Home Blog Page 1682

{DAAWO MUQAALKA} Ragii ugudbin Jiray AS Xogaha Kunteenarada Dekadda Muqdisho oo Xukun Adag Lagu riday.

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}Ragii ugudbin Jiray AS Xogaha Kunteenarada Dekadda Muqdisho oo Xukun Adag Lagu riday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} munaasabad lagu soo dhaweynayey ardey wax kusoo baratey dalka shiinaha oo lagu qabtey muqdisho

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}munaasabad lagu soo dhaweynayey ardey wax kusoo baratey dalka shiinaha oo lagu qabtey muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dad ka badan 90 qof oo lagu la’yahay goob Qasa ku taalla oo ay duqeeyeen diyaaradaha Isaa’iil

Jimco 01-November-2024 {HMC} Weerar diyaaradaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsadeen dhismo shan dabaq ah oo degaan ah oo ku yaal Beit Laxyia, waqooyiga Qasa, aya in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 25 carruur ah, ay ku dhinteen ama lagu la’yahay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in weerarka, oo dhacay Talaadadii, ay ku bartilmaamedsadeen qof ilaalo ahaa oo saarnaa dusha sare ee dhismaha kaas oo isticmaalayay doorbin.

Ciidamada Israa’iil ayaa intaas ku daray inay “ka warqabaan” in dhismaha la bartilmaameedsaday uu hoy u ahaa rayid ka cararay dagaalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto farqi u dhexeeya tirada dhibanayaasha ee ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas iyo inta ay iyagu ka war qabaan.

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo Ciidamada Badda Soomaaliya ku wareejiyay Doomaha dheereya

0

Jimco 01-Nov-2024 {HMC}Turkiga oo Ciidamada Badda Soomaaliya ku wareejiyay Doomaha dheereya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dib u dhac mise Waa Horumar Warbixinta ay IMF kasoo Saartay Hanaanka maaliyada Dalka?

Jimco 01-November-2024 {HMC} – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka.

IMF ayaa warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Hoos ka aqriso warbixinta IMF oo aan dulmarkeeda idiin soo turjumnay;

Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka.

Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025.

In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida.

Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba.

Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka.

Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hay’adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo.

Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta.

Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha.

Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga.

Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada.

Waxaa sidoo kale dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka.

Kamid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah.

Ugu dambeyn, xafiiska howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wada-hadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda, wasiirka batroolka, gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiin kale oo ka socday dowaldda Soomaaliya.

“People were fed up with war.”

0

Haunted by grim violence, Somali women lead the peace process

Friday 1-Nov 2024 {HMC} Fatuma Ali Iman, 33, was eight-months pregnant in December 2022, when hostility among factions were continuing to rise in Somalia’s Baidoa district.

Despite her vulnerability, Fatuma, was engaged in a low-profile women-led peace advocacy. The Women Peace Network of Baidoa, was campaigning to bring ruling party and the opposition to the negotiating table. Both sides, who represented two different clans, were showing no signs of de-escalation. The social and economic toll on the community climbed.

That December Fatuma, secretary of the network, and her colleagues were on their way to a meeting to discuss how to convince the warring parties to reconcile.

Suddenly, a big blast! A rocket propelled grenade, fired by opposition forces at a passing government vehicle, landed nearby.

The ground trembled, and a cloud of dust and debris filled the air, engulfing the entire area in chaos. People scrambled for safety, screaming in panic.

Fatuma sought safety in a roadside teashop. Her friends ran for their lives in different directions.

“It nearly hit me. I was terrified. I could not see or hear anything for the first few seconds and then all I saw was black smoke and people running away,” she recalls.

When the dust subsided, Fatuma returned home. The day’s meeting was canceled. But not for long.

“We resumed our mission on the third day. We were strong women,” she says. The fighting had led to a complete shutdown of schools and the town’s main market, leaving vulnerable people starving.

The women’s group staged demonstrations and protests wearing red headbands and white flags, issued press statements, mobilized the media, traditional elders, religious leaders, and rallied the public. “We used all possible options to convey the message that the people were fed up with war and it was getting intolerable.

We received crucial support from the traditional elders and religious leaders,” says Fatuma.

“We tried to convince both sides by explaining them how the conflict was impacting everyone in Baidoa, including their own families.

The schools were closed, kids were out of school. We appealed to them to at least care about the future of their own children and stop fighting,” she said.

The women also reached out to the President of Southwest State, opposition leaders, federal MPs, the Speaker of the Federal Parliament, local and clan leaders, religious figures, and anyone who could influence the warring parties.

Despite the risks, the team continued their peace activism.

Their efforts reached the federal government, international partners, including UNDP and the UN Mission in Somalia, and culminated in a reconciliation conference in January 2023, and a historic peace agreement, facilitated by another UN programme on state building and reconciliation.

Fatuma gave birth to her fifth child on 5 February 2023, when there was peace in Baidoa. Within three months, she was back on her campaign, providing training and leadership advice and support to other women and needy people in her community.

Since then, Fatuma and her team have resolved numerous disputes, saved several vulnerable people, including the internally displaced, and people in her communities from disintegration, violence, discrimination and injustice. “The skills I learned from the training we received on non-violent communication have empowered me to make a real difference,” she says.

With increased confidence, she was trusted later in 2023 to lead the Peace Working Group, that was mandated to handle local disputes and communal conflicts.

“I have resolved numerous local disputes, many involving violence within households. I meet them every day as I pass through the town.

Some of them even say they would have committed suicide had they not received our support,” says Fatuma. “I feel motivated when I see I have been able to change peoples’ lives positively.”

Today, Fatuma is a mother of four daughters and two sons, and she continues to advance her campaign.

She feels her success is rare one. “But in my case, I’m fortunate to have full support from my husband and my parents,” she says.

The role of the Joint UN programme, she says, was crucial as it supported women to participate in peace building efforts through capacity building, networking and facilitation.

The Southwest State president Abdiasis Mohamed Hassan Lafta Gareen was also one of the key people who, always encouraged women empowerment. “His backing provided us the confidence to continue,” says Fatuma.

Fatuma’s husband, Mohamud Mohamed Ibrahim is a clan leader and is proud to see his wife taking on a leadership role. Ibrahim takes care of children when his wife is busy with her official work.

“I know what the women group is doing is very risky. In the beginning I used to caution Fatuma but these days I feel less worried,” he says. “She has already demonstrated exceptional leadership skills, and I am proud to support her in all respects.”

Fatuma is one of over 250 women leaders who are directly contributing to building peace in their communities and across Somalia.

They were all supported through the Joint Women, Peace and Protection Programme (implemented by UNDP, UNWOMEN and UNSOM) and funded by the Peace Building Fund and Multi Partner Trust Fund.

“Fatuma’s journey, like that of hundreds of women across Somalia, is a tale of courage. It shows how a few determined women who can no longer suffer ongoing inter-community conflicts, decide to take brave and bold action.

It also shows how the UN through a series of interconnected, carefully crafted interventions can empower these courageous women with knowledge, tools and ultimately confidence to make a huge difference to drive positive change within their communities. United and stronger together to advocate for peace and reconciliation, equipped with advanced techniques such as non-violent communication, their daily work contributes to local dispute mediation, justice and peacebuilding in their communities. These efforts at grassroot level have laid the foundation for larger reconciliation processes to succeed such as the South West State Reconciliation Conference, also supported by the UN.”

Lionel Laurens, UNDP Resident Representative in Somalia.

Today, Fatuma’s bravery and dedication to peacebuilding continue to inspire other women in her community and beyond.

“Nobody could have imagined this kind of active leadership role of women in Somalia a decade ago.

