Sabti 12-Oct-2024 {HMC} Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab Shidaal oo laga leeyahay Mareykanka
War-murtiyeed xasaasi ah oo kasoo baxay shirkii madaxda Somalia, Masar iyo Eritrea.
Sabti 12-Oct-2024 {HMC} Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo shir saddex geesood ah uga socday magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo saaray bayaan wadajir ah.
Shirkan oo uu marti-geliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi, waxaana diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u fallan-qeeyey xaaladaha jira.
Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.
Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale looga hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka.
Madaxda ayaa ugu dambeyntiina isla gartay in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.
Shirkan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la gaartay Somaliland, kaasi oo dhabaha u xaaraya damaca guracan ee Itoobiya ku dooneyso bad.
Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka;

Wasiir Roobow oo war cusub ka soo saaray arrimaha xajka ee sanadka 2025.
Sabti 12-Oct-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay arrimaha Xajka, waxaana la go’aamiyey goorta la bilaabayo iyo goorta lasoo gabagabeynayo qabashada Baasaboorka.
Maamulka wasaaradda diinta iyo guddiga adeegga xajka ayaa maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabay qabashada baasaboorka, iyadoo lasoo gabagabeynayo bisha horaanta Janaayo.
Sidoo kale waxaa la shaaciyey in xaaji kasta hadda laga rabo lacag dhan $2,000 labo kun oo doollar oo hormaris ah.
Sidoo kale guddiga iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa shaaciyey in dib laga soo sheegi doono qiimaha rasmiga ah ee Xaajiga Soomaaliyeed uu ku soo xaji doono sanadkaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sanadba sanadka ka dambeeya ay yareyn doonto qiimaha lagu soo xajinayo.
Dowladda ayaa hadda ku howlan sidii loo yareyn lahaa qiimaha xajka ee sanadkaan, sidoo kale guddiga loo xilsaaray ka shaqeynta arrimaha Xajka ayaa ka howlgeli doona qabashada baasaboorka.
Guddoomiyaha guddiga adeegga xajka Cali Cibaar ayaa sheegay inay ku howlan yihiin in sanadkaan ay xujeyda Soomaaliyeed helaan adeeg ka wanaagsan kii sanadihii hore.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la bilaabay qabashada Baasaboorada Xujeyda Soomaaliyeed ee daneynaya Sanadkaan in ay soo gutaan waajibaadka Xajka.
Dowladda Soomaalia oo war rasmi ah kasoo saartay in ciidamada Masar ay ka howlgalaan Somalia
Sabti 12-Oct-2024 {HMC} Baaq siyaasadeed wadajira oo ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ka soo saareen madaxda dawladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa lagu muujiyay taageerada loo hayo xoojinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobnimada Jamhuuriayadda Federaalka ee Soomaaliya.
Iyadoo Dawladda Federaalka ay si rasmi ah u soo dhawaysay soo jeedinta ah, in ciidamada Masar ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Labada dowladood ayaa qalinka ku wada duugay in la iska diido wax kasta oo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida qaranimadooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-Sisii waxay baaqooda ku sheegeen in la hormariyo, lana xoojinayo wadashaqaynta dawladaha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku aadan awood siinta hay’addaha dawladda Soomaaliya ee la falgalidda loolannada gudaha iyo dibadda ee ay wajahayso.
Howlaha ugu muhiimsan waxaa laga qabanayaa xoojinta dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan argagixisada, una difaacaan xuduuddaha barriga iyo badda, isla markaana u ilaaliyaan wadajirka wadanka.
Labada Madaxweyne waxa kale oo ay soo dhaweeyeen cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya sanad kii hore.
Sidoo kale waxay boggaadiyeen kulankii golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ee lagu go’aamiyay hawlgalka cusub ee Soomaaliya ee AUSSOM.
Ujeedada howlgalkaas waa in la taageero xasiloonida Soomaaliya, iyadoo la eegayo aragtida hortabinta u leh dawladda Soomaaliya, ciidamada Masar ayaa la qorsheynayaa in markii ugu horeysay ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxay labada dhinac soo dhaweeyeen dalabka Masar ee ah in ciidamadeedu qayb ka noqdaan hawgalka cusub ee AUSSOM.
Howlgalkaan ayaa bedelaya howlgalka ATMIS ee hadda socda, waxaana la qorsheynayaa in lasoo gabagabeeyo, kan cusubna la bilaabo horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka.
Isra’il oo duqeyn cirka ah ku dishay askar ka tirsan Millatariga Lubnaan.
Sabti 12-Oct-2024 {HMC} Millatariga Lubnanayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan.
Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah. War milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday.
Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga ciidanka UNIFIL ayay saraakiishu xaqiijiyeen, in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta. Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay ciidanka Isra’il duqeynayaan saldhiggaasi.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarada. Ciidanka UNIFIL ayaa dhacadadan ku tilmaamay “mid halis ah” waxayna sheegeen in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado.
Faransiiska ayaa u yeertay safiirka Israa’iil u jooga Paris, Talyaaniga iyo Spain ayaa weeraradaasi ku tilmaamay “mid aan qiil dayi karin”. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Israa’iil weydisan doono in aysan garaacin ciidamada UNIFIL. Ruushka ayaa sheegay in ay aad uga caroodeen,waxana ay ka dalbadeen Israa’iil in ay ka fogaato falalka cadawtinimo ee ka dhanka ah ciidamada nabad ilaalinta.
UNIFIL waxa ay ka kooban tahay ilaa 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah iyo shaqaale kale oo ka kala socda ilaa 50 wadan, kuwaas oo badi laga kala keenay dalalka Indonesia, India, Ghana, Nepal, Talyaaniga, Malaysia, Spain, France, Shiinaha iyo Ireland.
Hay’addaha caafimaadka oo lagu qasbay in ay joojiso shaqada ay ka waddo dalka Sudan.
Sabti 12-Oct-2024 {HMC} Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay joojiso howliha caafimaad ee ka wadday xero weyn oo ku taalla Waqooyiga gobolka Darfur ee dalka Sudan, halkaas oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo ruux oo ku barakacay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda.
Xerada Zamzam ayaa dhawaan la xaqiijiyay in ay ka dhex dillaacday macluul kaddib gaajo xoog leh oo soo food-saartay dadka barakaca ah sababo la xiriira colaadda iyo go’doomin ay halkaasi geliyeen garab ka mid ah dhinacyada dagaallamada.
MSF waxa ay sheegtay in ay joojisay dhaqdhaqaaqii ay ka waday xerada Zamzam ka dib markii ay is gargaarki u yaallay deegaanka Al Fashir ay is hortaag ku sameeyeen malleeshiyada kooxda Gurmadka Degdegga ee loo soo gaabsho RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada qalabka sida ee Sudan.
Ciidanka milatariga Sudan ayay sidoo kale ku eedeysay MSF in ay si nidaamsan u xannibayaan gargaarka yaalla meelaha ka baxsan gacantooda. Ka bixista MSF ee xerada Zamzam ayaa khatar gelin karta carruur badan oo lagala tacaallayo nafaqo darro, kuwaas oo ay dhici karto in ay u dhintaan macluul.
Xerada Zamzam ayaa ku nool ilaa 450,000 oo ruux oo barakac ah. Sida ay MSF sheegtay, dadkaasi ayaa bil kasta u baahan ugu yaraan ilaa 100 gaadiidka waaweyn ee xammuulka ah oo cunto ah.
Dagaalka sokeeye ee Sudan ee u dhaxeeya Ciidanka Millatariga iyo RSF ayaa socda muddo 18 bilood ah. Wuxuu sababay masiibo bani’aadannimo oo ballaaran oo ay ku jiraan barakac iyo qax ku yimid in ka badan 10 milyan oo reer Sudan ah.
{DAAWO MUQAALKA} Maxeey ka dhaheen Odaaysha Beesha Sacad Ragii dilka u geystay Nin Ka soo Jeedo Beesha Leelkase.?
Sabti 12-Oct-2024 {HMC} Odayaasha dhaqanka oo wehliyaan maamulka Gobolka, Degmada iyo Taliska Qeybta Booliska Gobolka mudug oo ka tacsiyadeeyay Dil xalay kooxo hubaysan u gaysteen nin xoolo dhaqato ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
MSF workers recount plight of Sudan war victims.
Friday 11. Oct 2024 {HMC} Aid workers with medical charity MSF described on Friday the “nightmare” facing the people of Sudan and appealed for the warring sides to allow humanitarian access as the civil war leads to soaring malnutrition.
The conflict between Sudanese paramilitary chief Mohamed Hamdan Daglo’s Rapid Support Forces, known as the RSF, and the regular military led by army chief Abdel Fattah al-Burhan has killed tens of thousands of people since it began in April last year, unleashing the world’s largest displacement crisis.
Access to the conflict zones is extremely limited, with Doctors Without Borders, which is known by its French acronym MSF, among the few international bodies still operating on the ground.
MSF said at a briefing in Nairobi that 26 million people, or about half the population, face severe food insecurity.
“We’re not talking about an emergency anymore. We’re talking about a nightmare,” said MSF coordinator Claire San Filippo, describing the malnutrition crisis as “terrifying.”
Recently back from Chad, San Filippo recalled meeting a mother of three who fled the violence in the Sudanese city of El-Fasher in Darfur, which has endured intense paramilitary attacks in recent weeks.
“She told me war is everywhere. Everywhere there are killings. Everywhere there are bombings, shootings,” San Filippo said.
It took the mother, who lost eight members of her family in the conflict, a month to reach a camp in eastern Chad.
“What she described is a nightmare. It’s simply hell,” said San Filippo, detailing how many of the refugees were women and children — most of whom had suffered from a dire lack of food, water and basic health care.
“She told me that people are simply dying everywhere.”
San Filippo said MSF recorded acute malnutrition in 32% of people in Zamzam Camp in North Darfur and Nyala in South Darfur.
The army and the RSF have been accused of repeated atrocities in the war, including targeting civilians, indiscriminate shelling of residential areas and looting or blocking aid.
Blockades forced MSF to make the “heartbreaking” decision to stop nutrition activities in Zamzam camp, where famine has been declared, San Filippo said.
“As supplies run low, we had no other choice than to stop care for 5,000 children,” she said.
Beyond the blockades, she described how health care facilities supported by MSF in Sudan’s capital, Khartoum, and in El-Fasher had been “looted, occupied, shelled on multiple occasions.”
Medical workers have been harassed and assaulted, she said, with front lines perilously close to the medical facilities still functioning.
“I woke up at about three, four o’clock in the morning to the sound of heavy machine gunfire,” said Lisa Searle, a doctor who spent four months working in Khartoum.
“This new wave of violence has really … shocked an already traumatized population,” she said.
She emphasized the toll on her Sudanese colleagues: “They’re facing the same trauma that the people that they’re helping are facing.”
SOURCE VOA
Guinea junta bans ministers from travel abroad
Friday 11. Oct 2024 {HMC} Guinea’s military junta chief General Mamady Doumbouya has banned ministers from traveling abroad without his permission and recalled all those currently out of the country, his office announced.
The statement, issued on Thursday, is effective immediately and until the end of the year, the government’s general secretary said.
“On the instructions of the president”, read the statement, “it is required of all ministers on mission abroad to finish up and return to national territory”.
Several ministers are currently abroad.
Government spokesman Ousmane Gaoual Diallo said the decision was made to cut back on public spending.
The measure “reinforces government efficacy while assuring an optimal management of the state’s resources”, he told AFP.
Senior members of government departments and diplomats are still able to represent the country abroad, he added.
Former colonel, Doumbouya, now president of the West African country and promoted to general, seized power in September 2021.
The junta initially bowed to international pressure to hand back power to civilian rule by the end of 2024.
But it has since admitted it will not fulfill the commitment.
Several members of the government have spoken in favor of Doumbouya running in the next presidential election.
SOURCE VOA
Cameroon bans any talk about 91-year-old president’s health
Friday 11. Oct 2024 {HMC} Cameroon has outlawed any discussion about the health of 91-year-old President Paul Biya, a letter shared by the interior ministry said, after Biya’s prolonged absence fueled widespread speculation he was unwell.
Earlier this week, the authorities put out statements saying the president was on a private visit to Geneva and in good health, dismissing reports he had fallen ill as “pure fantasy.”
In the letter to regional governors dated October 9, Interior Minister Paul Atanga Nji said discussing the president’s health was a matter of national security.
From now on, “any debate in the media about the president’s condition is therefore strictly prohibited. Offenders will face the full force of the law,” Nji said.
He ordered the governors to set up units to monitor broadcasts on private media channels, as well as social networks.
Cocoa and oil-producing Cameroon, which has had just two presidents since independence from France and Britain in the early 1960s, is likely to face a messy succession crisis if Biya became too ill to remain in office or died.
Cameroon’s media regulator, the National Communication Council, could not immediately be reached for comment.
The move faced criticism as an act of state censorship.
“The president is elected by Cameroonians and it’s just normal that they worry about his whereabouts,” said Hycenth Chia, a Yaounde-based journalist and talk show host on privately owned television Canal2 International.
“We see liberal discussions on the health of Joe Biden and other world leaders, but here it is a taboo,” he told Reuters.
Press freedom advocacy group Committee to Protect Journalists said it was gravely concerned.
“Trying to hide behind national security on such a major issue of national importance is outrageous,” said Angela Quintal, head of the CPJ’s Africa Program.
Biya has not been seen in public since attending a China-Africa forum in Beijing in early September. His failure to appear as scheduled at a summit in France last weekend further stoked public discussion about his health.
SOURCE BBC



