Isniin 30-Sep-2024 {HMC} Toogasho wadareed lagu Dilay Dad Badan oo ka dhacday Koofur Africa.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dib ugu soo laabtay magaalada Jabuuti.
Isniin 30-09-2024 {HMC} Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada hadal hayn weyn ka dhalisay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey in madaxweyne Geelle xanuunsaday oo isbitaal loola cararay.
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa bartiisa Twitter-ka (X) kaga hadlay xaaladda Madaxeynaha, isagoo ku bilaabay qoraalkiisa ‘‘Waan ka xumahay Necbanayaal.”
Wasiir Dawaare ayaa qoraalkiisa ku yiri “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa fiican yahay, weliba aad ayuu u fiican yahay runtii, qof waa ka heli wayn karaa hoggaamiye, laakiin qof ma necbaa kartid heer aad gaarto inaad ku habaarto dhimasho qof muslim ah, haa waa jirtaa dhibaato uu ka qabo jilibka midig, maxaa ku jaban, waa qof bini’aadam ah oo aniga iyo idinkaba idinla mid ah.”
Wasiirka Maaliyada iyo qorshaynta Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaan faahfaahin ka sii bixin safarka madaxweynaha iyo waxa ka jira wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.
Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu dibadda safar dibada ah u aaday daweyn, basle ma jirto xaqiijin madax-banaan oo warbaahintu heshay.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muddo dheer xukunka joogay, wuxuuna yeeshay mucaarad badan, ilaa heer uu gaaray in maanta laga sameeyey been abuur sheegaya “inuu dhintay” balse waxay xaqiijisay inuu noolyahay oo weliba socon karo.
Waxaa caawa la arkay Madaxwayne Ismaaciil oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, waxaana muuqata in halis caafimaad uusan ku jirin.
Duufaan xoogan oo ku dhufatay wadanka Mareykanka.
Isniin 30-09-2024 {HMC} Malaayiin qof oo ku nool gobollada Koonfur-bari ee Maraykanka ayaa Axaddii shalay bilaabay howlo isugu jira nadiifin iyo dayac-tir, kaddib marki roobab watay dabaylo iyo daadad ka dhashay duufaanta Helene ay burburiyeen guryo badan, waddooyin iyo buundooyin, laga soo billaamin Florida ilaa Virginia.
Sida ay ku warrantay CNN-ta, duufaanta ayaa gobollada South Carolina, Florida, Georgia, North Carolina iyo Virginia ku dishay dad gaaraya ugu yaraan 89 oo qof.
Wakaaladda wararka ee ayaa iyaduna sheegtay in tirada dhimashada ay tahay 69. Hase yeeshee saraakiisha dowladda ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashada ay intaasi ka badnaan doonto, maadaama wali la la’yahay dadka qaar.
Dadka ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay gobolka South Carolina, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen in duufaantu dishay ilaa 25 qof, kuwaas oo intooda badani ay ku soo dul dhaceen geedo.
Qiyaasta hantida ku burburtay ayaa lagu qaddaray cadad u dhaxeeya 15 ilaa 100 bilyan oo dollar.
Isra’il oo duqeysay dekadda Xudeyda ee Yemen
Isniin 30-09-2024 {HMC} Isra’il ayaa sheegtay in Axaddi shalay ay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaafiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil.
Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddexaad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Sayyed Xasan Nasrallah.
Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda magaalada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warrantay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale.
Dadka magaalada Xudeyda ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta.
Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii wada madaafiicda ay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku garaacayeen Lubnan. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay, in duqeymihi ugu danbeeyay ee Axaddi shalay lagu dilay ugu yaraan 105 qof. Dadka la dilay ayaa ku jira 14 qof oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah.
Xisbullah iyo Isra’il ayaa duqeymo is weydaaranayay tan iyo 7-badi October, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Weeraradi ugu danbeyay ee ay Isra’il ka fulisay
Isra’il waxay Sabtidi sheegtay, in ay dishay ugu yaraan 20 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha ugu sarreysa ee ururka Xisbulllah oo ay ku jiro Xasan Nasrallah.
Marburg virus outbreak kills six in Rwanda
Monday 30, Sep 2024 {HMC} Six people have died from an outbreak of Marburg virus in Rwanda, the health minister has announced.
