Home Blog Page 1827

Dowladda Soomaalia oo maanta soo bandhigtay Qaasim Axmed Dhuxul oo AS Ka Tirsanaa

0

Isniin 30-09-2024 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 28 qaybta 21aad , ayaa maanta soo bandhigay Qaasim Axmed Dhuxul Geesey oo loo yaqaano (Suulal Ceyn), kaa oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab uu sanado badan katirsanaa.

Ninkan maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa muddo sideed sano ah katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uuna go’aansaday in uu kooxdaasi isaga soo baxo isku soo dhiibo ciidamo katirsan dowladda, gaar ahaan kuwa ay isku beel yihiin.

Qaasim Axmed Dhuxul ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uga biiray deegaanka Masaajid Cali Gaduud uu kasoo jeedo 8-sanno kahor, waxa uuna ninkan tilmaamay in uu ka qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxa uu sheegay Qaasim Suulal Ceyn in Al Shabaab dhaxdooda ka jiraan dhibaatooyin badan oo sababay in uu kasoo baxo, waxa uuna intaa raaciyay in Al Shabaab ay diinta ka been sheegayaan ayna yihiin kooxda u taagan dhibaateenta shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo dhaweeneysay dagaalyahannada kooxda Al Shabaab kasoo goosaneysa, waxaana xubnaha kasoo laabta fikirka Al Shabaab dowladda geesaa xarumo loogu tala galay in lagu dhaqanceliyo.

Muda Bil Ah Kidib Xil: Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayay

0

Isniin 30-09-2024 {HMC}  Waxaa goordhaw xabsiga laga sii daayay xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo bil ah u xirnaa amar kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, waxaana sii deynta xildhibaanka warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha xabsiga uu ku xirnaa Xildhibaanka.

Sii deynta xildhibaan Maxamed Abiib ayaa timid kaddib amar maanta kasoo baxay maxkamadda sare ee Dastuuriga Somaliland oo sharcidarro ku tilmaantay xariga xildhibaanka, iyadoona amar ku siisay taliyaha ciidanka asluubta in xildhibaanka isla maanta xabsiga laga sii daayo.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muddo bil ku dhaw ku xirnaa xabsi kuyaalla magaalada Hargeysa, waxaana xildhibaanka ciidamada sirdoonka Somaliland ka xireen garoonka diyaaradaha Hargeysa xilli uu Imaaraadka Carabta kasoo laabtay .

Xariga xildhibaan Maxamed Abiib waxaa kasoo horjeestay oo sharcidarro ku tilmaamay golaha wakiiladda Somaliland, waxa ay sidoo kale golaha diideyn dalab uga yimid xeer ilaalinta Somaliland oo dalbaneysay in xildhibaanka laga qaado xasaanadda.

{DAAWO SAWIRADA} Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro

0

Isniin 30-09-2024 {HMC} Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro iyo Wasiirka Maaliyadda XFS oo warbixin ka siiyey horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir muhiim ah waxa uu la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms.

Karin Johansson iyo xubno ka tirsan Xafiiskeeda, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo.

Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay Warbixinta Wasiirka Maaliyadda XFS ee horumarka Dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.

Ms. Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday intii uu kulanku socday in Midowga Yurub ay bixinayaan lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda, lacagtaas oo ay Midowga Yurub ugu talagaleen in Dowladdu wax uga qabato 1-Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa,
2- Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo 3- Horumarinta Waxbarashada loo dhanyahay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii.

{DAAWO SAWIRADA} Midowga Yurub oo Soomaaliya u Balan Qaaday Sagaal Milyanoo Yuuro

  Isniin 30-09-2024 {HMC} Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro iyo Wasiirka Maaliyadda XFS oo warbixin ka siiyey horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir muhiim ah waxa uu la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson iyo xubno ka tirsan Xafiiskeeda, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo.

Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay Warbixinta Wasiirka Maaliyadda XFS ee horumarka Dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.

Ms. Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday intii uu kulanku socday in Midowga Yurub ay bixinayaan lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda, lacagtaas oo ay Midowga Yurub ugu talagaleen in Dowladdu wax uga qabato 1-Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa,
2- Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo 3- Horumarinta Waxbarashada loo dhanyahay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii.

Koonfur Galbeed oo tallaabo culus qaaday kadib dilkii taliyihii ciidamada daraawiishta.

0

Isniin 30-09-2024 {HMC} Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay qaaday tallaabo la xiriirta dilka taliyihii ciidanka Daraawiishta ee degmada Bardaale, kaas oo shalay lagu dilay qarax miino.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Macallin iyo qaar kamid ah askartiisa ayaa ku dhintay miinada, kadib markii ay la kacday gaariga ay saarnaayeen.

Ciidamada ammaanka oo kadib howlgallo sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay illaa 5 eedeysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen dilka taliyaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in shanta qof loo soo qaaday Baydhaba, si loogu sameeyo baariraano dheeraad ah oo ku aadan ku lug lahaanshaha qaraxaasi.

Allaha u naxariistee taliyaha la dilay ee ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday aagga degmadaasi oo uu ka socdo howlgal xoreyn ah oo kooxda AS looga saarayo halkaasi.

Xaaladda degmada ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa saameynta taliyaha iyo askartiisa ee lagu dilay qaraxa miino ee ay u dhigeen kooxda AS.

Horay sidaan oo kale ayaa waxaa qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen AS lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada Baay iyo Bakool ay howlgallo culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo Darawiishta Koonfur Galbeed.

