Home Blog Page 179

Maxay Yihiin Ciidanka Ay Dowladda Soomaaliya ka Howlgilineyso Deegaannada Puntland?

0

Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay qorshe dowladda Soomaaliya ku aas aaseyso ciidamo si toos ah u hoos yimaada oo ku sugan deegaannada Puntland ayaa waxaa magaalada Laascaanood saacadihii la soo dhaafay gaarey askar qeyb ah askartaasi oo sugi doona Amniga Caasimadda Dowlad goboleedka Waqooyi Bari.

Askartan ayaa waxaa duleedka Laascaanood ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Firdhiye, isagoo tilmaamay in ay yimaadeen dhulkooda, isla markaasna ay isku diyaariyaan sugida amniga, iyagoo tillaabo ka qaadaya cid kasta lid ku ah Amniga.

“Waxaad u taagan tihiin in aad nabad galyada sugtaan, ciidanka aad ka tirsan ee Xoogga dalka iyo walaalahiina Waqooyi Bari waa in aad is kaashi muujisaan, waxaa tihiin dadkii xoreeyay Laascaanood” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaadir Firdhiye.

Dhinaca kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in Ciidan ka tirsan Xoogga Dalka oo uu hoggaaminayo Jeneraal Jimcaale gaareen magaalada Magaalada Laascaanood.

Askarta ayaa qeyb ka noqon doona sugida Amniga martida ku sugan Laascaanood oo ay qeyb ka yihiin Madaxda Sare ee dalka sida Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamae Cabdi Barre.

Magaalada Laascaanood ayaa martigelin doonta munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha iyo maamulka Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ciidamada Masar Ayaa Dhawaan Lagu Waa In Lakeeno Gudaha Somaliya

0

Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Dowladda Masar ayaa wada qorshe ay ku soo dadajineyso ciidan ay keeni doonto gudaha Soomaaliya, xilli xiisad ay taagan tahay gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska The National oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa baahiyay warbixin la xiriirta qorshaha Masar ee geeska Afrika iyo walaaca ay ka qabaan Aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland.

Masar ayaa muujisay sida lagama maarmaan u yahay ilaalinta amniga Badda Cas oo ah marin muhiim u ah isku socodka Maraakiibta iyo socdaalka.

Qorshaha Masar ayaa ah in Soomaaliya ay keento kumanaan ciidan iyo saraakiil isugu jira, si ay qeyb uga qaataan amniga iyo la dagaalanka AS.

Sidoo kale, Wargeyska The National ayaa tilmaamay in Masar qorsheynayso in la dhiso saldhigyo iskaashi oo lagu ilaaliyo marinka istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab.

“Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma aha oo kaliya arrin siyaasadeed, balse waa mid milatari oo toos u taabanaysa amniga biyaha iyo danaha Masar,” ayuu yiri falanqeeye dhanka amniga ah oo u waramay wargeyska.

Masar ayaa aaminsan tahay in joogitaanka Israa’iil ee waqooyiga Soomaaliya ay horseedi karto in Itoobiya ay hesho taageero militari iyo farsamo oo wiiqi kara cadaadiska Masar ee arrimaha Webiga Niilka.

Xukumadda Qaahira ayaa kamid ah dalalka sida adag uga hor yimid aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo midninada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Sirdoonka Turkiga oo Fashiliyay Weerar gaadmo ah oo Lagu qaadi rabay Dalka Iran.

0

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} Kooxo hubeysan oo ka tirsan Kurdiyiinta ayaa maalmahan isku dayay inay ka gudbaan xadka u dhexeeya Dowladda Ciraaq iyo Iiraan. Hase yeeshee, ka hor inta aysan kooxahaasi gudaha u gelin dhulka Iiraan, waxaa dhaqdhaqaaqooda ogaaday hay’adda sirdoonka Turkiga, taas oo si degdeg ah ula wadaagtay ciidanka Iiraan.

