Axad 20-Oct-2024 {HMC}Â Muuqaal Duubihii AS Oo Kasoo Muuqday Maxkamadda Ciidamada
Xubin Ka Tirsaneed Daacish oo Lagu Dilay Puntland
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa sheegay in ay hawlgal ciidan ku qabteen sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish ee ku sugan gobolka Bari.
Muuqaal kooban oo uu baahiyay Taliska Ciidanka PSF ayuu ka soo muuqday Cabdalla Mustaf Abu-deyr oo magaciisa af-garasho ku sheegay Saalim, kaasi oo sida uu xaqiijiyay ka tirsan kooxaha Daacish.
Cabdalla Mustaf Abu-deyr ayaa sheegay, in si uu ugu biiro mileeshiyaadka Daacish uu uga ka yimid magaalada Sakhniin ee Israa’iil, halkaasi oo uu jaamacad ku taalla ka baran jiray cilmiga Injineerinka.
“Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.
“Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay shan xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr.
Qabashada sarkaalkani ayaa imaanaysa, iyadoo ay dhawaan soo baxday warbixin amni oo sheegaysa in ay sii kordhayaan xubnaha ajnabiga ah ee ku biiraya mileeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya.
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka.
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta  Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
Sargaal Katirsanaa Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku dilay iyo Nisa oo…..
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Ciidamo katirsan nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, ayaa la sheegay in gurigiisa hortiisa ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabayay labo xidugle Hanad Axmed Muuse, falkan dilka ah ayaana ka dhacay xaafada Macalin Nuur ee ku dhaw isgooska Ex-koontarool.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ciidanka nabadsugidda ee dilka geestay iyo sargaalka la dilay ay murmeen , kaddibna sargaalka lagu dhuftay dhowr xabbadood sidaasna ugu geeriyooday, waxaana goobta isaga baxsaday ciidankii dilka u geestay.
Meydka sargaalka la dilay ayaa loo qaaday xaruta damnbi baarista CID-da halkaas oo baaritaanno lagu sameenayo, mana jiraan wax war ah oo laamaha ammaanka gaar ahaan booliiska kasoo saareen dilka loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidankooda.
Ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaramka ayaa muddooyinkan bilaanbay in ay ugaarsadaan askarta kale ee ciidanka katirsan, isbuucii hore ayey aheyd markii ciidamo la sheegay in NISA katirsanaayeen ku dileen degmada Afgooye sargaal ciidan iyo askar ilaalo u aheyd.
{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Dalka Burundi
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin.
Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

{DAAWO MUUQAALKA} “Shircigaan malaha Xafiiska Hantidhowrka kaliya ee waa naga dhaxeeyaa”Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.
Axad 20-Oct-2024 {HMC} “Shircigaan malaha Xafiiska Hantidhowrka kaliya ee waa naga dhaxeeyaa”Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {20/10/2024}
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yasiin Daacad & Shugri Baryare
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Puntland kulan dhiiri galin ah usameeyey ciidanka ilaalada canshuuraha Gobolka Nugaal.
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Maamulka Puntland kulan dhiiri galin ah usameeyey ciidanka ilaalada canshuuraha Gobolka Nugaal.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Shir aqoon-isweydaarsi ah oo ku saabsan fahamka Sharciga oo ka furmay muqdisho
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Shir aqoon-isweydaarsi ah oo ku saabsan fahamka Sharciga oo ka furmay muqdisho
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya oo Dadaal ku Bixineeyso sidii ay ugu Mid noqon leheyd Howlgalka cusub ee Soomaaliya.
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Itoobiya oo Dadaal ku Bixineeyso sidii ay ugu Mid noqon leheyd Howlgalka cusub ee Soomaaliya.