Xiisad culus oo kasoo cusboonaatay gobolka Nugaal kadib dil loo gaystay…..

0

Isniin 30-09-2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in haatan xiisad culus ay kasoo cusboonaatay magaalada Burtinle ee gobolkaasi, taas oo ka dhalatay dil ay ciidanka Booliska u gaysteen nin baxsad ah oo gaari soo dhacay.

Ninka oo gaariga kala soo baxsaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa tegtay degmada Burtinle, waxaana kadib isku dayay inay qabtaan ciidamada ammaanka, balse uu iska rasaaseeyay, taas oo keentay in isagiina la dilo, askari kalena uu dhaawacmay.

Dilka kadib ayaa waxaa gadood sameeyay maleeshiyaad is uruursaday oo ku hayb ah ninka la dilay, waxayna ku sugan yihiin qaybo kamid ah degmada Burtinle ee Puntland.

Xaalad kacsan iyo dhaq-dhaqaaqyo ayaa haatan laga dareemayaa halkaasi, maadaama ay ku wada sugan yihiin ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka ka careysan dilka marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in aan weli la aasin maydka ninka ay dileen ciidanka ammaanka, waxaana maleeshiyaadka ay dalbanayaan in lagu soo wareejiyo.

Waxaa sidoo kale Burtinle gaaray saraakiil ay kamid yihiin taliyeyaasha booliska ee gobollada Nugaal iyo Mudug ee Puntland, kuwaas oo ku baxay xallinta xiisaddaasi.

Puntland ayaa waxaa ku badan isku dhacda hubeysan ee dhex-mara maleeshiyaadka iyo ciidanka ammaanka, waxaana horay deegaano ka tirsan maamulkaasi ugu dagaalamay Booliska iyo maleeshiyaad kale oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

NBA legend Mutombo dies from brain cancer aged 58.

0

Isniin 30 Sep 2024 {HMC} The eight-time NBA All-Star, who retired in 2009, spent 18 years playing in the league for the Denver Nuggets, Atlanta Hawks, Philadelphia 76ers, New Jersey Nets, New York Knicks and Houston Rockets.

Mutombo began treatment for a brain tumour in October 2022.

“Dikembe Mutombo was simply larger than life,” said NBA commissioner Adam Silver.

“On the court he was one of the greatest shot blockers and defensive players in the history of the NBA. Off the floor, he poured his heart and soul into helping others.”

Standing 7ft 2in (2.18m) tall, DR Congo-born centre Mutombo was discovered while studying at Georgetown University and was selected by the Nuggets with the fourth overall pick in the 1991 NBA Draft.

His warm personality and trademark finger-wagging celebration made him a fan favourite.

He twice reached the NBA Finals, first for the 76ers in 2001 and then the Nets (now Brooklyn Nets) two years later.

Known for his defensive game, he led the NBA in blocked shots for five consecutive seasons and blocks per game for a record three consecutive seasons.

Following his retirement both the Hawks and Nuggets retired his number 55 shirt, and in 2015 he was inducted into the NBA Hall of Fame.

Mutombo was a global ambassador for the NBA and carried out humanitarian work in his home country.

“He loved what the game of basketball could do to make a positive impact on communities, especially in his native Democratic Republic of the Congo and across the continent of Africa,” Silver added.

“He was always accessible at NBA events over the years – with his infectious smile, deep booming voice and signature finger wag that endeared him to basketball fans of every generation.”

‘An amazing human being’
Among those to pay tribute were the Houston Rockets, where Mutombo spent the last five years of his playing career.

“Today we mourn the loss of a true ambassador of our game,” they said.

“His fun-loving personality and trademark finger-wagging endeared him to fans around the world, but Dikembe’s true impact was his passion for helping others. Our condolences go out to his loving family and friends.”

Rockets owner Tilman Fertitta added: “Dikembe was beloved by the entire NBA community and his tireless humanitarian efforts left an indelible mark on our league. Our thoughts and prayers are with his wife, Rose, and their children.”

And Daryl Morey, the Philadelphia 76ers basketball operations president, speaking at the 76ers pre-season media day, also remembered Mutombo.

“I knew him personally,” said Morey. “We were together for many seasons, and he’s obviously important to the Sixers franchise as well.

“There aren’t many guys like him. Just a great human being. When I was a rookie GM [General Manager] in this league, my first chance in Houston, he was someone I went to all the time.

“Obviously his accomplishments on the court… but an amazing human being – what he did off the court, for Africa. Rest in peace, Dikembe.”

The Nuggets said Mutombo’s “memory and impact will certainly never be forgotten” while Hawks principal owner Tony Ressler said: “With his jersey in the rafters, his life and legacy will always be remembered in Atlanta.”

  Source BBC

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.09.2024}

Isniin 30-09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Abdi Ahmed Hussein

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Yuutuuber-ka adduunka ugu caansan oo gaadhay Rikoor cusub

0

Isniin 30-Sep-2024 {HMC} Yuutuuber-ka adduunka ugu caansan oo gaadhay Rikoor cusub

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Abshirow. “Markaan yaraa ilaa hadda waligay kama maqnaanin Xuska dhalashada Nabiga SCW”

0

Isniin 30-Sep-2024 {HMC} Gudoomiye Abshirow. “Markaan yaraa ilaa hadda waligay kama maqnaanin Xuska dhalashada Nabiga SCW”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA