Home Blog Page 1789

Deadly clan conflict in Mudug leaves four dead, 11 injured.

0

Talaado 15-Octo-2024 {HMC} A violent clan conflict broke out on Monday in the Mudug region, resulting in four deaths and leaving 11 others injured, according to local reports.

The clash occurred in villages near the Do’oleey area, involving two rival clan militias from Adado and Galkayo. The conflict reportedly stemmed from a dispute over grazing land, escalating into a deadly confrontation.

No official response has been issued by the Galmudug regional administration concerning the incident.

Clan conflicts are frequent in the Mudug and Galgaduud regions, often driven by disputes over land ownership. These clashes continue to cause significant casualties and instability in the area.

{DAAWO MUQAALKA} Isku day ama dhimo Mid ka mid ah badaha ugu halista badan adduunka

0

Talaado 15, Oct 2024 {HMC} Isku day ama dhimo Mid ka mid ah badaha ugu halista badan adduunka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Baaris lagu bilaabay Siyaasi Muslim caan ah oola dilay

0

Talaado 15, Oct 2024 {HMC} Baaris lagu bilaabay Siyaasi Muslim caan ah oola dilay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Howl-wadaag oo Howlgal Nadaafadeed ka bilaabay jidadka degmada.

0

Talaado 15, Oct 2024 {HMC} Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Howl-wadaag oo Howlgal Nadaafadeed ka bilaabay jidadka degmada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladda Soomaaliya oo awaamiir culus dul dhigtay dekedaha dalka.

Talaado 15-Octo-2024 {HMC} Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.

Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha.

“Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024

Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda dekedaha ka soo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, isla markaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah.

Maalin ka hor, Afhayeenka ciidanka booliska oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la xiri doono ganacsadihii lagu arko isagoo ka ganacsanaya bacaha, waxaana xusid mudan in lasoo xiray xubno ka ganacsanayey Bacda.

“Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka sii yaraanaya isticmaalka bacda, waxaana lagu bedeshay Seledo iyo Baco kale oo maro ama suuf ka sameysan, kuwaas oo dowladdu ay ogolaatay in la isticmaalo.

Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan.

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye “Doorashadan waxaanu doonaynaa inay si xor iyo Xalaala ku dhacdo”

0

Talaado 15, Oct 2024 {HMC} Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye “Doorashadan waxaanu doonaynaa inay si xor iyo Xalaala ku dhacdo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Pep Guardiola Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Xulka Qaranka England.

Talaado 15, Oct 2024 {HMC} Pep Guardiola Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Xulka Qaranka England.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Shekooyinkii Ugu Yaabka Badnaa Ee Laga Diiwaangaliyay Musiibadii Soobe

0

Talaado 15, Oct 2024 {HMC} Shekooyinkii Ugu Yaabka Badnaa Ee Laga Diiwaangaliyay Musiibadii Soobe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Isra’il oo garaacday deegaan ay ku badanyihiin Masiixiyiinta Lubnan

Talaado 15-Octo-2024 {HMC} Sida ay xaqiijisay Hey’adda Laanqeerta Cas ee Lubnan, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen Isniinti guryo ku yaalla waqooyiga dalka Lubnan.

Duqeynta ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshooyinka masiixiga Lubnaan ee dhinaca waqooyi.

Wariyaasha ayaa sheegaya in aaggaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha kooxda Xisbullah. Xisbullah ayaa ku xooggan dhinacyada koofurta iyo bariga Lubnan.
Ma jirto wax faah-faahin ah oo weerarkaasi ku saabsan oo kasoo baxay Isra’il.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib, markii weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbulah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga Israa’iil ay ku dileen afar askari oo dhammaantood ahaa 19 jirro.

Weerarka oo sidoo kale lagu dhaawacay 7 kale, ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay u geystaan Isra’il, tan iyo marki ay milatariga Isra’il billaabeen duullaanka dhulka ah ee ay ka wadaan waqooyiga Lubnan.

Canada oo cayrisay diblamaasiyiin sare oo u dhashay dalka Hindiya.

Talaado 15-Octo-2024 {HMC} Canada ayaa Isniinti shalay ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho a u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso.

Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada.

Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo.
Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar.

Hindiya ayaa in muddo ahba diidaneyd eedaha Canada. Iyada oo ku eedeysay ra’isulwasaare Trudeau nin ajandayaal siyaasadeed ka leh Indiya.