Arrintaas ayaa ku qasabtay Ilaalada Kacaanka Iiraan inay qaadaan tallaabo militari, iyagoo dagaal toos ah la galay kooxaha Kurdiyiinta ee hubeysan, kuwaas oo ugu dambeyn dib looga riixay aagga xadka, sida ay maanta werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Denmark oo ku dhawaaqday inay kordhinayso joogitaanka milatarigooda jasiiradda Greenland.

0

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} Wasaaradda Difaaca Denmark ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso joogitaanka milatariga ee jasiiradda Greenland, iyadoo diraysa kumannaan askari, diyaarado dagaal iyo maraakiib,

waxaana ku biiraya boqollaal askari oo ka socda xulafada NATO. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli indhaha caalamku ku jeedaan Bariga Dhexe, balse Denmark waxay doonaysaa inay xoojiso gacan-ku-haynta amniga Greenland,oo ka mid ah goobaha uu indhaha ku hayo Trump.

War-saxaafadeed rasmi ah oo maanta la soo saaray ayaa lagu sheegay in kordhinta joogitaanka milatariga loogu talagalay xoojinta amniga gobolka Arctic iyo Waqooyiga Badweynta Atlantic, iyadoo la ilaalinayo xarumaha muhiimka ah, la taageerayo hay’adaha ammaanka ee Greenland, lana fulinayo hawlgallo cirka iyo badda ah.

US pauses immigrant visas for citizens of Somalia, over 70 other countries.

0

Wednesday 14 jun 2026 {HMC} The United States said on Wednesday it was suspending the processing of immigrant visas from 75 countries, President Donald Trump’s latest move against foreigners seeking to come to America.

The United States has long rejected visas from people who appear likely to end up needing government welfare, but the State Department said it would now use the same authority for a blanket suspension of immigrant visas based on nationality.

“The Trump administration is bringing an end to the abuse of America’s immigration system by those who would extract wealth from the American people,” State Department spokesperson Tommy Pigott said.

“Immigrant visa processing from these 75 countries will be paused while the State Department reassesses immigration processing procedures to prevent the entry of foreign nationals who would take welfare and public benefits,” he said.

Egypt also reported to be on list

White House Press Secretary Karoline Leavitt posted on X that the countries affected would include Somalia, as well as Russia and Iran.

Leavitt linked to a Fox News article that said other countries affected would include a number of countries with friendly relations with the United States, including Brazil, Egypt and Thailand.

The State Department did not immediately release a full list of countries.

Trump has made no secret of his desire to reduce immigration by people who are not of European descent.

More than 605,000 people deported

The State Department said on Monday that it has revoked more than 100,000 visas since Trump’s return, a one-year record.

The Department of Homeland Security last month said that the Trump administration has deported more than 605,000 people, and that 2.5 million others left on their own.

The latest move does not affect tourist, business or other visas, including for football fans seeking to visit for this year’s World Cup, although the Trump administration has vowed to vet all applicants’ social media histories.

SOURCE:AFP

Mareykanka oo boqolaal askari oo ka tirsan ciidamadiisa ka Daad gureynaayo saldhigga cirka ee dalka Qatar.

0

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} Mareykanka ayaa bilaabay habraaca daadgureynta boqolaal askari oo ka tirsan ciidamadiisa kuna sugan saldhigga cirka ee Al Udeid ee dalka Qatar,

Saldhigga Ciidaanka cirka ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe, iyadoo go’aankan lagu sheegay inuu ka horreeyo suuragalnimada tallaabo militari oo uu amray Trump oo ka dhan ah Iiraan.

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo arrinta xog-ogaal u ah oo la hadlay NBC News, askarta ku sugan saldhigga ayaa loo rarayaa xarumo kale iyo hoteello ku yaalla gobolka, si looga fogeeyo khatar kasta oo iman karta haddii weerar uu kiciyo jawaab-celin militari oo ka timaadda Iiraan.

