Axad 29-Sep-2024 {HMC} Saraakiil tababar loogu soo Xeray Baydhabo.
Jabuuti oo war kasoo saartay xaalada Madaxweyne Geelle
Axad 29-09-2024 {HMC} Dowladda Jabuuti ayaa beeniyay warar ku saabsan caafimaadka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in uu wanaagsan yahay Caafimaadka madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle kadib markii ay saacadihii lasoo dhaafay soo baxeen wararkaasi ka deyrinaya xaaladiisa caafimaad.
Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa xaqiijiyay in uu caafimaad qabo madaxweyne Geelle balse xanuun ka dareemayo jilibka midig inkastoo uusan faahfaahin ka bixin xanuunkaasi.
“Madaxweynuhu wuu shaqaynayaa, aad buuna u wanaagsan yahay, waad necbaan kartaa hoggaamiye ilaa heer aad dhimasho ku tilmaanto qof muslim ah… haa jilibka midig waa ka xanuunsaday waa bin’adan” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaale.
Hadalka wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti , ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay shaki la galinayay xaalada nololeed ee Madaxweyne Geelle oo la dhigay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo.
{DAAWO SAWIRADA} MD Xasan oo Daah-Furay Shirka Sannadlaha Ah ee Bangiyada Dalka
Axad 29-09-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo diiradda lagu saarayo maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta Canshuuraha, ilaalinta shuruucda dalka iyo xoojinta dowladnimada, si loo helo nabad-galyo waarta oo horseedda horumar ganacsi iyo maalgashi caalami ah.
“Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqangelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey, haddii laga dhuunto waa tuuganimo iyo danbi waana lagugu ciqaabaya, sax ma ahan inaad badasho lambarka marjantiga, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga, waxayna qeyb ka tahay shaqada dowladda canshuur qaadidda”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay caqabadihii kala duwana ee laga soo maray si loo soo gaaro marxaladdan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ahmiyadda gaar ah ay siisay dhisidda hay’addaha muhiimka u ah horumarinta bangiyada iyo hirgelinta xeerarka hagaya, taas oo sahashay kalsoonida lagu qabo shaqadooda iyo guusha weyn ee suurtagalisay qabsoomidda shirkan.
“Kalsoonidii caalamka ee ku aaddanayd nidaamkeenna dowladeed waa wanaagsan yahay. Bangiyada waxaa looga baahan yahay in iyaguna kalsoonida ay ku qabaan maalgashiga iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay xoojiyaan Sharciyada iyo nidaamyada hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaan ku wadnaa dib u habayn.

Maxaa Ka Soo Kordhay Xariga Xildhibaan Maxamed Abiib?
Axad 29-09-2024 {HMC} Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Cirro ayaa saaka xabsiga ku booqday Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland kaasoo dhowaan ay xireen maamulka Muuse Biixi oo uu ka soo horjeestay.
Ciro ayaa booqashadiisa ka dib qoraalkan soo saaray kaasoo ku bilowday sidatan.
Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib .
Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay.
Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo “
{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-09-2024}
Axad 29-09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yasiin Cali Axmad iyo Sahra Gabre
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan Billabayo Diwaan galinta Dadka ku Nool Muqdisho.
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Maamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan Billabayo Diwaan galinta Dadka ku Nool Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Taliys Cabdullaahi “AS wax Awood ah Malahan ineey shacabka laayaan Mooye”
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Taliys Cabdullaahi “AS wax Awood ah Malahan ineey shacabka laayaan Mooye”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fartaag “Waxaan Billaabi Doonaa Dagaal ka dhan As”
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Wasiir Fartaag “Waxaan Billaabi Doonaa Dagaal ka dhan As”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
{DAAWO MUUQAALKA}”Soomaaliya horumar ballaaran ayay sameysay burburkii kadib.” Xildhibaan Odowaa
Axad 29-Sep-2024 {HMC} “Soomaaliya horumar ballaaran ayay sameysay burburkii kadib.” Xildhibaan Odowaa



