specialists fear that as many as 2.5 million people could die from hunger by the end of this year.

Mr Egeland warned that the world is “failing Sudan completely” by not doing enough.

He told the BBC if Europe wanted to avoid a refugee crisis, it needed to invest in “aid, protection and peace in this corner of the world”.

“It’s an underfunded operation, even though it’s the world’s biggest emergency,” he said.

Thousands of people have been killed since a civil war broke out. Rights groups have also expressed fears that there may be ethnic cleansing and genocide in Sudan.

Despite this, peace talks between the RSF and the army have been fruitless.

“The war will stop when these warlords feel they have more to lose by continuing fighting, than by doing the sensible thing” Egeland said.

SOURCE BBC

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiyaanka in Garowe laga saaro waa muhiim” Duqa Garowe.

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Itoobiyaanka in Garowe laga saaro waa muhiim” Duqa Garowe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dalkaan innaga ayaa iskaleh ogaada, difaaciisana innaga ayaa nagala rabaa

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC}  Dalkaan innaga ayaa iskaleh ogaada, difaaciisana innaga ayaa nagala rabaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Jubaland aqoonsi ugama baahna DFS ee kaliya waxaaa naga dhaxeeya……

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Jubaland aqoonsi ugama baahna DFS ee kaliya waxaaa naga dhaxeeya……

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Nin Yuhuudi ah oo lagu dilay oo Daka Imaaraadka.

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiye diimeed Yahuudi ahaa oo lagu waayay dalka Imaaraadka Carabta la dilay, waxayna wacad ku martay in ay baadi goobayaan ciddii dilkiisa ka dambeysay.

Zvi Kogan, oo xubin ka ahaa ururka Yuhuudda Ortodokska ee Chabad, ayaa la la’aa tan iyo Khamiista, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, arrintaan dhalisay baaritaan ay wadaan hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

“Dilka Zvi Kogan waa dhacdo argagaxiso oo ka dhan ah Yahuudda, shacabka Israa’iil waxa ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay sharciga ku horgeyn doonaan dambiilayaasha dilkiisa ka dambeeyay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Saraakiisha Israel ayaa xiriir la sameeyay qoyska Mr Kogan, oo ah muwaadin Israel-Moldovan ah, tan iyo markii la waayay, ayaa warka soo baxay la si raaciyay.

Wakaalladda Wararka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay baadi-goob ugu jirtay ninka la la’yahay.

Abu Dhabi ayaa horay xiriir rasmi ah ula samaysatay Israa’iil kaas oo salka ku hayay heshiiskii uu Maraykanku gar-wadeen ka ahaa, ee loo yaqaan heshiiskii Abraham.

Madaxweyne Putin oo ku Hanjabay in mar kale isticmaali doono gantaalo cusub

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Dowladda Ruushka waxa ay haystaa kayd gantaallo cusub oo awood leh “diyaarna u ah in la isticmaalo”, ayuu yiri madaxweyne Vladimir Putin, maalin uun ka dib markii dalkiisu gantaal cusub oo nuuca riddada dheer ah ku riday magaalada Dnipro ee dalka Ukraine.

Khudbad aan horay loo sii qorsheyn oo laga sii daayay telefishinka, ayuu hoggaamiyaha Ruushka ku sheegay in gantaalka Oreshnik uu ahaa mid aan la joojin karin, wuxuuna ballan qaaday in uu sameyn doono tijaanooyin kale oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan “jawiyada dagaalka”.

Isticmaalka Ruushka ee gantaalka Oreshnik ayaa soo afjaray toddobaad colaadeed oo sii kordhaysay taasoo sidoo kale keentay in Ukraine ay markii ugu horreysay gantaallada Mareykanka iyo Ingiriiska ku riddo Ruushka.

Volodymyr Zelensky Madaxweynaha Ukraine  ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha caalamka inay bixiyaan “jawaab dhab ah” si Putin “uu u dareemo cawaaqibka dhabta ah ee ficilladiisa”.