Talaado, 29 October, 2024 {HMC} Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah oo muqdisho laga hirgaliyay.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn
Talaado, 29 October, 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEY
{DAAWO MUUQAALKA} Runtii xarunta xaaladaha deg deg ah wax badan ayeey u tari doonta Bulshada” Dr Dufle.
Talaado, 29 October, 2024 {HMC} “Runtii xarunta xaaladaha deg deg ah wax badan ayeey u tari doonta Bulshada” Dr Dufle.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.10.2024}
Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Shugri Baryare
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} “Dadka Soomaliyeed waa deeqsiyaal howlkar ah, iyaga ayaa ka dambeyay dhismahan”wasirka waxbardshada
Talaado, 29 October, 2024 {HMC} “Dadka Soomaliyeed waa deeqsiyaal howlkar ah, iyaga ayaa ka dambeyay dhismahan”wasirka waxbardshada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} “Xaruntaan waxey wax ka qaban doonta baahiyaha bulshada Soomaaliyeed” Wasiirka Caafimaadka.
Talaado, 29 October, 2024 {HMC} “Xaruntaan waxey wax ka qaban doonta baahiyaha bulshada Soomaaliyeed” Wasiirka Caafimaadka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Jawaahir ”Dadkeena maaha ineey aqbalaan dhibaatooyinka soo noqnoqday”
Talaado, 29 October, 2024 {HMC} Gudoomiye Jawaahir ”Dadkeena maaha ineey aqbalaan dhibaatooyinka soo noqnoqday”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
DFS oo Xaruun Gaar ah u sameeysay Dhaawacyada & Xaaladaha Degdega ah
Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xarunta lagu soo kordhiyay Isbitaalka Madiina ee loogu talagalay in lagu dabiibo dhaawacyada si gurmad degdeg ah loogu fidiyo ayaa bogaadiyay howshaan.
Xamsa ayaa tilmaamay in cashar laga bartay qaraxyadii Dalka ka dhacay oo la diyaariyay xubno Guddi ah si degdeg ah u sameeya gurmad, goob caafimaad oo ku habboon dhaawacyada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah sida ugu dhaqsiyaha badan loo helo.
Shacabka ayuu ka dalbaday in ay xoojiyaan la shaqeynta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda maadaama isku duubni lagu gaari karo hadafka ah in laga soo kabto dhibaatooyinkii Dalka soo maray sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
“In aan is difaacyo ayaa loo baahan yahay, mar haddii maantaba halkaan joogno oo aan casriyeynay gurmadkeenna degdega ah waxa ay ina tuseysaa meesha aan u socono, Isbitaalkeenna qalabka yaalla waxaa la igu sheegay in uusan yaallin xitaa bariga Afrika” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Waxa uu ka hadlay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo qorshaha cusub ee socda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ciidamada ku dhiirrageliyay howlgallada ay wadaan.
Guddiga Gurmadka Qaranka ee horay loo magacaabay ayaa hirgeliyay xarumo loogu talagalay in ay ka jawaabaan xaaladaha degdega ah sida Bangiga Dhiigga lagu keydiyo, goobaha Caafimaadka ee bukaannada lagu daweeyo & xarumo kale.
Doowladdaha Soomaliya iyo Jarmalka oo kawada Hadlay Xiisada Soomalia iyo itoobiya
Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.
Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha AS, wareejinta Howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo xoojinta mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.
Dowladda Jarmalka ayaana Soomaaliya u muujisay taageero iyo garab istaag, waxa uuna ergayga Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke ku ammaanay dowladad Soomaaliya hormaro ay dhinacyo badan ay ku jirto la dagaallanka Al Shabaab ka gaartay dowladda Soomaaliya.
{DAAWO MUUQAALKA} Taliye ku xigeenka Booliska “dhismaha xaruntan wax wayn ayay ka badalaysaa gurmadka deg-deg ah”
Talaado, 29 October, 2024 {HMC} Taliye ku xigeenka Booliska “dhismaha xaruntan wax wayn ayay ka badalaysaa gurmadka deg-deg ah”