Sabin Nsanzimana said most of the victims were healthcare workers in a hospital intensive care unit.
Twenty cases have been identified since the outbreak was confirmed on Friday.
Marburg, with a fatality rate of up to 88%, is from the same virus family as Ebola. It spreads to humans from fruit bats and then through contact with bodily fluids of infected individuals.
Symptoms include fever, muscle pains, diarrhoea, vomiting and, in some cases, death through extreme blood loss.
There are no specific treatments or a vaccine for the virus but a range of blood products, drug and immune therapies are being developed, according to the World Health Organization.
Rwanda says it is intensifying contact tracing, surveillance and testing to help contain the spread.
The health minister said officials were tracking about 300 people who had come into contact with individuals affected by the Marburg virus.
He urged people to avoid physical contact, to help curb the spread.
Authorities have previously advised the public to stay vigilant, wash their hands with clean water and soap or sanitiser and report all suspected cases.
Most of the reported cases have been in the capital, Kigali.
The US embassy in the city has advised its employees to work remotely for the next week.
This is the first time Marburg has been confirmed in Rwanda.
Neighbouring Tanzania reported an outbreak in 2023, while three people died in Uganda in 2017.
SOURCE BBC
Djibouti Finance Minister refutes reports of President Guelleh’s serious illness
Sunday 29 Sep 2024 {HMC} Djibouti’s Minister of Economy and Finance, Ilyas Moussa Dawaleh, dismissed reports suggesting President Ismail Omar Guelleh was critically ill after being hospitalized on Saturday.
In a post on X (formerly Twitter), Dawaleh confirmed that President Guelleh is in good health but has an issue with his right knee. He condemned the rumours about the president’s condition, calling out those spreading false information.
“Sorry haters, President Ismail is doing well, and very well, in fact. One can dislike a leader without falling into hatred and slander, even going so far as to wish death upon another Muslim. Yes, he has an issue with his right knee, so what? He is, first and foremost, a human being like you and me. Shame on the prophets of doom,” Dawaleh wrote.
Social media reports had claimed the president was flown to Paris due to a critical illness, with internet outages in Djibouti allegedly aimed at preventing the spread of news about his condition.
President Guelleh, who has led Djibouti since 1999, was notably absent from the General Debate of the 79th Session of the United Nations General Assembly in New York, which many other African leaders attended.
SOURCE

SOMA concluded stakeholders’ meeting on improving freedom of expression, safety of journalists and access to information in Baidoa, South West State
Mogadishu, Saturday September 29, 2024: The Somali Media Association (SOMA) has concluded today a two-day dialogue meeting for the stakeholders on freedom of expression, safety of journalists and access to information in Baidoa city, South West State.
Twenty-five participants comprising of editors, journalists, media managers, Director General of Ministry of Information of South West State, police, judiciary and CSO were the key participants in the dialogue discussion meeting.
The stakeholders’ meeting implemented in partnership with the International Media Support (IMS) and SIDA Sweden has been held at Hotel -Haldoor from 28th to 29th September 2024 in Baidoa city, South West State discussing how to defend freedom of expression.
The meeting was aiming to improve better understanding and remove distrust and mutual suspicion in order to promote access to information, create an environment more conducive to freedom of expression, and ensuring safety of media and journalist.
Moreover, the main purpose of the dialogue meeting moderated by Muhudin Husni , Baidoa city based experienced senior media trainers, was to better understand and reach level of awareness leading to achieve policy safeguarding the related articles written in the constitution focusing on press freedom, access to information and safety of journalists.
During his opening Speech, Omar Mustafa, the Director General, Ministry of Information of South West State reiterated that his administration will guarantee respect for access to information, Press Freedom and safety of journalists and the media.
On his part, Hilal Sheikh Shuaib, Chairman of SOMA indicated the dialogue meeting is aimed to achieve understanding between the government, CSO, police, judiciary and the media which will eventually result to close cooperation and progress in freedom of expression, freedom of the press, safety of journalists and access of the needed information.
In addition, Hilal Sheikh Shuaib , SOMA’s chairperson appreciated IMS and SIDA Sweden for the valuable support to the Somali journalists and Media.
“The goal of the dialogue meeting is to find new ideas to be shared and explore for the best ways that can lead to sustainable solutions for the challenges the Somali media are facing.” Muhudin Husni , senior media trainer pointed out in his brief preliminary presentation at the meeting.
