Home Blog Page 1681

Maamulka Somaliland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Dagaallada ka dhacaya deegaanno u dhaxeeya Buuhoodle iyo Qorilugud

Jimco 01-November-2024 {HMC} War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland ayaa lagu sheegay in waxa ay ugu yeertay huwanta bariga Laasacaanood ay weerar ku soo qaadeen dadka deegaanka Qorilugud shalay iyo maantabba, laakiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanku ay iska caabiyeen.

Warka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland ayaa lagu yiri “Dagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay Dawladda ka dhisan Muqdisho, iyada oo ku doonaysa in lagu dhaawoco hanaanka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin, waana dagaal uu ka danbeeyo Xasan Sheikh Maxamuud oo ka xun guulaha iyo horuumarka ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladoodu ku tallaabsadeen”.

Wasaaraddu ma soo bandhigin wax cadeymo ah oo la xiriirra eedda ay u jeedisay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in ay ku lug leedahay dagaallada ka dhacaya Qorilugud iyo nawaaxigeeda.

Golaha Ammaanka oo u codeeyay qaraarka lagu dhisay hawlgalka cusub ee UNTMIS

Jimco 01-November-2024 {HMC} Hawlgalka cusub ee loogu magac daray Kalaguurka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo bixiyay (UNTMIS) ayaa maanta ka shaqo bilaabay dalka, wuxuna badalay Hawlgalkii la oran jiray Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa ku sheegay hawlgalka cusub mid muujinaya sida bulshada caalamku ula garab taagan tahay Soomaaliya sidii dawlad adag ay u yeelan lahayd.

“UNTMIS waxa uu xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inuu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan – waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta,” ayuu yiri Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Hawlgalka cusub ee UNTMIS ayaa la sameeyay kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024) soona baxay 30kii bishii ina dhaaftay ee Oktoobar.

Golaha Ammaanku wuxuu qaraarka ku asaasay UNTMIS, iyadoo diiradda lagu saarayo hawllaha hortabinta leh ee muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya. Laga billaabo marka uu guda-galo waajibaadkiisa shaqo, Hawlgalka UNTMIS wuxuu ku dhaqaaqi doonaa fulinta kalaguurka hawllaha oo si marxaladaysan loogu wareejinayo hay’addaha Soomaaliya, Kooxda Qaramada Midoobay ee Ka-hawlgasha Dalka iyo daneeyayaasha kale.

Warar dheeraad ah oo laga helayo Israa’iil oo koonfurta Lubnaan ku qaadday weerarro Cirka ah

Jimco 01-November-2024 {HMC} Israa’iil ayaa qaadday ugu yaraan 10 weerar oo cirka ah arroortii hore ee saaka kuwaas oo ay ku bartilmaameedsatay xaafadaha koonfureed ee Bayruut markii ugu horreysay muddo ku dhow toddobaad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Tani waxay timid ka dib markii ciidamada Israa’iil ay diginin ku siyeen dadka degan aagga koonfureed ee Bayruut in ay halkaa isaga fogaadaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Adraee ayaa barta uu ku leeyahay X, ku sheegay in bartilmaameedyadan ay yihiin “xarumaha iyo dhismayaasha Xisbullah”, ciidamada Israa’iilna ay ka hortagi doonaan tallaabooyinka ay halkaa ka soo qaadayaan.

Ugu yaraan lix qof ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen weerarradan ugu dambeyay, guudahaanna sida wasaaradda caafimaadka Lubanaan ay sheegtay duqeymihii iyo weerarradii dhacay maalmihii la soo dhaafay waxaa ku dhintya dad gaaraya 178 qof.

Dhaawac iyo burbur ayaa sidoo kale jira .

{DAAWO MUQAALKA}Faah faahin Laga Helaayo Dagaalo Kadhacay Inta Udhaxeysa Jiida Buuhoodle Iyo Qurilugud SSC Khaatumo

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}Faah faahin Laga Helaayo Dagaalo Kadhacay Inta Udhaxeysa Jiida Buuhoodle Iyo Qurilugud SSC Khaatumo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Haween la kufsaday oo is daldalay.

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}Haween la kufsaday oo is daldalay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Maxay Kawada Hadlen Aqalka Sare BJFS iyo Baarlamaanka Jaamacadda Carabta?

Jimco 01-November-2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa guddoomay dhambaal kaga yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Maxamed Axmed Al Yamaaxi

Qoraal lagu daabacay barta Aqalka Sare ayaa Hambalyo loogu diray Guddoomiyaha kaalinta uu ka qaatay in Senator Cabdixakiim Macallin Axmed ku guuleysiga xilka Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda & Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Carabta.

“Mudane Guddoomiye, waxaan fursadaan uga faa’iidaysanayaa inaan kuu xaqiijiyo sida ay iiga go’an tahay in aan adkayno xiriir wada shaqayneed oo sal adag oo ay yeeshaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Carabta si aan ugu wada adeegno qadiyadaha qaran ee ay wadaagaan dowladaha ku midaysab Ururka Jaamacadda Carabta” ayaa lagu yiri qoraalka Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xubin ka ah Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, waxaa labada Baarlamaan ka dhaxeeya wadashaqeyn buuxda iyada oo xubnaha labadaan dhinac ay xoojinayaan xiriirka ka dhex jira.

{DAAWO MUQAALKA} Ragii ugudbin Jiray AS Xogaha Kunteenarada Dekadda Muqdisho oo Xukun Adag Lagu riday.

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}Ragii ugudbin Jiray AS Xogaha Kunteenarada Dekadda Muqdisho oo Xukun Adag Lagu riday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} munaasabad lagu soo dhaweynayey ardey wax kusoo baratey dalka shiinaha oo lagu qabtey muqdisho

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}munaasabad lagu soo dhaweynayey ardey wax kusoo baratey dalka shiinaha oo lagu qabtey muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dad ka badan 90 qof oo lagu la’yahay goob Qasa ku taalla oo ay duqeeyeen diyaaradaha Isaa’iil

Jimco 01-November-2024 {HMC} Weerar diyaaradaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsadeen dhismo shan dabaq ah oo degaan ah oo ku yaal Beit Laxyia, waqooyiga Qasa, aya in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 25 carruur ah, ay ku dhinteen ama lagu la’yahay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in weerarka, oo dhacay Talaadadii, ay ku bartilmaamedsadeen qof ilaalo ahaa oo saarnaa dusha sare ee dhismaha kaas oo isticmaalayay doorbin.

Ciidamada Israa’iil ayaa intaas ku daray inay “ka warqabaan” in dhismaha la bartilmaameedsaday uu hoy u ahaa rayid ka cararay dagaalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto farqi u dhexeeya tirada dhibanayaasha ee ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas iyo inta ay iyagu ka war qabaan.

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo Ciidamada Badda Soomaaliya ku wareejiyay Doomaha dheereya

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}Turkiga oo Ciidamada Badda Soomaaliya ku wareejiyay Doomaha dheereya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA