Jimco 11-Oct-2024 {HMC} Hoggaanka sare ee Maakhir Xildhibaan hore Abdirahman Dhoore oo socdaal ku maraya Sanaag, Haylaan iyo Bari ayaa yiri” Maakhir wey talin doontaa, macdanteedana lama guran doono..”-
Midowga Afrika oo qaaday talaabo dhabarjab ku ah Itoobiya
Jimco 11-Oct-2024 {HMC}Â dii Agoosto, AU waxay qaadatay fikradda istiraatijiyadeed ee hawlgallada ee Taageerada iyo Xasilinta ee Soomaaliya (AUSSOM) waxayna u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ansixiyay 12kii Agoosto. Qaraarka ayaa Soomaaliya siinaya awooda in ay xulato wadamada ciidanka ku deeqaya.
Hawlgalkaan waxa uu yeelan doonaa ilaa 11,911 askari, oo ay ku jiraan 85 rayid ah iyo 680 booliis ah, oo la geyn doono afar qaybood oo muhiim ah,” sida ku cad go’aanka Golaha Ammaanka ee UN-ka.
Howlgalka waxa uu shaqo bilaabi doonaa laga bilaabo 1da Janaayo 2025, waxaana si tartiib tartiib ah uu mas’uuliyadaha amniga ugu wareejin doonaa ciidamada amniga Soomaaliya, howlgalka waxa uu dhamaan doonaan dhamaadka 2028.
Hawlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in diiradda la saaro tallaabooyinka lagu dhisayo nabadda, taasoo ka dhigeysa in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhismaha dowladnimada saaxiibadeeda caalamiga ah.
Masar iyo Jabuuti ayaa ciidamadooda u ballan qaaday AUSSOM, iyadoo ciidamada Masar laga yaabo inay badalaan 3,000 oo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya kuna jira ATMIS.
Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay eryi doonto Askarta Itoobiya, sababtuna waxay tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya.
Soomaaliya wadamo badan ayaa dhaqaale ku haysta oo ciidan u soo diray sida Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Masar iyo Eretareeya oo hada doonaya. Taasi dowlada waxa ay ugu baahantahay qorsho diyaarsan oo wadamadaan ay ugu qaybiso 11 kun oo ciidan ah wadanba inta loo ogonyahay.
Markabka shidaalka ka baari doona xeebbaha Galmudug oo maanta ka gudbaya kanaalka Suez isagoo ku sii jeeda Soomaaliya
Jimco 11-Oct-2024 {HMC} Wasiirka Tamarta dowladda Turkey Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis uu ku sii dhowaanayo xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo la filayo in uu ka billaabo shidaal baaris.
“Markabkeena Oruç Reis, oo ay weheliyaan maraakiibta caawineysa iyo maraakiibta ciidamadeena badda, waxa ay si nabad ah uga gudbeen Kanaalka Suweys, waxayna hadda ku wajahan yihiin Soomaaliya,” ayuu wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.
Markabka ayaa xeebta Istanbul ka soo dhaqaaqay 5-tii October kadib markii loo sameeyey xaflad sagootin ah, oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin Soomaali iyo Turkish ah, oo uu ka mid yahay madaxweyne Reece Tayyip Erdogan.
Howlgalka markabkan ayaa ka dambeeyey heshiis Iskaashi Difaaci iyo Dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.
Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkey.
“Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal,” ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray 3-dii October.
Waxa uu intaas ku daray in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah.
Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood.
Xiriirka Ankara iyo Muqdisho ayaa sii xoogeysanayey sanadihii dhowaa, ayada oo labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo ay ku jiraan kuwa dhaqaale iyo kuwa difaac.
Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 400 maxbuus oo dambiyo…
Jimco 11-Oct-2024 {HMC}Â Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu soo saaray cafis guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somalilamd ku xidhan.
Muuse Biixi ayaana cafis u fidiyay maxaabiis kala duwan oo gaareysa 413 maxbuus, maxaabiistan cafiska loo fidiyay ayaana ah kuwa dambiyada fud fudud galay.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;
Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.
{DAAWO MUQAALKA} War ka so kordhay Saraakiil Mareykan ah oo lagu waayay xeebaha Soomaaliya
Jimco 11 Oct 20224 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa war ka so saartay labo sargaal oo mareykan ah ku waas oo lagu waayay Xeebaha Dalka Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.10.2024}
Jimco 11-10-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyaradda beesha Cali Madaxweyne oo maanta Muqdisho ku doortay gudoon cusub
Jimco 11 Oct 2024 {HMC} Dhalinyaradda beesha Cali Madaxweyne oo maanta Muqdisho ku doortay gudoon cusub
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Muuse Biixi oo cafis u fidiyay 413 Maxbuus oo u xiran dambiyo fudud.
Jimco 11 Oct 2024 {HMC} Muuse Biixi oo cafis u fidiyay 413 Maxbuus oo u xiran dambiyo fudud.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka
Jimca 11 Oct 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Waxaa Caawa Warka So Jeedinaayo Wariye: Cabdi Rahmaan Macalin muuse
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY
Dagaal ka dhacay ismaamulka Tana River ee Kenya oo lagu dilay sideed qof
Jimco 11-10-2024 {HMC} Warrarka ka imaanaya ismaamulka Tana River ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray miliishiyooyin ka soo kala jeeda qawmiyaddaha Soomaalida iyo Munya ee halkaas ku wada nool.
Maamulka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan sideed qof ay ku dhinteen dagaalka oo dhacay maalintii shalay ahayd. Waxa jira dhawaacyo aan tiradooda la sheegin oo isna la kala geeyay isbitaallada.
Boqollaal qoys ayaa ka barakacay tuulooyinka uu dagaalku saameeyay ee Bangale, Nanighi iyo KBC.
Dagaalka ayaa ka soo bilowday todobaad kahor tuulada Caanoole, waxana uu ku fiday tuulooyin dhawra. Dagaalka ugu culus ayaa shalay dhacay.
Ciidamo isugu jira boolis iyo milatari ayaa la geeyay deegaannada ay dagaaladu ka dhaceen si nabad loogu soo dabbaalo.