Additionally, the dialogue meeting has been held to coinciding with the marking of the yearly International Day for Universal Access to Information -IDUAI – 28th September 2024 event with the intention to highlighting its significance in the Somalia context.
The meeting discussed that the significance of observing the annual event Universal access to information which demands that every individual has the right to actively seek, receive, and share information.
This right has been explained to be fundamental part of the broader right to freedom of expression. It was indicated that the media plays a vital role in disseminating information on matters of public interest, it also depends on its ability to seek and receive information.
It was highlighted marking of the annual event Universal access to information IDUAI event – 28th September 2024 under the theme ‘Mainstreaming Access to Information and Participation in the Public Sector’ recognize the basic role that access to information plays in empowering our citizens, promoting social equity, and strengthening democratic governance.
SOMA in partnership with IMS has previously implemented similar media Stakeholder Dialogue Meeting related with freedom of expression, safety of journalists and access to information in Beledweyne city, Hirshabelle State on October 2023, in Dhuusamareeb city, Galmudug State on December 2023 and in Kismayo city, Jubbaland State on March 2024.
End
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.09.2024}
Axad 29-09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Maamulka gobolka Banaadir oo amar culus dul dhigay shacabka kunool magaalada Muqdisho
Axad 29-09-2024 {HMC} Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar cusub oo qoysaska iyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho lagu furayo inay isdiiwaan-geliyaan.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan diiwaan-galintan ku cusub caasimadda.
“Maamulka gobolka Banaadir markii ay arkeen tiro koob la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan caasimadda si loo helo xog sugan oo la xiriira waxaa la billaabaya diiwaan-galinta,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.
Waxa uu intaas kusii daray “Qoys kasta waxaa laga rabaa in ay soo gudbiyaan tirada carruurta, oo ay kamid yihiin magacyadooda, kuwa labada waalid, meelaha ay ku dhasheen iyo xogta cid kasta oo la nool qoyska iyo guud ahaan dhacdooyinka kusoo kordha sida; dhalasho cusub, dhimasho iyo ka guurid goobta ay degan yihiin.”
Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir in amarkaan uu dhaqan-gali doono 1-da bisha soo socota ee October.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in diiwaan-gelinta qoyska uu ka caawin doono qoysaska degan caasimadda inay helaan adeegyo dowladood oo ay kamid yihiin helitaanka adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha oo ay kamid tahay daryeelka caafimaadka.
Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay wax badan ka tari doonto sugnaanta xogta iyo inay adkaato in qofka ka been sheego diiwaankiisa, waana mid aad loogu baahna haddii uusan noqon mashruuc cusub oo shacabka lacag looga aruursanayo.
Xasan Sheekh oo shir muhiim ah ka wada magaalada Muqdisho, xilli ay.…
Axad 29-09-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.
Shirkan oo sanadle ah ayaa diiradda lagu saaraya maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta canshuuraha, ilaalinta shuruucda dalka iyo xoojinta dowladnimada, si loo helo nabad-galyo waarta oo horseedda horumar ganacsi iyo maalgashi caalami ah.
“Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqan-gelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa uga digay ganacsatada inay isku-dayaan ka dhuumashada canshuurta ay dowladda soo rogtay, “haddii laga dhuunto waa tuuganimo iyo danbi waana lagugu ciqaabaya, sax ma ahan inaad badasho lambarka Merchant-ga, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu dul istaagay caqabadihii kala duwana ee laga soo maray, si loo soo gaaro marxaladdan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ahmiyadda gaar ah ay siisay dhisidda hay’addaha muhiimka u ah horumarinta bangiyada iyo hirgelinta xeerarka hagaya.
Tan ayuu madaxweynaha sheegay inay sahashay kalsoonida lagu qabo shaqadooda iyo guusha weyn ee suurta-galisay qabsoomidda shirkan sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.
“Kalsoonidii caalamka ee ku aaddanayd nidaamkeenna dowladeed waa wanaagsan yahay. Bangiyada waxaa looga baahan yahay in iyaguna kalsoonida ay ku qabaan maalgashiga iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay xoojiyaan Sharciyada iyo nidaamyada hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaan ku wadnaa dib u habayn.”



