Itoobiya iyo Israa’iil oo soo gabagabeeyay wareeggii afraad ee wadatashiyada siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

0

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} Itoobiya iyo Israa’iil ayaa caawa soo gabagabeeyay wareeggii afraad ee wadatashiyada siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo ka dhacay magaalada Qudus.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, wadahadalladu waxay diiradda saareen xiriirka labada dhinac, xaaladda Geeska Afrika, Bariga Dhexe, iyo arrimo kale oo caalami ah.

Waxaa sidoo kale laga hadlay iskaashiga horumarinta, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, ilaalinta biyaha, tababarrada, dhisidda awoodaha, iyo xiriirka bulshada ee labada dhinac.

Waxaa kaloo la sheegay in wadahadalladan lagu xaqiijiyeen muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Itoobiya ee gobolka, waxayna ku heshiiyeen in la ballaariyo iskaashiga, la xoojiyo wadahadallada, isla markaana la ilaaliyo wax loogu yeeray dhaxalka taariikheed ee ay wadaagaan.

Sudan police unveil Khartoum security plan as government returns.

0

Wednesday 14 jun 2026 {HMC} Sudan’s police on Tuesday outlined a sweeping security plan to protect the seven localities of Khartoum state, hours before the cabinet and most federal ministries complete their relocation from the wartime seat of Port Sudan.

Brigadier-General Fath al-Rahman Mohamed al-Tom told Sudan Tribune the force will deploy additional officers, reactivate criminal-investigation units and relaunch the “999” emergency call centre to handle civilian complaints.

“Public facilities, bridges and river crossings are priority targets for protection,” al-Tom said, adding that patrols, fixed checkpoints and daily raids had already “dismantled a major cell in East Nile” and delivered “a measurable drop in crime”.

He said the police command had introduced “modern technology” to monitor deployments and pledged “immediate disciplinary action” against any officer found in violation of regulations.

Khartoum’s administrative district was devastated after war erupted in April 2023 between the army and the paramilitary Rapid Support Forces (RSF), forcing ministries to relocate 850 km north-east to Port Sudan on the Red Sea.

The army recaptured the capital in May 2025. A sovereign-council committee has since repaired roads and restored water and power supplies to prepare for the return of an estimated 300,000 civil servants and their families.

Xildhibaan Cabdimahad Liibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland oo aad u dhaliilay.

0

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} “Madaxwayne Dani, wuxuu leeyahay qorshayaal qarsoon oo lid ku ah mabaadi’dii iyo ujeedooyinkii loo asaasay Puntland.

waxa aynu ka jawaabi weyney duulaankii Israa|l ku soo qaaday Diinta & Dalka si gaar ah dadka iyo dhulka Puntland, waxa se yaab leh in Imaaraad oo lagu eedeeyey kala-goynta dalka Soomaaliyeed ay Puntland saacado uga jawaabto.

Waxa habboon in dadka Puntland qaataan tallaabooyinka uu siinayo dastuurka dalka & kan Puntland… lama sii aamusnaan karo.”

Sarkaal Sare oo ka tirsan AS Oo lagu dilay duuleedka degmada Afgooye

0

Arbaco 14 jun 2026 {HMC}Arbaco, January 14, 2026 (HOL) – Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay maanta ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in ninkan la dilay uu kooxda All-shabaab u qaabilsana diyaarinta iyo aasida miinooyinka dhulka lagu aaso ee lagu beegsan jiray ciidamada amaanka iyo dadka shacabka ah.

Howlgalkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu beegsanaaya6 xubno khatar ku ahaa amniga degmada iyo deegaanada ku dhadhaw ayaa lagu khaarajiyay ninkan oo la sheegay in mudo lagu raad joogay.

Howlgalka oo si taxaddar leh ay u fuliyeen ciidanku, ayaa lagu khaarijiyay dhagar-qabahaasi, iyadoo laga soo furtay qori nooca AK-47 ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Warka kasoo baxay NISA laguma shaacin magaca ninkan howlgalka qorsheysna lagu dilay iyo sidoo kale hadey jiraan khasaare kale oo ka dhashay howlgalkan ka dhacay duuleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii wadi doonan ciidamadeed ilaa inta ay ka xaqiijinayaan amniga guud ee dalka.