Conflict resolution, dispute handling, clan conflict negotiations, it was all men’s jobs before,” says Fatuma. “Now, as part of the Peace Working Group, young and old women, representatives of youth, the internally displaced, and minority groups all comfortably sit down together with men in equal capacity and play an active role in handling disputes.”

SOURCE 

Fatahaado ku dhuftay Spain oo dad badan ku dhinteen

Jimco 01-November-2024 {HMC} Ugu yaraan 158 qof ayaa ku dhintay musiibadii ugu xumeed ee fatahaadaha ku dhuftay Spain, iyadoo uu socdo gurmad lagu badbaadinayo dadka wajahaya xaaladaha halista ah ee dalkaasi ka taagan.

Khamiistii, in ka badan 1,200 shaqaale, oo ay caawinayaan diyaaradaha drones-ka, ayaa loo diray howlgalka badbaadinta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.

“Waayo-aragnimada ugu muhiimsan hadda waa in la badbaadiyo intii suurtagal ah dadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Pedro Sánchez, xilli uu booqanayay goobaha daadadku ay aadka u saameeyeen.

Waxaa jira meydad ku hoos jira dhismahayaasha daadadku burburiyeena, iyadoo fatahaadihii ugu darnaa ay dhaceen Talaadadii aan soo dhaafnay.

Daadadka waxaa sababay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qaybo ka mid Spain. Ra’iisul wasaare Pedro Sánchez ayaa ku dhawaaqay maalmo baroor-diiq ah oo loo sameynayo dadka ku le’day musiibadan.

Muqdisho oo Laga Dhagax Dhigay Xero lagu tababaro Ciidanka Galeyr

Jimco 01-November-2024 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta dhagax dhigay xerada cusub ee Ciidanka La dagaallanka Argagixisada ee Galeyr ee Booliska Soomaaliyeed.

Dhismaha Xeradaan ayaa loogu talo galay in lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee booliiska, kuwaas oo loo diyaarinayo inay qaadaan howlgallo adag oo lagu xaqiijinayo amniga bulshada.

Xeradaan cusub ayaa astaan u ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan ka hortagga iyo la dagaallanka falalka argagixisada.

Xeradan oo laga dhisayo dhul banaan oo kaabiga u saaran xeebaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhismaheeda maalgelineysa dowlada Mareykanka sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Booliska Somaliyed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, kaas oo sanadkan looga hadlay mowduuc la xariira Dastuurka iyo Haybta Soomaaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.11.2024}

Jimco 01-November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Muuse Cali Xerow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Kiiskii ugu Horreeyay ee Cudurka aadka u faafa ee Mpox oo laga helay UK

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} Hal kiis oo mpox ah – oo hore loo oran jiray furuqa daanyeerka (monkeypox) oo lala xiriiriyay cudur dhawaan ka dillaacay qaybo ka mid ah Afrika ayaa laga helay UK.

Waa qayb ka mid ah dillaaca Clade 1b, kaas oo u muuqda in uu si fudud ugu faafo dadka dhexdooda.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay Mpox in uu yahay xaalad degdeg ah xagaagii.

Bukaanka laga helay cudurka ee UK ayaa dhawaan fasax ku tagay ugu yaraan mid ka mid ah wadamada uu ka dilaacay cudurka ee Afrika wuxuuna bilaabay inuu dareemo xanuun 24 saacadood kaddib markii uu u soo duulay dalka .

Bukaanku waxaa kasoo baxay astaamo u eg hargab 22kii Oktoobar iyo finan laba maalmood kaddib.

Finanka mpox ee nabarrada malaxdu ka buuxaan waxay socon karaan ilaa hal bil. Calaamadaha kale waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun iyo tabar yari.

Bukaanka uu ku dhacay cudurka ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Royal Free Hospital ee qaybta cudurrada faafa ee London.

Tijaabada shaybaarka ayaa lagu xaqiijiyay in caabuqu yahay Clade 1b. Noocan fayrasku ayaa keenay walaac isasoo taraya.